Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalbaday In La Joojiyo Lacag Shilin Soomaali ah oo Lagu Daabacay Suudaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqasho ku tagay wadanka Suudaan ayaa sheegay inuu booqday xarunta warshad lacagta sameysa taasoo hadda daabacaysa lacag cusub oo Shilin Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in baahida lacageed ee Soomaaliya ka jirta ay ka horeyso arimo badan sida in dalka la xasiliyo isla markaana la diyaariyo habkii lacagaha loo maareyn lahaa, wuxuuna cadeeyay inuu codsaday in lacagta cusub ee hadda lagu daabacay wadanka Suudaan dib loogu dhigo oo aan hadda dalka la keenin.

Kulamada wafdiga madaxweynaha

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in sidoo kale uu kulamo la qaatay madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan al Bashiir iyo masuuliyiin dawlada qeybaheeda kala duwan ah ayna ka wada hadleen xiriirka labada dawladood iyadoo dawlada Suudaan ay ballanqaaday tababarida ciidamada booliska Soomaaliya taasoo dawlada federaalka Soomaaliya ay codsatay.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan iyo taliyaha nabadsugida Axmed Macalin Fiqi.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Suudaan kaga qeybgalay munaasabada 57-guurada ka soo wareegatay madax bannaanidii wadankaasi.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

7 Responses for “Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalbaday In La Joojiyo Lacag Shilin Soomaali ah oo Lagu Daabacay Suudaan”

  1. wadaad yare says:

    Maashaa Allaah. Ma arkin tillaabo uu qaadey madaxweyne Xasan Sheekh oo aan i cajab gelin,intaan ka aheyn wasiir ku xigeennadii faraha badnaa oo iyagana ay keentey duruufta dalka ka jirta.

    Arrintaan haddey run noqoto waa arrin muujineysa inuu ninkaani yahey nin indheer garad ah oo aan dhayalsan karin. Haddii lacagta lasoo daabaco oo dalka lasoo geliyo iyadoon dalka intiisa badan gacanta kuugu jirin waxey fureysaa sanduuqa sharta, dhaqaalaha dalkana dhulka ayey la geleysaa.

    Sababtoo ah meelaha aan gacanta kuugu jirin ayaa lacagtii oo forgery ah laga soo gelinayaa markaas ayaa dhaqaale bur bur ka dhacayaa.

  2. Garowe says:

    Mansha allah.madaxweynaha waa nin caqli badan

  3. Banaadir Boy says:

    Maasha allah wax walba ka fiirsasho ayee u baahanyihin madaxweynaha waa inuu ka fiirsadaa qaabka lacagtaas halmar suuqa ku gali karto is badal nololedna u keeni karto waayo hadii mamul gobol beeledyada hada jira qaarkod ay dhahan malaga qaadanayo dhankena waa dhib waa in marka hore dalka gacanta dowlada soo wada gashaa meelaha hada dhimana waxaa ka midaa dhulka fidna wade faroole gacanta ku hayo ee Garoowe in dhulkas gacanta taagerayasha dowlada soo gashana dhawan waa la filayaa

  4. farhan says:

    banadir boy
    waa riyoonaysaa dawlad aad ku riyoonaysaa ma dhacayso ee waa dawlad yar oo dawladgoboleedyadeeda ay waxay rabaan yeesho ha ku riyoon dawlad irir ee seexo
    xasan xooöo waxa uu tarayo ma jirtee 6 bilood ka dib aan is waraysano iyo madaxweynaha cusub

  5. garaad yusuf says:

    asc waan salaamayaa dadka muslim ka ah ee jecel samaha iyo wanaaga
    marka xiga madax weeynuhu waa saxan yahay waana loo baahan yahay
    in la hakiyo lacagaha lagu sameeyay suudaan waxay ba keeni lahayd sicir barar
    ee halajoojiyo

  6. PuntLander says:

    Reer puntlandow arrinta soomaaliya meel uma socotee in aan ka go’no maxaa ku jaban?

    Reer muqdisho qabyaaladi kama baxayso soomaalinimana looga caal waa. Waa illeen doofaar ma daahiro. Marka maan danaheenna ka tashanno haddaan soomaalinimo la helaynin?

  7. leebito says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkk puntlander kkkk waa qosol badan tahay
    doofaar ma daahiro lee iga dheh kkkkkkkkkkkkk doofaar ma daahiro iga dheh

Leave a Reply