Madaxweyne Faroole oo ka digay hadafka Madaxweyne Xassan [Dhageyso]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Boosaaso [RBC Radio] Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Farole ayaa shaaca ka qaaday in uu Walaac ka qabo qorshe Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ku doonayo in Dastuurka ku tirtiro.

Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud oo Xalay u Dabaaldagaayey Sanadguurada 4-aad ee Waxqabadka Dawladiisa 4-tii sanno ee lasoo dhaafay ayaa sheegay in uu ka digaayo in dib loogu laabto Khilaaf iyo Isku dhac Haddii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Joojin Qorshaha uu wado.

…”"”"Waxaan aad uga xumahay oo aanan filayn in aan maqlo, Barlamaanka Federaalka Maalintii dhawayd, markii la xirayay inay ka soo yeertay Afka Madaxweynaha in Dastuurkaasi uusan shaqayn karayn, ee ay noqon doonto in Barlamaanka iyo Dowladu wax ka bedelayaan….”"”ayuu yiri Madaxweyne Cabdirixmaan.

Waxa uu ka digay inaan dalka dib loogu celin,laguna dhaqmo Dastuurka hadda qoran kaas oo ku Sifeeyey in uu yahay kii lagu doortay Madaxda hadda Xafiiska joogta iyadoona Odayaasha dhaqanka Puntland qaar kamid ah ay Wax ka Ansixiyeen.

Halkaan ka dhageyso Walaaca Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xassan SH Maxamuud

…”"Arrintaasi sidaas ma aha yaan dalka dib loo celin, yaan isku dhac cusub la samayn, sida qoran oo la idinku doortay oo lagu ansixiyay oo odoyaashii Ergada ahaa ee wax ka ansixiyay halkan Caawa fadhiyaan, Ha lagu dhaqmo baan ugu yeeraynaa…”"”ayuu yiri.

Dhismaha Maamul u Sameynta Goboladda Dalka.

Madaxweynaha Puntland oo si faahfaahsan uga hadlay Maamul u sameynta Goboladda kale ee Soomaaliya ayaa sheegay in sida Dastuurku qabo loo sameeyo Maamulo ka koobnaan doona Dawladda Federaalka Soomaaliya.

…”"”Waxaanu sugaynaa oo sida ku qoran Dastuurka Federaalka ah oo dhamaystirkiisa Dowladu sahasho sidii loo dhisi lahaa Dowladihii puntland la mid ahaan ka dhismaan Degaamada kale ee Somalia,dabadeedna sida ku qoran dastuurka,dabadeedna qodobada Dastuurka ee dib loo dhigay ee awood qaybsiga Siyaasadeed,awooda dakhliga dowliga ah,awooda khayraadka dalka qaybsigiisa,intaa marka laga wada hadlo shirar dambe…”"”ayuu yir

Gababagadii Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Carqalada iyo Buuqa laga daayo maamulka Jubaland,dalkana Cagaha loo dhigo isla markaana Shacabka deegaankaas degan loo daayo taladooda.

,,,,”"”Waxaan ugu yeeraynaa in Maamulada hadda madaxa keenay sida maamulka Jubaland oo buuqa badan iyo Ilaaqda Badan lagu furay, Carqaladaha laga daayo oo dalka cagaha loo dhigo, ay dhismaan oo dadka halkaas degaa taladooda lahaadaan….”"”ayuu yiri Madaxweyne Farole.

 

______________________________

 

RBC Radio

Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

45 Responses for “Madaxweyne Faroole oo ka digay hadafka Madaxweyne Xassan [Dhageyso]”

  1. Fanax says:

    K.k.k.k.k.k wlh odayge ka ahay madax weyna ha gorowe stayt wa hadlay aboyo hal ka sano inu dad fodeyo mo ugu dar saday wlh tan waxan u aqan socon weyne an orod no waxas mar hora laga hesheyay waxa layiri doqon meshe lagu heshe ya ma ogen e waxay oged meshe lagu dagalay viva dowlad somaliya oday qas wada waxan kala hadal no wa qalad dastur ko shega nayo so kan ka talab saday esimada putland ne ka dhegay mido xero iyo mido alshabab ku sha badeyo wale waxa tahay damer ciyay wada di saxibada mare sida 2 sharif iyo caalin ba kusuge

  2. Jugsodhacay says:

    Xasan dhuxulaw. Hadii. Uu Khalad u arko dasturkii lagu doortay Waa Ayaan Daro u soo hoyatay shacabka soomaliyeed, in kastoo dastuurka Uusan Wada fiicnayn. Hadana Waa lagu Wada heshiiyay oo waxaa kasoo baxay dawlada hada jirta waxana cadaynaya. In maanta madaxwaynaha, gudomiyaha baarlamaanka, raisalwasaraha Aan laysku haysan laakiin dastuurka Hadii laysku dayo in labadelo oo xasan uu siduu jecelyahay uu ku qorto. CID yeelaysa majirto, waxana shaki gali doona ahaantiisa madaxwayne waxana haboon Inuu qaato talada Hadii kale Waa khilaaf iyo iska daba wareegii 22sano.

  3. xasan says:

    waxan halka kasalamayaa madaxwaynaha dawlada puntlan dr cabdirixmaan iyo shacabka wadanka puntlan sanad guuro wanaagsan guul iyo dimuqraadiyad hanbalyo

  4. Nin Daalan says:

    Ninkaad kabaha ka toloneeso kabahiisa baala fiiriyaa mudane Faroole soo adigii 4 sano lagu doortay xilkaagana ku ekaay maalintii shalay ee taariikhdu eheed 8.01.2013 dastuur soo kan xitaa aad adigii ku dhaqmi waysay? Warkaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Puntland waxaan u aragnaa waa socon weynee aan orodno. Madaxweyne Xassan Sheekh wuu saxan yahay waa in dastuurka qodobo aan quseenin Soomaaliya waa in laga saaraa.

  5. Cadaado says:

    ASC, dhamaantin. Horta, ugu horeeyn qaswade Faroole maantay waa nin waqtigii eey dadka Waqooyi Bari dagan ku heshiiyeen iyo nidaamkii laad ku dhuftay, oo si kaligiis tali ah xukunka ku boobay. Mase u sii shaqeeyn doontaa in uu qas iyo handadaad xukun jaceeyl xooog ah ku joogo. U maleynmaayo hadii uu reerkiisa soo handado, in uu qaskiisa soo gaarsiin karo Somaliya goboladeeda kale iyo Dowlada dhexe. Waxaana ka hadalsiiyay, waxuu is tusay in xukun boobka uu sameeyay ku qariyo, ku daboola ka hadalka Dowlada Somaliyeed, asagoo raba in uu dadka meel dhow wax ka arka uu ku qaldo, kuna marin habaabiyo.

    Qaswade Faroole, waxuuba fahamsaneeyn dabka uu ku ciyciyaarayo iyo in uu hadaba dhadhaminayo qatarta eey leedahay maamul beeleed. Kaba daranoo dibi dhal, waxuu meelna ka leeyahay xisbi iyo asxaab ayaan ku tartameeynaa, oo qabiil waan ka baxeeynaa, Ilaahiisana waa qabiil, oo waaba waxuu kusoo dhaqmayay, kuna shaqeeynayay, hadana si xoog ah Boosaaso ugu xukumo. Marka odaygaan, qaswadaha ah cid dhageeysaneeyso ma jirto. Waana in eey tilaabo ka qaadaa Dowlada Jamhuuriyada Somaliyeed iyo madaxdeeda.

    Waxaa jirta xog cadeeynaysa shabakad iskuxiran oo qaswadayaal ah oo uu hogaamiyo qaswadaha ugu weeyn ee Faroole, kuwaas oo isku hadaf ka’ah xagal daacinta Dowlada Somaliyeed iyo soo celinta karaamadii iyo midnimadii dadka Somaliyeed, oo maantay u baahan mideeyn, balse aan u baahneeyn in lagu jahawareeriyo Federal nidaam ah, oo la rabo in dadka Somaliyeed qoorta waligood iskula jiraan, ayagoo waqtiga nolasha qofka Somaliga laga dhigo mid cimri yar, oo gaaban, oo fool xun oo naxariis dara ah inta uu nool yahay. Maamulka Federal ah waa tijaabo kale, oo dadka Somaliyeed la rabo in lagu tijaabiyo. Dad aan xog heeyn amaba cadowga umada Somaliyeed ah waaye dadka u maleeyay in Somalia nidaam Federal ah ka shaqeeynayo. Sidaas owgeed ayadoo dadka la wacyi galinayo ayaa la rabaa in Dowlada Somaliyeed iyo Baarlamankaba eey iska laab laabaan qorshaha nidaamka Federal ka. Laguna badalaa nidaamyo gobolo uu gobol kasta isku filan yahay, hogaaminayaana dadka deegaanka oo dhana eey ka dhex muuqdaan.

  6. Af-Aji says:

    Faroole isagu muu ixtiraamo dadka reer pintiland oo afartii sano ee loo dortay way ka dhamaataye. Lacagtu dhacay ku iibsado geela australia ee la laynaayo. Soomaaliya marnaba ma noqon doonto fédéral. Waa isku af, diin, daqan iyo zinji. Odayadda uu iska xidhaayo haa dhaafo. Pintiland maanta caafimaad maleh, iskuul public ah maleh, nabadgaalyo maleh. Hooyaday oo garowe joogta ayaan ka baqay inaan booqdo oo aan keenay jabuuti. Faroole waa iska hadle ina igare.

  7. wadaad yare says:

    Madaxweyne Xasan wixii sharciga iyo dastuurka la degsadey ka hor imaanaya baarlamaankaa ku qabsanaya oo ka celinaya. Laakiin Faroole yaa ka celinaya qaladkiisa mar haddii isaga iyo baarlamaankiisuba ay qasab meesha ku heystaan oo ay ku darsadeen sannad sharci darro ah?

    Marka xaalku sidaas yahey oo Faroole yahey nin si sharci darro ah ku maamula gobolka Puntland muxuu gooyaa hadalkiisu weeye su,aashu?

    Wuu iska hadli karaa laakiin hadalkiisu wax qiimo ah kuma fadhiyo, sababtoo ah mar hadduusan sharci ku taagneyn waxa kaliya oo uu wax ku goyn kari lahaa waa in uu leeyahey xoog looga baqo, taasna ma lahan oo hadduu leeyahey gobollada maamulkiisa ilaa hadda u diiwaan gashan oo Sool iyo Sanaag ayuu xoogga uu Xamar ku qabanayo kusoo ceshan lahaa.

    Marka dadka tolnimada iyo waa “balaayo loo baahanyahey” awgeed u taageeraya Faroole waxey arki doonaan in balaayadiisu cid aan degaankiisa aheyn aysan u gudbi doonin!

  8. laasqoray boy says:

    madaxweyne faroole waxaan weeydiinayaa muxuu ka wadaa hadalkiisa dastuurka waxaba lagama bedeli karo soowta hadaba aanu ognahay in qodobo la laalay kama uusan hadal muxuu hada la xiiqsan yahay? arintaas waxaay u taalaa madaxweynaha soo socda e puntland ee adigu xilka iskaga deg in aad madaxweyne xasan ka hadashid looma baahna nin tiisa daryeela tu kalena ku daree adiga aaway amaanadii shacaba reer puntland kuu dhiibteen? soowdigii ku dhaartay quraanka kariimka inaad 4 sano na maamulaysid dabadeedna aad balantii ka baxday oo tiri maya ee 5 sanaa laay doortay adeer ninkii tiisa daryeela tu kalena farooloow ku dara marka taada ka hadal !!!!

  9. Haadi says:

    waxaan u sheegayaa shacabka Jubbaland ineeysan niyad jabin oo walaalahooda Puntlanders ka ah garab taaganyihiin wax kasta oo ay ubaahdaan. Wax sharci maahan in dowlad aan aqoon waxii lagu heshiiyey inay dhahaan Dastuurka ayaan ka boodaynaa no more fight. Peace baan dadka ugu yeeraynaa.

  10. muqdisho boy says:

    faroole asigeeba godkiisa biyo ugu soo galeen oo looba aqoonsaneen in uu yahay madaxweenaha puntland marka koowaad asoo dhameeyo waxa ka jira magalada qardho khlilaafga puntlad ha xaliyo markaas kadib hago hadlo arimaha dastuurka

  11. Guure says:

    Dastuurku waa udub dhexaadka dowladnimo. Xasan Culusoow taas warba uma hayo. Dastuurkii isaga meesha keenay haduu kasoo horjeesto isagaa dhacaya. Dowlad ku sheegtiisa Villa Somalia way dhaafi la’ dahay.

  12. Ali soomali says:

    Faroole waa nin isgedis badan, wuxuu sheegayo wax jira ma aha ee waa jeebkiisa laakiin wuxuu doonaya inuu ra’yiga dadweynaha ee ku foorara isaga mudadii xaaranta aheyd ee uu kudarsaday xukunka inuu iskaga jeediyo, teeda kale wuxuu caado ka dhigtay inuu ka hadlo wuxuusan shaqo ku lahayn, wuxuu u baahan yahay inuu booqdo dhakhtar ku taqasuusay cilmiga nafsiga ama phychiatrist.

  13. Ahmednuur says:

    Dadka Federalka raba iyo kuwa kasoo horjeeda waa inay meel dhexe i sugu yimaadaan, maxaa yeelay Federaalnimada Faroole wado, mid Soomaali lagu dhaqi karo ma ahan, kuwa kasoo horjeedana caqli ka wanaagsan ma hayaan, oo ahayn in wax kasta Xamar la iskugu geeyo. Hadaba isku dhacaas si looga badbaado, aduunkana meelo badan ka dhacday, oo Maraykanku ugu horeeyo oo ay is qabteen, niman Federal doon ahaa iyo kuwa kasoo horjeeday, markuu danbe caqli iyo Aqoon bay ku kala baxeen, marka Soomaaliya taasna maleh.

    Waxaa wanaagsan marka in meel dhexe la isugu yimaado, hadii la dhaho Federalnimada Faroole rabo hala qaato, Tusaalaha kowaad oo aysan u shaqaynayn waxay tahay, Gaalkacyo xagee raacaysaa-ileen Galmudug iyo Puntland midna tanaasuli mahayaane.Ximin iyo Xeeb yay raacaysaa, ileen Ahlu-suna iyo Galmudug midna lama tusi karee, Beledweyn oo kala qaybsan ayadana see laga yeelayaa,?Marka caqligu ha shaqeeyo, Dastuurkana waa in dib loogu noqdaa, la saxaa. Anigu waxaan jeclaan lahaa, Nidaam Goboladu Governors yeeshaan, dadka Gobolku doortaan, canshuurtiisa asaga lagu dhiso, Dowlada dhexe Canshuur ku yeelato halkaas. Laakiin waxaas oo dhan waxaa ka horeeya-is cafis, hantida oo la isku celiyo iyo dib-u heshiisiin Guud. Sidee Dastuur loo samayn dadkii is aamini maayaane?

  14. kilinka shanaad says:

    somalidu waxey ku maah maahda waan socon weyne aan oradno odeygan afka jeexan wuxu ku leeyahay galkacyo ma soo dhaafi karo xafad ka mida jubland waan u hiilin xamar waan u caban qof aan qabilkis aaheyna oo mla jooga maleh hadii u xita go ma cida aan cidas aheyn buu xukuma waa hadal caruura ee wax ku nihi laha xasan sheekh iyo kismaanyo wa heshiyen qabilka ogden tashaye tasho ninii wax tahay iibin jiraye raga ogden hadan ayag u heesa doqon

  15. ciid yare says:

    kkkkkkkkkkkkkk ,kkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkk halyay nooloow hadal kaaga aad iyo aad buu iqiimo badan yahay wax badan baana kaa sugaynay hadaa nahay shacab waynaha soomaaliyeed waxaana leenahay waxaad dowlada somaaliyeed ugu iftiimisay si aanan mugdi ku jirin waxa ay rabaan shacabka jubbaland iyo kan somaaliya intiisa kale sida dastuurkii lagu heshiiyay degniin xasan waxaan leenahay ku dhaqan waxii lagu heshiiyay hadii kale waxaan kaa diyaarinaynaa hadaa nahay shacabkii kusoo doortay mooshin xil ka tuuris ah sababtoo ah doonimayno in dalka dib looceliyo iyo 1991 dagaal sokeeye hadaa nahay shacab waynaha puntland waxaan ku caan baxnay bad baadinta umada somaaliyeed iyo ka hortaga dhibaatada umada somaaliyeed ee walaalaheen ah waxaan kuleeyahay noolow mudane una noolow cadowga puntland iyo somaaliya halkaa kasiiwad geesi nimadaada iyo daacad nimadaada iyo isku soo dhawaynta umda walaalahaa puntlad and junpaland and somaaliya guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuullllllllllllllll kkkkkkkkkkkkkkkkk

  16. abdulkadir says:

    ASC.
    Faroole hadduu ummad dhan madax u noqdayna, ma dagaal ooganimadiisi ayuu ku soo noqday waa kan hadda goodinaye. Faroolow sidii barlamaankii Puntland xilligii Cadde Muuse aad u soo qaadatay hubka miyaad rabtaa inaad nagu qasabto Federaal uu cadawgu noo keenay. Faroolow Somalida degan magaalada Gaalkacyo oo boqolkiba konton & todoba 57% ay isu yihiin xidid iyo xigaalo oo isku Diin ah, isku dhaqan ah, isku luuqada, isku midaba, miyaad rabtaa inaad tiraahdo wax isuma kiin geline federaal ayaan idinka dhigaa. ALLOW garaadka noo soo celi. WBT

  17. Diirshe says:

    Faroole geesi aan ka gaban runta, iska dhici Xassan qoslaaye iyo hagardaamada uu ka wado Muqdisho.

  18. banaadir boy says:

    faroole maxaa ka galay dowlada war ileeeen wax la arag adiag ayaa 1 sano xooog ku darsaday yaa ku doortay jubaland maxaa kaa galay war garoowe ku ekoooow somalia inteeda kale waxbo kama galine

  19. Deeq Gessod says:

    First time oo u faroole sii nin Wayn u hadlay

    And i’m happy that he supports Jubaland

    Viva Somalia wayn

  20. fu'aad says:

    madaxweynaha mustaqbalka noolow faroole nimankii xamar lagasoo diray oo lahaa waxaan udhalanay puntland waa guul hadii khiyaanadooda lafahamay oo shacabka meel ugasoo wada jeesteen viva puntland and jubaland

  21. saalax says:

    rag rag dhalay horay u soco madaxweyne horay u soco guulayso

  22. Mahdi says:

    Odayga Afkajeexan wuxuu rabaa in uu dadka ku kacsan iska maaweeliyo oo qabii ahaan ayaan idiin difaaci oo idaaya camal.

  23. Kismayo33 says:

    Aside from the concerns of Faroole, waxaan shaki ku jidhin in Xasan Sheekh uusan aaminsanyn

    Dastuurka Qoran immanka

    Dawlad goboleedyada

    Uuna doonayo inuu dib u saxo isaga oo maraya daadinta dhiig badan.

    Siyaasaddiisa gudaha waxaa si dhab ah u muuqata oo Jubbaland mowqifkiisa ay caddaysay inuu Nostoljiya ama jacayl badan u qabo dawlad dhexe oo muquunisa maamullada gobollada.

    This dictatorship tendency coupled with his irresponsible behavior shows this man lack class, leadershi, honesty iyo knowledge of Somali tribal minfields.

    Suaasha jawaab u baahan waxaa weeye

    Dulmun jadiid intee ayay fikirka ninkan awood ku leeyihiin?
    Farax Sakiin specifically oo ah fikirka Xasan Sheekh intuu la eg yahay.

    Kismaayo ahaan waxaan qabaa in Xasan markaan eego caqli xumadiisa iyo madax adeegiisa iyo guul darradiisa dibloomasi so far inuu horseedi doono dhiig badan oo daata.

    What say you?

  24. Hanad says:

    Waa sidaan ugu soo jeesaney, insha’allah iney ka sii darto ma’ahee meelna u fakan maayo ilaa xukunka uu iska casilo, viva puntland, weynu naqanaa sidaan u aarsanno,,,,…..

  25. garowe says:

    kilika shanaad adeer 2wiil oo onlf ah ama ubo oo laga qabtay boosaaso maxaa kasheegi, meeqa nin oo onlf ama ubo ah ayaa lagu dilay kilika 5aad , raga maaydookda laga dul dhaantaynayay ee aad ku dishay kilika 5aad ma amxaro ayay ahayen mise ugaden tan kale meeqa nin oo harti ah ayaa cumarjees isagoo lasocda usc ku dilay kismayo . xisabtaas waa mid meel kuu taal malaha waxaa tahay wiil yar oo webka dayniile soo akhriyay ama 15qof ubo ah qol ay ku xiran yihiin iskula xiray, farole haduu tagero jubaland yaa u diiday dadka deganka ayay dadkiisu kamid yihiin malaha ma ogid 1914kii xaduudii uu waamo ee talyani ukala sameyay harti iyo absame.,

  26. jugsodhacay says:

    banaadir boy adiga yaa afhayeen kaaga dhigay soomalida waxaa u hadli kartaa mooryaaanta oo kaliya , farole waxuu u hadli karaa putland,galmudug, jubaland, baay iyo bakool oo raba federaal, waliba xisabta ku darsoo somaliland hadii ay aqoonsi waydo waxay ku khasbanaan federaal hadaba intaas oo gobal ayaa raba federaal , waxaa federalka kasoo horjeda gobalka banaadir oo kaliya ee war haku galo.

  27. Run sheeg says:

    Mudane madaxeeynaha puntland may ahayn markii horaba inaan reer koofur wax la wadaagno waayo soomaali wadaagtey horay u bililiqaysteen dawladniimaduna taa ugama duwana xeer iyo ballanna maba galaan waayo waxay ku faanaan boobka iyo khiyaamada, arrinku waa dhurwaa hilbo ku raro, waa Cabdiqaasinkii 2aad ee loo diyaar garoobo waliba rabaa inuu marreexaanka daaroodka kale iska horkeeno si ay danaha reerkiisa ee gobollada koofureed ugu hirgalaan, waxaan lahadlayaa beesha sade daarood oo waxaan leeyahay yaan soomaalinimo been ah iyo jago hoosaasin ah laydinku beerlaxawsan

  28. liiban says:

    viva faroole iyo shacabweynaha putland and jubaland guuul and guuul mr faroole noolow madaxweyne

  29. Banaadir Boy says:

    Kkkkkkkkk walee Faroole inuu waalan yahay waa balaayo la isku soodiray lkn xalka ninba si u arag ee ani maa la I weydiiyo xalka iyo sida faroole loola dhaqmi lahaa

  30. puntlander says:

    adiga horta yaa waxkuwaydiinaya meesha xasan waa lakeensaday puntland baana keensatay haday doontana way kalnoqonaysaa teeda kale faroole waa madaxwynaha soomaaliyoo dhan wuxuusan raalika ahayna masoxonayaan dastuurka puntlaana isagaa samaystay kan soomaaliyana isagaa usamaystay marka hakhaldamin kolleey huutuu reerxamaraa tahaye reer xamarna meelkasta oo uu joogo waa ciyaal mama oo waa lasasabaa hadii uudiidana waa ladharbaaxaa markaasuu baqayaaye

  31. C/rashid says:

    Madaxweyne Somalidu waxay tiraahdaa MAROODIGU TAKARTA SAARAN MA ARKEE, KAN KALE TAN SAARAN AYUU ARKAA. Dastuurkeeni yaraa, ee aan khliaafba inuu ka yimaado ahayd, ayaad foorarisay, oo afartii sanno shan sanno u qortay, adigoon parlamaan iyo bulsho midna xurmayne. Odayaashii markay damceen inay kula hadlaan, cay iyo hardi kala daashey. Maxaa ka sheegaysaa Madaxweyne Xasan sh Maxamuud, openion ayuu sheegay, waxna ma badelin, xaq ayuuna u leeyahay inuu ra’yigii cabiro. Puntland meel xun ayaa u wadaa, sunno xun ayaad u bilaaabaysaa, dulmi iyo ku darsi ayaa keentay. Damqasho odaynimo lagaa waa, daf-daf iyo wax is dabamarin waxaan ahayn lagaa waa.

  32. said says:

    war faroole inleen ma xishoodo war ha is ceebayn waa la kala tagay , meesha shariif ma joogo adeer hurdada ka kac howlaahas adiga kuuma yalaan , waan ka xumahay in aad wali riyoonayso

  33. nurudin says:

    xasan masheekadaan buu keenay tastuurkii lagu doortay inuu yirahdo waan badalayaa

  34. Xiis says:

    Faroole wuxuu tan uga jeedo waa la fahmayaa oo waa inuu ku qariyo dhibaatada isaga ka haysata punland (an attempt the divert the attention).

  35. wadaad yare says:

    Faroole waxaa fahmaya

    Aqoonyahanka iyo indheer garadka Puntland oo waxey ogyihiin inuu doonayo inuu taas qaladkiisa ku qariyo.

    Waxaa kaloo fahmaya international community ga.

    Waxaa kaloo fahmaya dowladda

    Hadda muxuu hadal ka badan oo uu sameyn karaa?

    Ma wuxuu leeyahey dowladda kalsoonidii ayaan kala labanney oo kuma jirno?

    Waxba masoo kordhineyso taasi oo awalba wada shaqeyn kama dhaxeyn!

    Ma wuxuu leeyahey soomaaliya waan ka go,ney?

    Ma ciidammo ayuu soo kicinayaa duullaan ah?

    Intaasoo dhan midkoodna macno ma sameynayo.

    Haddaba dadka hannoolaado leh ha ogaadeen iney wixiisu taruufo afka baarkiisaa aysan dhaafsiisneyn.

  36. Falaago says:

    Waa ku Saxanyahay Dr Faroole Arimaha uu ka Dhawaajiyey ee Dawalada Dhexe ku Aadan.
    Dawalada Dhexe ee Somalia oo Wakhatigakan Jirtaa maahan Mid la Aamini Karo Siyaasadoda Dhabata ah waa Midda Kaarbadka Hoostiisa ugu Jirtah.
    Geedi Socodka Somalia waa Amuuro ka Durugsan. PL waxa ka Jira Qilaaf Dastuuri ah oo Soo Jireen ah Balse waxay Leeyihiin Dawalada iyo Shacabku Pl Hadaf Qeexan Micanaha Meesha Loogu Hagaagoh waa la Garankaraa.

  37. B Jameeco says:

    Adeer Puntland meel fiican baad soo gaarsiisay waad mahadsantahay haatan waxaa la joogaa waqtigii ay dawladda Federaalka wax maamulilahayd oo sharci adag lagu wadi dhaqmilahaa. Waad la socotaa aanada qabiil oo halkaas ka jirta inaan la isu soconkarin qabiilada is dila, nacayba kka jira halkaas, Intaba waxay dhamaanayaan marka maamulka dawlada la helo. Puntland waa balaarantahay waxaa lala yaabanyahay kuwa ku mucaaradaya oo qabiil uu ka soo uraayo. Waxgaradka oo aan ahayn kuwa ku ag jooga oo maryaha uraaya iyo bakoorada wata waa ujeedaan inaadan dabaysha xoriyad iyo horumar doonka iyo sinaan doonka iyo qofka in lagu qiimeeyo shaqsiyadiisa aad hortaagantahay. Koley meesha waad ka tagaysaa ee si sharaf leh uga tag
    La soco in mucaarad aan lagu soo hubaynayn (ayagaaba u jiran cudurka qabiilka) laakiin waxaa kuu imaanaya Aminsom waadna maqlaysay fariimaha sida dadban kuugu socotay
    Adleewaaye

  38. abshir x says:

    kismayo33
    waad ku mahadsan tahay runta aad sheegtay.
    run ahaanti waxey u muuqataa in lagu laaban doono 1991di markaad aragtid sida qaladka ah ee uu u dhaqmayo madaxweynaha federalka oo ay ugu horeyso in uu inkiro in nidaamka federalka uu yahay xalka kaliya. haddii ay dhacdo in lagu laabto 1991di ama beesha magaalada muqdisho sheegata ay ka laaban weydo diidmada federalka, waxaan qabaa in la waayi doono jiritaanka somaliya ma aqaan inaad aragtidaas ila qabtid? sababtoo ah iima muuqdo nidaam kale oo maanta mideyn kara somaliya. noolaha xal la’aan majiri karo sidaas darteed waxaan qabaa haddii la ismari waayo iney xal noqoneyso in lakala tago.

  39. maamilgarte says:

    faroole xiniintuurtay.waligay ma arga nin kahadal wanaagsan.war waxan oo hadal mauqorsoonaa
    waa.yaab.odeygu waa toosay.mudu jiifay.warsanadka haladaayo.waaba libaax.geesi weeye nin gurgurte
    nagaqabta waan ubaahanahay.reer puntland iyo jubalandba.

  40. ciid yare says:

    walaal wadaad yare waxaa tahay nin hurda amaba waalan oo qar jafaaya hadii aan su ,aalahaaga qaar kajawaabo 1_ waxaa tiri ma waxuu rabaa in uu dhaho waan kago,nay somaaliya ? taas way fududtahay su aasheeda anaana kusiin waa sidaan horta puntland waxay usoo dadaashay oo ay usoo hurtay maal naf iyosiyaasad soocelinta qarankii somaaliyeed iyo samcadii dalka waana ku guu laysatay oo waa geedka aad maanta harsanaysid waxaana wax kasoo celiyay waa aabahaa faroole oo aad ku caasi garoowdeen marka puntland taas kama suur towdo in ay ku tilaabsato marna hadii aydoooni lahayd na umasdoo dadaasheen eesidii somaliland ayay ku dhawaaqi lahayd gooni ugoosad baqabso jawaabtaa marka waxaan kuwaydiin yaa saxiixay dastuurka hadii wax laga badalaayo yaa wax laga waydiin ma 6da saxiixayaashaa mise waa xasan yaakusaxiixan faroole mise xasan culusow mida kale baarlamaanka ayaan wax kabadalikarin asagoon lasacodsiin 6da saxiixayaasha iskadaa xasan culuso marka su aashaydu waxaa waaye yaa kusaxiixan dastuurka faroole misa xasan ? 2__ tan halka sano waxaa udhiibtay shacabkiisa sababta ay ugu dhiibteena waa wax qabadkiisa oo qanciyay mida kale ma waxaa wanaagsan shacabka puntland oo badbaadiyay dadka iyo dalka taageerana oo maqlay wax garadkooda mise reer muqdisho oo gubay caasumadii hadana maqli waayay waxgaradkoodii oo ay habaareen qaar na dilay qaar na kacararay kee wadani ah ?3 mida kale alshabaab oo quwadeeda iyo ciidankeeda la ogaa ayuu barqo wada dheer qaad siiyay oo katir tiray puntland iyo koofurba waxaan umalaynayaa xasanka fila somaaliya ayku ilaali naayaan amisom in ay labo saacadood kuqaadanayn sababtoo ah asagoon ciidan usoo dirin oo uusan soo aadin muqdisho ayuu u adeegsan karaa amisomta waar diyaynaysa laakiin taas ma uu samay naayo waayo waa aabaha soo celinta qaranka somaaliyeed iyo difaaciisa marka masaakiintu ha isaga noolaato fila somaaliya inta laga soo dooranaayo qof wax gala laakiin kan saacadaha badan cidi wax kasu gimayso waxna ku aamini mayso waa ninka wadan kii oo dhan kusoo koobay 20saac oo kala ah 5 seexasho iyo cuno 5 buug aqris ah iyo 5 qosol ah iyo 5 dalxiis ah kkkkkkk taa riiq xumaa dameerahaa dhaama kkkkkkkkkkkk

  41. faroole caac diisii ayuu bilaabay laakiin waa xayawaan hada sidii waagii hore ma,ahan
    waayo xilba uma haysid puntland oday waxaa tahay ku khafiifay kursiga reerkiisa in uu isaga fadhiyo oo dadkii kale ee kaa kartida iyo aqoonta badnaa ayaad ka hortaagan tahay in ay puntland horumar gaarsiiyaan
    teeda kale adaaba yaabane maxaad ka hadashaa dawlada federaalka ah iyo xasan sheikh maxamud
    baarlamaanka federalka wuxuu xaq u leeyahay in uu wixii aan dan u ahayn somaliya iyo horumarkeeda uu dastuurka kasaaro oo dib u habayn ku sameeyo taasna waa lugu heshiiyay
    oo adiga xataa qayb ayaad ka ahayd heshiiskaas

  42. ciid yare says:

    mida wadaad yare iyo banaadir iyo cadaado ma waxaa jeclaan lahaydeen in aad maqashaan faroole waa dhintay qaasatan wadaad yare oo ka shar qamiyay dadka leh mudane noolow? ogsoonaada in ay naf walba leedahay waqti aysan dhaafayn nic baada amaba habaar tama hadii habaar kiina cidi udhimanay sana c\lahi baa horay ugu dhiban lahaa lakiin waxuu dhintay waqtigiisii tan faroolana waa waqtigiisii soo tufa afar faataxo hadii ay idiin kac daba sheegta wadaado amaba culumo hala idin arkee kkkkkkkkkkkkkkk

  43. Runsheeg says:

    FAROOLE NACAS JUBALAND MAXAA KAA GALAY MEESHA MAXAA U MALEYSAN GAROOWE IYO RIYAHA AAD KU ILAASHAN JIRTAY…

  44. Barwaaqo says:

    ‘Habar baa iska how-how leh’e heeladda inoo tuma’. Madaxweyne Xassan sheekh marka hore nabadgelyo dalka ku sug marka ku xigtana doorasho dalka ka samee waan hubaa inta somalinimadda jecel in ay fadaraal ma fadno ku foodayaane. Dastuurku waa ku meel gaadh, dee ku meel gaadhna muqadas ma aha.

  45. Ascm walalayal wa akhlaq liidata hadii aan cay iyo magac xun ugu yerno umaradi ama madaxdi dalaka tan kale adiga o information ka hayn wadciga tagan ha iska so bodin

Leave a Reply