Masuuliyiin Ka Tirsan Galmudug Oo Muqdisho U Yimid Sidii Ay Ula Kulmi Lahaayeen Madaxda Dowlada
Muqdisho (RBC Radio) Wafdi ka socda maamul goboleedka Galmudug oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi C/samad Nuur Guuleyd ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha Baarlamanka maamulka Galmudug, waxaana garoonka diyaarada ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda.
C/samad Nuur Guuleed Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo saxaafadda la hadlay markii uu kasoo dagay garoonka ayaa sheegay in u jeedka ay u yimaadeen Muqdisho ay tahay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen madaxda ugu sareysa dowlada gar ahaana madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Ku xigeenka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan heshiis ay wada gaareen Ahlu Suna iyo waliba maamulka Galmudug isla markaana loo baahanyahay in dowlada lala socodsiiyo arintaasi.
Dhowaan ayay ahayd markii kulan ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo waliba Ahlu Suna ay ka wada haldeen sidii ay maamulka isugu darsan lahaayeen isla markaana ay u yeelan lahaayeen hal maamul oo lagu mideesanyahay.
Maamulka Galmudug ayaa ka mid ah maamulada ka jira Soomaaliya, waxaana safarkaan uu ku soo adayaa xili ay socdaan qorshe lagu doonayo in maamulkaasi lagu balaariyo
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho













SAXAAFADA SOMALIDA ANIGU WAAN LA YAABAA WAX WALBO AYAY ISKA QORAYAAN. BAL GALMUDUG GOORMEEY MAAMUL GOBOLEED NOQOTAY WALAALAYAAL, MAAMUL GOBOLEED SIDA DASTUURKU QABO WAXAA NOQON KARO LABA GOBOL IYO KA BADAN, MARKA GALMUDUG WAXAAY U TAAGAN TAHAY GALGADUUD IYO MUDUG HADABA AAN KALA QAADO MUDUG AAN KU HORMARO. GOBOLKA MUDUG INTIISA BADAN WAXAA KA TALIYO MAAMULKA PUNTLAND.. WAAYO WAAN OGNAHAY GALMUDUG BARAXLEEY BAS AYAY MUDUG KA JOOGTAA. GALGADUUD AAN SOO QAATO. GALGADUUD HAL DEGMO OO BUUXDA GALMUDUG KAMA TALIYAAN. HOBYO WAXAA QEYB KA HEESTO MAAMULKA XIMIN IYO XEEB. GALGADUUD IN BADAN WAXAA KA TALIYO ALSHABAAB SIDA DEGMOOYINKA CEELDHEER IYO CEELBUUR. JACAR. BARGAAN.. INA KUWA AHULULSUNAH ISKU MAGACAABAY OO KALA REERO AH SIDA XEERAALE. CAABUDWAQ. DHUUSAMAREEB., MARKA GALMUDUG HALKEEY KA TALISAA. MISE YAHAY MAAMUL BUUXIYAY AXDIGA FEDERAALKA SIDA DASTUURKA KU QORAN JAWAABTU WAA MAYA
Rashiiid sxb waxaaas adi wax lagaa weeydiinayo maleh ama xafad haka taliyaaan ama tuulo haka taliyaaan waxaas wax lagaa weydinayo maleh galmudug dowladda somalia iska daaye caalamkaa aqoonsan iyo dowladaha hor mareey wbl towels
ASC, dhamaantiin,
Haloo sheego nimankaan faashiliinta ah ee ee uu horkacayo nin qab qabla dagaal ah, oo loo baahan yahay maadaama sida saaxiibadiis hore eey siyaasada uga hareen, in uu meel naga fadhiisto, waa in maxkamad lasoo taagaa gacan ku dhiigle cabdiqeeyrdiid, oo Somali qabiil walba dagaalo iyo tacadiyo la galay, dilayna muwaadaniin badan oo Somaliyeed. Marka, inkastoo aanan aqoon ragaan hada Xamar yimid record kooda, hadana maadaamaa uu u taliyo amaba eey raali ku noqdaan in eey ka hoos shaqeeyaan waxna ku darsadaan xaaraami dambiila dagaal cabdiqeeyrdiid marka ayagana sidaas ayeey xaaraan ku yihiin. Waa naga digniin. Beeshaas ha iska dhex soo saaraan, dad dhiig cusub eey ku jiraan, oo lala fadhiisan karo. Inta eey mooryaan hogaaminayaan, wax hadal iyo barako ah waa in eey reeraha kale ee goboladaas iyo dowlada Somaliyeedba eeysan la hadlin. Thank you.
ABDI YARE WALAAL QABIIL AHAAN INAAN GALMUDUG ku diidayo qalad ha ii fahmin
waxan rabaa midka rashida wata in aan la hadlo ee jiran ee buka ma putland baa mudug ka talisa mase xafada suusaclaye ee galkacyo baa mudug wada ah sow ma ogida in galmudug ay tahay galkacyo hobyo afbarwaaqo xero dhagaxlaye barwaaaqo sadex higle iyo tuloyin badan oo kale mase galgaduud miyadan aqoon bandiiraley galin soor marka aad leedahay xubin iyo xeeba adigaba cismaan maxamud baa ka taliya bosaase ma adig iska leh hadii aad habargidir aad kala qaato oo halkas aad wax ka raadiso mj anigu ma kala naqano adiga baa wax nafa ka badiya in aad kala shaxado beesha habargidir waan ku doqonimo najisyahow najisku dhalaye hadii sacad wax u oglaeyuna ma habargidir baa galmudug u ogashaya nacal isir ku yaala
@Rashiid
Galmudug State waa umad tashatey oo leh Maamul ay dhisteen dadka halkaa daga ,Dawlada Soomaaliya iyo caalamkana laga aqoonsan yahay,marka kafiirso hadalada aad kuhantaaqayso oo aan macnaha suubinaynin.Hanoqon iska hadloow ina hegar,hadaad hadlaysidna kuhadal hadal wanaagsan ama iska aamus hadaadan qayr sheegayn.”Don’t be a Hater”.
Cadaado Yarey
Waxaa layiri maroodigu ma arko takarta saaran isaga ee waxaa uu arkaa tan saaran maroodiga kale!!!
Shalay waxaa shir jaraaid kuqabtey Cadaado wax garadkii cida kuwa sheeganaya iyo ninkii aduunwaynuhu raadin jireen ee ahaa aabaha Pirate…..ka aduunka AFWEYNE oo kasoo jeeda deegaanka Cadaado!!! how about that!!
Ninkaa tuuga ah iyo Odayaasha iyo ximin iyo xaasid waxaa oo idilba waxaa sugaysa maxkamad caalami ah ee bal kawaran arinkaa cajiibka ah ……………Pirate shirjaraaid qabtey Cadaado!!! this is funny!!!lol
Galmudug Waxay ka talisa inta badan gobolka mudug gaar ahaan Gaalkacyo ilaa Hobyo iyo xaradheere oo maamulka hada uu kusii jeedo maadama beelaha dega xaradheere heshiish hore lala galay. Galgaduudna waxay ka talisa degmada Galinsoor halka hada uu wadahadal u bilawday inta ka maqnaa ee cabduwaaq, xeraale,dhuusamareeb iyo guriceel marka waxaa la oran karaa Galmudug hadee ku guuleesato qorshaha balaarinta ay hada wado waxaa gacanta usoo geli doona inta ka maqan waana dowlad goboleed aduunkana laga aqoonsan yahay. Jeneral Cabdi wax badan oo muuqda ayuu u qabtay Galmudug hadaan la iska indha tireynin.
Su’aashu waxaa weeye inta badan soomali maxay ka qabaan maamul goboleedyo ama nidaam federaalism ah? in kastoo dastuurka ay ku taalo maamul goboleedyo misana distuurkan maha dastuur rasmi ah oo afti dadweyne loo qaaday,ra’yi aruurin VOA ee soomalida laga qaaday 80% wey diideen nidaam federaalism ah, markay shurudaha federaalka somalida ee qowmiyad loo kala qeybiyo gobololeysi,kala duwanaanshaha umadda hal wadan ku dhaqan sida ( diin, midab,isir,luqad, dhaqan ) xitaa hal shuruud somalida ma buuxiso. mabda’an gumeysiga cusub ah oo reer galbeed dabada ka wadaan ayagoo markii horeba somali u aaba yeelin shan meelood u qeybiyey ayaa hadana intii hartey lasii kala qeybinayaa, arrintaas waa inaan dhamaanteen ka gilgilanaa.
Kkkkkkkk cadaado qoffka in uu iska hadlo. waa laga fiicanyahay abdi qeybdiid waa. Madaxweynaha galmudug kasokoow somalia dagaalo sokeeye eey soo martay qof loo raacdey ama loo maxkamadeeyay maleh. Kuwii general abdi qeybdiid lamid ahana waa kuwaa xildhimanada ah marka cuqdada allaha kaasaaro
Alle ka cabsada dhalinyaro ama waa yeel qofkasto oo komenti bixinaayo.
qaybdiidna qabri kula gali maayo cabdiraman faroolane qabri kula gali maayo, ticeyna qabri kula gali maayo ee dhowrsada.
soomaali waa ay kabaxday qabiil qarannimo ayaa lahayaa wadadeeda.
waxaan ugu dambeen lee yahay Allow qaluubta soomaaliyeed isku soo dub. qaaliqoow adaa qaadiree qarannimada noo adkeey.
Allow qabiil si qaldan loogu dhaqmo qaluubtanada ka tirtir.
Allow qax iyo dhibaatiyo qilaaf ragaadiyay dowlad la’a'an waan ka daalnay qaadiroow midkaan qarannimo rabin qalbiga qabiil uu kaduleeyay umada ka qabo, qaatilweeye oo qoolkiisa la isku leenayo.
Cadaado
Brother adigu waxba gooniya ha target gareyn qof shakhsiya ee alternative dadka u samee! Waxaa la yiri : Mugdiga intaad habaari laheyd shumac shid”.
Juhdi inaan ku bixinno ma ahan qof hoggaamiye ah oo beeshiisa madax u ah. Haddaan beeshaas ku cadaadinno iney ninkaas deyriyaan iney kusii jeclaadaan hadalkaas mooyee kuma deyrinayaan sidaas. Khibraddeenna aan u leenahey beelaha soomaaliyeed ayaa sidaas na bareysa.
Waxaa lagaa rabaa inaad keento prosses iyo dheel uu hoggaamiyaha xun uu ku lumayo oo dhexda uga baxayo iyadoon dagaal la gelin leysna caayin.
Reer Cadaado ma hayaan fir fircoonidaas iyo hal abuurnimadaas mise mugdigey habaarayaan meeshey shumac ka shidi lahaayeen?
Iigama muuqato karti iyo hal abuurnimo ay wax kusoo kordhinayaan. Maxaa iyaga dhaq dhaqaaqa u diidey oo meeshaan dhexe ku xabbisey oo ay isku xanaajinayaan?
Ahlusunno way tagtey dowladdii dhexe ayey lasoo shirtey, way tagtey oo meelo badan ayey la shirtey. Sidoo kale Galmudug dhaq dhaqaaq jiho walba leh oo xataa Cadaado ay ku yimaadeen oo haddana Xamar ku joogaan ayey wadaan.
Maxaa Reer Cadaado iyaga ka dhigey kuwo protest iyo fal celin kaliya ku ege aan laheyn talo soo jeedin iyo dhaq dhaqaaq? Ma iiga jawaabi kartaa?
ASC, dhamaantiin,
@ Wadaad yare, walaal, Ximan & Xeeb ma’ahan kuwa protest amaba fal celin kaliya ah u taagan. Dhaq dhaqaaqna waa jiraa, laakiin waxaan u maleeynayaa in eey madaxda Ximan & Xeeb yihiin dad iimaankooda sugan yahay, xiriir aad u wanaagsana la leh Dowlada dhexe ee Somaliyeed, iyo tii horeba. Sidoo kale xariir wanaagsan la leh dadka ehelka ah ee nala daga Mudug iyo Galgaduud oo eey ku jiraan reer Caabdudwaaq xataa. Mana doonayaan in eey howl dadkoo dhan la raba in eey lahaadaan, oo wada qabtaan, eey kaligood isku xilsaaraan.
Mida kale, kulama qaba fikirkaada ah in loogu yeera Cabdqeeybdiid hogaamiya beeshiisa anagoo wada og in uu handadaad iyo mooryaanimo madax iskugu magacaabay.
Waan soo dhaweeyn lahaa in dadka deegaanka shiraan, wada hadlaan, iskaashadaan. Laakiin waxaa shardi ah, in dadka howshaas qabanayo eey ahaadaan dad nadiif ah.
Asc wadaad yare masha allaah ayaan ku lee yahay mar walba oon arko fikirkaaga somalida maskaxdaada caafimaadka oo kale wato allaah hanoo soo badiyo , mida kale reer ximan iyo xeeb sanad kahor ayaan ku qiyaasayaa 9 maamul goboleed eey shirweyne ugu qabteen cadaado oo eey heshiisyo ku gaareen oo welina aheeyd ineey iskugu soo laabtaan si loogu midoobo hal maamul oo wada hoos tagaan, hadii ey ka soo dhex galin doorashadii madaxtinimada Soomaliya keliya ahlusuna iyo galmudug unbaa ka soo qeyb gelin mida kale waqti aan hada ku qiyaasay ineey ka soo wareegtay bilo waxaan arkaayey madaxda ximan iyo xeeb iyo madax kale oo reer hiiraan ah oo hiiraan ka wada dhoofey si dalka jabuuti siminaar loogu qabtey uga qeyb galaan marka aniga waxaanba is dhahay intii isku fikir ah oona is fahmaayo in eey wada midoobaan.
Cadaado
Isma khilaafsanine qaabka hadalka loo leeyahey unbaan wax yar ku kala geddisannahey.
Safiyo
Waad mahadsantahey walaal, waxaanan rajeynayaa in dowladdu hano qaaddo oo maamulladaan yar yar iyadu u taliso oo u dejiso qaab sharci ah oo ummadda dhan anfaca.