Madaxweyne Faroole: Dilalka Waxgaradka Waxaa Ka Danbeeya Argagixiso Siyaasadeed
Boosaaso (RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa wuxuu ka hadlay dilalka loo geesto dadka shacab ah iyo waliba dadka ugu muhiimsan bulshada.
Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in dilalka loo geesto dadka ugu muhiimsan bulshada in ay ka danbeeyaan dad kooxo kooxo ah oo dano gaar ah leh.
Hadalkiisa ayuu intaasi wuxuu ku daray in dadka geysanaya falalka dilalka ah ay yihiin kuwa argagaxiso ah oo dalalka shisheeye kusoo tababartay balse aysan aheyn dad Soomaali ah sida uu sheegay.
”dadka la dilayo ee leh waxgaradka waxaa ka danbeeya kooxo ah Argagixiso siyaasadeed kuwaasi oo jooga deegaanada Puntland”sidaa waxaa yiri madaxweynaha maamulka Pubtland.
Kasokoow hadalka Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole waxaa deeganada Gobalada dalka Soomaaliya ka dhaca dilal qorsheysan oo ay fuliyaan kooxo hubaysan oo aan la garaneyn.
Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Gaalkacyo lagu toogtay nin ka mid ah dadka deegaanka oo si weyn looga yaqaanay magaaladaasi isla markaana aanan la garanaynin cida ka danbaysa dilkaasi.
RBC Radio
Xafiiska wararka Boosaaso













waan runtaa m\waynaheena qiimaha badan waana saa ugaratay cadowga waa dalka iyo dibada qaasatan dalka gudihiisa waxaa lagu qiyaasay in ay gaarayaan 75% dibadana 25% marka waxaa hurda shacabka puntland oo soo dhawaynaaya siinaaya guryo ay ku dhuuntaan ayagoo ugu soo gabanaayo raxin sida wiil gabari keentay iyo mid lacag lasiiyay gabayna in ay lashaqeeyaan dowladooda dadaalaysa oo har iyo habayn utaagan sugida amaanka waxaana leeyahay waa habacsanaan xaga shacabkaa qaasatan reer galkacyo oo lagu dhameeyay wax garadkii qiimaha badnaa waana leeyahay kakaca hurdada oo ushaqeeyaa koox koox gallana guri kasta oo galkacyo kuyaal soona sheega aqbaarta oo soo siiya dowlada si loo sugo amniga wax garadkeena iyo siyaasiyiinteena waxana leeyahay siyaasiyiinteena ayagana qayb ayay kayihiin amni darada wadankeena ayagoo fiirsanaaya laaluush iyo dan gaara waxaan leeyahay kawaan tooba falkaa xun ogowse gacmaha aad jaraysid in ay yihiin gacmahaagii axmuqyahow to laai ciil badanaa waa wax kuladhashay hadana ku shir qoolin oo aadan iska ilaalin karin laakiin insha alaah waan ka guulaysan insha alaah ha ahaado dibad mama dalka gudihiisa
Sow taad noo sheegi jirtey in Alshabaab Dadka laayaan oo ay san cidkale wax dilin hada ma Mucaaradka ayaa dadka laayaad noo sheegeysaa jaalle madax wayne hala sii shuceeyo faroole wax yaaba badan ayaa ka soo baxi doonee culumadii iyo siyaasiyiintii ladiley buu meel ku sheegi doonaaye
Dhibjka jira waa Faroole oo kolba qofka mucaarad ku noqda ugu yeera argagixiso kadibna uu weerar ku qaado kooxdaas ama beesha uu ka dhashay qofka mucaaradka ah, marna leelkase baa muacaarad ah oo la leynaya, marna warsangeli baa argagixiso ah oo la leynaya, atam waa la yaqaana mana aha argagixiso waa wadaad dhalinyaro ah, been lagu celceliyo run ma noqonayso, faroole diinta iyo wadaada inu ku gefo ma aha maxa yeelay inkaar baa puntland ku dhici, gaaladu waxba inama tarayaan.
Alshabaab inaad thay ma shaki ayaa ku jira Faroolow, Puntland Alshabaab hadii ay wax ka gaystaan 100% adiga ayaa ka mas’uul ah maxaa yeelay adiga ayaa wadanka mugdiga siyaasadeed galiyay, laakin iswaalwaaleba WARAN AYAA KA DAMBEEYA. WAX MAALIN KAYAR AYAA KU HARAY KADIBNA SHACABWEYNAHA AYAA KA MID TAHAY………………..LOSER,,,,,,,,,,,,,,,,,LOSER,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,LOSER
Habar dhaliweydey aleelo ku waalatay lol
Faroole Afwaliinje Taxi driver ku noqo beentada waa la nacay !
Faroole iyo tuugadiisii umada Somaliyeed Argagixisada ku sheegi jiray ayaa isku dhacay oo ay kataagan tahay fara isku taagtaag. Laba qumayo way ku tartamaan isugu yeerida qumayanimada.