Madaxweyne Xasan Sheekh: Waa Suurta Gal In Madaxweynaha Maraykanku Uu Booqasho Ku Yimaado Muqdisho
Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo maanta ka hadlayey xaflad si weyn loosoo agaasimay oo ka dhacday hoteelka City Plaza ee magaalada Muqdisho taasoo uu uga warbixiyey wada hadaladii guusha ku dhamaaday ee uu la yeeshay madaxweynaha wadanka Mareykana iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wadanka Mareykanka madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud ayaa tilmaamay iney guul kusoo dhamaadeen wada hadaladii ay la yeesheen madaxda dalka Mareykanka.
Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay iney suurta galtahay in madaxweynaha mareykanku uu soo gaaro magaalada Muqdisho kadib wadahadlo miro dhal noqday oo uu kula yeeshay aqalka cad ee looga arimiyo wadanka Mareykanka isagoona hoosta ka xariiqay in aqoonsiga Mareykanku uu u gogol xaarayo aqoonsi ay dowlada Soomaaliya ka hesho wadamada kale ee beesha caalamka oo uu sheegay iney la dhacsanyihiin talaabooyinka wanaagsan ee ay qaaday xukuumada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daray in dowlada uu madaxda ka yahay ay maslaxada Soomaaliya meel kasta ka dooni doonto isagoona meesha ka saaray in dowladiisu ay ku dhaqanto waxyaabo dhantaali kara ifafaalaha hada ka muuqda dalka Soomaaliya wuxuuna ballan qaaday iney la dagaalami doonaan musuqmaasuqa oo uu ku tilmaamay inuu ragaadiyey Soomaaliya ayna muhiim tahay in laga fogaado wax walba oo wax u dhimaya sharafta qaranka Soomaaliyeed.
Qudbada Madaxweynaha oo dhinacyo badan taabaneysay ayuu sidoo kale kusoo hadal qaaday ujeedooyinka Soomaaliya ee siyaasada dibada wuxuuna sheegay iney Soomaalida waajib ku tahay iney si degen u wajahaan siyaasada caalamka maadaama ay jiraan wadamo badan oo dano siyaasadeed ka leh dalka Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa sidoo kale cambaareeyey dhibaatooyinka lagu hayo saxafiyiinta Soomaaliyeed oo ay ugaarsi ba’an ku hayaan kooxo aan la aqoon.
RBC Radio















noolow noolow ilaah haku dhowro
woooow obama xamar uu imanaa warkaas aya i maraayo waa laag yaabaa maahinee wuuba imaanaa anaaa hubo warkaaaas somaliland and puntland sakiiiiiiin laqa weey idin dhamaatay
“waabariyey bilicsan aroorya baxsan maalin boqolle” waxaa la yiraahdaa dadka uu shaydaanku ku adeegto way guuleystaan haddii dadka wanaagsan aaney wax ka qaban, madaxdan waxay ka mid yihiin dadkaas is hortagay kuwo shaydaanka ku adeegto inay soomalia ka guuleystaan. waa guul mar haddii madaxweynihii adduunka uu soo booqanayo soomalia, taasi waxay albaabka u fureysaa horumar iyo nolol ka curata dalkeena hooyo.
@Daacad… Putland iyada dowladda iintaas so garsiisay somaliland sakiin liiq dheeh maxaa
Putland or qabiil aya guwada
waxuu leeyahay saxafadu waxaa ku jira dad xun oo dalka wax ka gud biya sida ay dadku ugu jiraan dad xun hadana waxuu leeyahay waan cabaareeyay labadaa hadal meel ma wada galaan somaaliyay ? asa gaaba kala hadlaaya ? mida ugaar siga kama foga aqal kaaga madax tooyada ee ha u saarin koox aan la aqoon kkkkkkkk
OBAMA ma imaan karo wadankeena, waa (prohibited) mamnuuc AIRPORKA AMISOM haku qaabilo GURGUURTE, LAAKIIN WADANKA KUMA DHACO MANA DOONEYNO,
War madaxweynaha way kawareertay mise dadka ayuu sida ciyaalka loo maaweeliyo ugu sheekaynayaa. Obama waan utagay usaguna waa ii imaanaa walle hadal kaagii waa uu yahay!!
Allha somaaliya mideeyo oo hanoo soo celiyo nabadi iyo hormarki.. bulshadana ha iscafisa oran lahaa
waxaan ku iri kan daacad is ku sheegay daacad waa kaa dheertahay waxaase tahay duli weliba liita oo aan kalsooni naftiisa iyo ummaddiisa ku qabin puntland iyo soomaailand waa dad dalkooda iyo dadkooda kalsooni ku qaba cid aan illaahay ahayna umabaahna intii aad idinku bililiqada isku burburrinayseen ijagu waa is badbaadinayee
Walee waa waayab dad badan ayaa waxay ubaahin yihiin in laga uumiyo puntland AMA faleebo culus lagu xiro Allah idin caafiyo aamiiiiiiiiin