Madaxweynaha Obama Oo Ka Digay Qatarta Ka Imaan Karta Dhalinyarada Soomaaliyeed


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha wadanka Maraykanka Obama ayaa ka hadlay dhibaatooyinka haatan ka taagan wadanka Maraykanka ee xaga amaanka ah.

Washiton Post oo soo xiganaysa madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegat in haatan laga walaacsanyahay dhalinyarada ku sii badanaysa wadanka Maraykanka.

Obama ayaa amray in  il gaar ah lagu haayo dhalinyarada Soomaaliyeed sida ay sheegtay Washiton Post waxaana uu muujiyay madaxweynaha walaaca uu ka qabo amaanka wadanka.

Sidoo kale madaxweyne Obama ayaa amray in il gaar ah lagu haayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo safra wadanka isla markaana dib ugu laabta wadankaasi Maraykanka.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in dhamaanba Hay’adaha iyo laamaha amaanka loo baahanyahay in arintaan ay ka wada shaqeeyaan isla markaana ay diidaan in la dhibaateeyo wadanka.

Wuxuu ku dheeraaday madaxweynaha Maraykanka in maalmihii ugu danbeeyay uu maqlayay dad badan oo loo qabtay falal ka soo horjeeda amaanka Maraykanka, wuxuuna tilmaamay in arintaasi ay tahay mid aanan loo dul qaadan Karin.

Ugu danbeeyntii Madaxweyanaha ayaa sheegay in haatan dhalinayaro lala xariirinayo Al-shabaab in ay ku jiraan xabsiyada dalka, islamarkaana qaarkood xukun uu ku dhacay.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

3 Responses for “Madaxweynaha Obama Oo Ka Digay Qatarta Ka Imaan Karta Dhalinyarada Soomaaliyeed”

  1. Ceelbooc says:

    Bal muxuu micneeyoo itaray ministerkaan doortay??
    Ninkii aan sidii la”ogaa udooranay miyaa saas u hadlayaa oo awalbaan dhibaato kuqabnay airporadee asna masaasuu bilaabay ilahay sharkaaga dadka haka qabto.

  2. Cadde says:

    ha xumaato ha wanaagsanaato dawladaas hala raaco riyada beenta ah kuwa ku jira oo qabiil qabiilka ah iyo kuwa waxaysan aaminsanayn oo diin ah (al Shabaab) ha ku baraarugeen heerka ay Soomaali taagantahay iyo sida aduunka nalooga nacay ama nalooga yaso,

  3. DragunovSVD says:

    Ceelbooc, doqonnimaad u arkaa inaad ka filanaysay gaalkan madow inuu somali iyo muslim wax u qabto.

Leave a Reply