Masuuliyiinta Gobalada Hiiraan Iyo Galgaduud Oo Ka Hadlay Sidii AY Isaga Kaashan Lahaayeen Xaga Amaanka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Masuuliyiinta gobalada Hiiraan iyo waliba Galgaduud ayaa maanta waxay kulan kuwada qaateen deegaanka Beer Gadiids ee gobalka Hiiraan iyadoona kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan AMISOM.

Kulanka ayaa sidoo kale masuuliyintii ka qayb galay waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha gobalka Hiiraan Gudoomiye ku xigeena dhinaca amaanka ee gobalka Galgaduud, saraakiil ciidan iyo waliba odoyaal dhaqameedyo labada dhinac ah.

Kulankii ay qaateen xubnaha ka socday labada maamulal ayaa waxaa looga hadlay sidii la iska kaashan lahaa amaanka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud maadaama labadii gobal ay yihiin kuwo daris ah.

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa isku raacay in si wadjir ah loo sugo amaanka labada gobol, waxaana sidoo kale kulanka lagu go’aamiyay sidii wax looga qaban lahaa kooxo hubeysan oo falal kala duwan ka geysta qeybo ka mid ah gobolladaasi.

Gobalada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa qaybo ka mid ah waxaa wali ka arimiya kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya, waxaana sidoo kale deegaanada ay ka armiyaan maamulaan ka dhaca falal ka soo hor jeeda amaanka.

Waa kulankii ugu horeeyay oo ay wada qaataan masuuliyiinta dowlada ee gobalada Hiiraan iyo waliba Galgaduud, in iyo markii masuuliyiintaasi loo magacaabay maamulada gobaladaasi.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Masuuliyiinta Gobalada Hiiraan Iyo Galgaduud Oo Ka Hadlay Sidii AY Isaga Kaashan Lahaayeen Xaga Amaanka”

  1. rashiid says:

    MAASHA ALLAH RAXANREEB AAD BAAD U MAHADSAN TIHIIN WALAALAYAAL AQBAAR WANAAGSAN AYAAD SOO SHEEGTEEN WALAALAYAL ANIGA WAXAAN KASOO JEEDAA GOBOLKA HIIRAAN WAXAANA AAMINSANAHAY REER GALGADUUD IYO REER HIIRAAN INEEY YIHIIN DAD WALAALO AH SOMALI WADA AH ISLAM WADA AH MARKA WAA WAX LAGU FARXO WALAALAYAAL DADKA IN LA ISU SOO DHAWEEYO WAA WAX AAD LOOGU BAAHAN YAHAY

Leave a Reply