Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Oo 4-Sanno U Dabaaldegay Waxqabadka Dowladiisa [Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso[RBC Radio] Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Farole oo Xaflad Socotay Shalay Galab ilaa Xalay ku Qabsaday Guriga Madaxtooyada ee Boosaaso kaga Hadlay arrimo badan oo khuseeya Waxqabadkiisa 4-sanno ee uu Xafiiska Joogay.

Sanadguuradda 4-aad ee Xukuumadda Puntland oo si heersare ah loo soo Qabanqaabiyey ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan,Golihiisa Wasiiradda,Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Salaad Xareed Cali,Isimada,Waxgarad,Haween,Dhalinyaro,Culuma’udiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Farole oo khudbad dhinacyo badan ka hadleysay Kasoo Jeediyey Xafladda Sanadguuradda 4-aad ee Xukuumadiisa ayaa sheegay mudadii ay Xafiiska joogeen in Wayaabo farabadan ay wax ka qabteen sida:

01. Amniga.
02. Dhaqaalaha
03. Caafimaadka
04. Burcadbadeeda
05. Al-Shabaab
06. Mashaariicda Horumarinta Puntland.
07. Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo arrimo badan.

Dawladba Kama Jirin Puntland.

Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in in Maamulka hadda uu Hoggaamiyo marka ay la wareegeen Xilka uu amniga ahaa mid kala daadsan ayna kala Yaaceen Ciidamadii amniga sugi lahaa isla markaana ay Jirtay in yar oo Ciidamada kamid ahaa oon hawlba qaban karin.

,,,”"”" Waxaan la Wareegnay iyadoo Argagaxisadu ay meel walba dhigato Ukunta iyo Shabaagaha oo iyada kaliya laga baqaayey,Hay’adaha amnigana lacaayey oo lagu Sheegayey AL-SHAHAADA LA DIRIR,iyagoo iyagu iska dhigaaya kuwa Al-Shahaadada ku taagan dhiigyacabyadaasu Ummada dhiigeeda meel walba dhigay Soomaaliya oo dhan,..”"”ayuu yiti.

Waxa uu sheegay in Xafiiskaba qabteen iyadoo kooxaha Burcadbadeedu Iska dhex socdaan magaalooyinka dhanka kale afduub ba’an lagu hayey Shaqaalaha Hay’adaha u shaqeynaayey ee ka hawlgalaayey deegaanada Puntland.

…”"” Waxaanu Xafiiska qabanay iyadoo Burcadbadeedu ay meel walba sidey doonto Isaga Mushaaxeyso,Hay’adihii Caalamiga ahaa ee dalka ka Shaqeynaayey Shaqaalahoodii la afduubaayey,..”"”ayuu yiri Farole,

Sanadkii 2009 Iyo Xafiiska.

Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud ayaa xusay in Sanadkii ugu horeeyey ee ay Xafiiska qabtaan 2009 uu bilaabay inuu Isku dubarido arrimo badan oo ay kamid yihiin:isu duwida amniga,soo uruurinta hay’adihii amniga,ka hawlgelintooda,dib u habeynta Dhaqaalaha ,Shuruuc u sameynta waxyaabaha amniga wax yeelaya sida Sharciga Argagaxisada la dagaalankeeda,Sharciga Burcadbadeeda la dagaalankeeda iyo Sharciga la dagaalanka Tahriibta.

Siyaasadda.

Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud ayaa ku sheegay Khudbadiisa in Puntland qeyb weyn ka qaadatay Dhismaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ee Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud,wuxuuna Intaas ku daray in guul weyn ay tahay iney ku guuleysteen ansixinta Dastuurka Puntland.

Dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa Cadeeyey in dhaqaalaha Puntland uu hoos u dhaca ku yimid balse ay wax badan laga soo kabtay,isagoona intaas ku daray in bishii Dec 2011 ay lacagta Shilin Soomaaligu kor u kac laga dareemay Suuqyada Puntland taasina ayba keentay in Mushaaraadka Shaqaalaha qaarkood dawladdu ku bixiso Doolar.taasina Sababteeda ugu lahayd lacag Dollar oo Muqdisho kusoo fatahay xiligii ay socdeen qeybinta Mucaawinada.

…”"Dhaqaale burbur waa ka dhacay dalkaan,waxbaan kasoo kabnay,waan soo hagaajinay meel baan gaarsiinay laakiin Dec 2011 Shilinkii Soomaaliga ahaa baa kor u kacay Qiimihiisii,Doolarkii baa dhacay saameyn bey ku yeelatay dhaqaalaha Puntland,Soomaaliya oo dhan wey ku yeelatay gaar ahaan Inaga waxa inagu gaar ahaa Macaawinadii tirada badeyd oo lacag kaasha oo doolar ah la geliyey Koonfur,waxaa Koontara baan looga qaaday Puntland lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd Inaguna ma aynaan daabaceyn,lacagtaas Yaraanteedii darteed,waxaa kor u kacay Shilinkii Soomaaliga ahaa ee Mushaarka lagu bixinaayey intuu Suuqa ka joogay,ilaa ay kaliftay Dawladu Mushaarooyin qaarkood iney ku bixiso Doolar….”"”“ayuu yiri.

Shidaalka Puntland.

Madaxweyne Faroole,waxa uu tilmaamay in marxalado kala duwan uu soo maray Baarista Shidaalka Puntland isla markaana hadda labada Ceel mid wax laga helay kan kale qorshuhu yahay in Sahan danbe lagu sameeyo.

…”"”Ceelashii labaas laga qoday mid waxbaa laga helay kan kale sidii la rabey waa noqon waayey dib baa loogu soo noqonayaa in Sahan danbe lagu cesho dabadeedna riiga lasoo celiyo oo la saaro Dharoor iyo Nugaal labadaba,marka haddaad aragteen birtii oo tagtay ha moodinina quus birtii waa soo noqoneysaa haddii Alle idmo,..”"”ayuu yiri

Khudbadda Madaxweynaha oo qaadatay 1-saa c isla markaana taabaneysay dhinacyo badan ayuu kaga hadlay sidoo kale Caafimaadka,Saxaafadda Dibadda,iyo arrimo kale,waxaase dadka qaar Isweydiinayeen Wakhtiga in uu ka dhamaaday iyo in kale Madaxweynaha halka Sanadkiisa Cusubna lagu soo dhaweeyey Heeso, iyo Ruwaayad Jaanta Isula helayeen Kooxda Waaberi Puntland.

____________________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share

14 Responses for “Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Oo 4-Sanno U Dabaaldegay Waxqabadka Dowladiisa [Sawirro]”

  1. Qardhaa igu filan says:

    War Faroole waa xunyahay , shanta qof ee meesha uu kusoo aruursaday waa kuwa ya kimid Garoowe, habraha wada gafuurka weyn oo aad moodid in layiri meesha xalwad baa taal, iyo odayaasha aan xataa dugsi sarre iska daaya, aanba waligood alif iyo ba looyeern ayuu meesha soo qotomiyay!!!

    aaway reer barigii asalka ahaa, waxaan miyeey raali ka yihiin?????? War iska erya odeyga qabiilistaha weyn ah!!!

  2. bosaso man says:

    Odaygu khiyaali buu meesha kuhayaa dadka 4 years baa khiyaano lagu soohayay maanta lagama yaabo in la idinka yeelo because rabitanka shacabkA lama tixgalin kudarsasho bey sameysteen nimankii umuda hogaanka uhayay waa ayaan daro in sidii arigii 40 qof xero lagusoo xareeyo then ladhoho waxqabad baan ka hadleynaa waa lugooyo shacabka puntland waxaan ugu baqayaa in nin walba tuulada uujoogo amnigeeda sugto mamulna aan wax laga sugin wa bilaahi towfiiq

  3. qardho says:

    Noolow madaalow 4 More years

  4. cali waaciye says:

    k kk kk k rijaal rijaal dhalay hal sanaad sheegataye 5 kale ku darso anna cismaan maxamud hal mar igu fisax jaanis baan ku raadinayaye !!mudane ciidan kale ha u dirin just 50 wiil ooo dishiishe ah u dir iyadaa soo cunayee !!! mudane hay haye waligaa hay !!

  5. Hanad says:

    Good job, sifiican buu u xaliyey mucaaradka, hadana waa in uu bilaabaa siduu uga tuuri lahaa xasan xoolo kursiga lagula qaldamey,,,…….

  6. cadaani says:

    faroole waxaa kamuhiimsan amaanka iyo nolosha umadee dadoow shar iyo shido ha u yeeranina ee wadajirka iyo nabada adkeeya dawladuna wax weyn ayay qabatay wixii dhimana dawladii timaada sanadkadibaa dhamaystiridoonta insha alaah

  7. Run sheeg says:

    Tani waxay muujinaysaa reer puntland inay dantooda garanayaan yihiinna dad leh xadaarad soo jireen, waa ummad taqaan halkay u socdaan oo mar walba mudnaanta koowaad siiya danta guud. Baarakallaahu fiihim

  8. warsame says:

    Faroole waa in la daayaa oo 5 sano oo kale dib loo doortaa maa daama kuwa hada u qaylinaya inay qabtaan kursiga madax wayne ee puntland waa naqaan oo horaa shacabka puntland uu u arkay shaqadooda, iyo waxay yihiin sidaa daraadeed kuma badalan karo faroole umana qalmaan xilka intaa gaarsiisan waxaadna ka garan kartaan waaba niman iska horkeenaya oo isku dayaya in dadka ehelka ah ee walaalaha ah layku laayo kursi ay rabaan awgii taasoo shacabku la dhaka faarsan yahay. mawaysan ogayn in CADE IYO CABDULLAHI YUSUF rabidoodii kursi ay u dhinteen boqolaal ilmaadeer wada ah oo aan waxba galabsan bal khasaarahaa day!!! faroole waxa uu u horseedayaa oo laga dhaxlayaa wado cusub oo ah xisbiyo taasoo looga gudbayo qabyaaladii iyo qurunkii jahliga ahaa. markaa in loo mahad celiyo ayuu istaahilaa sidaa ayaan qabaa anoo kasoo jeeda degmada cagaaran ee gobolka mudug.

  9. CARMO_Man says:

    wan u hambalyey naya madaxweyne ha dacada iyo geesinimada isku darsaday 5 years agein madaxweyne daadka dhahaya away reer bari reer bari wa kuwa mesha fadhiyo u badan majority godi sida Cali Saleban,,Siwaaqron,,Dishishe,,,Dubeys inta wixi dheer wax u maleyn in ay yahin iska sacbiya
    intas waye reer bari awoodle oo wax laga waydiyo gobolka wad ogeyden daad ba ku fanayey 8 janayo dalka wa kala jar jareysa raagi fashiliyey shekada beenta iyo khiyaliga ah wa kuwana dowladana adecadaha maqal iyo muqal ba ku tageeray waxana leyahay guleesta dhaman isimada sharafta leh ee meshaas noga muqda cadeyn bay u tahay imanshaha xaflada isimada waweyni

  10. said abdi says:

    faroole been buu dadka ka dhar jiyay waxaa uu helay dad uu ugoodiyo oo aan oran karin beenta nagadaa.faroole waa faashil xukeemadeesu khaas ahaan Amaanka. dhaqaalaha iyo alshabaab

    1 faroole kahor madhicin in la.laaayo wasiiro iyo gudoomiyaaal maxkamadeeda marka faroole in uu yiraado amaanka baan ku guulaysanay waa ku ceeb
    2 dhaqaalihii puntland waa bur buray sababtoo ah canshuun buu iska kordhinayaa sanadkasta . Dadkii ganacsada waxay u wareegeeen barbare somaliand. sidoo kale waa ku ceeeb in uu dadka la horyimaado dhaqaalaha baan ku guulaysanay . malaha waxa uu wax ku qiyaasay lacagta uu asagu haysayto dalku ee leehaay oo sharci darada uu kuhaysto
    3 sidoo kale alshabaab last week waxay lawareegeen kantaroolka bosaso. sodo kale way weerareen hotel pana rama waxaa ceeb ah in aad dadka kasoo qaadid wax aan waxba ogayn

    1faroole wax uu qaa imay allaah , sababtoo ah waxaa uu kudhaartay kitaabka alle in uu haynayo xafiiska afarsano 4 kaliya
    2 waxa uu qaa imay dadka oo ku takrifalay hantidoodii oo uu kusameeyay mis used ama sikhaldan u is ticmaalid.xatooyo xoola dadwayne
    3 waxa uu qaa imay dalka oo uu usameeyay dastur xaaraam ah. oo kusalaysan sidii uu ugu guulaysan lahaa shanta sano ee soo socto. oo aan kusalaysnaan mustaqbal umadeeda

    waxaase yaab leh. culuma. isimada iyo waxgarad hor fadhiya oo sacabka u tumaya shaqsi umada masiirkeeda dhuminaya

  11. ciid yare says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk hanbalyo hanbalyo hanbalyo shacabka puntland iyo dowladeena sharafta leh waxaas na waxaan ku gaarnay iskuduubnideena halkaa aan kasiiwadno yuusan nagafaa iidaysan cadowgeena dibada iyo dalka kuwaan calaacalaaya xataa waxay keensan waayeen xiasbi iskadaa hogaamin puntland waa in ladoortaa cidkarti iyo geesi nimo leh sida faroole hanbalyo kkkkkkkkkkkkk kanaxoow nafta waa kkkkkkkkkkkk

  12. SUUXAAYE says:

    5 SANO OO KALE AYAAN KU DOORANAY. NOOLOW MADAXWEYNE.

  13. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ayaa buntland leh waqtigodi waa dhamaday cag ayaa afka laga linayaa

  14. Ragaad-diid says:

    Dadka Puntland waxay la liitaan dhaqaale xumo oo Faroole 4 tii sanno ee la soo dhaafay ayuu wixii xoolo Oolaa waxna intuu xiray ka qaatay waxna Cashuur aanu ku soo celinayn u qaatay.

    Marka sannad daaye 6 bilood siday ku sii noolaan dadkaani lamagaran karo.

    Sidaas daraadeed wadanku wuxuu u baahan yahay in laga xoreeyo Faroole iyo Reerkiisa oo aan ogeyn in Faroole Maalin wax khalday. Waayo lama arag Reer Qabyaalad darteed ilaa duqeydii Askar u ah oo daba yaacaya.

Leave a Reply