Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Siijeeda Madaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasi oo uu dhowaan ka furmayo shirkii madaxda Midowga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan wuxuu u noqonayaa kii labaad uu ku tago wadanka Itoobiya tan iyo markii sanadkii hore lagu soo doortay magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya uu ka jeediyo shir madaxeedka, xili dowlada Soomaaliya dhowaan si rasmi ah u aqoonsatay Soomaaliya.

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa haatan ku sugan Raysal Wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo ka qeyb geli doonta shirka wasiirada arrimaha dibada oo loogu gogol xaari doono shirka madaxweynayaasha ay yeelanayaan.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa sanadkan looga hadli doonaa arrimo badan, sida Mali, qalaalasaha ka taagan Afrikada dhexe, Labada Sudan iyo Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbadal badan ka dib markii dowlada Soomaaliya ay xooga saartay wax ka qabashada amaanka iyo walinba soocelinta iskaashiga caalamig ah.

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

4 Responses for “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ku Siijeeda Madaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya”

  1. Ordaaye says:

    Xaaan Culusoow diyaarad raac iyo dalxiis buu ka dhamaan waayay , sharif afcasena aidaas bu madaxweynenimada in diyaarad la raaco oo dal lasoo booqdo bay moodeen,

  2. Ku . Ordaye sxb ha iska ordine madaxweynaha ma ahan haddu shaqo qaran ubaxo in uu dalxiis ubaxay diyaaradda uuraaacayna sida maqaaalka igu soo gaaray waxuu raacay diyaarad shacab oo qiimaheedu yahay 250 dollar

  3. said ilkacase says:

    sii soco soo soco jalle madaxweyne
    sheekh shariif waa in aad scorekiisa diyaarad raaca 1 year gudihiis ku jebisaa haddii ay doonto haba kula dhacdo ticketyada inoo ururi world guines recordka ayaan kugu dareynaa

  4. Puntland boy says:

    Waxaan la’yaabanahay wadanku waxuu lee yahay Ra’isul wasaare & Wasiirada arimaha dibada oo ah gabar wel qualified ah shaqadeeda Sifiicana uga soo bixi karta , Hadii Saacid saan raali kayahay waxaan kula talin lahaa wasiirada arimaha dibada ineey iska casisho shaqada false da ah , Wadanku waxuu lee yahay Ra’isul wasaare & Wasiiro , Aawey baarlamaankii jawaari waa inuu soo celiyaa members Parlamentika oo dhan Cadoowna loo sheegaa shaqadiisa , Viva Puntland & Jubaland

Leave a Reply