Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo Ka Degay Magaalada Washington


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay  magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo waliba wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay halkaasi masuuliyiin iyo waliba Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Washington.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Raysal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo la taliyeyaashiisa gaarka ah.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la kulmo doono Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Gaashaandhiga, sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa hey’ada ugu weyn ee gar gaarka Mareykanka ee USAID.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Maraykanka, waxana sidoo kale uu tagi doonaa magaalooyin kala duwan

Booqashada oo ah tii u horeysay ee madaxweynaha Soomaaliya ku tago Mareykanka tan iyo markii bishii September lagu doortay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo Ka Degay Magaalada Washington”

  1. Said says:

    MALREYKANKA HAl qof xataa ma soo dhoweyn Xassan Qoslaaye iyo wafdigiisa. Waxaa la sheegay in lagu wareeray goortu soo dagayey.

  2. xaawo says:

    ASC SAID OO MAXEEY KU WERAREEN ILEEN MAREYKANKA QAAD LAGAMA CUNEE KKKKKKKKKK MALAHA WAA CIYAALKA AAN AFSOOMAALIGA AQOON BAA SI QALDAN LOOGU SHEEGAY OO WAXEEY MOODEEN INUU MAHIIGA YAHAY KKKKKKKKKK EE SAID SHEEKO KALE NOOKEEN

Leave a Reply