Mahiga: Suurtagal Ma Ahan in Ciidamada Amisom Ay Dalka Ka Baxaan Haddaan La Taageerin Dhismaha Ciidamada Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Addis Ababa (RBC) Wakiilka Gaarka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa shaaca ka qaaday in caalamka looga baahan yahay inay taageero la isku halleyn karo ay siiyaan dhismaha ciidamada qalabkasida ee Soomaaliya si awood ugu yeeshaan inay la wareegaan maamulka iyo sugida amaanka dalka ka dib bixitaanka ciidamada Amisom.

Mahiga ayaa arinkan ku sheegay wareysi jariirada Bloomberg kula yeelatay magaalada Addis Ababa ka dib markii uu ka qeybgalay kulan ay halkaasi ku lahaayeen saraakiisha Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD loogana hadlay arrimaha Soomaaliya.

“Bixitaanka ciidamada jooga Soomaaliya hadey yihiin kuwa Amisom ama kuwa Ethiopia waxay kuxiran tahay in la helo ciidan Soomaaliyeed oo bedela.” ayuu yiri Mahiga.

“Dhismaha iyo tababarka ciidamada Soomaaliya ma ahan mid deg deg ah, waayo hadda looma hayo taageero dhaqaale oo la saadaalin karo.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Mahiga.

Danjire Mahiga ayaa sheegay in ciidamada Amisom ee hadda jooga ay mushahar ka helaan Midowga Yurub, balse loo baahan yahay in lagu daro qorshaha sidii loo dhisi lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay amaanka dalka kala wareegaan Amisom.

“Midowha Yurub waxay hadda ka wada doodayaan sidii ay u bixin lahaayeen taageero dhaqaale oo la xaqiijin karo, sidoo kale dawladaha gacanka Persia iyo dawlada Turkiga ayaa iyaguna bilaabay inay bixiyaan taageero.” ayuu sii raaciyey.

Mahiga ayaa dhanka kale sheegay inuu rajeynayo in hawlgalka Amisom oo hadda hoostaga Midowga Afrika in loo bedelo mid wadajir ay u maamulaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

“Hawlgalku waxaa suurtagal ah inuu noqdo mid wadajir ah [UN iyo AU] markala soo afmeero ciribtirka kooxaha mayalka adag ee Al Shabaab.” ayuu ergeyga Qaramada Midoobay.

Dalabka dawlada

Dawlada federaalka ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay horgeyn doonto in hawlgalka Amisom loo bedelo mid dawlada hoos yimaada, isla markaana dawlada laga caawiyo sidii ciidamadeeda ay dalka gudihiisa ugu tababaran lahayd.

Hase yeeshee dawlada ayaan weli heysan taageero dhaqaale oo ku filan dib u dhiska ciidamada qalabkasida halka weli ay jirto cunaqabateynta hubka ee la saaray Soomaaliya sanadkii 1992-kii taasoo dawladu marar badan ay cadeysay inay caqabad ku tahay qorshaha dib u dhiska ciidamada.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Mahiga: Suurtagal Ma Ahan in Ciidamada Amisom Ay Dalka Ka Baxaan Haddaan La Taageerin Dhismaha Ciidamada Soomaaliya”

  1. Banaadir boy says:

    Sanbuuqo weyne waxba hanoo sheegin tuug baa tahee waa war mucjisa ciidamada Soomaliya dhaqaalo looma hayo kuwa Ugandana waa loo hayaa

Leave a Reply