Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Kasoo Horjeestay Heshiis Hordhac Ah Oo Ay Gaareen Galmudug Iyo Ahlu Suna
Muqdisho(RBC Radio) Maamulka Ximan Iyo Xeeb ayaa si cad uga soo horjeestay heshiis hordhac ah oo la sheegay iney gaareen ahlu suna iyo Galmudug, afhayeenka maamulka Ximan iyo xeeb Max’ednuur Hagafeey ayaa ku tilmaamay heshiiskii hordhaca ahaa ee la sheegay iney magaalada Gaalkacyo ku gaareen wafdi ka socda ururk Ahlu suna iyo maamulka Galmudug, Hagafeey ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax heshiis oo aan laga tala galin Ximan iyo xeeb aysan dhex mari karin Ahlusuna iyo Galmudug.
Wuxuuna intaa ku daray in maamulkoodu uusan diidaneen in la mideeyo maamulada ka jira gobolada dhexe oo uu sheegay iney iyagu dhigeen gogol ku aadan arintaas balse waxa uu ka biyo diiday in heshiis ku saabsan maamul u sameynta gobolada dhexe la gaaro iyadoo aan la wargalin maamulkooda oo uu sheegay inuu yahay lafdhabarka maamulada ka jira degaanadaas.
Dhanka kale afhayeenka Madaxatooyada Galmudug C/fataax Daahir Mire ayaa sheegay in heshiiskaas uu aah mid hor dhac ah oo kusaabsan sidii loo mideyn lahaa dhamaan maamulada ka jira gobolada dhexe wuxuuna intaa ku daray in cidkasta ay u furan tahay iney kusoo biirto fikirkeeda iyo aragtideedane loo baahanyahay balse waxa uu cod dheer ugu baaqay maamulka Ximan iyo Xeeb in aysan carqaladen nabada iyo heshiiska la doonayo in la dhexdhigo shacabka iyo maamulada deegaanada gobolada dhexe.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho













Ugu horeen waxan idin sheegaya ineesan macno weyn keenen afayenka ximin iyo xeeb aa diiday heshis galmudug iyo ahla suna ku gaaren gaalkacyo oo mamul goboled gobolada dhaxe looga arinsanayay iyo afayen u hadlay galmudug aa ximin iyo xeeb ugu baaqay inesan car qaladen heshiskan waayo horta rer ximin iyo xeeb galmudug iyo ahlusunna waa hal dad oo wada walala isna jecel arimahan maamul goboled la dhahana diyaarba uma nahin hadan Dowlada Soomaliyed ogeyn oo hoosha wax ka wadin Hadii dowlada ogtahayna waa kheyr batay oo ninkii diida dhan ayaa laga wada yahay ninkii qorshe Dowlada soomaliyed ogeyn wadana asageeba utaal mahuu la aadayo GOBOLADA DHAXE Waa laf dhabarta dalka iyo dowlada
Haddii midnimo ay wanaag ay rabaan in talada wax laga siiyo ayey ahayd ximan iyo xeeb iyadoo weliba aan ognahay in dagaalo beeleedyo maamuladaas qabiiladooda dhex maray ay jiraan si haddaba isu soo dhowaansho iyo nabad loo helo waa in cid walba la qanciyaa taladana wax laga siiyaa oo arrintani khuseyso is xulufeysi iyo tala qabqable waa waxa halka ay somali taallo ina dhigay danta guud iyo masaalixda caamka ah ee danta umaddu ku jirto ilaahay ha idin waafajiyo dadkuna ayaga ayaa laga rabaa in ay nolosha iyo qiimaha nabaddu leedahay fahmaan
Ximan iyo xeeb mas’uuliyiintoodu inta aan ka war hayo waa niman wanaagsan oo daacadnimo, hawl karnimo iyo dadaal badan oo wax qabad muuqda leh sameeyey . in kasta oo aanan tegin haddana waxaan idaacadaha ka aragnay in ay dadaaleen iyagoon haysan ila dhaqaale oo baahida arrimaha bulshada sida amniga waxbarashada caafimaadka iyo caddaalada lagu maarayn karo
waxan isweydinaya mamulka ximan iyo xeeb iyo galmudug sido kale Ehelusuna waljamaca,hadii aay mamul dhistan Reer Sade makula jara mise goni ayuu kayahay? haduse kamid noqdo maxay u’ogaliyihin? masaxse reer Sade Qanqin kara?mida kale dadka dhulkas kunol mayihiin dad heshin kara? oo wax qaybsan kara?hadey heshiyan mayihin dad ku heshiyey wax wanagsan? mise ujedaddu waa dulmi?dhibato abuur.
Waxaan taageersanahey heshiiska iyo wada shaqeynta dhex marta dadka walaalaha ah ee dega degaannadaas oo dhan. Laakiin waxaan kasoo horjeedaa in waqtigaan la dhiso maamul goboleed kale oo aysan ogeyn dowladda dhexe. Maamulka Ximan iyo Xeeb waxey doonaan ha ula jeedeene iney hor istaagaan tillaabadaas aan habbooneyn waan ku ammaanayaa.
Uma baahnin is bar bar yaac danbe iyo fowdo iyo abuurid xaalado kale oo dowladda ku adkeynaya iney gudato waajibkeeda qaran oo loo igmadey.
Ra,iisal wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha labaduba waxey kasoo jeedaan gobollada dhexe. Madaxweynuhu xataa waa reer gobollada dhexe. Iyagaa xal u keenaya gobolladaas qabaa,ilka badan degaane hallaga war sugo ayaan qabaa. Maamulladii hore u jireyna haka sii shaqeeyeen nabad gelyada hana iska kaashadeen.
Xumin iyo xeeb maxaa ugu jira heshiis labo dhinac oo kale galeen? somali waxaa qaribay dhax yaal xumen iyo xeeb cidna lama heshiin waxaana heshiiyey laba maamul oo kale marna heshiiskaas laguma soo qaadin xumin iyo xeeb ayaa ku jurto xubnaha heshiiska saxiixay marka xumin iyo xeeb maxaa gubayo?kol hadii aanan dhulka maamulkaas loo socon maxaa uga jira cida heshiineysa?hadii tusaale G/mudug iyo Puntland wax ku heshiiyaan xumin iyo xeeb looma dhama miyey oraneysaa?anigu ma fahmin waxa ka hadalsiinaya kol hadii maamulo kale ama aan si kale u dhigeee qabiilo kale dhaxdooda heshiinayaan?
Dhamaan inta commentska soo bixisay waxaan filaa in qofkiina uusan fahmin warkan wapsetka soo qoray qof walba siduu doono ayuu u sharaxday xitaa wapka oo nin walba waxuu is tusay in is faham waa iyo khilaaf ka jiro deeganadas xitaa wadad yare oo ugu aragti dheeraa dadka inta badan faalada ka baxsha wararkan raxanreeb lkn waxan idin sheegayaa wax khilaaf iyo muran kama taagna deeganadas iyo maamulada ka jiro waayo Ahla suna waxay rabtaa in dhuuso mareb iyo meelaha ee gacanta ku heeso maamusho Galmudug sidoo kale intee hayaan ximin iyo xeebna intee heesato looguma soo socdo iyadana meelna duulan kuma ahan Dowlada Soomaliyedna dabcan maamul goboled xiligan ma rabtee inen nin walba meesha uu heesto gudoomiye ka tahay la dhahaa la rabaa marka ragan waxaa ka dhaxeya inee isu deestan nin walba meesha uu heesto uu kan kale raali ugu noqdo maadama ay inta badan deeganadoda isku dhex yaacsanyihin oo ay wada dagaan waayo waaba wada walalo hal qoos ah
kkkkkkkkkkk maamulow xaal qaado bal arka kooxda Tiicey oo hadda rafsho ku jirta
ASC, dhamaantiin walaalaha Somaliyeed.
@Banaadir boy, walaalow ma kula tahay in uu Cabdqeeybdiid danta iyo wanaaga Gobolada dhexe wado? Mase kulatahay ruux eey Dowlada Somaliyeed balan iyo cahdi la gali karto? Mase yahay nin nabadeed oo wanaag iyo musaalaxada dadka lagu yaqaan?
@ Qandalaawi, walaal waa mahadsantahay fikirka wanaagsan ee aad ka qabto maamulka Ximan iyo Xeeb. Waana run in dadka maamulkaas wada eey yihiin dhalinyaro is xilqaantay oo aqoonyahano ah, oo wax wanaag ah maahanee, aan haba yaraatee wax dagaaladii foosha xumaa ee ahliga aan ka qeeyb galin.
@ Wadaad yare, walaal, waa sida aad sheegtay maamulka Ximan iyo Xeeb marnaba raali kama noqon doono in maamul beeleed ku feer ordo Dowlada Somaliya laga sameeyo deegaanada Galgaduud iyo Mudug. Waa arrin Dowlada Somaliyeed iyo waliba wasaarada arrimaha gudaha u taal in eey Gudoomiyayal degmo iyo heer gobol oo dadka deegaanka inta laga tala galiyo, Dowlada Somaliya ku tuftaa faataxada oo eey ayada magacowdaa.
Inkastoo eey haboontahay in qeeyr loo niyeeysto kulanka Ahlusuno raga sheegta ee Dhuusamareeb ka tagay, ee la shiray Cabdiqeeybdiid, hadana waa wax la wada qiyaasi karo “dhariga uu Cabdiqeeybdiid kar karinayo waxa saaran”. Markii aan fiiriyay inta mar oo eey nimanka Ahlusuna sheegta (Somaliyoo dhan ayaa ahlusuna ahe) dhaheen “dowlada ayaan ka mid nahay, hadana maya dowlada kuma qanacsani ayeey markale dhaheen. Waxaa ii soo baxday, rag tala haaya ma’ahan, oo talada ayaa ka wareersan, Ilaaheey talada wanaagsan ha ku duwo. Waxaan u maleynayaa sidoo kale in la joogo dadka Galmudug, markii eey qof aan Cabdiqeeybdiid aheeyn uu talada u qaban lahaa. Waana la helayaa dad kaloo badan oo aqoonyahan ah oo umada ka gadmi kara. Somalida waxaa laga rabaa kuwa dagan gobolada dhexe, iyo umada Somaliyeed oo dhan meel kasta oo eey joogto in eey xaqa iyo wanaaga taageeraan. Oo aanan waji caabud, xishood iyo wax la mid ahba loogu aamusan maslaxada umada deegaankaas iyo dalka intiisa kale oo dhan. Waa in madaxda dalka u sheegaan Cabdiqeeybdiid oo ah qabqablaha kaliya ee raja ka qaba in uu howlihii lagu qasaaray ee qab qablinimada sii wato. Taas wax la aqbali kara maahan, cadaaladna maahan. Hadii eey madaxda dalka iyo Dowlada kala gabadaan ninkaan in eey runta u sheegaan, anaga ayaa u sheegeeyna, oo anagoo Ilaaheey la kaashaneeynaa xaqa iyo qeeyrka u hiilineeyna wajihi doonana arrinkaas.
@Mohamed, beesha Sade dabcan Galgaduud waxbeey ka dagtaa, waana qasab ayada kaliya maahanee, reero kale oo badan ayaa Galgaduud iyo Mudug daga, kuligoodna waa in eey talada wax ku lahaadaan, Dowlada Somaliyeed ayaana shaqadaas iyo sida loo kala maareeynaya goboladaas eey tahay in looga dambeeyaa. Laba nin oo dhagarqabayaal ah, oo wax aan dumin iyo dagaal aheeyn looga baran laga yeeli maayo in eey dadka indhaha xabag ka mariyaan. Hadii eey jiraan dad kale gambanya runtana, Ilaaheey mahadiis waxaa kaloo jira kuwa badan oo aan duli iyo dulmi marnaba lagu aqoon in eey qaataan. Viva Somalia.
Horta sideedaba hadaan dhanka wanaaga ah wax laga fiirin marwalba waxaa imaankara isfaham waa iyo muran iyo waxaan dan ugu jirin dadka walaalaha ah ee daga dhamaan gobolada dhexe.Soomaalida dagta gobolada dhexe waa iskudan waana iskudeegaan in mudaa ahna waa laga faaiidaystey iyagoo lakala direy xuduudana lookala yeelay.Su’aasha meesha taal waxaa weeye war maxaa udan ah Soomaalida dagta gobolada dhexe?
Soomaalidu waxay tiraahdaa waa lama huraan coowska jiilaal! Dawlada Soomaaliya iyo dawladii kahoreysaba ee Shiekh Sharief iyo waliba beesha caalamka waxaa qalinka laguwada duugay in ay waajib tahay in hal maamul lagadhiso gobolada dhexe,maamulkaas oo ay kuwada jiraan dhamaan beelaha daga deegaanadaa hadaba yaysan dan ugu jirin arinkaa?Saw markaa mahaboona in beeluhu wada tashi kayeeshaan iyo maamuladuba arinkaa?
Arinka kusaabsan wadahadalka Ahlusunna iyo Galmudug waxaa uu ahaa bal marka hore in lays barto xiriirna layeesho waxayna iska soodhexsaareen gudiyo kashaqeeya sidii lookulmi lahaa markale iyo arima kaloo lamid ah,marka arinku saa yahay oo aynu wada ognahay yaanan la siyaasadeeynin baan anigu oran lahaa.
Ugu dambayn waxaan kusoo gunaanadayaa hadalkayga in maantey Soomaaliya ay midoobayso kala qob qobnaan dambana aysan jireynin waxaana lajoogaa xiligii Gobolada dhexe ay hal maamul dhisan lahaayeen xaqna uleeyihiin inay nabad kuwada noolaadaan.
War waataas ilaahay usoo diray wadaadadi asal ahaan kasoo bilaabmay caabud,waaq ee kaxoreeyay alshabaab markay ku wiil iyo walaal tiray iyo away iyo dagaal oogayaashi maantana inay mideeyaan bay uhowl,galeen reer boob isbaaro iyo argagixoso ku xoog,sadayaal lkn dhalinyarada hogaamisa reer ximan iyo xeeb xoogaa hoosta baad moodaa inay uga daloolan alshabaab markay socdeen dagaaladi ba,naa ee dhuusomareeb galmudugna taakulo bay udiraysay dhanka ehelu suniga ximan iyo xeebna waxay uxaglinaysay alshabaabka xagooda ayaana looga soo duuli jiray oo laga gaadi jiray dhuuso mareeb waxay ugu hor mareen galmudug waa kalsooni inay ku taagerayan fikradooda lkn way ka masayreen reer cadaado ee mush,kilad kale iima muuqato
Asc @CADAADO walal waad mahadnatahay hadaan isku dayo inan aad usoo koobo fakirkayga goboladas ku aadan anigoo ku hadlaya codka inta macangaga ah Ee rer ahla suna galmudug iyo ximin iyo xeeb intooda fakirka siyasiga ahna adigaa u taaganee fakirka aan ka qabo kulankan labada dhinac marka hore si dowladan u hir gasho muwadin walba waa inuu xaafadiisa uu codka iyo magaca ku leeyahay ka bilaabaa olole dowlada lagu taagerayo amnigana kala shaqeyan tusale ahaan xamar markii xaafad xaafad loo islaaxiyo xaafadahii degmoyin bee hoos tagane dagmadii isku xirmato ka dib degmoyinkii gobolka ku xirman gobol walbana isagoo isku xiran oo far qura ah gobolada dalka kusii xiranyihin oo dowlada dhaxe usii wada talisay waa guul aad u weyn marka meesha aan wax ka eegayo waa dhulkena gobolada dhaxe hada alxamdulillah ximin iyo xeeb gaar bay isu soo maamushay guulo ayee joogan galmudug sidoo kale dhuuso mareb oo u danbesayna hal gacan ayee ku jirtaa oo ahla suno kuwa la baxay ah hadana waxa la inkiri karin in sadaxdas mamul ay mid noqdan maadama wada dhalashada mid ku yihin oo hal mel ku aftirsadan waayo markii dowlada magacabeso gudoomiyaha Galgadud dad badan ayaa nala daga marka in mid walbaa naga midaa uu kaligis ordo waa laga fiicanyahay oo dhoor cad aan kala raadsano oo hadii mdken la dhaho gobolkan Dowlada u maamul inan aqbali karno marka inan is xalino waa qasab oo kulanaa arinta cabdi qeybdidna sxb waa muwadin soomaliyed oo danbi galay lkn alle waa danbi dhaafe cadaab daran marka asaga iyo ilaahis qofku waa towbad keeni karaa mida kale xududka gaalkacyo waad ogtahay cida la dariskaa xishod maleh ilaa inee indhahaga ka cabsadan mooye
Dawladda Somalia waa in ay marka hore sugtaa amaanka inta u dhaxaysa Gaalkacayo ilaa Raaskaambooni, oo ay ka shaqayso inay dhisto maamul iyo kala danbeyn. Dabadeedna afti laga qaada in Somalia ay dan u tahay dawladeed goboleedyadda iyo habka fadaralku.
waxay ila tahay in heshiiskaani yahay filin rag ujeeda gaara lehi ay jilayaan , kolley meeshaas daantada iyo wilisaqada aad baa looga yaqaan, wax layiraah galmudug oo maamul midaysan leh, ilama aha in ay jiraan waayo maamulka ina qaybdiid , tima jilic iyo ina caalin kee galay heshiiska? ahlu sunna nimankii labaxay ee mallis zinaawi dhisay waa uu ka dhintay , odayadoodii rag kamid ah sida macallin Maxamuud sh.Xasan waxay sheegeen in aysan jirin urur nuucaasihi, ma waxaa heshiiska saxiixay qoladii caabudwaaq mise dirtii xeraale ina awlibaaxna kismaanyo waa kii aaday?
arrinta haddii run laga rabo gobollada dhexe ummado badan ayaa isla daga maamulna kuma mideysna sida reer ximan iyo xeeb oo kale , cayr waan ognahay meesha xaalkiis marayo , mareexaanna waa muuqdaa maantay , murusade iyo dudublena gacan waxba uguma jiraan , saruurna kolley kama roona , hadaba nimankaan reer sacad ma ruyoonayaan mise waa riwaayad wuxu?
@WADAADYARE
Maamul kaloo ladhisayo adiguba waad ogtahay inuusan jirin waxa kaliya ee lawada doonayaana waa sidii loowada dhisan lahaa hal maamul oo dadkoo dhani kadhaxeeyo dhamaan gobolada dhexe oo dhan.
Nasiibdarada jirtaa baa ah saaxiibkayoow dadka reer cadaado waxaa xoog kuhaysta kooxdan Ximin iyo Xeeb labaxday oo aynu waliba ognahay inay yihiin burcad badeed iyo shabaab is biirsadey manadoonayaan wax horumar ah hadii ay ahaan lahayd in dakad ladhiso,hadii ay ahaan lahayd in burcad badeedka lagasaaro deegaanada oo idil iyo hadii ay ahaan lahayd in maamul loodhan yahay ladhisto .Reer cadaado waxay ubaahan yihiin in laxoreeyo marakana waa loosoo jeestey sidii arinkaa wax looga qaban lahaa oo loosamata bixin lahaa gobolada dhexe oo idilna looga saari lahaa Shabaabka iyo burcad badeeda kuwaasoo qatar ku ah nabada.
@Cadaado
Run ahaantii waa nasiibdaro in dhagahaaga iyo afkaagu ismaqal.Maalinwalba dagaal baad iclaamisaan hadhoowna nabad baad kuwaalataan Odaygii Xasan Diiriya ahaana waad ceebayseen siduu marwalba uqaylidhaaminaayey.
Marwalba oo nabada laga hadlo iyo horumarka waxaa cad inay idindhibayso oo aydun ogolayn in aad nabada qaadataan walaalihiina nabad kula noolaataan!!! Nabad wax kuudhaama malahee nabada qaado hadii aad nabada diidana ogow adaa maantey dadka ugu tabar yar cid aad ugoodin kartidna majirto.
Raage Ugaas
Ninyahow qaabkaad u hadleyso iyo qaabka ay u hadlayaan Cabdi Qeybdiid iyo Ahlusunno waxaa laga dareemayaa in aadnanba ogeyn in dalka dowladi ka jirto oo iyaga lala kaashado qaabka loo furdaaminayo arrimaha maamul u sameynta!
Maadaama dalkii dowlad yeeshey, dowladdana siyaasaddeeda gobolada dalka ay tahey in marka hore maamul heer gobol ah oo ku meel gaar ah la dhiso waa in iyada looga danbeeyo talada.
Maamulka hadda la sheegayo wuxuu la mid yahey kan Jubbooyinka la doonayo in kor looga keeno oo iyadoon kii hoose lasoo dhisin kii kore loo boodo!
Ximan iyo Xeeb intaan la xoreyn Ahlusunnana Shabaabka agtoodaa haka takhalusto, Cabdi Qeybdiidna hasoo mideeyo beeshiisa ayaa ila quman.
@ ugaas raage
cadaado maxaa ku tusay adiga . mise qeybdiid ayaa u shaqeysaa .
abdi kheer diid waa dagal ooge mana noqon karo nin la aamino ok afkaaga sameyso
anaga xoog iyo xeylad waano heynaa hadeyno nahay reer ximin iyo xeeb
ina kheer diide maraqaaga ayaa la cabaa hadaa dulmiga dhafi weydo udayahoow madaxa koonbada qabo
@ Ugaas Raage, masaakiin baad tahay oo maxbuus ugu jira qabyaalad kuu geeysay in aad qabqable dagaal Abdiqeeyrdiid ku daba feeysho. Amaba ha ugu wacnaato fuleeynimo dhexdiina oo aadnaan awoodin ninka dadka ugu liito in aad iska qaban karin; amaba ha ahaato garasho xumo iyo “vision” la’aan. Laakiin si fiican ii maqal, saaxiib, walaahi bilaahi tolaahi in aanaan cabdiqeeyrdiid iyo mooryaan aayaheena iyo masiirkeena ku aamineeyn. Shaqadiina ayeey aheeyd in aad wax duliyeeysan madax aadnaan ku sheegin, marka shaqadiinii ayaan anaga idiin qabaneeynaa, ee bal saaxiib aayar iska fadhiiso, oo caqli amaba “brain” haduu Ilaaheey ku siiyay ka shaqeeysii oo isticmaal.
Mida ah, in madaxdeena sida Tiiceey in aad wax ka sheegto adiga oo mooryaan qab qable dagaal ku hogaamiyo waxeey la mid tahay “digsigii madoowga ku caaynayay kirliga amaba jalmada”
Hogaamiyaha aan anaga iska dhex dooranay iyo kiina (waaba hadii aad hal hogaamiye leedihiin, markii iigu dambeeysay sadex nin ayaa madax idiin aheeyd) bal is bar bar dhig. Waxaan rajeeynayaa in kuwiina wanaagsan inta soo galaan safka hore in aad faashilnimada ka baxdaan.
Hadalada nacasnimada ah ee duugoobay sida “burcad badeed, iyo waa alshabaab reer hebel” waan oganahay in aad Faroole iyo wax la mid ah kasoo amaahatay, saa waa master kaagee. Ee bal ula taga gaalada aad kusoo tuugsan kartaan.
Cidii tabar yar waa la ogaan ee bal mooryaan Cabdiqeeyrdiid hasii sheegto Galmudug ayaan madaxweeyne u ahay, oo ha isku dayo in uu na isbaareeysto amaba uu dhaho dakad baan Hobyo ka furaayaa? Waa la arki in aan taariiqdiisa madow aan kusoo afjarno meeshuu kasoo farcamay asal ahaantiisa, intii u dhib u geeystayna oo nooc walba Somali lehna aan cadaalad u keeno.
@Banaadir boy, walaal waxa eey Somaliya u baaba’day waa is xisaabin la’aan, aanaan la xisaabtamin dambiilayaasha qab qable Cabdiqeeyrdiid oo kale ah. Hadii aad adigu dhinaca kale rabtid in aad eegto, oo aadan arkin “maroodiga weeyn ee qolka ku dhex jira” anigu waa arkaa mooryaan Abdiqeeyrdiid in uusan wax qeeyr soo wadin. Midna ku darso xisaabta, walaalkeeyow, dadka aad sheegtay ee xuduuda Kaalgacyo waqooyigeeda daga waxa naga hortaagan maahan Cabdiqeeyrdiid, ee waa Somalinimo, walaalnimo iyo wada noolaansho aan rabno maantay. Yaanan loo isticmaalin “boogeyman” oo kale oo la isku cabsiiyo kuwa dadka ugu liito. Qaasatan marka eey kuwa Cabdiqeeyrdiid oo kale ah eey yihiin kuwii ilaa iyo waagii aan Hobyo ka kicineenyay Cali Yuusuf cuntada si dhuumaaleeysi ah ugu geeyn jiray habeenkii. Ilaa maantayna waa eey u qidmeeyaan dadkaas, oo waa master kooda. Balse, dadka reer koonfurta ayeey ugu sheekeeyaan been raqiis ah iyo dadkaas waa cadowgeena blah blah blah, ayagoo hadhowna u dhuumanya oo hoosta kaga jira. Mana xuma in xaqa lagu heshiiyo, laakiin markii uu heshiiska dhagar iyo qiyaano baadil ah yahay wax la aqbalayo maahan. Dadka Somaliyeed waa in eey indhaha kala furaan.
Waano abuurisbaa kahoreysay waqti yaanan lagulumin reer Ugeedo Xun.kkkkkkkkkkkkk ximin iyo xaasid waxaa markii horeba loodhisay waxay ahayd xin.
@Cadaado Yarey
waxba dhiikar haysku ridin waan ogahay inaad isku haysato inaad tahay will balo laakiin you are just day dreaming.Waxaan kuugu bishaareynayaa in Gobolada dhexe hal maamul loowada dhan yahay ladhisi doono waana wax adiga kuudan ah maxaa yeelay waad miirbeesheen maalinkasta waxaan dagaal ahayna kamasheekaysaan hadii laydinlataliyana waxaad oranaysaan (Aryaa walaxaan Baroomayhaa) waryaa alahii alayahoo reerkan waashay lataliya….”Waryaa geela lahoo ciinka kaceshada”!
Nabada qaata dulmiga kadaaya walaalihiin, gobolada dhexe oo dhan baa idinka qaylisay! Isbuuc waliba duulaan baad tihiin amar ilaahay badanaa waadna jabtaan marwalba!!!!. warhoy dulmiga kadaaya walaalihiin Soomaalida gobolada dhexe ee aad dariska wadatihiin.
@LUUL ALI
waan ku salaamay.walaal luul Oday maahi wiilyar oo murqa kuus ah baan ahee yaan layscaayin.
Cadaado
Deji arrinta ninyahow. Haddaad gar aad leedahey ku darto xanaaq iyo cay in gartaadi kaa lunto ayaa dhici karta.
Garta meesha taalla waxey tahey gobolka Galgaduud iyo Mudugta Koofureed waxaa wada dega qabaa,il faro badan oo ay ka mid yihiin:
Waceysle,Murusade, Saruur,Duduble,Ceyr,Dir Surre, Mareexaan,Saleebaan,Sacad, Madhibaan, Sheekhaal, Jaaji iyo kuwo kale oonan xusuusan.
Hadda dadka Gaalkacyo ku shirey waa qeyb ka mid ah dadkii meesha degganaa ee ma ahan dhammaantood. Marka intaas yar oo shirtey uma go,aamin karaan inta kale oo ka maqan. Waa arrinta Jubbooyinka ka taagan nafsaddeedi oon waxba ka baddalneyn oo beelo gooniya ku fakarayaan iney kuwii kale wax u go,aamiyaan!
Haddaba si aysan taasi u dhicin waa in dowladda lagala tashado oo iyada looga danbeeyo. Waxa meesha ka jira waa damac qof ahaaneed iyo mid kooxeed iyo laga yaabee in Itoobiya xataa lug ku leedahey oo dowladda lagu jillaafeynayo.
Marka walaal weligaa qabiil iyo ceydiis waxaa ka habboon in la garramo oo si walaaltinnimaa wax la isku tusiyo.
Raage Ugaas
Walaal sidee kula tahey wixii aad Jubbooyinka ku diidaneyd inaad Galgaduud ka sameyso?
@Wadaad Yare
Walaal waan kugu raacsanahay arinka Galgaduud iyo Mudugba madoonayo aslanba raali kama ahi inay noqoto sida qolooyinka Jubooyinka wax udoonayaan oo kale.Saaxiibkayoow waadan ifahmin meesha aan kahadlayo! Reer Galmudug waxaysan xaq ulahayn iyo cadbursi intaba doonimayno,waxa kaliya ee aan doonaynaa waa sidii hal maamul oo qabiilada daga Mudug iyo Galgaduud ay ugu midoobi lahaayeen oo waliba maamulkaasoo lagu wada qanacsan yahay.
Waxa kaliya oo aan ladoonayo dadka daga dhamaan gayiga Soomaaliya nabad lagusoo dabaalo qaasatan Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ee ay dagaalada iyo colaaduhu nagaadiyeen.Walaal waxaan idinladoonayaa waa horumar iyo nabad waarta sidii loogu wadanoolaan lahaa.
Arinka ah ee aad waliba shakiga kamuujisay kuna saabsan Ethiopia inay faraha lasoo gasha ah taa ayada ah Shacabwaynaha reer Galmudug baaba ogolayn oo wax suurtoobaya maaha.Waxaan kaloo kuusheegayaa shacabka kunool deegaanada Galmudug in aad looga taageersan yahay Dawlada Soomaaliya oo uu hogaanka uhayo Mudane Xasan Shiekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Mudane Saacid iyo dhamaan wasiirada iyo waliba qaybaha kale ay kakooban tahay dawlada.Arimaha maamul usamaynta ah ee gobolada dhexe waxaa ay qusaysaa shacabwaynaha Soomaaliyeed ee daga dhulkaa baaxada waynlihi Galmudug iyo Ahlusunnana waa qayb kamida.
Wadaad yaroow waadan ifahminee isku meel baanu hawsha uwadnaa,laakiin waxaan layaabaa qofka wata Cadaado,maxaa yeelay waxa kaliya uu yaqaan waa personal attack.War yaanan lahayn nin xun iyo nin wanaagsan! sidaa weeye arinku marka wadaad yaroow waxaan rajaynayaa in aad kuqanci doontid jawaabtayda waadna mahadsan tahay.
@ Wadaad yare, waad mahadsantahay talada wanaagsan ee aad i siisay iyo hadalkaada xikmadiisa.
@ Ugaas Raage, saaxiib anaga iyo reero badan oo Somali ah ayaa nin xun laheeyn, amaba nin xun hogaamiya ugu yeerin sidiinii oo kale. Marka waa kuu caqli xumo in aad sida kaliya ee aad ku jideen karto qabqable cabdiqeeyrdiid eey tahay in aad dhahdo “yaan nin xun laheeyn”?
Ninkaan qab qablaha ah asaga ayaa ganantiisa taariiqdiisa ku qoray, marka waa in uu aqbalaa maxsuulka iyo natijadii ficiladiisii fool xumaa. Adiga iyo qofkalana kama tir tiri karo fool xumadaas.
Walaal, wadaad yare, waa sida aad sheegtay hab dhaqanka qab qable cabdiqeeyrdiid iyo kuwaan suufiyada ee Dhuusamareeb, waa niman dabino cusub, iyo lug gooyo cusub la war wareegaya. Laakiin, ma shaqeeyn doonto, sababtoo ah indhaha ayaan ku heeynaa quraafaadkooda. Mana ka hibeeysan doono wax ka yar amaba ka hooseeya in eey faraha kala baxaan nimanka dambiilayaasha dagaal ah siyaasada iyo mustaqbalka dadka Somaliyeed guud ahaan, iyo gaar ahaanba Gobolada dhexe. Kana joojiyaan carqalada iyo isbaarada eey rabaan in eey u dhigtaan nidaamka Dowlada. Wasiirka arrimaha gudaha Abdikariin ayaa laga rabaana in uu mooryaantan luqada eey fahmaayaan kula hadlaa. Hadii uusan sameeynina dee waxuu noqon nin aanan kasoo bixin shaqadiisii. Koleeyba waa nin aad u aqoon badan, kana caqli iyo xikmad badan labadaan tuug ee Kaalgayco beenta iskugu sheegay.
Midna waxaan rabaa in aan hoosta ka xariiqo, kasoo horjeedkeeyga nimanka dambiilayaasha waa mid shaqsi, ma’ahan wax beesha dhan aan u qabno. Waxaase shardi ah in beesha kooda aqoon yahanka ah uu hogaamiyo, oo aanaan lala soo shir tagin mooryaan iyo qab qable.
kkkkkkkkkkk somaaliyay warcadaaday anaa war idiin haayay labadii xaq daro ku heshiisa har cad bay is ku laayaan bal ilafiiriya kooxdii dhuxulo jiid ee rer qaran doon ku qaraaban jiray sida banaadir cadaado iyo wadaad yare iyo somaali iyo ugaas wakaas midba mid buu midi uqaataay bal aan idiin faah faah shee tusaale cadaado waxuu lahaa maamulo marabno waxuuna hortaag naa maamulka kismaayo hadana waxuu difaacin xubin iyo xeeb ? bal ilafiiriya banaadir waxuu lahaa dad baa cuqdad ka buuxdaa oo diidan qaranimada hadna waxuu difaacin galmudug iyo qaybdiid? waxaaba kaaga siidaran wadaad yarahii kaabaha u ahaa oo la is dhahaayay asagaaba u qali celinjiray markay iskaga dhex yaado intooda kale waaba dhex dabaashay oo lasaftay caaado oo ay naqotay labo iyo labo cadaado wadaadyare iyo banaadir iy somaali iyo ugaas oo aan meelba haysan oo ku dhex dhumay dhex dooda kolay hadii taageerayaashii reer dhuxulajiid ay saan noqdeen madaxwaynahoodii saacadaha badnaana maxuu soo wadaa kkkkkkkkkkkkk hadaan ani ka dhiibto fikirka cadaado waxay ila tahay in ay marka hore ay wada fariistaan galmudug iyo xumin iyo xeeb markay ku midoobaan lana doodo in ay ugud biyaan ehlusuna markay kumidoobaan 3dooda in ay usii gudbaan jowher iyo baladwayne marka ehlusuna waxaan kasoo tilaabsan xumin iyo xeem oo galmudug baan heshiis lagalin taa waa qalad waana waxa ay d\ kusheega ayadoon xasiln xamar ay ugu socotaa kismaayo iyo meelo kadheer waxayna lamicna tahay ma aqoon sani xumin iyo xeeb amama anay iga mid tahay waxaana ogsoonahay in ilaah baa runta igu jeceleh uu maamulka xumin iyo xeeb uu dhaamo wax badan galmudug iyo ehlusunadaan ordaysa tusaale xumin iyo xeeb ilaa hada waxuu ku egyahay wadankiisa oo hormarsan kumana milmin siyaasada qariman ee reer koonfurka marka waxaan qabaa in ay yihiin nimanka dagan waxna lagu aaminikaro taana waa rayigayga ee yaan loo fasiran in aan dad lasafanahay ana waa ka fogahay kooxda is haysatah kkkkkkkkkk mida dowlada aad ku qaraabanaysaan adeer xamer bay nabad kadhigi wayday ma gobolada dhexay wax uqaban taas waa cirkoo roob laga waayo iyo dhulkoo cows kasoo bixiwaayo laakiin sidii qayra aamiiin xuminna waa waajibka koowaad in talada wax laga siiyo ee aan laga tilaabsan kkkkkkkk
@ cadaado bacaaw iska aamus adiga dadkaan oo dhan hadal kuguma garaan kkkkkkkkkkk abtigey faroole i dhaaf yaah. waji xun maku dhihi karee . hadii kale xeebtan kugu imaana . reer ximin iyo xeeb iigu wada salaam dhaman allaha dhafo. i love my dadkeyga.
mida kale ugaas raage . walal sorry anigaa ina khery diid ayaan wax ka sheegay not u
lkin beshiisan u hilina hadey ka tahay wa hadli kartaa aan filaaa , lkin adiga kuma ceynin
@ Luul Ali, waad mahadsantahay walaasheey. Abtigaa Faroole lama dhaafi karo hadii uu wax u dan ah dadka Puntland iyo Somali oo dhan uusan wadin. Hadii uu wax wanaagsan iyo tilaabo fiican qabtana waan xusi oo sheegi, hadii uu simbiriiraxdana oo qalad sameeyana waa la sheegi.
@ Ciid yare, saaxiib horta been ayaad iga sheegtay, oo aniga haa waan taageersanahay maamulka Ximan iyo Xeeb, oo waxaan kaliya ku taageersanahay dadka hogaamiyo oo dhalinyaro aqoon iyo xikmad leh, iyo ayagoo aanan ku hor ordin, carqaladna ku noqon nidaamka Dowlada dhexe. Marka, X & X, ma ahan maamul dowlad sheegta, ma ahan nidaam lagu soo kar kariyay wadamada dariska ah midkoodna, ma ahan nidaam raba in uu wax u yeeriyo qabaa’ilada kale ee aan dariska ku nahay Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Bas, waxeey rabaan Ximan iyo Xeeb iyo madaxdooda wada noolaansho, is dhexgal, wada shaqeeysasho iyo iskaashi ka dhaxeeya dadka Somaliyeed.
Midna aan hoosta ka xariiqo, waan soo dhaweeyn wadahadal, iyo wanaaga dadka labadaan Gobol wada dega iyo waliba Somalia inteeda kale. Laakiin waxaa shardi ah in dadka dib u heshiisiinta, mideeynta dadka ka shaqeeynayo uu ahaado qof astaamaha hogaamiya fiican, nabad doon ah, aqoon diin iyo mid maadiba leh, karti leh, taariiq wanaagsan oo nadiif ah leh, iyo sifooyin kale oo badan oo uusan buuxin karin qab qable Cabdiqeeyrdiid iyo odaygaan suufiga ah ee Dhuusamareeb kasoo habaabay. Waa labo faashil. Waa laba nin oo runtii sida xogta iyo sirdoonkeena uu cadeeynaya ku xiran shabakad qaswadayaal ah oo eey soo direen kuwa Kismaayo jooga, kuwaas oo eey isku hadaf ka yihiin xagal daacinta Dowlada Somaliyeed iyo soo celinta karaamadii iyo midnimadii dadka Somaliyeed, oo maantay u baahan mideeyn, balse aan u baahneeyn in lagu jahawareeriyo Federal nidaam ah, oo la rabo in dadka Somaliyeed qoorta waligood iskula jiraan, ayagoo waqtiga nolasha qofka Somaliga laga dhigo mid cimri yar, oo gaaban, oo fool xun oo naxariis dara ah inta uu nool yahay. Maamulka Federal ah waa tijaabo kale, oo dadka Somaliyeed la rabo in lagu tijaabiyo. Dad aan xog heeyn amaba cadowga umada Somaliyeed ah waaye dadka u maleeyay in Somalia nidaam Federal ah ka shaqeeynayo. Sidaas owgeed ayadoo dadka la wacyi galinayo ayaa la rabaa in Dowlada Somaliyeed iyo Baarlamankaba eey iska laab laabaan qorshaha nidaamka Federal ka. Laguna badalaa nidaamyo gobolo uu gobol kasta isku filan yahay, hogaaminayaana dadka deegaanka oo dhana eey ka dhex muuqdaan.