Mareykanka Oo Sheegay Inuu Ka Qeybgalay Weerarkii Fashilmay Ee Faransiisku Ka Geysteen Deegaanka Buulo Mareer
Muqdisho(RBC Radio) War kasoo baxay dowlada wadanka Mareykanka ayaa sheegay inuu gacan kasiiyey dalka Faransiiska weerarkii fashilmay ee uu ka geystay deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeeelaha Hoose oo Faransiisku ku doonayey iney kusoo furtaan la hayste u dhashay dalkaas oo ay mudo dheer gacanta ku hayeen ururka alshabaab oo ka afduubtay hoteelkii uu ka daganaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Madaxweynaha wadanka Mareykanka ayaa shaaaca ka qaaday in dowladiisu ay qeyb ka ahayd weerarkii fashilmay ee ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ee wadanka Soomaaliya wuxuuna tilmaamay in ciidamada Mareykanku ay kuwa Faransiiska ka caawiyeen soo furashada mawaadinka Faransiiska ah ee al-shabaab u afduubnaa isagoona intaa ku daray in dowladiisu ay Faransiiska ka caawisay dhanka Farsamada isagoona sheegay in diyaaradihiisa ay heegan uga jireen hawada Soomaaliya balse aysan si toos ah dagaalka u galin.
Obama ayaa hoosta ka xariiqay in Mareykanka ay ka go’antahay waxa uu ugu yeeray argagixisada caalamka oo xiligan ku xidideysatay dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay wuxuuna warqad codsi rasmi ah u diray golaha sharci dajinta wadanka Mareykanka iney meel mariyaan qorshayaasha uu ku doonayo iney cagta ku mariyo kooxaha islaamiyiinta wadanka Soomaaliya oo uu sheegay iney yihiin qatar aan la dhayalsan karin.
Wadanka Mareykanka ayaa hore weeraro dhowr ah ka geystay gobolada koonfureed ee wadanka Soomaaliya oo ay ku dileen rag ajaanib ah oo ka barbar dagaalami jiray ururka alshabaab iyo shacab badan oo Soomaaliya kuwaas oo ay haleeshay duqeymaha diyaaradaha aan cidi wadin oo si indha la’aan ah duqeyn aan loo meel dayin ka garaacay deegaano ay dad rayid ah kunoolaayeen.
RBC Radio














ilaahay ayaa ku mahadsan in america iyo farance oo is bahaystay ay guul daraysteen wiilo dhowr ahna han jabsheen ilaahay duliga aduunka hasiiyo aakhiro makaan ay munaasab uyihiin hageeyo aaaaaaaaamiin duli afmdoobe obama ilaahay waxooda iyo qaniimo ha uga dhigo muslimka
Ow really USA don’t need to go back to somalia or else they will make more movie lol
Obama smoke crack and dance with I give u big award for first U.S president lol instead u try to make a peace in somalia u killing an older and kids that’s a country’s civilians
OBAMA gaalnimo iyo foolxumo ayuu isku darsadey, wax BAKHTIYEY WEEYE, duf ku bax DOORAALE