Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Warbixiyey Kulamadii Uu La Yeeshay Madaxda Ugu Saraysa Ururka Wadamada Midowga Reer Yurub


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Brussels(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud  ayaa faahfaahin ka bixiyey kulamo uu la qaatay madaxda ugu saraysa wadamada midowga Yurub xili uu ku suganyahay magaalada Brussels ee xarunta wadamada midowga Yurub oo uu ku tagay casuumad rasmi ah oo uu ka helay ururka midowga Yurub, madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu la kulmay madaxweynaha midowga Yurub,madaxa siyaasada arimaha dibada  iyo gudoomiyaha guud ee ururka wadamada Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay iney ugu muhiimsanaayeen waxyaabihii ay kala hadleen madaxda Yurub waayaha cusub ee uu galay dalka Soomaaliya iyo sidii ay wadamada reer Yurub ula jaanqaadi lahaayeen marxalada cusub ee ka dhalatay dalka Soomaaliya iyo sidii ay u taageeri lahaayeen dib usoo celinta dowladnimadii Soomaaliya ayuu u sheegay laanta Af-ka Soomaaliga BBC-da.

Madaxweynaha oo ka jawaabayey in midowga Yurub ay u sameeyeen dowladiisa ballan qaad lacageed ayuu sheegay in wadamada midowga Yurub ay  miisaaniyad u qoondeeyaan deeqaha ay siinayaan Soomaaliya isagoona carrabaabay in miisaaniyadii hore ay hada ku dhowdahay gabagabo halka tii cusbeedne aan la gaarin waqtigeeda balse wuxuu hoosta ka xariiqay in la isku raacay wax ka bedelka habkii loola dhaqmi jiray dowlada Soomaaliya maadaama uu dalku ka baxay kumeelgaarnimadii.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in dabayaaqada sanadkan ay wadamada reer Yurub qaban doonaan shirweyne looga hadlayo sidii Soomaaliya dib u dhis loogu samayn lahaa wuxuuna intaa ku daray in shirkaas ay wadamada reer Yurub ku dejin doonaan miisaaniyada lacageed oo muddo 10 sano ah dib u dhis loogu samaynayo dalka Soomaaliya oo ku burburay dagaaladii sokeeye.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Warbixiyey Kulamadii Uu La Yeeshay Madaxda Ugu Saraysa Ururka Wadamada Midowga Reer Yurub”

  1. [...] (RBC) Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan xarunta Midowga Yurub ayaa ka hadlay hadalkii ka soo yeeray maamulka Somaliland shalay ee ku aadana aqoonsiga dawlada [...]

Leave a Reply