Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Suudaan Oo Lagu Wado Inay Kulan Ku Yeeshaan Magaalada Khartuum
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan wadanka Suudaan ayaa ayaa waxaa lagu wadaa inuu la kulmo dhigiisa wadanka Suudaan.
Wararka ka imaanaya Suudaan ayaa sheegaya in madaxweynaha uu tagi doono magaalada Khartuum ee xarunta wadankaasi isla markaana labada madxweyne ay kulan wada qaadan doonaan.
Labada madaxweyne ayaa waxay kawada hadli doonaan xaalada Soomaaliya iyo waliba xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya sidii loo sii xoojin lahaa maadaama Soomaaliya ay yeelatay dowlad rasmi ah.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale inta uu joogo suudaan wuxuu kulamo la qaadan doonaa jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi Suudaan oo u badan arday halkaasi wax ka barata.
Madaxweyne xasan ayaa shalay gaaray wadankaasi Suudaan wuxuuna ka qayb galay muskii loo sameeyay markii madaxwnkaasi uu xuriyada ka qaatay Gumaystaha wadanka Ingriiska.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sii joogi doonaa wadankaasi Suudaan mudo sadax maalmood ah sida la sheegay, waana booqashadii ugu horaysay ee madaxweyne Xasan uu ku tago wadanka Suudaan tan iyo markii lagu soo doortay magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho













Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu tilmaamo inuu yahay aqoonyahan balse talo ahaan aad u liita marka la eego go’aan qaadashada ayaa hadda mar kale ku sifooway inuu shaqsiyaad garab ku siiyo kireynta dhismayaasha qaranka Talyaaniga.
Dhinaca kale Marwada R/wasaaraha oo si weyn ugu dhexmilantay siyaasadda xukuumadda & magacaabista xilalka wasiirada.
“Caasho waxaa lagu tilmaami karaa in ay tahay R/wasaaraha qarsoon, sababtuna waxey tahay marka waxaa soo jeedinayaa in qof kasta oo mas’uul ah loo madax-baneeyo inuu si hufan oo daacadnimo leh u guto shaqada Qaranka, haddii howshii Qaranka lagu dabaqo musuq-maasuq & nin tooxsi Saacid wuxuu mari doonaa jidkii ay horay u mareen kuwii isaga ka horreeyey”. Agagarka Madaxtooyad ma ka soo bixin saacid.
Wararka ayaa sheegaya in Xaaska Ra’iisal Wasaaraha inta badan kulamo la yeelato xubno xil doon ah sida Safiiro iyo Saraakiil, kulamadaas ayaa waxay ka dhacayan guriga Ra’iisal Wasaaraha.
Caasho Xaaji waxay ka tirsan tahay Baarlamaanka Soomaaliya laakiin hadda waxaa looga yeera Maamada oo ah Erey inta badan Madaxda dalka Xaasaskooda loogu yeero.
Sidoo kale Wasiirada Dowladda ayaa xad iyo jeer la kulma Xaaska Ra’iisal Wasaaraha taas oo looga dan leeyahay in la muujiyo sida daacad looga yahay Ra’iisal Wasaare Saacid