Madaxweyne Xasan: Ma Jirto Gobol Aan Colaad u Qabno, Dadaalka Iyo Kaalmada Beesha Caalamka Waxa Wada Leh Soomaaliyoo Dhan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Brussels (RBC) Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan xarunta Midowga Yurub ayaa ka hadlay hadalkii ka soo yeeray maamulka Somaliland shalay ee ku aadana aqoonsiga dawlada federaalka cusubi ka heshay caalamka.

Madaxweynaha oo maanta wareysi siiyey Laanta Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aqoonsiga caalamka siiyey dawlada cusub uu dan u yahay dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Aqoonsiga dawlada Mareykanka iyo dawladaha kale ee caalamka waxay dan ugu jirtaa dhammaan dadka Soomaalida ee ma ahan mid Xasan Sheekh keligiis leeyahay ama gobol gaar ah uu ka faa’ideysanaayo.” ayuu yiri madaxweynaha oo wareysi kooban siinayey BBC-da.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la weydiiyey sida uu arko hadalkii shalay ka soo yeeray madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland ee ahaa in dawlada Soomaaliya aaney dawlad u ahayn deegaanada Somaliland, ayaa ku jawaabay.

“Aniga madaxweynaha hadalkiisa ma maqlin, wixii uu yirina isagay ku fiicneyd in la weydiiyo, balse waxaan kuu sheegayaa in kala go’a Soomaaliya aaney cidna dan ugu jirin.”.

Madaxweynaha ayaa ku celceliyey in dawladiisa ay jeceshay inay sii wado wadahadalada dib u heshiisiinta ee u socday dhanka dawlada federaalka iyo maamulka Somaliland isla markaana wax kasta laga heshiiyo.

“Annaga waxaan u taaganahay ka shaqeynta midnimada ummadda.” ayuu sii raaciyey.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii baaq u jeediyey dhamaan Soomaalida isagoo u sheegay inay meesha ka saaraan cadaawad dambe oo dhexmarta Soomaalida.

“Hadey tahay Soomaaliland, hadey tahay Puntland iyo gobollada kale ma jirto gobol aan colaad u qabno, mana taagereyno in dad gaar ah la colaadiyo ama cadaawad lala galo.” ayuu yiri madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya.

Dhanka dawlada federaalka ayaa shaaca ka qaaday in wadamada xubnaha ka ah Midawga Yurub ay aqbaleen in dib loo eego dhammaan kaalmooyinka la siiyo Soomaaliya, isla markaana baarlamaanka Soomaaliya lagu martiqaado inay xubno korjoogto ah ku yeeshaan baarlamaanka Yurub.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

12 Responses for “Madaxweyne Xasan: Ma Jirto Gobol Aan Colaad u Qabno, Dadaalka Iyo Kaalmada Beesha Caalamka Waxa Wada Leh Soomaaliyoo Dhan”

  1. madaxwayne dad xanuusan ayaa ka xun xiriirka somaliya iyo dawlada maraykanka ee soo noqday
    dadka ka xumaaday waa labada maamul ee somaliland iyo puntland wax kalana ma ahan ee waa qabyaald iyo qoys jecayl waxay moodayaan in ay wax ay heli jireen ay waayayaan

  2. Ali soomali says:

    waa guul kale usoo hooyatey ummadda soomaliyed guud ahaan laakiin dowladnimada soomalia ma hayn contract lawada galay ee waxay aheyd rabitaanka dhamman ummadda somalia, hadana ninkii soomalinimo dantiisa ku jirto wellcome ninkii kale meel u doono haka soo biyo cabo, qabiil kasta ha is qaado ha raadiyo waxaan la gaareynin lama huraan waa cawska jiilaal.

  3. ciid yare says:

    cid colaad uma qabno hadana somaaliya kala go ,eeda yeeli mayno hadaan kuu raaco hadal kaaga masamay say dibu heshiin ma waydiisay dadka wax tabanaaya sida somaliland mida go ida wax adi lagaa way diinaayo ma jirto waa aq libiyad iyo cod laqaado codkaa meeshuu raaco ayay raacin somaliland mida puntland ma laheshiisay ma ku tix galisay in ay aheed hooyadii somaaliya ee usoo dadaashay qaranka somaaliya ee aad hada madaxda ka tahay xataa hal maalin uma aadan mahad celin dadaal kooda ay usoo dhinteen amaba ay soo cel;iyeen qarankii somaaliya in kastoo aad hada wadada ka leexisay mise ku dhaqantay waxii lagu heshiiyay sida dastuurka iyo fadaraalka ma usoo celisay dadkii hantidu ka maqnayd sida shacabka ma siisay mag dhow dadkii dad kooda la xasuuqay ku lahaa cid colaad uma qabno kkkkkkkkkkkk sheeka daadu waa nin kaa dilin ninkaa dagin ninkaa damal uqoolay sid waa laysku kala daadiyaa yuusan kaa didine dhoolasha uqaawi kkkkkkkkkkkkkk wa hadiise aad dagi kar tid mamulada sida puntland kkkkkkkkkkk

  4. hassan says:

    dadweynaha somalidu dhaman waxay donayan in la helo dowlad & kala dambeyn waxase jirta mr madaxeyne in ay jirto dadadlo ad ugu jirtan adiga & mamulkagu in ka soo horjeedan wixi lagu soo heshiiyey ee ahaa dastuurka federalka & xukunka oo ay leeyihin shacabku oo ad doneysan in ka faramaroojisan shacabka oo aad u xuubsiibatan xukun kali talis & ana iri wana wax cad sida shirarkii addis abab ka dhacey ee Igad aad la gasheen oo dowladu soo jedisey federal in usan somalia ka shaqeyneyn marka shacab badan baa u arka in isbadal badan oo siyasaded meesha ka muuqdo oo an kala cadeyn ….wana tas waxa mugdiga gelinaya in nidam loo helo somaliya … waxan maqli jirey hebel waa utostey hebelna waa ka jajabtey , marka wixi somaliya ka dhacey cidna filan meyso in ay ka suuragalan marka raggii hore ee dalka soo mamuley wey u gashaye balse manta xukunku wuu bahsanayana oo heer gobol ,degmo ,tuulo mana jireyso in wax walba meel laga mamulo ee hadii an sas loo hogansamina dowladnimo wey naga dheeraaneysaa!

  5. jamaal says:

    Asc sln ka dib maasha allah alle ha dhowro madaxdena dowlada cusub ee somaliyed waa war aad u qiimo badan oo mudan in la tagero waxana leyahay dhaman umada somaliyed aan la shaqeyno dowladena cusub mid na hala ogaado wax midnimo lagu wayay qabyaalad iyo koox kox laguma helayo waxana xasusinaya walalaha bogan wax ku so qorato fikradahoda in ey iska dhaafan qabyalada iyo qof jecleysiga somaliyey waan aragnay hogamiye koxed iyo koox koox mesha ey na geysay fadlan qofki wanag somaliyed wado tager adoo qabiil u firineyn hagu tagerin qof qabyalad 22sano wey nagu filantahay lkn malmahan waxa soo bilowday mid ka kid ah madaxda gobalada oo dadka dib ugu celinayo 1991 asagoo rabo in uu ku beerlaxowsado ujedoyin guracan oo laga soo gudbay alle ha soo hanuniyo ninkas madaxda ah wuxuna raba in uu dadka ku mashquliyo si aan loola xisabtamin waqtiga shaeci darada ah oo uu ku darsaday mamulka gobalka ey dadka u dhibteen somaliyey qabylada iska ilowa somalinimada u soo laabta dowlada na la shaqeya alle hana siiyo towfiiq aamin

  6. hana says:

    waa wax wanaangsa arinkaan aqoosiga laakiin malaha waxay naxdin ku tahay ragii inta meelaha u dhoofo xoogaga la soo siin jiray oo danahooda ku qabsan jiray. sorry that time is over it is enough now you guys sucked our blood.

  7. HADALADAS waxaan ka maqli jirney KUWII DADKA QALAN JIREY OO DHAN, IYO DAGAAL OOGAYAASHII, marka WAQTI baan u baahanahey aan QOF WALBA KU AAMINI KARNO, laakiin waa idin cadeynayaa iyo waa idin macaaneynayaa iyo waa la heshiinayaa WALI WAA HADAL,,,

  8. Shaarka says:

    Magdhaw cidna la siin maayo, sababtoo ah Madaxweeynaha isagu kama dambeeyn wixii dhacay Muqdisho 1991 kii. Somaali oo dhana dhibku wuu soo wada gaaray.

  9. Somalia maanta nabad ayey kow iyo laabatan sano Ayaan ku so jirnay. Dagaaal umada somaliyed maanta nabada ayey rabaan aniga Nina dhihi maayo wuu fican yahay Rer hebel. Ayaa. DUI,an dhihi maayo walala yaalo gacmaha Aan is qabsano meelkasta Aad ku no shihin. AMA qurba jooga wadankii hoyo aynu qabiil iska dhaafno hada aduunka ayaa. ino talinaya kismayo reer hebel. aya ka talinaya & baydhabo anigu idin dhihi mayo dawlada hada jirta taagera walala yaalow qaabiil & Rer hebel Saab ah niyadeni waa ka daashay qal bigena Aan gelino inuu ilahay wadanke. So hore ku so ceesho qaabiil iskadhiga ilaw siiya qal bigena & niyadeena ino so. ducaya inuu ilahay qal bigena ka saaro qabiil &Rer heb aya saan ah walala yaalow in umada. Somalia. inay gacma is qab saadan ay iska ilo Baan qabiil u. so ducay dadka maantada u dacaya dadki cunug ka xiran yahay dibada iwm maalin islaamku farax san yahay waaye waa maalin khyr badan waaye

  10. Abdisalaan says:

    mr xassan dhuxul go’aan maleeyahay horta?
    Madaxweyne mayahay?
    Dhamaan umada somaliyeed isku mid ma-uyihiin?
    Smail omer gelle iyo isaga kay talada udanbaysa ka godaa?
    Mr hassan culusow hadaanu cudur kabuuxin maxaa ku koobay xamar,baladwayne,baydhabo?
    Why uu garawe,kismaayo utagi layahay miyaanu mdw u ahayn?
    Jwb waxaan u daynayaa tagerayasha mr gurgurte?
    Jubbaland anigaa iskale…

  11. nuuraani says:

    culusow xaafada wardhiigley ayuu xakumaa, waxaba meesha kuma hayo aan ka ahayn in diyaarado la raaco. waxanse hubaa in uu runta soo taaban doono waayo meelwalba ee uu tago waxa la dhahaa ” war duliyhow dastuurka raac ee ha raacin talada reerculusow”.
    kani wa jaaniskii ugu danbeeyey reer culusow.

  12. Omar kismaayo says:

    Xassan sheekh afkiisa iyo adinkiisa isma oga somliya maanta waxy kunoqotay gacantii siyad barre intay riday dadkiina xasuqday dhulkiina burburisay wixii somali xamar degenaana hantidoodii dhacday kadibna iyagii is cunay narka kuwaasu meeshay mareen buu maraya taariikhduna been mashegto .thanks

Leave a Reply