Madaxweyne Xasan Sheekh oo Markii ugu Horeysay Maanta Hadal u Jeedinaya Ciidamada Nabadsugida Qaranka
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in markii ugu horeysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay uu khudbad u jeediyo ciidamada sirta ee dawlada (nabadsugida) kuwaasoo mushaharkooda aysan bixin dawladu.
War laga heley xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynuhu hadal ku aadan waxqabadka iyo muhimada ciidamada sirdoonku u leeyihiin dawlada uu ka jeedin doono munaasabada 41-guurada aas aaska ciidamadii Nabadsugida Soomaaliyeed “NS” oo hadda jira 41-sano.
Xafladan uu ka qeybgalayo madaxweynaha iyo saraakiisha amaanka ayaa si weyn looga dareemay saaka magaalada Muqdisho iyadoo waddooyinka muhimka gaar ahaan isgoysyada waaweyn saaka waaberigii lagu arkay ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida iyo kuwa booliska oo baaritaano ka sameynaya.
Tirada ciidamada nabadsugida
Warbaahinta dawlada ayaa saaka laga xigtay in ciidamada nabadsugida ay soo bandhigi doonaan gaado ka-cayaar la xiriira hawshooda iyadoo madaxweynaha, wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha nabadsugida ay ka qeybgali doonaan.
Ciidamada nabadsigida ee dawlada Soomaaliya ayaa ah kuwii la aas aasay xilligii dawladii ku-meelgaarka, waxaana tan iyo markii la aasay mushaharkooda, qalabkooda iyo daryeelkooda bixinayey dawlado shisheeye oo ay ugu horreeyaan Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Sweden kuwaasoo iyaguna xiriir soke la leh taliska nabadsugida Soomaaliya.
Sidoo kale dawlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa rabta inay hesho tirada guud ee ciidamada nabadsugida oo intooda badan ay yihiin dad ka soo goostay sirdoonka Al Shabaab iyo dagaalyahanno dawlada ku soo biiray oo aysan illaa hadda dawlada ka heynin tiro rasmi ah.
RBC Radio













Alla Soomaali maxay wareersantahay Ciidan sirdoon oo gaado ka ciyaar samaynaya aduunka xagee lagu arkay, dhibaatada dowlad la’aanta aan ka dhaxalnay ayay kamid tahay. Ciidan sirdoon waa Ciidan qarsoon lamana sheegi karo tiradooda-mana samayn karaa gaado ka ciyaar.Ma military baa,? laakiin la yaabi maayo maxaa yeelay waan ka bixin doonaa is dhex yaacaan insha allah.
Ahmednuur saaxiib taariikhda dib u rac xukuumadii milatariga ee ciidanka nabad sugidu wuu ka qeyb gali jiray dabaal dagii 21 oktoobar marka maaha wax ku cusub wadan afrikan ah oo soo korayo in ciidan nabad sugideed gaada ka ciyaar sameeyo,waxaase dhici karta in aad joogto aduun horay u maray oo aad weysay gaada ka ciyaarkii ciidameed ee dal uu ku faani jiray laakiin ogoow aduunka horay u maray xitaa ciidanku wey sameeyaan gaada ka ciyaarka laakiin xiryahooda ayey ku sameeyaan mana ahan inta badan wax la shaaciyo aniguse waxaan madaxweynaha jamhuuriyada ka codsan lahaa inuu ku mushquulo dhismaha ciidanka iyo qalabeyntooda inta uu xilka hayo si taariikhu uusan uga bixin maskaxda umada somaliyeed oo uu noqdaa kii lagu xasuusto soo nooleytii iyo qalabeyntii ciidanka qalabka sida.
KKKKKKK, Nabadsugid gaada ka cayaar samaynaya waagii Siyaad Barre xagee lagu arkay, been badanaa, anagoo soo jeedna buu rabaa inuu indhaha ciid nooga hubo. Duf ku bax beenaale.
waxaa dhaga shacabka ka batay wata koobaade madaxwaynaha umada soomaaliyeed
gudoomiya ururada dhalin yarada soomaaliyeed
gudoomiyaha hooyooyinka soomaaliyeed
gudoomiyaha olympikada soomaaliyeed
gudoomiyaha ururada qashin gurbiska soomaaliyeed
halkaa waxaa kacad in wixii la qaribirabo shaad soomaaliyeed loo xiro
waxaa kasii daran dowlad 30 madaxweyne leh
1 MURQAAN LAND
2 KADABA MURQAAN LAND
3 GARDARO STATE
4 XIN IYO XAASID STATE
5 KHAWAARIIJ STATE
6 KHIYAANO STATE
7 KUDAYASHO STATE
8 TARSE STATE
9 GURAANGUR STATE
SIDA AALA SOCO TAAN DASTUURKU WUXUU LEEYAHAY WAXAA MAAMUL GOBOLEED NOQONKARA 2 GOBOL IYO WIXII KA BADAN SOOMAALIYONA WAAGII HORE 18 GOBOL BAY AHAYD BAL U QAYBI INTAA AAN SOO SHEEGEY IYO IN KALOO QURBAHA JOOGTA
SIDA
QURBAJOOG STATE
XOOLADOON STATE
ILA MURAN STATE
QOLYAHAAS OO KU CAAN BAXAY DUMAR LASOO URURIYO DABADEED HOTEL LA KIREYSTO DURBAAN LA TUNTO DABADA LA LULO DANBINA LA GALO
ISLA HABEENKAANA LAGU DOORTO MID KHAYR LAAWE AH
SIDA MUQAYIL SOOMAALIYEED IYO SAQRAAN SOOMAALIYEED TUUG SOOMAALIYEED