Madaxweyne Xasan Sheekh oo Lagu Wado Inuu Ka Dego Sacuudiga Iyo Wasiiro Uga Sii Horeeya
Nairobi (RBC) Sida ay Raxanreeb u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu wadaa in wafdigii madaxweynaha ee ku sugnaa dalka Mareykanka saacadaha soo socda inay ka degaan wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Booqashada madaxweynaha ee Sacuudiga ayaa la sheegayaa inay la xiriirto martiqaad rasmi ah oo dawlada Sacuudiga ay siisay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ay noqoneyso booqashadii ugu horeysay ee madaxweynuhu ku tago Sacuudiga iyo guud ahaan wadamada Caalamka Carabta.
Ujeedada dhabta ee booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee Sacuudiga ayaa lagu sifeeyay cilaaqaadka Sacuudiga iyo Soomaaliya iyo guud ahaan xiriirka dunida Carbeed in dib boorka looga jafo. Waxaase jira deeq lacageed oo Sacuudiga horey u siin jirtay dawladihii ku meelgaarka kuwaasoo laga yaabo in madaxweyne Xasan uu isaguna codsado in lagu kaalmeeyo dawladiisa.
Wasiiro kaga sii horeeyay Riyad
Dalka Sacuudiga, gaar ahaan magaalada Riyad waxaa hadda ku sugan wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka oo uu ku jiro Faarax C/qaadir oo ah wasiiro dawlaha madaxtooyada ahna la taliyaha madaxweynaha, sidoo kalana ah xildhibaan. Faarax in mudo ah ayuu joogay Sacuudiga wuxuuna wada hadallo la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga isagoo sidoo kale u tagay Boqorka Sacuudiga.
Waxaa sidoo kale magaalada Riyad toddobaadkan gaaray wasiirka maliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil iyo Dr. Maxamed Nuur Gacal oo ah wasiiru dawlaha arrimaha dibadda oo labaduba gogol xaar u ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale wasiirada hadda isku urursaday Sacuudiga ayaa ah xubnaha xiriirka hore ula lahaan jiray wadamada Carabta. Waxayna u muuqataa in dawlada ay hadda xooga saareyso xiriirka Carabta iyo wadamada Islaamka maadama ay horey madaxdau soo mareen wadamada Afrikaanka ee deriska iyo reer Galbeedka oo Ingiriiska iyo Mareykanka ugu horeeyeen.
Booqashada Sacuudiga waxay ku soo adeeysaa xilli dawlada Mareykanka ay ku dhawaaqday inay si buuxda oo heer dawladeed ah ula dhaqmeyso dawlada federaalka Soomaaliya markii ugu horeysay mudo 22 sano ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi













Madaxweyne xasan hadduu tixgaliyo waxay soomaali ku heshiisay dhabbaha qabyaaladdana uu ka leexdo wuxuu noqon karaa madaxweyne dadka soomaaliyeed taariikhdoodii wanaagsanayd boorka ka jafa shacabkuna ay jeclaadaan gobolkay doonaanba ha joogeene, Allow fahamsii intaas.
Run sheeg qaladka iyo qabyaaladda aad ku heyso.. Madaxweynahaan noo sheeg oo aan ka aheyn MALO? waxaad noo sheegtaa daliiil cad oo maqal iyo muuqaal Leh?
Dawladda Hoteel Degal ee qofwaba oo qaan gaar ahaa uu yaqaanay ninka haysta iyo kumanaanka guri oo kale oo xoogga lagu haysto marna aan kahadlin !!!!! ma qabiil loo shaciyay in uu qabiilada kale gumaysto oo dhaco miyaa mise waa Dawlad ? waxaa taa kasii daran hub ayuu meelkasta oo uu tago xasan wadiistaa siduu reerkiisa u hubeeyo waayo cidamada Soomaaliyeed ee uu sheegaa waa maleeshiyada beeshiisa !!!! Alla hatuso inuu Dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu cadaalad u sameeyo
AAAAAMiiiiiN
waa in lagu kacaa ninkani waa nin USC dabda ka wada waayo hantida la hasysto oo shacbka laga heysto kama hadlin oo waa ka leexleexanyaa oo xagal daacis ayuu wadaa
Dadka qaar hantida la kala heysto waxey ka dhiganayaan “qamiiskii cusmaane” daacad kama ahan. Weligood lagama maqal hantidaas warkeeda markii Cabdullaahi Yuusuf,Ina Cabdi Rashiid iyo Cabdi Weli Gaas xukunka hayeen!
Hadda unbey hantidii hal mar bug soo tiri oo magaaladii Muqdishoo dhan noqotey magaalo ay Israel ka qabsatey Falastiin oo “xaqa dib u noqoshada” ee UN charterka ku cad miiska lasoo saarey!
Hantida dadkaasi ay ka hadlayaan oo la heysto oo markii kursiga nin reerkaa ku fadhiyo aan la sheegeyn, markuu ka wareegana cirka isku shareereysa sheegashadeedu malaha innaga meel kale ka dayeynee waa “kursiga madaxtooyada iyo kan ra,iisal wasaaraha”!kkkk
Haddey saas tahey waa in xaqa dadow dadka heystaa iskaga wareejiyaan dadkii lahaa!
War waa kan beentii iyo asaraarkii uu M/weynaha ka sheegay Shirkii Minneapolis oo leeyahay waa la iga been sheegay haddalkii aan ka iri Hiiraan oo ah inay gobolkooda maamul u samaysataan, ka dhageyso Radio Ogaal ayadoo cod ah. Wuxuu hilmaamay in maanta warqabadka uu marayo meeshii ugu sareysay.
http://www.radioogaal.com/radio/axad1.mp3
Wabilaahi Towfiiq