Madaxweynaha Soomaaliya Xassan SH oo Kulan la qaatay Madaxweynaha Sudaan Mudane Cumar Xassan Al-Bashiir iyo golahiisa Wasiiradda.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

War-Saxaafaddeed:

(Mogadishu, Somalia,Janaayo,03,2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo booqasho ku jooga Sudaan ayaa maanta waxeey la kulmeen Madaxweynaha Sudaan Mudane Cumar Xassan Al-Bashiir iyo golahiisa Wasiiradda.

Safarkaan uu Madaxweynaha ku joogo Sudaan ayaa qeyb ka ah safaro Madaxweynaha uu ku marayay dalalka Geeska Afrika dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay. Safaradaan ayaa waxaa lagu xoojinayaa xiriirka Soomaaliya iyo dalalka ku yaala Geeska Afrika.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha iyo shacabka reer Sudaan sida wanaagsan ay usoo dhaweeyeen wafdiga Soomaliya. Sidoo kalena ku aamanay horumarka ay Sudaan gaartay oo ay ka mid tahay biyo xireenka Damazin ee ku yaala gobolka Blue Nile.

Ugu danbeyntii ayaa labada Madaxweyne waxey la hadleen saxaafadda kuna war-geliyeen in ay ka go’an tahay xoojinta labada dal.

Dhanka kale Wafdigan uu Madaxweynaha hogaamniyo ayaa maanta la kulmay arday Soomaaliyeed oo jaamacado ka dhigta Sudaan. Wuxuuna u sheegay in ay ka faa’ideystaan fursadda ay heystaan kuna wargeliyay Soomaaliya in ay ayaga ay sugeyso loogana fadhiyo in ay dalka dib ugu soo noqdaan.Madaxweynaha ayaa uga digay ardayda in aysan tahriibin oo ay badda ku dhamaan ama dhulka lama dagaanka ah, kuna cel- celiyay in dalkooda wax u dhaamo aysan jirin.

Ugu danbeyntii ayuu ku wargeliyay in ardayda ilaaliso sharciyadda dalka Sudan iyaga oo dhowrayo sharaftooda iyo dhamaan tan ummadda Soomaaliyeed.

Communication Office

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Madaxweynaha Soomaaliya Xassan SH oo Kulan la qaatay Madaxweynaha Sudaan Mudane Cumar Xassan Al-Bashiir iyo golahiisa Wasiiradda.”

  1. Hanad says:

    Raxanreeb si baat u danbeysaane, lakala baxyey, sheekaduna waxey gaartey sidii 1991, sidaa aawadeed, ninkan madaxweyne haku sheeginina waa idinku ceeb, waa xoolo, caqligiisu waa ku horkaati halagu kala tagee oo markaa koow sheekada laga soo bilaabo, waat u jeedaan habkuu ula dhaqmayo beelweyntiina, wallaahi bey garsoor iyo goldogob idinku bililiqeysan bilaaba sidaad isku difaaci lahaydeen, ileen waa mooryaan oo soomaali oo dhan ka markhaanti ah,,,…FOOL ME ONCE, SHAME ON YOU, FOOL ME TWICE SHAME ON ME,,,,,,……….

  2. danno iyo danle iyo damiin iyo daacad mahishiiso

    madaxwaynuhu waxa uu qabanayo waa sax

    waa daacad yaqaaan waxa dalku ubaahan yahay

    reer majeerteen la yiraahdo hadii ay waayaan tooda

    eed lasoobood badanaaaaaaaaaaaaaa dowxun iyo hadal qaloocbadanaah

    dowra dalka dhowra diinta raaca uulu amarka talada loodhiibay

Leave a Reply