Madaxweyne ku xigeenka Puntland: Dowladihii hore ee dalka Soomaaliya Soomaray Puntland ugama tagin Hanti ma guurto ah.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe (RBC Radio) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdi-Samad Cali Shire ayaa sheegay in Dowladihii  hore ee Soo maray Dalka Somaliya intii ay Nabadu jirtay Deegaanada iminka laysku yiraahdo Puntland in aysan nasiib u yeelan in ay ka hesho Hanti ma guurto ah sida Dhismayaal Dowladeed sida uu madaxweynaha hadalka u dhigay balse wuxuu sheegay in iminka ay jiraan Xarumo badan oo wasaaradaha Dowladu ay leeyihiin qaarkoodna iminka uu dhisme ku socdo mar uu ka hadlayay dhagax dhig maanta loo sameeyey Xarun cusub oo ay yeelanayso Wasaarada Duulista hawada Puntland.

“ Sidaad la socotaan Shaqaalaha Dowlada ee ka shaqeeya Wasaaradaha intooda badan waxay ku jirijireen kiro laakiin xukuumadaan hada ka jirta Puntland waxay hirgelisay Xarumo badan oo Qaranku uu leeyahay kaasi oo looga maarmayo baahi badan oo jirta waxaana nagu balan ah intaan talada wadanka hayno in aan ka tagno oon wareejino wax badan oo dhaxal gal u noqon doona Shacabka reer Puntland Sidaana waxaa yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Madaxda Wasaarada Duulista Hawada oo iyagana Madasha ka hadlay ayaa sheegay maadaama Garoowe ay tahay Caasimada Puntland in ay ka dhisayaan Xarunta guud ee Wasaarada Duulista hawada iyo Garoomada, Magaalada Garoowe waxaa ka socda dhismayaal badan oo wasaaradeed iyo sidoo kale dhisme Madaxtooyo oo dhawaan Xariga laga jari doono iyadoo ay jiraan sidoo kale Xarumo kale oo iyana dhawaan dhismayaal cusub lagu  bilaabi doono sida ay sheegeen Madaxda Dowlada Puntland.

RBC RADIO.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

24 Responses for “Madaxweyne ku xigeenka Puntland: Dowladihii hore ee dalka Soomaaliya Soomaray Puntland ugama tagin Hanti ma guurto ah.”

  1. Ali soomali says:

    Mr.Cali shire aka Gen.Ali shire, adiga iyo madaxweynahaagaba waad ka mid ahaydeen maamulkii in badan oo nabad ah dalka haystay maxaad idinkuba uga dhisi weyseen waxa maanta aad gocatay dhismayaashaas inay degaanadaas u baahan yihiin, yaad ku eedeysaa ama aad ku calaacaleysaa in ay dhismayaal ka fulin waayeen degaanadaas. wixii tegey way tageen maanta adiguba ka dhis fursad baad u haysataa.

  2. xasan says:

    hanbalyo vice present cali shire waxa socda dhismayaal badan oo oodawlada puntland usocda aad bay ugu maghadsanyihiin dawladu hanbalyo viba puntland

  3. xaliimo says:

    ninka yiri waxas masuulka sheeganaya afkaaga naar lagu buuxi miyuusan arag jidka laamiga isku xira garoowe iyo boosaaso iyo dakadda caalamiga boosaaso mala ma joogo ninkaas dalakaba

  4. Faysal says:

    Been badanaa adiga iyo waalidkaaba
    Waxa xarun dowlo Ka dhisan hadalka yo miyuusan Arag
    Waxa Ka dhisan bosaaso dakad iyo eenaayo iyo hospital Bolice iyo xarun dowlo
    Miyuusan Arag waxa Ka dhisan garoowe miyuusan Arag
    Indhaha beel dheh markuu saas lahaa

  5. laasqoray boy says:

    waa runtii waan la qabaa dawladihii somaliya soo maray waxaay xooga saareen banaadir iyo labada shabeele waxaana laaysla qiray in miisaaniyadda wakhtigii kacaanka ku bixi jirtya magaalada afgooye aay ka badnaay miisaaniyada ku baxda gobolka togdheer markaa waa iska cadaayd in dawladihii somaliya oodabcan kacaankuna ka mid ahaa aanay gobolada waqooyi bari ama puntland wax saa u buuran ka qaban

  6. buhoodle says:

    waleee af wax cunay xishooo dheh ina cali shiroow dowldii dhexe waxay dhistay adna waad ogtahay faroolen waa ogyahay sida laamiga shiinuhu dhisay dekeda iyo weliba xarumo kale o badan kab gudub midaaas hadiiba sida aad sheegeyso sax tahay maxay maamulka puntland ka faaidey dhulka aad aduguba magacooda halkaaan ku joogto maka fureen xaramo wax barasho mashariic hurumarineeedna maka fuliyeeen jawaabta waa maya marka adiga calooshaada waaad ushaqeysan taqaaan lkn ha oran hadal an adiga beri kugu soo noqoneyn

  7. Xiis says:

    Mar uun buu hadlaa odaygu markaana hadal qaab daradiisa lagu sheekaysto ayuu ku hadlaa.waxaan xasuustaa beri Sii horaysey oo uu Ethiopia booqday oo uu lahaa”meles zenawi waxa uu Soomaali ugalay caruurtayada ayaa sheegi doonta” wuxuu noqotay hadalkii ugu xumaa oo masuul soomaliyeed ku hadlo xitaa marka lagu daro war lords kii. Markaa wakhtigii uu ka dhataq siin jirey ayaa la joogaaye hala yaabina.

  8. raaxo says:

    marka hore naagta iyo ninka isku magacaabay xaliimo iyo faysal habaarku ininka ayuu inidku noqonayaa sababtoo ah qofka aad habaaraysaan idinmaba yaqaan idinkamana warqabo.tan labaad run ayuu sheegay gene calishire goboladaasna hada ka hor weligood cidi xawba uma qaban waxaana loo yiqiin GAARIWAA. deked iyo jid laami ah ayaad sheegteen waxaasi maaha wax qof fekerayaa buunbuunniyo waxaana idinka muuqata cadow nimo aad puntland iyo dadka dega u qabtaan oohintu orgiga ka weyn.

  9. raaxo says:

    marka hore naagta iyo ninka isku magacaabay xaliimo iyo faysal habaarku ininka ayuu inidku noqonayaa sababtoo ah qofka aad habaaraysaan idinmaba yaqaan idinkamana warqabo.tan labaad run ayuu sheegay gene calishire goboladaasna hada ka hor weligood cidi xawba uma qaban waxaana loo yiqiin GAARIWAA. deked iyo jid laami ah ayaad sheegteen waxaasi maaha wax qof fekerayaa buunbuunniyo waxaana idinka muuqata cadow nimo aad puntland iyo dadka dega u qabtaan oohintu orgiga ka weyn….

  10. Libaax-libaax DHalay says:

    @ xaliimo, buhoodle.
    Xaliimoo waxaan leeyahay dadka Naar laguma habaaro, raxmadda Ilaahay ee aan tirada lagu soo koobi karin qofka muslimka ah laguma habaar inuu Alle ka qadiyo, habaarkaasna Alle uga toobad keen, Adiga iyo qofka la baxay Buuhoodle xaqiiqdaad ka boodaysaan Ina Cali Shirana dowladdii hore ee uu General-ka u ahaa adinka kama jeclidiin ee been baad ku doodaysaan.

    Tan kale waxaad taqaanaan ku dooda waxydan aqoon baad ku doodaysaan, dhismayaasha aad sheegaysaan waa kuwo dano siyaasadeed iyo strategies loo dhisay laamiga dekedda, waadna ogtihiin oo dekedda Boosaaso ciidammada keliya ayaa isticmaali jiray mana jirin maraakiib ganacsi oo ku soo xirta ama doonyo ganacsi, marka been ha sheegina, haddii aydan garta xaqirayna waad ka war haysaan in goboladaas nin kasta horumarka kala dagaalayay, marka madax-weyne ku-xigeenka hadaad u xanaaqsantihiin oo aad leedihiin muxuu KHaatumo ugu soo biiri taas waa r’ayi kale laakiin hadalkaas been kuma sheegin, ee xagxagashada macno darrada ah iska dhaafa.

  11. Abwaan: Cabdi Axmed Nuur says:

    Talo iyo Tusaalayn: Gabay Faroole ku Socda

    Marna cabburin iyo caga-juglayn baan Cabdow, caana kuu badine
    Ninkii cirbataagsadoo yiri cirkaan gaarayaa, weeye camalkaaye
    Caqliga oon cisaynaa ka roon, cudud la feydaaye
    Cakuye carqalad hayna gelin, cudur xun looma caal helo e
    —————————————————————————–
    Mar haddii car iyo wir iyo hanjabaado culus, laysu celinaayo
    Oo aan caloolfiyoobaani jirin, waa col dabadeede
    Cilmi nimuu Ilaah siiyiyo cabqari, caaqibuu dayine
    Cimrigaad haatan joogtaa Cabdow, waa cibaadada e
    Yaan laguu cimaamadin arintaas cakiran, cirib danbeedkeeda
    ———————————————————————————–
    Carra Tuunus ka carar Caabidiin wuxuu, cood lahaan jiraye
    Xusnigii carab u weynaa waa kaa, jeel ka caacyiriye
    Qadaafina waatay caruuruhu heleen, oo kaga catawsheene
    Calaawina waakan ciirsanoo ragaas, buu cirbinayaaye
    Intaasuba cashar bey inoo tahay haddaan, la iscamaynayne
    ———————————————————————————–
    Intaan curaddo dhiigood la qubin, oo warmaha loo cillaan marinin
    Oo aan curdinkii habluhu carmal, naga caloolyoobin
    Oo ay cashiiradu wada cayshayso, oo la isku ceeboobin
    Oo aan Caasumaddu ceel nagaga dhicin, loo cid diriwaayo
    Caymaynu leenahay Cabdow, talada waa cabirayaaye

  12. Murqo-Kuus says:

    Markaad ruux aan xikmad laheyn war ka dhageysato waxaad iswaydiinaysaa inuu caafimaad qabo iyo inuu 1991kii waashay.

    Ninkan wuxuu rabaa inuu qariyo Wadooyinka, Airportska, Dekedaha, Land-markska/Aclaamta uu dhulkaas ka hirgaliyay Kacaankii Barakaysnaa ee Muxammed Siyaad Barre. Xitaa wuu garan waayay in uu xushmeeyo dadka Soomaaliyeed, khaasatan dadka uu sheeganayo Inuu madax u yahay ee wax waliba ay hortooda ka muuqdaan.

    Intaas markaan ka iri hadalka ninkaan Hebel Shire ee wareersan, hada waxaan tilmaamayaa sababta hadalkaas Inuu dhaho ku kaliftay.

    Maalin sii horreysay baa Prof Cabdiwali Gaas, Raysal Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya wuxuu ku eedeeyay xukuumada Faroole in aysan Puntland waxba usoo kordhin mudadii ay meesha joogtay wax ay ka nusqaamisay ma ahee. Wuxuu yiri Gaas, ” Xukuumada hadda maamusha deegaanaddaan Puntland waxba kuma aysan soo kordhin degaanka, majirto hal dhismo oo wax ku ool ah oo ay kusoo kordhisay intii ay dhistay Dawladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre (AUN).”

    Faroole, hogaamiyaha Puntland, iyo xukuumadiisuba kama daba hadli karin Prof Cabdiwali maadaama uu xaqiiqada meesha ka jirta muujiyay waxyaabihii uu ku eedeeyay oo dhanna ay ahaayeen wax si waadax ah u muuqda walina yihiin. Sidoo kale, maadaama ay Puntland ka jireen dhaqdhaqaaq siyaasadeed suurto gal uma ay aheyn in ay eedeynta Cabdiwali iska difaacaan maadaama eeddaas wadwadkeedu ay furi kartay indhaha mujtamac badan oo reer Puntland ah.

    Ilaa iyo maalinkaas uu Gaas eedeeyay hogaanka Faroole, arrintani waxay aheyd waran ku taagan hogaamiyaha iyo xulufadiisa. Maanta marka maadaama ay halkii Sano kororsadeen dhaqdhaqaaqii siyaasadeedna qaboobay waxay u arkeen inay tahay waqti ku haboon in dib loo kasbado bulshadii reer Puntland ee hadalladii Cabdiwali awgood uga irdhoobay xukuumadda hada jirta. Hadalka uu Hebel Shire jeediyay waa mid uu Faroole usoo dhiibay waxayna jawaab oga dhigayaan eedeyntii Cabdiwali ee aheyd, “Xukuumada hada Puntland ka jirta waxba kuma aysan soo kordhin wixii Kacaanka laga dhaxlay.” Waxaase nasiibdarro noqotay Hebel Shire in uu banaanka lasoo istaagay wax loo soo dhiibay oo ay raggiisii kale ka xishoodeen, garanna kari waayey inuu ka xishoodo wax laba jirku fahmi karo inay yihiin “Been Qayaxan.” Waxaa kale oo aad nasiib darro u ah in uu nin dhan oo masuuliyad sheeganaya ka xishoon waayo qadarinna waayo mujtamac dhan iskuna dayo Inuu been usheego dad ka cilmi iyo caqliba badan oo isugu jira Culimo, Nabad-doono, iyo Indheer-garadba.

  13. Khaatumawi says:

    Soomaaliyeey ka raali ahaada doqonkan Cali shire waa nin Khaatumo State asal ahaan kasoo jeeda laakiin u shaqo tagay Garoowe wuxuu ku hadlana micno kuma fadhiyaan.

    Dowladii Siyaad Soomaaliya waxay uga tagtay waxa ugu weyn ee qaran dadkiisa uga tago taasoo ah in cadowga Soomaaliyeed uu ka baqan jiray in hal talaabo uu kusoo xad gudbo dalka maantana waad aragtaan waxa dhacaya waxaa Ina haysta Burundi Nigeria Ethiopia Uganda Djibouti Kenya alqaacida France iyo yamyam iyo qadaad weyn oo dhan.
    Qaran jabay dheh
    Ilaah bey leedahay Somalia

  14. aden says:

    Taas waa Been Cad madaxwyne kuxigeenkii ugu beenta badnaa Puntland weeyaan Abdisamad, waxaa dhisme ah oo Puntland kajira intooda dhismayaasha Dowlada iyo kan bulshada loogu adeego dhamaantood waxaa dhisay Dowladihii Hore ee Somalia sida Dekada uu ina Calishire lacagta kacuno, wada laamiga ah iyo Dhamaan Sugsi yada Sare ee kajira Puntland sida Sugsiga sare ee Cumar Samatar, Isbitaalada iyo dhamaan Xarumaha Dowlada. marka ina Calishire waa gartii xoolo uusan tabcan ayuu iska cunaa , arintaas iyada ah waanu kaala xisaatabin hadii aanu nahay shacabka reer Puntland

  15. faisa says:

    wax run ah ayuu sheegay ina calishire qofwalibana waa og yahay taas cid hada wax ka qabta ama u caraysan ina siyaad barre illaahay ha u naxariistee ma jirto nimaan hal seegin habari ma dhalin oo wixii lagu tabcayba baabe e.waxanse oran lahaa cabdisamad allaha dhowree qofkii si kale ugu caraysan caloosha iska qaniin.

  16. Aboor says:

    Ku: Libaax-libaax

    Waxaad tiri, “dhismayaasha aad sheegaysaan waa kuwo dano siyaasadeed iyo strategies loo dhisay laamiga dekedda, waadna ogtihiin oo dekedda Boosaaso ciidammada keliya ayaa isticmaali jiray mana jirin maraakiib ganacsi oo ku soo xirta ama doonyo ganacsi, marka been ha sheegina.”

    Ujeedadii laga lahaa ha noo danbeysee, Kacaankii Barakeysnaa meesha wax ma ka dhisay mise kama dhisin? Jawaabtu waa haa adiguna waad qirtay in Wadooyin iyo Dekadba laga dhisay. Adigay marka su’aashu kugu soo noqonaysaaye, ma Madaxweyne ku xigeenkaagaa been sheegaya mise gabadha iyo wiilka aad ku marantahay ee kala wata XALIIMO iyo BUUHOODLE?

    Su’aashaan ku weydiiyay jawaabteedu ma adka, adiguna kama meecmeecan kartid maxaa yeelay qoraallada koraa ka jawaabaya. Sidaan isugu dhufso;

    1, Ina Cali Shire wuxuu ku andacooday inaysan dawladihii hore Puntland waxba ka dhisin.

    2, XALIIMO iyo BUUHOODLE waxay tilmaameen in ay dawladii dhexe sida xaqiiqda ah wax ka dhistay gobollada Puntland sida Wadooyin iyo Dekedo.

    3, Adiga Libaax ah waad ku raacday warka XALIIMO iyo BUUHOODLE ay sheegeen waxaadna cadeysay in ay dawladii dhexe wax dhistay. Waadna ku beenisay Madaweyne ku xigeenkaaga hadalka uu ku andacoonayo ee ah in aysan dawladihii hore waxba ka dhisin dhulka Puntland.

    Inta kale iyo najiidada adigu noo dhameystir. Yaa been sheegaya? Ma XALIIMO iyo BUUHOODLE mise Madaxweyne ku xigeenkaaga?

  17. runsheeg says:

    Odayga iska daaya isaga maaha qofka hadlahaya ee waa Faroole isagu waa microphone!

  18. dahir says:

    waa ruunta cabdi samad naarta allah ha geeyo dowladihii dulmiga ee soo maray somaliya ilaahaybaa nooga reeyey maanta dalka iyo dadka puntlandba waa dhismay waana allah mahadii kuwan leh waxbaa dhisnaa waa qoloyiinkii dowlad ku noolka ahaa ee la qaraaban jiray daalimiintii dalka haysan jiray ee canshuurta umada hubka lagu gumaado soo gadanjiray duf ku baxa dheh maantana iyagaa dadka u liita.

  19. Ina bulsho says:

    Dekadda Boosaaso,warshaddaha kaluunka laasqoray iwm ma ahan hanti ma guurto ah oo dowladihii uga tageen waqooyi bari Soomaaliya?

    Waa inkirmaad cad.Goobihii qaranku lahaa waxaa gacanta ku hayo daneystayaal aan ogoleen in eey ku wareejiyaan dowladda ku meel gaarka ah.

    Hadaba su’aashu waxaa weeye goobahaas miyeysan aheyn goobo qaranku leeyahay oo Umadda Soomaaliyeed ka dhaxeyso?

  20. Falaago says:

    Xaqiiqada iyo Dhabta ayuu ka Dhawajiyey Madaxweyne ku Xigeenka PL. Waxaa Intaa Sii Dheer Manafacaadka Gobolada Qaarkood Oo Si Abaal ka Dhac iyo Xushamadla,aan ah loo MAAMULANJIRAY.Boosaaso Hal Xabsi oo Aareef la Oranjiray iyo Hal Isbitaal iyo Hal Iskool oo Dadku ay Iskaa Wax u Qabso ku Dhisten baa ku Olaanjiray M Faysal si Fiican u Hubi Qoraalkaga.

  21. nimco jamac says:

    dadkan lidka ku ah dowlada powerka leh ee putland maxeeysa ahaayeen oo yeeysa ka soo jedaan , ma fircoonkii aduunka illah calaamad uga dhigay meey ka soo jeedaan sida dadkii hantidooda dhacay oo xaranta ku dhex jira oo xaraan iyo xalal aan u kala soocneen , mise waxey yihiin mucaarad oo waligood iska jireen mucaran aduunka dhan ayuu ka jiraaa ., putland waa dowlad badax banan cidna wax uma qaban dowladii xumeed ee afganbiga aheed waxna uma qaban walaa dowlad kale oo soomartay ayaasa waxba u qaban ee afkiina huurka badan kala baxa ;,,,
    midan aan u soo laabto la baxday xaliimo adiga sidaada magac naag haku gabanin nin ayaa tahay adiga oo rag ah hadaa nag isku qarisay iska dhimo adiga oo nool ma cabsi aya kuu geeysay oo aad ka baqeyso reer putland . adeer maskiiin baa tahay orod qaadkaaga meelaha ku cun aduunba war uma heysideeee
    viva putland and jubaland noolaada dadkeygoow

  22. jug soo dhacay says:

    sax weeye wixii dowlado oo soo madhay somaliya dhulalkaan putland ka dhaho waxba uma qaban
    balsi dadkiii lahaaaa ee ka soo jeeday ayaa wax u qabtay gobaladoodii odgoonaay ee quruxba badnaa
    midaasna waa mahad alle siiyay dadkaasi iyo kartinimadoodii wa dhulkii loo baxsaday markuu dagalkii dhacay , dakdaani walan oo waxba kala garaneynin waa cawaaantiii ku kortay halagii somali ka dhacay

  23. mahad boy says:

    Adaaba dekada boosaaso maxamed siyaad kuu dhisay aniga wax hantiya oo dowladii maxamed siyaad iyo mid ka danbaysay ay ii sameeyeen ma jirto lakiin waxaa balan ah inaan mardanbe xaqayga inaan la cunin….lakiin been ayaad ka sheegtay in dowladihii somaliya soomaray aysan wax hanti ma guurta ah aysan kuu qaban………dekeda boosaaso ma faroole ayaa dhisay?

  24. soomajeeste says:

    KKKKK Somaliyeey jawaabtayd aan ku darsado kana hadlo dhawr arimoood.Jawaabtaydu waxaan ku salamayanaa Dawaldihii hore Puntaland wax waa u qabteen dhinaca kale waxba uma qaban jawaabahani waxaa ay ku socdaa laba qaybod oo dadka aragtidooda dhibtay ah kuwo waqtigii dawaladihii hore caqli lahaa laakiin garashadii uu qabiil ka lumiyay iyo kuwo aan caqli lahayn oo yraaa markaa wixii loo sheegayna iska qaatay sida aabahood oo nool oo la yiri waa la dilay walina garan la aabahan nool sida loo dilay.
    Midi waxaa ay ku socotaa groupka hore Puntland waxaa ay ka mid ahayd 18 gobol ee dalka ka jiray waqtigii kacaanka ama 8 dii kacaanka ka horeeyay.Wixii kacaanka ka horeeyay maxay u baqteen marka la barbardhigo kacaankii ZERO ayaa soo baxaysa.
    Kacaankii muxuu u qabtay schoolada hospitals airport dekada iyo wadooyinka waxaa dhisay dawaladii kacaanka sidoo kale xafiisyada hay,adaha dawlada dawaladaas ayaa dhsitay,tusaale ahaa maxaweyne kuxigeenkii hore AU(xuseen kulmiye) wasiirkii hawlaha guud(c/qaasim)wasiirkii maaliya AU maxamed sh cusaam intaba waxaa ay diideen kana horyimaadeen wadada iyo dekadda boosaaso waxaa mashruucaa waday dawlada itlay oo bixinaysay kharashka ku baxaayay 3 nin markii ay diideen waxaa tagay Roma wasiirkii hawalaha guud wuxuuna u sheegay in dawalada somaliya aanay ogolayn mashruucaa wasirkii arrimaha dibada talyaniga ayaa yimid Muqidsho una sheegay arrinta 3 wasiir siyaad bare oo waagu ku barayay ayaa u yeeray 3 nin wada hadal ka dib waxaa ay iyagana soo jeediyeen dekeda hobyo in lagu daro mashruuca iyo wado kale oo aana hadda xasuusan,ka dib siyaad bare wuxuu u sheegay talyaani in ay dhisaan ama ay haystaan mashuurcooda sidii ayaana lagu dhisay.
    Gobolada Puntaland waa dhulkaygii xumaan gaar ah uma qabo laakin sawirkan ila jeeda.
    Puntland malahan dhul beereed koonfur oo kale ah sida 2 jubo 2 shabeele iyo gedo oo kale ah.
    Puntaland kuma taal xuduud stratigy ganacsi ah sida gedo oo 2 dal xaduud la leh,sidoo kale Puntland kama mid ah gobolada xoolaha nool qaniga ku ah Puntland wadooyinkeed waan xasuusanaa wali 2 week ayaa loo kala socon jiray,boosaaso waxaa ka soo degi jiray sokor qoyan oo cusbo ah,maanta Puntaland dekedeed iyo wadooyinkeeda waa kaabayaasha ugu qiimaha badan siyaad bare isagoo awooda i uu ka dhiso Gedo ayuu Puntland just qanicin u sameeyay wa ceeb in marka la yiraahdo kacaankii waxba uma qaban wadada dekada airportka intaba kacaankii ayaa dhisay,ha jirto in dhib shacabka qaar ka mid ah dawaldii kacaanku u gaysatay qofkastana uu dareemi karo xanuunkeed iyo xumaanteed misan somalidu waxaa ay tiraahdaa gaalka dil gartiisan siin.Maxay u qabteen dawaladihii siyaad bare ka horeeyay ileen dhulku waa jiraye?
    Dhalin yarada yaryar ka ah waxaan le yahay yaan la idin oran aabayaashiin oo nool kacaankii ayaa dilay siyaad bare wuxuu ahaa Dectator awood badan lahaa wuuna awooday in uu diido mashruucaa.
    @LIBAAX LIBAAX DHALAY kkkk waxaan filayaa ereyga stratagy ayaa gacanta kaaga dhacaday Boosaaso waqtigii kacaanka ma lahayn startegy militry iyo mid dhaqaale ,idda militry bal inoo sheeg ta ganacsi bal inoo sheeg Boosaso hadda aya strategy yeelatay oo ay isku xirdhay daaroodka kililka shanaad c/waaq illaa SSC ka xor waan wada ognahay boosaso sidii ay ahayd KACAANKII WAXAAN QABAA WAX KA BADAN IN UU QABAN KARAY LAAKIIN HUB UU GALIYAY DHAQAALE BADAN MA HAYNO ILLAA HADDA WAX U DHAW simply dawlada shaqaysaa oo micno leh maba imaan marka ha noqonin kii yiri hospitalka CEELAFWEYN somaliland wuu shaqaynayay dagaalkii SNM oo dawladii siyad bare dawo iyo qalaba wey inoo keenaysay iyadoo na laynaysa maantana oo SNM na xukumayso wuu dumay wuxuu kala garan waayay xumaan iyo samaan.

Leave a Reply