Madaxweynaha Soomaaliya Oo ka Qaybgalay Munaasabad Lagu Xusayay Aas Aaskii Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya (Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Munaasabd lagu xusayay aas aaskii ciidanka nabad sugada Soomaaliya oo ay ka soo wareegatay mudo 41-sano ah ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasanadaan ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin badan oo ka tirsan dowlada iyo waliba saraakiil ciidan kuwaasi oo ku dheeraaday ahmiyada ay leeyihiin ciidamada sirdoonka Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee hay,adda Nabadsugida Qaranka Eng.Axmed Macalin Fiqi oo goobta Kahadlay ayaa jeediyay khudbad ka tarjumeysa waxqabadka ciidamada Nabadsugida iyo Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay isagoo mid mid u dul istaagay waxqabadkii Nabadsugida ee tan iyo markii la aas.aasay.

Sidoo kale agaasimaha guud ee hay,adda nabadsugida Qaranka ayaa u mahad celiyay ciidamada Qalabka sida sida Booliska’Mileteriga’iyo Asluubta sida ay ugu gacan siiyaan howlaha ay dalka Kawadaan isagoo dhinaca kalena mahad gaar ah ujeediyay dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska Oo uu tilmaamay in dhan weliba ay hay,adda ka caawiyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka Jeediyay xaflada ayaa ku amaanay ciidamada nabadsugida shaqada ay u hayaan Qaranka waxa Uuna xusay in ciidamada sirdoonka dalku ay yihiin kuwa ugu habdhaqanka wanaagsan ee Bulshada marka la’eego ciidamada kale ee dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta shahaadooyin iyo abaalmarino kale Gudoonsiiyay saraakiil iyo ciidamo katirsan hay,adda Nabadsugida kuwaasoo muujiyay Howlkarnimo intii lagu guda jiray waajibaadkooda shaqo.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Madaxweynaha Soomaaliya Oo ka Qaybgalay Munaasabad Lagu Xusayay Aas Aaskii Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya (Sawirro)”

  1. DHeere power says:

    Guul ciidamada Somaliya gaar ahaan Somali National intelligence Agency
    Waa in la wiiqo cadowga alshayadiin jamhuuriyada oodhan laga xoreeyo argagixisada.

Leave a Reply