Madax-weyne, berrida quruxda badan waa hantida dadka laga haysto oo maanta loo celiyo! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Madax-weyne, berrida quruxda badan waa hantida dadka laga haysto oo maanta loo celiyo!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Janaayo 26 2013
Waxaa hubaal ah in madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud habeenkii uu la hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ay wax weyn ka bedeshay qalbigiisa daqiiqadddii u horeysay ee uu soo galay dhismihii uu kula hadlayay jaaliyadda, waxaana qalbigiisa buuxiyay faraxd aad u baaxad weyn oo dareenkeeda uu qarin kari waayay, si daacad ah oo aan madmadow ku jirinna isagoo qoslaaya waxaa afkiisa uga soo baxay mahad celin iyo duco aan kala joogsi lahayn, “Waad mahadsantihiin! Noolaada!…waa!..”.
Wuxuu madax-weynuhu dareemay in wali Soomaalinimadu nooshahay oo ay si weyn u jirto, isla markaasna dad-weynaha intaas la tiro eg waxa soo saaray si aan kala har lahayn iyadoo lagu jiro xilligii qaboobaha inaysan wax kale ahayn waxa la jecelyahayna ay tahay Soomaalinimmada iyo ciiddii udgoonayd.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo iyadu caan ku ah inaysan ku dhaqmin wax Soomaalinmo ka hooseeya isla markaasna soo dhoweeya qof kasta oo huwan magac xil oo Soomaaliya ka yimaada iyaga oo aan u kala harin ayaa siday caadadooda ahayd habeenkaas soo buuxiyay fagaarihii weynaa ee madax-weynuhu ka hadlayay, waxaana lagu qiyaasay dadkii yimid kulankaas inay 4kun oo qof kor u dhaafeen iyadoo waliba ay ahayd maalin shaqada iyo dugsiyadaba aysan fasax ahayn oo jimce ah.
Madax-weynaha habka uu khudbada u bilaabay ayaa waxaa ka muuqday qiiro wadaninimo iyo waliba inuu dareemay dhab ahaan inuu madax-weyne yahay, iyo inuu dalku leeyahay dad u maqan gude iyo dibadba, xoogga iyo himadda saraysa ee jaaliyadda Minnesota waxay ahayd fariin weyn oo xambaarsan wadaninimada iyo dal jacaylka jaaliyadda, taasoo tusaale fiican u noqon karta shacabka Soomaaliyeed intiisa kale.
Albaabada ilaa la xiray dadka ma joogsan iyadoo waliba ay buuxsantay meeshii shirku ka dhacayay, 2009kii markii uu madax-weynaha Puntland Faroole soo booqday Minnesota sidaas oo kale ayeey u buuxsantay, sidaasoo kalana markii uu madax-weynihii hore SHiikh SHariif Axmed uu yimid isla sanadkaas dhismihii uu jaaliyadda kula shirayay ee Minnesota university waa uu buux dhaafay…
Jaaliyadda Minnesota inta aan ogahay waligood farriin Soomaalinimo ka hooseysa ma gubin, waana farriin aad u wanaagsanaan lahayd in loo dhego nuglaado, waa fariin ay wanaagsanaan lahayd in looga daydo, waa farriin ay wanaagsanaan lahayd in ma’uuliyiinta siyaasadda dalka ay tix geliyaan…. waa Farriin Soomaalinimo!
Marka loo soo noqdo khudbaddii madax-weynaha Xasan Shiikh u jeediyay jaaliyadda Minnesota oo runtii ahayd mid aad u baahsanayd oo meelo badan taabanaysay ayay hadana ahayd mid la oran karo waxay turjumaysay arrimo badan oo dad badan ay ku dhaliilayeen ama ay ku eedayniyeen madax-weynaha.
Madax-weynaha arrintii iigu yaabka badnayd aniga oo uu ka hadlay waxay ahayd markii uu ka hadlayay hantida la kala haysto, eedaha iyo ciil qabka u dhexeeya bulshada qaarkeed oo uusan run ahaantii u abbaarin siday ahayd mas’uuliyadduu huwanyahay, taasoo halkii laga filayay in dadka hantida ka maqantahay uu tuso taageerada ay dowladda u hayso si loogu soo celiyo hantidooda uu ku bedelay inuu dhaleeceeyo ama ku tilmaamo kuwo aan dan ka lahayn aayaha dalka.
Madax-weynaha oo waajibkiisu ahaa inuu dhinaca qaynuunka ka istaago arrinta ayaa dadkii hantida laga dhacay, iyo wax yeelladii loo geystay ka soo qaaday inay yihiin wax tegay (SHalay) loona baahanyahay inay ka sabraan oo aysan xuquuqdooda maqan ka hadlin, u dacwoon, ka daba qaylin , haddii hantidooda la haysto ay ka tegi waayaana ay taasi noqon doonto inay ka harayaan aayaha nolosha (Berri) ama sida uu ugu yeeray berrida soo socota ee quruxda badan, nin dhacan maxay berri qurux u leedahay?!…Meeshii Cirka Laga Filayay Ciiryaamaa Ka Timid!
Madax-weynuhu markuu arrintaas ka hadlayay labo jidba waa u furnaayeen si uu ummadda u kasbbado xaq-soorna u tuso, laakiin qabkii lagu xamanayay buu dadka la hor yimid isagoo aad moodo inuu si kas ah uga leexanayo oraahdii ay dowga u lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee eedaha tirsanaya, hantidoodii la haysto, la dhacay, la laayay ama siyaabo kale wax u tirsanaya.
Madax-weynihii dalka ayuu ahaa, marka hore waxaa waajibkiisa ahaa inuu si cad oo aan leexleexasho lahayn u cadeeyo in dadka haysta hantida aysan lahayn ay ciqaab mudan doonaan haddii aysan celin hantidaas, isla markaasna uu tuso dadka inay arrintaas ka go’antahay, isla markaasna uu ku hawl galo sidaas.
Jidka labaad ee u furan wuxuu ahaa inuu ka tacsiyeeyo muujiyana sida arrintaas xanuun ugu hayso isla markaasna la yimaado qorshayaal uu ka soo fekeray oo aan ahayn dadka xoogga ku haysta hantida dadka kale ha loo daayohaddii uusan macnaha ka wadin sida dadka qaarkii u qaateen inuu rabo in hantida dadka la haysto sidaas lagu qaato. waxayna ka soo hor jeeddaa Tiirka ugu horeeya tiirarkiisa lixda ah ee sida uu sheegay ay hadda xukuumaddiisa u hawl gelayso…. Xagee bay salaaddu iska qaban la’dahayna?!
Murti baa ahayd, Maanta Muuqaalkii SHalay Bay Leedahay! Macnaha xumaantii aad shalay samaysay maanta wanaag ma noqonayso, sidaasoo kalana wanaaggii aad shalay samaysay maanta xumaan noqon maayo, sidaasoo kale murti carbeed baa macnaheedu ahaa Maanta Waa DHashii SHalay! Oo loola jeedo waxa maanta jiraa wixii shalay jiray baa dhalay, marka madax-weynuhu hadduu maanta oggolyahay in dadka waxooda xoog lagu haysto, maxay tahay quruxda berry ay yeelanayso ee dhaafaysa.. Madax-weyne, berrida quruxda badan waa iyadoo dadka hantidooda la haysto maanta loo celiyo!
Isla qodobkaan waxaa sidaa si ka haboon ug hadlay madaxa-weynaha Puntland Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ed, isagoo waliba ka hadlaya isla goobta uu madax-weynaha Federaalka Soomaaliyeed ka hadlayay ee Minneapolis Convention, 2009kii iyadoo ay ku beegnayd saqdii dhexe oo ay soo gelaysay 1dii Luulyo, isagoo la hadlaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, “Haddii lays hor wado mar kasta wixii dhacay, markaas waxaad u xirnaanaysaa oo maxbuus u ahaanaysaa taariikhdii tagtay, ee taariikhda soo socota ka qayb qaadan maysid, marka ha lays cafiyo oo ha laysku soo noqdo!” …ha lays cafiyo oo ha laysu soo noqdo laakiin ma aha hantida dadka xoogga looga haysto ee muuqata baan axlaalayniyaa mustaqbal fiicanna oo quruxsanna waan bala qaadayaa.
Hadalkaas ma ahayn mid qabta dadka hantidooda xoogga lagu haysto, waxaana loo macnaynsan karaa in madax-weynahu taageero siyaasadeed ku raadinayay inuu sidaas u hadlo, daacadna uusan ka ahayn arrinka, iyadoo waliba maalmo yar ka hor intuusan hadalkaan jeedin uu ganacsade Yuusuf Jaamac Degel (Yuusuf-Cambecambe) oo ah ganacsade la yaqaan uu dawladda dacwad u sii mariyay war-baahinta si loogu soo celiyo Hotel Degel iyo dhulkiisii uu ku lahaa magaalada Muqdisho, sidaao kalana waxaa xafiisyada dowladda ee magaalada Mudisho tuuran dad hantidoodii la haysto oo dacwo ah.
Intii uu madax-weynuhu khudbayniyay sacabka ma kala go’in laakiin ma ahayn inaan dhaliilahaan loo jeedin, waxaana jiray qayb kale oo ka mid ah jaaliyadda oo banaanka tabeelayaal la taagnaa aadna u dhaliilsanaa guud ahaan siyaasadda madax-weyne Xasan Ma’ud, waxaana madax-weynaha shacuurtiisa ka dhex muuqanayay walaac weyn oo uu ka qabay banaan baxa lagala hor yimid inkastoo uu isku dayayay inuusan waxba ka soo qaadin oo aan culayskaas laga garan hadana wuu muujiyay sida uu uga xummaaday.
Wuxuu madax-weynaha carabka ku dhuftay inuusan nidaamka Federal-ka ah diidanayn laakiin loo baahanyahay in lays weydiiyo Federal noocee ah?! Uma malayniyo federal macnayn gaar oo cusub inuu maanta u baahanyahay, hasa yeeshee madax-weynaha ayaa sheegay in federal-ka aan la qabiilayn ama aan qabyaaladda la siyaasadayn taaso fasiraysa sida uu u qaatay ama u fahmay madax-weynaha nidaamka federal-ka ah ee ay maanta dad baadan oo Soomaali ah doonayaan in dalku qaato.
Hasa yeeshee inta aan la gaarin middaas uu madax-weynaha tuhunsanyahay waxaa meesha yaala oo ay dadka federal-ka raba qabaan in nidaamkii hore ee dowlada dhexe dalka maamulaysay (Centralization System) ay Soomaaliya ku burburtay haddii dib loogu noqdana ay tahay iyadoo dib loogu noqday waddadii hore ee heerka aan maanta joogno ina soo gaarsiisay, si aysan taas u soo noqonna ay haboontahay in awoodda dalka la qaybiyo oo aan gacanta xukuumadda dhexe ama nin keliya la wada gelin.
SHaki kuma jiro, dadkuna inay indhaha iska ridaan ma aha, mana aha in laysku mashquuliyo qiil aad ogtahay inuusan ahayn sababta runta ah ee keentay in dad badan ay nidaamka federal-ka ah door bidaan, marar badan baan maqalnaa dad ku celcelinaya dalal shisheeye ah baa raba inay Soomaaliya kala qaybsanto, oo aaway Soomaalida midaysan?! Af-tahanimo iyo ereyada oo la qurxiyaa ma aha xaqiiqdii oo la sheegay, waxna kama bedeli karaan xaqiiqda jirta.
Dowladaha shisheeye dalka oo dhan bay joogaan dadka federal-ka rabana ma keenin, haddii sidaa wax loo turjumo ama layska dhaadhiciyo macnaheeda waxaa weeye wali xaqiiqdaa laga fogaanayaa ummadda Soomaaliyeedna way ku kala fogaanaysaa, federal in la noqdo gumaysi iyo shisheeye ma keenayso, maamul dowlad dhexena ma celinayo gumaysi iyo shisheeye, xaqiiqda ciladaha laysku maan dhaafsanyahay yaan la qarin.
Dad baa dulmi tirsanaya, wax sheeganaya, dhibaatooyin loo geystay, iyadoo la adeegsanayo nidaamkii talada iyo awoodu ku urursanayd gacanta dowladda dhexe, dadkii wax laga tirsanayayna waxay quuri l’ayihiin wixii dadkaas ka mudnaa, marka sidee dadkaas u aaminayaan nidaamkii hore? Ceeb ma aha tiri ciladaha kow,labo… shisheeyaha burburkaa keenay, waana dabeecadaha lagu yaqaan dal kasta oo burbur uu ku dhaco, taariikhda dib u fiiri ama waxa maanta dalalka inala midka ah ee sideenoo kala burburay haysta fiiri, waana ka xumahay in wali qaarkeen ku fekerayaan wax yeelaynta kuwa kale.
Alle ha u naxariistee wali waxaan xasuusnahay oraahdii Max’ed Cusmaan Maye, March17, 2005, maalintii uu barlamanka ku dagaalamay Nairobi, rag ay ka mid ahaayeen Cusmaan Xasan Cali (Cusmaan-caato) Col. Axmed Cumar Jees, iyo Muuse Suudi Yalaxow ayaa miiskii hadalka laga jeedinayay (Podium-ka) meel hortiisa ah oo aad ugu dhow kuraastii taalay soo fariistay waxayna ku buuqayeen xil-dhibaan kasta oo ay dareemayaan ama ogyihiin inuu taageerayo fikradda dowladda ee ahayd in ciidamo shisheeye dalka la keeno.
Markii uu Alle ha u naxariistee Maye hadalkii bilaabay baa Yalaxow ku qayliyay isagoo leh “ Ar Ilaahay hee ka yaab ma Amxaaraad rabtaa in la keeno?…” laakiin Maye oo aad u caraysan ayaa yiri “Amxaaro waa la keenaa, annaga hadda ma Amxaaraa innaga maqan, adinkaa Amxaar noo ah, waad na disheen, guryaheenaa haysataan, …marka kuligeen ha na wada qabsato…” marka sababta shisheeyaha uu ku yimaadeen federal ama gobolaysi ma aha, laakiin waxaan u baahannahay qaynuun cad oo adag oo ina kala haga, si qof kasta ugu kalsoonaado dadkiis iyo dalkiisa.
Madax-weyne Xasan geesinimaa laga rabaa, waxaa laga rabaa inuu maanka ku hayo dadaalkii raggii isaga ka horeeyay iyo Puntland meesha ay soo gaarsiiyeen inuu ka sii wado, xataa waaxaan ognahay in aqoonsiga dowladda Maraykanka ay aqoonsatay dowladda Soomaaliya uu ka mid ahaa shuruudihii ay wada galeen dowladaha reer galbeedka iyo saxiixayaashii Road-Map-ka.
Madax-weyne Xasan, waxaa la gudboon inuu indhaha kala qaado oo xaqiiqda wajaho, sida kelinimmada ah ee uu rabo inuu isaga go’aano dadka dusha uga keenana ka baxo, 4sano ee uu xilka hayana uusan muran iyo is qabqabsi inooga dhamayn, dadka hantidooda la haysto go’aan shrci ah inuu ka gaaro, Federalka inuu ku dhaqmo oo uusan noocyo iyo midibo noogu samayn si geesinimo ku jirto inuu u bareero oo talada la wadaago dadka aan looga maarmayn…Waxaan rajaynaynaa 4sano oo dadka iyo dalka wax uga kordhaan…aamiin.
END
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM










waxaa layab leh dadka somaliyed beshay dooniba hanoqdaan.im ay ku dulmanyihiin.muqdisho
waayo somali oo dhan hanti bay kulahayeen muqdisho.markii lagaqaxayna ilaa hada dad iska maamushaan.xataa somaliladta leh waan goosanaynaa.waxay ku lahayeen hanti maguurta ah.oo
lawadayaqan.beelaha hada sheeganayana waxaa hubaala in loga hanti badnaa caasimada somaliya oo 17gobal ganacsatdoodii iyo maalqabenkoodu xamar dhisan jireen.marka waxa layaableh dad muslina
oo tukanaya.soomaya.masaajida camiraya.xajka adaya.oo hanti xaraana.dagan.ama.oranaya.kiradadii inatasay.noqotay.qiimo jaban.oo intii labatansano kahor laqadan jiray.siinaya.ama.aan u ogalayn dadki lahaa inay soo noqdaan.waayo.waxay oganayaan.qiimaha ay ku kiraysan yihiin.hantidoodu.sababta muqdisho.dhibaka uga bixi wayday.waa xaqa dadka oo xoog lagu haysto.gobaladana.iyo deganada.dadka.way ukala soocnayeen.waliged.beelwaba way taqaan.deegaankooduaiyo xuduudooda.iyo meesha geeloodu kacabo.oo daaqsinta.reerguuraaga waakalalhayeen.marka dadka leh.waxban baranay.waa inay.1000sano kahor yaqaanaan.xuduudoodii.marka qaofkaan aqoon.ama.deeganada.beelaha kale qabqabsanayo.waa damciwayn.tusaale.reer somaliland.puntland.deeganada waykalayaqanaan.oo gabayaab mara.iskumana dhacaan.siyaasad.shacabka lakala jiidanayo un baa jirta.laakiin.beelaha dega.jawharb/wayn.dhuusa mareeb.taariikhdooda mayaqanaan.90 baa ugu horaysay.siyasad.taasoo
ay moodeen.inay dhulka somalida iska sheegtaan.taas waxaa tusaale uh afhayeenka beelaha.muqdisho.wuxuu dhahaa markuu hadloayo.(afhayeenka beelaha hawiyeEe somaliya)
beelaha somaliyeed isimadoodana.waxy dhahaan hadba meesha ay joogaan.sida afhayeenka
puntland/ama afhayeenka somaliland/ama afhayeenka/jubbaland.laakiin.beelaha hawiye
waxay kutusaysaa.inay aduunka tusayaan.inay somali wakiil kayihiin xataa dawlada.waa ka afdheryihin.waxaan odhan karaa waxaa kujira damac.in deeganad dadka kakale lagu8 magacsheegto
meshay odhan lahayeen.(afhayeenka.beelaha hawiye.ee galmudug.xataa muqdisho aysan sheegan.waayo dadkay udhaxaysaa.tasoo ay tuureen in caasimadab lawada leyahay.marka.madaamo.ay hantidii umada hayaan.midfarsamo iyo mid xooga.iyo hantidii dawlada somaliya sida warshadihii.iyo xafiisyadii iskuladii jaamicadihii.afkaa wuxuu kaxadayaa.(afhayeenkasomaliya.ee beelaha hawiye.waa xaqii oohadlaya.midakale dadwaxaa jira dadkoodii ldilay.oo hantidoodii.wali niyada ku haya tasaa keentay.inaysa xamardagion.una malayn mayo
ama maraykan ha aqoonsado ama yusa aqoonsan.ale waa ogyahay.muqdisho.iyo wixii kadhacay
dadki ale aqoonsado.baana.liibana.hadii bini adan ku aqoonsado.waxba tarimayso
Axmad madaxweynaha shidada ka daa wali waxa uu u seexseexanaaa BASE kiisa waxbuu la damacsan yahay waana ku qasab in uu hada ka horimaan karin waayo ragan mudo 21 sano ayuu ku dhex jiray wax badana waa uu la qaba intii uusan madaxweyne noqonin hada waa baa ku baryey waana mida dhawaan uu ku qasban yahay in uu face gareeyo in uu BASE kiisa kasoo durko oo dhexdaz yimaado oo soomaali oo dhan isku wado si uu waxa uu aaminsan yahay 40% u qabsoomaan hadii uu sidaas uu sameyn waayo si fiican bey ugu danbeyntii BASE kiisa dhulka ula goyn doonaan sidii C/Qaasim, AUN Ceydiid, Cali Mahdi, Geedi
Madaxweynaha waa ladhaliili karaa lkin waraxma tashiilnimada hala iska dhaafo aqiyaarey nin xoog kuheysankarana majirto dad xoolahood qof kuraacsanna majiro xattaa haddii uu asaga hantida islaamka iska dhiibi waayo bolice ama nabadsugid aa loo adeegsanaa ayadoo waddada saxda ah loomarayo insha allh
dood dheer falanqeynbadan ciilcunid badan kadib waxaa soo baxday dadka qaarkii iney rabaan dhibaatadii ey geysteen ineysan kahadlin amase lagala hadlin balse ey ku hadaaqaan maalinkasta guri ayaa nalakaheystaa ama dhul ayaa nagamaqan amase waanala layey amase ey u heystaan in iyaku masiirka somaliya waxlaga weydiinayo runtii taas waa xisaab qaldan oo aan la aqbalikarin xaqiiqdii markaan kahadalno oo aan u hadalno si soomaalinimo ah nooma saamaxeyso in aan u jawaab celino maangaab aan garaneyn waxa uu kahadlayo iyo waxa uu kahadlayo sidas darteed farda la isku haayo laiskumafaano waxaa dhahday ceydiid cali mahdi c/qaasim siyaasadoodii anaka ayaa dhulka lagoynay adeer midnimo la aan beeshooda ah ayey ku dhacday hadii ay wax kaqaldameen maanta laakiin ma ahan xaajadu sidii hore indhaha kala fur maskaxdaada ka shaqeysii
AS/C,….Walaal madaxwaynuhu waakii noo sheegay inuu wado dibu habayn lugu samaynayo QARSOORKA dalka, arintaas oo ah mid la’aanteed aan waxba laga qaban karin aminga dalka iyo tan hantida maguurtada ah ee walaalkeen sheegayba, marka anigoo taageersan in hantida si deg deg ah loogu celiyo dadkii lahaa oo wiliba magdhaw laga bixiyo wakhtiga dheer ee xaq darada lugu haystay….Laakiin dadka ay ugu darayso in dawlad dalka ka dhalato oo xoolaha iyo xaqa aysan lahayn haysta baan u faa iidaynaysaa hadii aanaan taageerin dawlada, marka waxaan leeyahay marka hore aan ku kaalmayno in dawladu soo dhaafto xamar iyo in ay yeelato GARSOOR iyo Ciidamo awooda inay ku khasbaan qofka inuu u hogaansamo shaarciga dalka u yaala……Soomaaliya hanoolaato, ILAAHOW CADAALAD iyo COLAAD LA’AAN!
Wxan rumeysanahay in somaliya eey ku noqondonto sandihii 1960yadiii waqtigaaas oo dadka la nabad gilinjiray marka waxan leeyahay yaaan la dagdagin
Wuu nasiib daranyahey qofka iska martiyeeya dib usoo noolaashada soomaaliya. Hadduu qofkaasi guul gaarana waa isagoo nagu celiya meesha xun oon dooneyno inaan ka kacno. Lagaama xigee dhinacaaga ka qabo, heyska martiyeyn geeddi socodka. Adigaa lehe cidna ha u dabo fariisan. Waa dalkaagi, waa degaankaagi.
Haddii hanti ma guurtaa kaa maqantahey ood meel ku ogtahey tag oo qaado “lihi libaax ka adage”. Hadduu kaa diido dacwee. Ogowna waa qof waxa wax kaa heystee qabiil ma ahane.
Yaan lagu wardin hanti la kala heysto oon qadiyad laga dhigeyn. Sababtoo ah qadiyad ma ahan. Waxey qadiyad ahaan laheyd haddii uu jiro xoog sharci darraa oo isku duuban oo qabiil ama koox ah oo kaa hor taagan. Taasi ma jirto.
Midda Hotel Degel oo dad badan ka dhigteen case waa arrin labo nin u dhaxeysa. maxkmad ayaana kala saareysa.
Adigu intaadan dadka caddaalad ku waanin naftaada ka billow oo aammin in maxkamad lagu kala baxo. Haddaan dowladnimada iyo maxkamadaha aammini weyno ma qabiil baan u cabaneynaa oon leennahey “War nimanyahow xoolaheenna na siiya”? Cidna ha baryine qofka guriga kaa heysta dhegta soo qabo. Isna waa nin adiguna ninbaa tahey. Khalaas!
ASC, dhamaantiin,
@Baxsan, madaxweeynaha base kiisa, amaba taageerayaashiisa waa inta badan dadka Somaliyeed, oo reer kasta ku jiraa; marka qoraaga meeshaan wax kusoo xar xariiqay, saaxiib, waan ku maqalnay hadaan nahay shacabka Somaliyeed iyo Dowlada. Lagaamana yeelayo in koox yar oo qowleeysata tuuga ah eey Dowlada Somaliyeed ku handadaan been iyo quraafaad sida gurya ayaa nalaga heeystaa ee hanaloo soo celiya.
Saaxiib, qofkii guri laga heeysta, oona cadeeyn rasmi ah heeysta in uu gurigaas asaga lahaa, kuna dhistay xoolo xalaal ah oo aan dadka Somaliyeed markii horeba laga dhicin amaba xoolo dowladeed (booli qaran) qofkaas oo kale, ha tago meesha amaba magaalda guri looga heeysto, oo ha u dacwooda maxkamada qaranka, sida aad hadaba sheegtay in dad badan hantidooda runta ah u dacwoonayaan. Sheekadaan raqiiska ah oo sidii “one trick pony” amaba faras hal qiyaamo yaqaano oo kale ee aad reer mahbar Garoowe ugu cel celineeysaan guryo, guryo, guryo ma shaqeeyneeso. Dowladana idinkama yeeleeyse. Guryo sidii booli qaran oo free ah qofkii raba waxaan u sheegeeynaa ha shaqeeysto, waqtigii dadka qaarkiis lagu naas nuujinayay xoolasha dadka shacabka waa dhamaatay.
Ugu dambeen, qoraaga waan u jeednaa cida amaba dadka aad la jaal tahay oo ah mahbarka iyo cadowga umada Somaliyeed ee Garoowe kasoo qeeylinayo, ee jooji qiyaanada qaran iyo qaac isku qarinta. Oo dadkaada dhinac ka raac.
@wadaad yare, dadka iska marti yeeynayo soo nooleeyna qaranka Somaliyeed, armeeyba fiicnaan laheeyd hadii shartooda looga nabad galayo is martiyeeyno iyo wax kordhin la’aan, laakiin, hada iyo waligoodba waxeey ahaayeen munaafaqiin qatar ku ah qaranimada iyo jiritaanka midnimada umada Somaliyeed. Waliba qaasatan, waayahan danbe mar walba oo rajo iyo Dowladnimo dhinaceda loo dhaqaaqa, isbaarooyin iyo handadaad ayeey wadeen. Laakiin, wale markaan jaanta waa la’isla helay, maskaxdooda yarta ahna waa la dhexgalay, dadkana waa ku baraarugsan yihiin. Marka loo joojin maayo. Ee marba maqaal yar oo caata ah, amaba 10 qofood oo welfare qaata meel ha iskugu keen keeaan oo ha qeeyliyaan.
@Cadaado;
Saaxiib aad baad u dhacdhac badantahay adiga, aniga waan kuu fiirsaday adiga maxkamad baad isu haysataa, Booli-qaran waa magac baxay, waana hadal aan xaqiiq ku salaysnayn, adigana hadda sida iiga kaa muuqata qiil baad malaha rabtaa inaad ka dhigato.
Saaxiib waxaan kuu sheegayaa adigaa iyo ninkaan wadaad yare ah ee siduu sheegay aad isku gobolka ka timaadeen iska sheekaysta laakiin riyadu ma aha in guri qof leeyahay inta la qabsado la yiraahdo Booli-qaran buu ahaa sidaas lagu kala bixi maayo, Xasan-Xoolana habeenkii sidaas u hadlay wax kastana waa cadyihiin, hadii uu wanaag wado muxuu sidii Shiikh SHariif u dhihi waayay “Dadka guryahooda ha loo celiyo” haba laga diidee, annagana aan ka marqaanti ahaano.
@Libaax-Libaax dhalay, ina adeerow, ma waxaa ku dhibtay qofkii cadeeyn heeysta oo guri ka maqan yahay ha tago Xamar, waliba hala xariiro xafiiska Ra’iisalwasaaraha, Madaxweeynaha amaba wasiirada kale, amaba duqa Gobolka Banaadir iyo waliba Maxkamada si waxii ka maqan inta loo fiiriyo, hadii uu xaq u leeyahay loo siiyo? Taas ma wax xun baan? Mase inkiri kartaa in dad badan si qaldan wax ku kasbadeen oo eey boonooyin iyo warqada been ah guryo iyo hanti lagu siin jiray?
Mida maxkamad in aan isku heeysto, inkastoo awoowgeey AUN, uu garta gooyn jiray, oo aan halkaa ka bartay waxa cadaalada la dhaho, hadana anigu maxkamad ma ahi, ra’yigeeyga uunbaan walaalaha Somaliyeed la wadaagayaa, anigoo hadafka kaliya aan leeyahay uu yahay in aan arko Somali oo mid ah, oo gacmaha is heeysata. Waxaana i dhibo markii aan arka dad dul duleelo iyo wax aan jirin raadinaya. Hadii qof guri uusan laheeyn sheeganayo, ma shaki baa kaaga jira in aan la heleeyn guriga hadiiba uu markii hore ahaa been, kkk. Qofkii raba guri bilaash iyo ceeyr, hade wadamada reer galbeedka ayaa waxaas mindhaa laga helayaa, ee ha iska sii joogo, maadaama Dowlada Somaliyeed eeysan suurtagal u aheeyn in guryaha ceeyrta oo kale inta dadka Somaliyeed u dhisto, dadka bilaash ku dagaan. Laga yaabaa hadii aan dowlad ahaano 20 sano soo socoto, oo shidaal iyo warshada iyo beero iyo wax kasta inta aan sameeyno, eey Dowlada Somaliyeed markaas u suurtagasho in dadka danyarta ah eey guryo, caafimaad, iyo food stamp siiso. Thank you.
Ku,Cadaado &Wadaad yare, waligay inkiraad intaa le,eg ma arag war ragiina horaanba u ogayne, waxaanse hada ogaanay qaar ka mida dumarkiina oo ka hadlayey TVyada inayba idinka sii xag jiraan, iyadoo mar walba halku dhag ay noo ahayd gabdhuhu qabiil maleh, ayaa waxay ila noqotay amakaag in haweeney isku sheegtay inay ka mid tahay gudoonka gobolka banaadir magaceedana ku sheegtay ina baarqab ay ku muddacday inaan xamar dad guryo looga haysan!!!. Cajiib! Waxay tiri”waa hal iyo labo” marka waxan la yaabanahay sow ma ogidiin in la dhimanayo? Sowse ma ogidiin in taariikh qormaysa ay jirto? Hadii dhul ama hanti la idinka haysto meel soomaaliya ka mida oo aad leedihiin dhulkaasaan u qaadanaynaa sheega, hadii kalese hoy iyo hanti xaaraan ah waad ku ololeysaane iska dhiiba. Waxaa xusid mudan in ninka tarsan la yiraah wixii horay looga tirsanaayeyba uu hadda wax fiican oo madaxweynaha afkiisa laga la’ayahay uu ku hadlay. Aayo wuxuu yiri war dadka guryahooda uga baxa, oo dulmigii aad gasheen cafis weydiista, maa ajmalahaa!!.Waana soo dhaweeyneynaa, saas baana u sheegnaa qofkii wax wanaagsan sameeya, ugana mahadnaqaynaa. Marka qoraaga wuxuu u hadlay si ay ku jirto khibrad suxufinimo oo weliba wuu dhawrsaday ee dadka ha xagxaganina, oo waad bugtaane is daweeya, oo dawada qabyaalad rassuulkaa ina baray csw oo yiri” dacuuhaa fa innahaa mumtinah” oo micnaheedu yahay qabyaalada iska daayaa waa qurune.markaa waxan idinkula talin lahaa ha ku danseegina wax aydnaan difaaci karin, oo qofna qabiilkiis ma difaaci karo waayo waxaa ku jira sheekh iyo shariif, ee waxaad isku daydaan inaad khaladkooda saxdaan taasaa Aakhro ajar ku helesaan Aduunna Samaan keeni kara. Car bal niman rag ah iska dhigoo ha caytamina, ee cadaalada ka shaqeeya, oo u shaqeeya.
ASC.
Waxaan ogaaday inuu raxanreeb.com uu yahay aqal qabiil ee uusan Somalinimo dan ka lahayn, sidaa daraadeedna waxaan aragtidiisa qabiil u hiilinayn uusan soo daabacin balse waxaan isleeyahay amay gaafo.com & kuwo la mida ay dhaxda ka haabtaan. KOW. 1990ki aqirkiisi waxaan laba jeer la kulmay abwaan aan magaciisa ka xasuuuto DAQARRE oo laygu yiri wuxuu curiyay RAAD ABEESO. Wuxuu igu yiri ”waxaan ka mid ahaa macalimiin loo bedelay madaxtooyada si ay shaqaalaha u baraan qorista afsomaliga (waa marki la bilaabay) wuxuu yiri, wax yar ka bacdi waxaan aragnay askartii, ayyaga oo waaweyn ka yimid miyiga ayba naqa qoraallo fiicanyihiin saa af qalaadba kuma jire, wuxuu yiri markaas ayaan goostay inaan madaxtooyada isaga tago markaan arkay inaan meeshaan aqoon looga baahnayn”. Waxaan is iri Axmed Yaasiin wuxuu ka mid yahay kuwii ayyaga oo weyn ka yimid miyiga. LABO. Qoraaladu waa inay noqdaan kuwo ra’yi wax tar ah dhaliya & kuwo hanuunin ah, kuwo turxaan bixina iyo kuwo kasta oo horuusocod higsada. SEDDAX. Ma waxaa fiican in madaxweynaha, ra’iisulwasaaraha & gudoomiyaha baarlamaanku ku mashquulaan guriga Cambe Cambe oo haddaba dacwadiisu socoto oo ay jiraan haya’do u xilsaaran. Mise waxaa fiican in dawlad aan jirin dhidibada loo taago oo cadawga laga xureeyo. Qabqable dagaal ma aha oo kaliya kan hubaysan ee waa kuwuu abwaan Jam Jam (AUN) horay u sheegay sida QALIN KU DHIIGLE. AFAR. Federaalismo waxaa keenay marki ugu horaysay qabqablayaashi Xamar ayyaga oo isleh dhul fiican ayyaad degtaan Somalida kalene waa idiin baahantahay. Horta Axmed Yaasiin & inti la wadaagta federaalnimada oo Somali ah igama dhaadhicin karaan inaanan, dhaqan wadaagin, midab wadaagin.luuqad wadaagin iyo DIIN wadaagin oo sidaa daraadeed aan u baahannahay federal si aan u midowno. Federaal waa qabiil abidkaa haka korin. Axmed war muu haysaa intay qabiilada Somaliyeed ay isaga laayeen: ceel (biyo). daaq, gabar (gabadh) & wlm. Gobolka Mudug ama magaalada Gaalkacyo waa taallada ka maragkacaysa waalida federaalka. Magaalada Gaalkacyo qad cagaaran dhex dhig dhanne raaci Puntaland kan kalane Galmudug, soow C/saaq X. Xuseen & kimiko qarracmimaayaan. Xilli abaareed hadday seymo roob ka da’aan labada qaybood mikood tan kalene ka da’in soow daaq dagaal wata ma aha sidii 1986/1987. ASSALKEEDA BANNAANE MARKA AY ILDARANTAHAY ILAAH CAYMIYA LEEDAHAY. WBT
ASC, dhamaantiin,
@Ummulkhayr, abaayo waa ku mahadsantahay waxii waano ah ee saxan sida in aan cadaalada u shaqeeyno, kana shaqeeynaa. Waana howsha aan ku jirna ayeeyba ka mid tahay cadaalada in la falo. Waxaana cadaalada ka mid ah, cadeeyn, iyo evidance in uu keeno qofkii wax ka maqan yihiin guri iyo hanti kale, lana xariiraa mas’uuliyiinta iyo Madaxda Dowlada iyo gobolkaba. Sheekadaan guryaha ahna dad baa siyaasad raba in eey dadka iyo dalka ugu dhex dusiyaan/qariyaan. Taas ayaana rabnaa in aan toosh weeyn ku ifino.Cadaalada ayeeyna ka mid tahay in xaqa la sheego, qofna wax uusan xaq u laheeyn aanan lasiin. Amaba been cad oo uu qof amaba reer Garoowe oo dhan sheegayaan laga aamuso. Taasi marnaba dhici meeyso in laga aamuso quraafaadka iyo handadaada beenta ah ee koox yar oo aan ognahay ujeedada kaliya oo eey leeyihiin in eey tahay qaranka Somaliyeed in uusan dhulka kasoo kicin.Yaanan waqtiga wax aanan duuleeyn amaba shaqeeyneeyn iskaga qaadin. Mida ah, qabyaalada adiga laftigaaga waanadaas qaado oo ku dhaqan.Thank you.
walaalayaal waxaan leeyahay madaxweynaha sida uu sheegay garsoor cadaalad ah in uu sameynayo amniga sugayo marka waqti hala siiyo si loo garo ujeedada la leeyahay
SOOMALINA WAXAAN LEEYAHAY HANTIDA LAKALA HAYSTAA XAMAR KALIYA MATAALEE SOOMAALI OO DHAN BAY DHEX TAALAA BOOSAASAA LAGU HEYSTAA GAROOWAA LAGU HEYSTAA KISMAANYAA LAGU HEYSTAA HARGEYSAA LAGU HEYSTAA OO AAN LAGA HADLI KARIN XAMAR WAABAMIDA UGU SAHLAN OO LAHELAYO MAANTANA WEYBA YARTAHAY HANTI HAMAR LAGU HEYSTO AYADANA SHARCIGAA QAADI EE HALA TAAGEERO SHARCIGA YANAN LOO HADLIN SI QABIIL AH QABIIL XAL MANOQONAYO
@Abdulkadir.
Walaal ugu horeyn waad salaamantahay, aad baan uga xumahay waxaad soo qortay adigoo waliba dadka af-lagaadayniya, ninkaan Axmed Yaasiin walaal kaba soo qaad inuu isaga oo oday ah soo galay magaalo, sida iiga muuqata adiga iyo isaga labadiina markay atahay aniga ahaan isagaa kaa Soomaalisan, waxa uu ka hadlayna waa xaqiiqda laakiin adiga waxaan u malayniyaa guryo dadow baad haystaa, Axmed waxba ma dhimin qabyaaladna ma keenin mana dhamayn doono laakiin guryaha iyo xaqa dadka iska celiya adiga iyo kuwa ku daba taagan ee gadaashaada ka taagan ee uu u horeyo Xasan Qoslaaye.
Adigu malaha Axmed Yaasiin qabiil ahaan baad u garanaysaayee wax kale kuma haysatid, laakiin Xasan oo Xoolihii dadka iyo hantidii dalka haysta hadana leh ” Ea kan Goofki Duq Calaseey ma ahoo” waxaad u taqaan madax-weyne qaran inaad tuug aan xishoonayn tahay, midda kale inaad bukto oo aad ku indho beeshay qabyaaladda ninkaan tusaale cad oo jira ayuu tilmaamay oo Cambecambe isagaa afkiisa furtay waana wax jira oo hadda taagan in tusaale loo soo qaato, miyuusan Soomaali ahayn, Daalim Mooryaan ah baad tahay.
Qoraalkaan ceeb kuma jirto, dan Soomaaliyeed buu tilmaamayaa, ra’yiga waa lagu diidi karaa laakiin qabyaalad iyo waxaad ka hadlayso meesha ma yaalan, Federalismkana soo baro adiga iyo Xasan Xayawaanba waxaad u baahantihii xoogaa yar barashada Federalka ah, America, waa isku diin, waa isku af, waa isku dhaqan, (xoogaa yar oo madow ah baa ku jira, Federalka markay noqonaysayna madowga tirad kuma jirin oo waxa federalka ku heshiiyay hal midab bay ahaayeen) sidaasoo kale Brazil, Mexico, Masar… marka soo baro federalka dad aan waxba ka dhexey oo aan waxba isu ahayn oo keliya sidaad u hadlayso looguma talo gelin, laakiin waa habka keliya ee maanta looga badbaadi karo wixii ina soo maray oo kale, Axmed yaasiina afka ha ku taaginee doqonka leh xoolaha dadka waa la haysanayaa isagoo walib madax-weyne sheeganaya marka hore la hadal…Qabiilyahow carooday1
@Yaxaas, You the one who need to get some schooling, For One, you are wrong and full of shit when you telling us the United States of America is a County with One religion, One language and other load of crab you wrote here. The USA is very diverse, with so many different languages, religion, race and ethnicity. Simply put, the USA is a heterogenus (multi racial) society, whereas Somalia is homogenus, or one race society.
Sababtaas iyo sababo kale ayeeyna u doorteen in eey nidaamka Federalka qaataan. Sidoo kale, ragii sameeyay dastuurka waxeey kaloo ka baqayeen boqortooyo in uu wadanka isku badalo, maadaama eey waxa eey xoriyada ka qaateen, oo eey ka cararayeen eey aheeyd boqortooyada Ingiriiska oo Mareeykanka xukumeeysa.
Tobaneeyo kale oo sabab ah waan kuu sheegi karaa, laakiin intaas ayaan rajeeynayaa in eey ku filantahay in hadalkaada beenta eey iftiimiso.
Sidoo kale Masar ma’ahan Federal, sababtoo ah, waxeey Dowlada Masar ka kooban thay, Dowlad dhexe oo xoogan, iyo 29 governors, oo ah gudoomiyaal gobol. Waase la’iskaga yeeraa Federal, maadaama eey ka kooban tahay Dowlad dhexe, iyo gudoomiyayaala 29 ka gobol.
Sidoo kale Brazil iyo Nigeria ayaad sheegtay in eey Federal yihiin, ayaguna waa dad aad u kala duwan oo ku kala duwan, diimaha, midabka, iyo xataa luqadaha. Mida kale, fiiri, tirada dadka, baaxada wadanka, kala duwanaansha dadka, dhaqaalaha dal, iyo waxyaabo badan ayaa qasba wadankasta nidaamka uu qaadan oo u shaqeeyn karo. Sida laga arki karo wadamadaan kor ku qoran oo si kasta uga duwan Somaliya.
Marka, adiga Yaxaas adiga oo dadka xag xagan, iskool aad, oo soo fahan waxa kaliya ee aad afka ka maqasha ee Federal adoon la or ordin. Walee, waa godkaada lagugu duugi lahaa, markaad damacdid wax dad kale u shaqeeyay, oo lasoo dhoofay inta afka ka maqashid aad la or oridid.
Go back to school, dude.
Cadaado awal baan yaabayay Cadaado aan ka imid aqon baana u saxiib ahay! yaa Salaam saxiib America markay qaadanaysay Federalism-ka miskinyahow xoogaaga ingiriiska ah oo aad SHIT keliya ka baratayna ma aha aqoonta, waxaynu ka hadlaynana ma aha America-da aad maanta joogto ee waxaan ka hadlaynaa markii ugu horeysay ee ay America federal noqonaysan adeer hal diin (Chiristian) iyo hal dad bay ahayd Yaa Cadaado.
Amerika xilligaas hal Race bay ahayd saaxiib oo waxay ahayd WHITE diin ahaana waxay ahayd Masiixi, haddii marka aad tiraahdo (Multi Race based society) bay xilligaas ahaayeen been baad sheegaysaa, federalism-kana kuma imaan Race, iyo kala duwanaan dhaqanka iyo diinta, hadii ay kala ahaayeen Anglo Saxon iyo German, wali hal dad bay ahaayeen xilligaas oo waxaan waa wiil iyo adeerkii marka nacnac wax tari mayso School aadna ceeb ma aha, laakiin xariif aadan ahayn baad is moodaysaayee adeer fedral kuma imaan kala duwanaansho ee wuxuu ku yimid xisaabtan.
@ Yaxaas, kkkkk, lol, muran ayaad rabtaa aan u maleeynayaa, iyo in aad huu haa been ah, oo aad iska dhaadhicisay noo aqrisid. Saaxiib, Mareeykanka sida Somalideena wax kasta afka kaliya la’iskuguma gudbiyo, ee waxaa jira taariiq qoran, oo qofkii raba amaba cashara ahaan school ka qaadan karo, amaba buugaagta iyo keeyd record ku jira. Taas waxaan ka wadaa, waa beentaa marka aad leedahay Mareeykanka markii uu dastuurka qoranayay, oo dadkii “forefathers’ kooda ahaa eey dajinayeen “declaration of independance” ma eeysan aheeyn dad hal diin leh; oo waxeey lahaayeen Sodomeeyo nooc oo kirishtaan ah, yahuud ah, qaar aanba diin dhan aaminsaneeyn. Sidoo kale, dad isku midab ah maaheeyn. Markale iskuulka ku noqo. kkkkkk
Waxaad tiri “xisaabtan ayuu ku yimid Federalism Mareeykanka” adiga adigoo tuulo xun oo beeleed dagan, yaad la xisaabtami, oo aad rabtaa in aad ku feer oradid? Ma dowlada dhexe? Mida kale, yaa waayee, maamul beeleedka “sovereignity” amaba madaxbanaanida dalka Somaliyeed ilaalinaya hadii aad wadanka ka dhigno Sideed amaba Lix maamul beeleed/qabiil? Sow, ma dhaceeyso in maamul beeleed kasta goonidiisa meel cidla ah cadowga uga helo, oo loo yeeriyo waxii la rabo. Waxaanse u maleeynayaa adiga in aadan kala jecleeyn in lagu adoonsado, amaba lagu gumeeysto. Anigase, geeri ayaan ka xigaa hadii aanan xor aheeyn, mana ogola in aan dabadhilif u noqdo wadamo kale.
Marka haa, Cadaado baan ka imid aqoona waan u saaxiib ahay. Adiga hadii aad aqoonta bixiso, bal orod oo iga qaad, amaba ii diid. Markale waxaan kugula talinayaa, waxaadan aqoon oo aad afka ka maqashay sida Federal, ha la or ordin, oo dadka Somaliyeed haku jahawareerin. Bal, aan aragno in tuugta yar oo aad adiga ka mid tahay, ee lunsan u hagaagaan qorshaha Somalia aad rabtaan in aad “balkanization” mandaqado yar yar oo beeleed ah uga dhigtaan, iyo in inta caqliga u saaxiibka ah, ee wadaniyiinta Somaliyeed eey ku guuleeystaan isku heeynta iyo mdinimada umada Somaliyeed ayadoo la raacayo aqlibiyada meesha eey taageersan tahay. Baarlamaanka ayaan ku kala baxeeynaa.
War ninyahow nin hoosaad tahayhadda qabiil iyo beel baad ku sii durkaysaa, Cadaado igama xigtid iyadana si gaar uguma dan lihi ee waxaan ka wadaa nin kasta oo Soomaaliya ka yimid baan u haystaa inuu tuulo ka yimid ceebna ma aha anigaba waan ka imid marka hyga cararin waxba iskuma diidanin, taasi waa mid.
Tankel anigoo tuulo joogo waxaan la xisaabtamayaa dowladda dhexe ha khaldamin, dowladda tuulada aan joogo bay dowlad ku tahay, aniga waxaa aan shalay ku soo burburay maanta aankugu celiyo dee miyaan waalahay? magaalooyin baa diyaarado lagu garaacay, maatana aan looga tegin, marka ina adeer Cadaadadaada iska joog.
@Yaxaas, ok, walaal, waa runtaa kaama xiga Cadaado, mana kaa sheegan karo saa intaas waan ka caqli roonahaye. Sidoo kale, ma xuma in aad adiga oo magaalada jooga la xisaabtantid Dowlada dhexe. Laakiin, sow maaha marka hore in Dowlada aan taageerno, una sheegno, saxnaa waxii laga tirsanayo. Xisaabtanka noocaas ah waa ok. Waxeeyba u badan tahay, in kuli la’isku waafaqo, la’iskuna af garto wax kasta umada Somaliyeed iyo mas’uuliyiinta kala gedisan hadii eey inta isu yimaadaan oo is hor fariistaan, isku siyaartaan wadanka dhexdiisa wax kasta laga wada hadlo, ayadoo maslaxada guud iyo qaranimada la fiirinaya. Aad baad u mahadsantahay, walaal.
Harta ma la iswarsaday yaa iska leh?. Ma hantidii Booli qaran baa oo lacagta Bankiga Ganacsiga lagu distay?. Ma Beerahii Xasan Abshi Waraabe, Warsame Indhoole, C/qadir xaaji Masale iyo Ina C/lle Codweyn ay Dadka ka Boobeen?.Aaway Hantidii Lacageed ee ay DHAFOORQII Morgan ka Jabsadeen Bangiga Dhexe?. Away Warshadii Xaafuun, warshadii Kaluunka Lasqoray iyo, iyo,. Runta waa lama huraan oo waa in la xisaabtamo. waana in Soomaali Daawo u hesho.
@Maxamuud Kismaayo, hart walaal Booli qaran haddii la yiraahdo dadka aad sheegayso waxaa ka badsaday oo haystay nimankii uu Siyaad Bare Xulufada la noqday ee ka soo jeeday Muqdisho Hobyo, Gal-gaduud, dadkaan la dulmiyay ee wixii la ogaa uu ku sameeyay kacaankii annaga ha inoo aqrin, magacaan Booli-qaranna raggii bixiyay anigaa ugu yaraa adna hadda waxaad rabtaa inaad ka dhigto qodob sharci ahaa oo inta laga baaraan degay noqon kara wax hantidii dadka masaakiinta ahaa lagu xalaalaysto.
Midda kale waa adaiga doqonka Xasan Abshir ah dadka ugu soo hor marinayee ma farooleey ilmo-adeer yihiin baad is tiri Allah! war ninyahow doqosanidaan ma waxaad u doodaysaa xoolaha dadka ee xoogga lagu haysto,Laas-Qoray iyo wax baad ka hadlaysaa, wadanka wuxuu lahaa 49warshadood, warshadda kaluunka ee Laas-Qoray iyo warshadda sibirka ee Ber-bera mooyee inta kale xamar bay ku yaaleen aawaye yaa Xayawaan waad iska hadlaysaa, Awalba xoolo Tuugo ayaad ku soo kortay war wuxu xishood daraana waliba waa hadlayaa.
Hadda midda inoogu dhow ee aan raadkeeda aragnoa waa warshaddii Mahaddaay ee rasaasta samayn jirtay iyadana odaygii Rabbia-da qabay ee Gan. Caydii ahaa baa ku bedeshay Ville ay reerka u degaan ilaa ma aqoon waxay tahay iyo qiimaheedee, waxaana kaga bedeshay dowladda Uganda ilaa iyo hadana waa u shaqaysaa.
magaca Booli qaran horta annagaa bixinay, waxaana ku bixinay wuxuu ahaa raggii aan wada shaqaynaynay ayaa guryo isiu wada eg oo qaali ah ka dhistay degmmada wad-jir kuma lihi waxba lama xadayn ee nin kasta waxbuu xadayay laakiin dadku tuugo ma wada ahayn sidaad hadda u hadlayso niman badan oo masaakiin ah dhididkooda ku tbcay xoolaha ayaa raggaas ka mid ahaa, oo waliba qaarkood ay buul ahaayeen been ha sheegin hiilo aad xaqa ka hiilisana raganimo ma aha, nin aad xaqiisa qaadi karaysidna ma jirto oo dhab ahaan waa lays yaqaan ee colaadda dalka ha fogeyn, warshadaha aad sheegaysana adiga iyo kuwa murmaya soo celiya…
oo iyagu qabyaalad iyo qurun ka sameeyay somalia iyo xasuuqyo iyo dilal dadka aan ahaynnila dagaal sokeeye dalka ka dhacay sow ceeb kuma aha qabiilkan inay hanti loo soo celiyo ka hadlaan??? ka waran hadi yiraahdaan ha bixiyo magta boqolaalka kun qof ee xasuuqeen siad barre cabdullahi yusuf iyo xabashidu watey iyo morgan iyo gabyo iyo dhamaan qabiilka???? Markaas baa guryo la idin celin ka. Laakin hanti ha siiyo ayagoon mag ka bixin soomaalida ay laayeen sida 200 000 97 000 560 000 waa caqlixumo. Dembiile waxa ah yaa aan tarriiqda laga been sheegin.
Wallahi si kasta dhibka soomali haysta marka baarey waxa soo baxdey in dadka ku abtirsada gobalada bari iyo nugaal yahiin dadka soomaali nabad iyo hormar uu diidan. Kismaayo gaalkacyo laascaano ayaga qasaya. Muqdisho ayaga xabashi ku soo hogaamiyay syago tangi xabashi ka daba dagalamaya si reer muqdisho loo xasuuqo. Ayaan xirsi cali iyo dhaqankiina munaafiqnimada ah soomaali kala baxa la idin bartey. Fashistaha talyaani asagana idinka horboodayay. Uuf.