Madaxweyne Siilaanyo oo furay Wershad wax-soosaar oo nooceedu Somaliland ku cusub yahay
Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhigga ka jaray Wershad neeceedu ku cusub yahay Somaliland, taasoo mjgaceeda la yidhaahdo HAADCO PAPER FACTORY, soona saaari doonta noocyada kala duwan ee Buugaagta qoraalka iyo agabka kale ee wax lagu qoro sida Waraaqaha iyo wixii la mid ah.
Wershaddan ayaa maanta furitaanka wax-soo-saarkeeeda loogu wanqalay Xaflad lagu qabtay goobta ay Wershaddaasi ku taallo oo ah Dacalka Bari Xaafadda New hargeysa. Waxaana Munaasibadaasi ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuu Siilaanyo, Raxan ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda, Guddoomiyayaasha Asxaabta Qaranka ee WADANI iyo Kulmiye, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Baarlamanka, Madaxda Rugta Ganacsiga Somaliland, Ganacsato iyo Marti sharaf kale oo tiro badan , kuwaasoo qaar ka mid ah oo hadlay duco iyo soo dhaweyn ku qaabileen Warshadaasi.
Guddoomiyaha Shirkada Maal-gelisay Warshadan Aadan Axmed Diiriye (Aadanbadho) oo ka mid ah Ganacsatada Xoolaha Nool dibada u dhoofisa, oo furitaankii Xafladaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay Waxsoosaarka kala duwan ee Warshadan laga filayo iyo Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Hirgelinteedu.
Ganacsade Aadan Baradho ayaa sidoo kale oo halkaasi ka soo jeediyay dhawr codsi oo ku saabsan Baahiyaha dhinaca dawlada kaga xidhan ee ay Xukuumadda Somaliland ka doonayaan, sida Amniga, wershada , in Cashuur dhaaf loo sameeyo iyo arrimo kale.
Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw-xoog oo ka mid ah Mudanayaasha Wakiilada ee Bariga Hargeysa laga soo dooro oo halkaasi ka hadlay ayaa cadeeyay inaanay Warshadani wax Wasakhow ah iyo dhibaato toona ku keeenayn Bulshada deegaankaasi ku dhaqan , hase ahaatee ay faa’ido weyn ugu fadhido Mushtamaca Reer Somaliland oo dhan.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri xulul iyo Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cabdi Risaaq Khaliif Axmed oo Xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Warshadani Kafayn doonto Baahiyo fara badan oo Wax-soo saarkeedu la xidhiidho.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo gab-gabadii Munaasibadaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyay Aasaasayaasha Warshadan, waxaanu hoosta ka xariiqay inay Xukuumaddiisu diyaar u tahay Gacan-qabasho kasta oo ay Warshadani uga baahato.
Guddoomiyayaasha Xisbiyada Wadani iyo Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, Wasiirka Kaluumaysiga Cabdilahi Jaamac Geel jire iyo shakhsiyaad kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Wax-soorsaarka Warshadan, waxaanay dhamaantood cadeeyeen inay door weyn ka qaadan doonto kor u qaadista Agabka Waxbarashada iyo Xafiisyada, isla markaana dabooli doonto Buugaagtii dibadaha looga soo dhoofin jiray Somaliland ee dhinacyada Waxbarashada iyo Xafiisyada.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.













somaliland guul iyo gobanimo somaliland hormar wacan baan uu rajeenay insh allah
Dadga ethiopianka aah oo gu soo qulqulayo waqooyiga Somalia ayaa
Lagu dabkha warjadahan iyo adungaan waxa lo dhiisaya wa ethiopianka futureka dhoow
Ethiopia don’t need oil or land they got it all
But guess what they looking for Red Sea so they will be the richest country in the world
If Somalia don’t stand up today themselfs it will be to late for tomorrow
Let me say the population in north Somalia is about 3 million
If 5 million Ethiopian come to who will own the land so call Somaliland
Ethiopia doesn’t have ocean and their missions is berbera hargeysa and so on you name it?
Adi uun ba yabiin
deeq gessod waxaan ku dhshay north somalia gaa ahaan sanaag region,laasqor waa runtaa inaay jirto qulqul badan oo ka imanaya dadka oromada oo ku sooqulqulaya waqooyiga waxaay leedahay khatarteeda khatar caafimaad waxaa dhici karta inaay aids qabaan waxaay leeyihiin khatar amni iyo mid dhaqaaale waxaa intaas ka sii daran dadkan waxaay leeyihiin waxaan nahay qaxooti oo muslim baan nahay laakiin lama aamini karo oo kahatarteedaay leeyihiin laakiin arin lagu baraarugsanyahay maaha!!