Madaxweyne Kuxigeenkii Hore ee Puntland Xasan Daahir Afqurac oo Ku Geeriyooday Dalka Kenya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

AUN Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Dawladda Puntland Xasan Daahir Maxamuud “Afqurac”

Nairobi[RBC Radio] AUN Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Dawladda Puntland Xasan Daahir Maxamuud “Afqurac” ayaa ku geeriyooday Isbitaal kuyaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

AUN Madaxweyne Kuxigeenka Xasan Daahir Maxamuud oo muddo 6-bilood ah ku Xanuunsanaa magaaladda Nairobi ayaa arrimo Caafimaad loogu qaaday dalka Hindiya iyadoona dhakhaatiirku ku taliyeen in uu u baahanyahay qaliin dhanka Dhabarka ah.

Eheladda AUN Xasan Daahir Afqurac oo Raxanreeb ay la hadashay iyagoo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in AUN Xasan Daahir lagu wadey in arrimo dhanka Caafimaadka ah loogu qaadi lahaa dalka Jarmalka si qaliin looga sameeyo dhabarka.

Madaxda Puntland ayaa uga Tacsiyeeyey geerida ku timid Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Dawladda Puntland ,waxayna EEBE uga baryeen in Janadiisa Fardowsa ka Waraabiyo,una danbi dhaafo.

Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ku sugan magaaladda Jabuuti ayaa sheegay in Madaxweyne Kuxigeenku uu ka geeriyooday Shacabka reer Puntland oo dhan,wuxuuna EEBE uga baryey Naxariis.

Waxa uu ku tilmaamay in uu ahaa Shakhsi soo shaqeeyey,wax badana usoo qabtay Shacabka reer Puntland mudadii uu ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Xukuumadii Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi “Cadde”",

…”"” Waxaa Saaka nasoo gaartay in magaalada Nairobi uu ku geeriyooday Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Puntland Mudane Xasan Daahir Afqurac,Ilaahay ha u naxariisto,waxa uu ka geeriyooday dadka reer Puntland dhamaantood,waxaana Ilaahay uga baryayaa in naxariista ka Waraabiyo,..”"”ayuu yiri Madaxweyne Faroole.

AUN Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Puntland Xasan Daahir Maxamuud”Afqurac” ayaa Madaxweyne Kuxigeen kasoo noqday Puntland Sanadihii 2005-2009,waxaana geeridiisa si weyn u dareemay Shacabka reer Puntland dal iyo dibadba.

______________________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

6 Responses for “Madaxweyne Kuxigeenkii Hore ee Puntland Xasan Daahir Afqurac oo Ku Geeriyooday Dalka Kenya”

  1. TALAABO DHEERE says:

    INAALILAAHI WA INAALILAAHI RAAJICUUN.xasan daahir afqudhac wuxu ahaa halyeey hogaamiye wanaagsan yauu ahaa waxan ilaahy uga baryayaa inuu naxariistii jano kawaraabiyo dhamaanteen iyo khaasatan qoyskiisiina uu samir iyo iimaan kasiiyo ,Aamiin.

  2. laasqoray boy says:

    ilaahaay haawnaxariisto xasan daahir afqudhac

  3. qandal girl says:

    ilaah naxariista jano hasiiyo iyo jantol firdowsa

  4. caraseedo says:

    Inaa lillaahi wa inaa ilayhi \raajicuun,Xasan Daahir Afqurac,Ilaahay janadiisa Fardawsa ha ka waraabiyo[[AAMIIN]]Isamir iyo iimaana Allaha ka siiyo qayskiisii iyo qaraabadiisaaba iyo reer puntland oo dhan gude iyo dibedba.

  5. illaahay ha u naxariisto xasan Daahir
    lakiinse Tariikh madoow buu aduunkaga
    kaga tagay Cabdisamadka tolkii gumeeyey sandareerada
    u fadhiyaa garoowe ha ogaado in malin uun dhaman doonto
    sandareero gudkana laysku hubsanayo Tariikhduna tahay mida
    haraysa Waari mayside war Hakaa haro

  6. Fadli Cade says:

    inaa lillaahi wa inaa illaahi raajacuun, illahay ha u naxariisto marxuumka ehelidiisiina iyo shacabka reer puntilandba samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Leave a Reply