Maxamed Cabdi Gaandi oo Sheegay In Masuuliyad Darro Dawlada Soomaaliya Darteed IGAD Ula Wareegtay Maamul u Sameynta Jubbooyinka, Eedeyna u Jeediyey Beelaha (Warbixin)
Nairobi (RBC) Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo horey wasiirka difaaca uga soo noqday dawladii ku-meelgaarka ahayd, isla markaana ahaa madaxweynihii maamul goboleedkii la baxay Asaaniya ayaa ku eedeeyay dawladii hore ee ku-meelgaarka ahayd inay hortaagneyd dhismaha maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, sida uu sheegay.
Isagoo wareysi siinayey telefishanka Somsat, wuxuu Prof Gaandi sheegay in madaxweynihii hore ee DKMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed laga dhaadhiciyey in qabiil gaar ah uu wato mashruuca maamul u sameynta Jubbooyinka, kaasoo Prof Gaandi uu isaga isa siiyey amaanteeda.
“Dadaal badan oo la sameeyay waa uu socon waayey, nasiib darro waxaa ugu weynaa caqabadii markaa nagaga imaaneysay madaxweyne Sheekh Shariif oo dad ay ka soo dhaadhiciyeen in beel gaar ahi ay waxani wadato.” ayuu yiri Gaandi oo intaa ku daray in Sheekh Shariif sanadkii 2011 uu aqbalay qorshaha maamul u sameynta Jubbooyinka laakiin markii dambe uu ka horyimid.
“16-kii November shir ka dhacay Kampala ayuu Sheekh Shariif si cad ugu sheegay madaxweynaha Yugandha Museveni in dawlada KMG ahayd aysan raali ka ahayn maamul u sameynta Jubbooyinka oo laga waday Nairobi.” ayuu sheegay Gaandi.
Gaandi wuxuu cadeeyay in dawladii Sheekh Shariif bilowgii shirarka ka dhacay Nairobi ay goobjoog uga ahaayeen danjiraha Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” iyo wasiir ku xigeenkii gaashaandhiga balse markii dambe ay isaga bexeen.
“Arrinta ugu weyna waxay ahayd waxaa waxanoo dhan loo ekeysiinayey inaanu anaga qabiil ahaan [Ogaadeen] aan si gaar ah isu xijineyno gobolka.” ayuu yiri Prof. Gaandi.
Khilaafka IGAD iyo dawlada federaalka
Prof Gaandi ayaa mar la weydiiyey khilaafka u dhexeeya Urur Goboleedka IGAD iyo dawlada federaalka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan qaabka maamulka u sameynta gobollada Jubbooyinka ayaa wuxuu sheegay in taasi ay ka dhalatay dalab ka yimid IGAD oo ahaa in heshiiskii 2005 dhexmaray iyaga [IGAD] iyo dawladii C/laahi Yuusuf oo ahaa “in IGAD masuul ka noqoto xasillinta iyo maamul u sameynta gobolladaasi” la raaco.
“Xaqiiqdii waxay arintaasi ka dhalatay masuuliyad gudasho la’aan dawlada Soomaaliyeed ka timid oo markii dawladu ay ka soo bixi weysay waajibaadkeeda in la yiri IGAD maamul ha u sameyso.” ayuu sheegay Prof Gaando oo dib u raacay taariikhdii uu soo maray habka maamul u raadinta gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.
Gaandi oo eedeeyay beelaha
Prof Gaandi ayaa dhibaatada iyo khilaafaadka ka jira gobollada Jubbooyinka dusha u saaray beelaha dega oo uu sheegay inaysan weligood wax ku heshiin isla markaana ay iska hor iman jireen dhexdooda. Wuxuuna tusaale u soo qaatey maamulkii uu isaga madaxweyne goboleedka ka noqday ee Asaaniya inay ka hor yimaadeen qabiilada Jubbooyinka.
“Waxaa soo baxay oo iyaguna jiray illaa afar kooxood oo kale oo hubeysan, Ahlusuna koox wadatay, kooxda Raskambooni, koox la baxday Harti Group iyo anagoo ahayn Asaaniya, markaa waxay noqotay in afartaasi dib la isugu keeno oo iyaga la mideeyo.” ayuu yiri Gaandi.
“Dhibaatada gobolladaan ka jirta weligeedba waxay ahayd mid qabiilada dhexdooda ka imaaneysay, haba ugu darnaadeen reerka DAAROODKa la yiraahdo.” ayuu sii raaciyey.
Qabiilada dega Jubbooyinka
Prof Maxamed abdi Gaandi wuxuu wariyuhu weydiiyey tirada qabiilada dega gobollada maamulka loo dhisayo iyo xog ururin uu Gaandi sheegay inay ku sameeyeen deegaanka.
“Deegaanadan guud ahaan waxaa ku nool shanta beelood ee Soomaaliya waase lagu kala badan yahay; Daarood waa degaa, Dir way degtaa, Digil iyo Mirifle waa degaa, Beesha Shanaad waa degtaa, Hawiye waa degaa.” ayuu yiri.
“Qabiilada anaga markii aan tirakoobka sameynay aan ogaanay waa illaa 38 beelood.” ayuu ku daray hadalkiisa.
Wuxuu sheegay in qorshaha maamulka hadda la dhisi doono uu yahay maamul goboleed leh baarlamaanka, xubno fulineed iyo madaxweyne, ayna ka kala iman doonaan dhammaan beelaha deegaanka.
Wuxuu tusaalayaal ka bixiyey degmooyinka qaar oo uu sheegay in hal qabiil kaliya dego ayna suurtagal ahayn in xubno badan hal degmo kaga helaan maamulka.
“Tusale ahaan degmada Beledxaawo beel baa degta xubnaheeda way yaraanayaan, degmada Garbahaarey beel baa degta xubnaheeda way yaraanayaan.” ayuu sheegay. “Laakiin degmada Bu’aale oo kale Dabarre waa degaa, Cawlyahan waa degaa, Abas-guul waa degaa.”.
Magaalada Kismaayo
“Magaalada Kismaayo oo ah meesha xarunta waxaan ku qiyaasney inay degaan 15 beelood illaa 17 beelood, waana waajib in haddii beel maamulka wax ka weyso ay ka hesho fulinta, haddey waayaana waa inay ka helaan baarlamaanka.” ayuu yiri Prof Maxamed Cabdi Gaandi.
“Waxa yaabka leh ee aan ogaanay intii aanu ku jirnay hawshan waxay ahayd beelaha mid kasta waxay ka carareysaa caddaalad darro oo haddii dad aan meesha deganayd wax laga siiyo kuwo deegaan ah ayaa wax waayaya, haddana beel kasta iyadaa rabta inay sadbursi sameyso.” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynaha maamulkii lagu magacaabi jiray Asaaniya.
RBC Radio
___________________________________________________
*Wareysigan waxaa Prof Gaandi la yeeshay Somsat TV.














War dadku gumaysi jecelaa, wuxuu ku leeyahay IGAD qorshaheedii waa laga hor yimid-xataa ceebtiisa waa qarsan la’yahay…..Soomaali waxaan oo kale baa masuuliyiin u ah iyo wax ka daran, aan ogayn waxa soo socda. IGAD hadii laga ogalaan lahaa inay Maamul samayso, maxaa ku xigi doona oo ay samayn doontaa——–su’aashaas ma isweydiiyeen.
Markii lagu koobo arrinta 3 da gobol oo kaliya sida dadka deggan wax u qeybsanayaan prof Gaandi hadalkiisu wuxuu u egyahey hadal macquul ah oo waa nin sameeyey daraasad la xiriirta sida gobollada loo dego iyo tirada dadka deggan. Waxaan qabaa in laga faa,iideysan karo qeybo badan oo cilmi baaristiisa ah isaga iyo dad kale oo la mid ah.
Laakiin mushkilada aan ka dareemayo Prof ka hadalkiisa ayaa ah inuu ku saleysanyahey sidii in 3 daas gobol loo sameeyo maamul ay ku mideysanyihiin dadkoo dhan isku waafaqsanyihiin oo aan doodi ka taagneyn sida ay isku raacayaan.
38 da qabiil oo uu professorku sheegey ma isku waafaqsanyihiin iney sameystaan maamul goboleed ka kooban saddexdaas gobol?
Sidaan ognahey qaarbaa qaba in 6 gobol oo la yiraahdo Koofur Galbeed la sameeyo. Kuwo kalaa qaba in 2 gobol lagu koobo. Kuwo kalaa qaba in gobol gobol kaliya la ahaado.
Marka haddii federalkii la qaatey saddexdaas gobol waxey la mid yihiin gobollada kale ee dalka dowladda iyo baarlamaankeeda ayaana laga sugayaa iney soo qaabeeyaan qaabkii loo sameyn lahaa maamul goboleedyada, iyo haddii uusan shaqeyn karinna la iska laalo.
Gaandi waa nin aqoon leh hadalkisuna waa mid xaqiida katurjumaya beesha daarood dhinac haisu raacdo 85% iyaga dagan markas ha isu tanaa suleen
Gaandi waa halyeey dhismaha maamul loo sameeyo jubooyinka iyo gedo (mamulka jubaland) asaga ayaa asaas uah mudane hawshaada halkaa ka sii wad GUUL JUBALAND
ASC, dhamaantiin. Ninkaan odayga ah ee Professor isku sheegayo waxba ma dhaamo kuwa professorka isku sheego sida Samatar oo aan wax talo ah heeynin, waa faashil xataa garan la’a sida eey mixnad iyo impossible u tahay in 38 qabiil oo mid walbaa uu hor ordayo nin dan shaqsi ah wato, balse iska garaacanayo kaarka qabiilka oo waxa eey u ordayaan oo dhan eey tahay in eey mansab, magac iyo xoolo ku helaan magaca qabiilka. Dadkaas oo aan aniga aaminsanahay in eey yihiin intii nolosha ka dhacday oo aan kari karin in eey si kale wax u soo saartaan, oo dhididkooda iyo dhacaankooda ku shaqeeystaan xoolo xalaal ah.
Waxuu odaygaan faashilka ah ee Gaandi dhahay “Waxa yaabka leh ee aan ogaanay intii aanu ku jirnay hawshan waxay ahayd beelaha mid kasta waxay ka carareysaa caddaalad darro oo haddii dad aan meesha deganayd wax laga siiyo kuwo deegaan ah ayaa wax waayaya, haddana beel kasta iyadaa rabta inay sadbursi sameyso.” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynaha maamulkii lagu magacaabi jiray Asaaniya”. Miyeeysan aheeyn marka in uu faraha kala baxo howl eeysan waligeed suurtagal aheeyn in eey qabsoonto. Waxaan shaki iiga jirin, in odaygaan foosha xun ee wajigiisa da’daas ka muuqato uu ku dhameeysan doono inta yar ee cimrigiisa ka hartay raadinta wax sida “holy grail” ah oo aan waligeed la heli doonin.
Waxaan kula talin lahaa duqaan iyo inta kale ee rabta in dalka Somaliya noqdo meel eey ka jiraan Labaatan maamul beeleed, oo waligood qoorta iskula jira, in eey ka waantoobaan caqli xumada. Oo waxii eey karti iyo caqli leeyihiin ku biiriyaan Dowlada Jamhuuriyada Somaliya. Hadii kale, waxaad ifka ka tageeysaan adinkoo silic, fool xumo, iyo qaxooti ah. Caruurtiinana noloshaas gaaban, foosha xun oo sida daanyeerka loo noolaanayo ayaad uga tageeysaan. Viva Somalia.
Kkkkkkkk Soomalida waxaa ugu xun uguna qaab daran nin aqoon yahan sheegta misna qabiil ku hadla oo markuu xil rabo beeshiisa intuu dabada la galo dhaho xaqeena aan u dirirooyaa isagoon ka fakiren cawaaqib xumada ka dhalan karto mida kale Gaandi waxuu dhahay Afar kooxed lee isku heesatay afartiina Nairobi ayee ku heshiinayen oo kala ah Ahlu suna oo uu aw libax wato Azaniya oo gaandi ah raaskanbooni oo axmed madoowe ah iyo harti group oo puntland ah kkkk that is funny wlhi oo afaruba waa daarode aaway shantii beelod uu lahaa way dagtaa. Mida kale soomalida wanaaga jecel waxaan ugu hambalyeenayaa in ilaa 9aal xildhiban laga burshay xildhibanimada isla markana beelaha ay matalayen laga dalbaday inee dad kaloo soomali nimada jecel kusoo badashan
WAXAY ILA TAHAY WELI MASUGNO HADALKIISU WAXAA KUJIRA DALAB OO WAA QALOOCAN YAHAY MARKA LAGAREEBO IN DAWLADII KUMEEL GAAR KA AHAYD EE C/LAAHI YUSUF AY DAYACDAY MAAMUL USAMAYNTII GOBOLADA JUBOOYINKA SIDAADARAADEED WAA IN WIXIIMAAMUL AH LOOGA DANBEEYO DAWLADA SOOMAALIYEED EE WADAN KA UTALISO EE AAN LAGA DHIGIN WADAN KII WADAN UU KIBAAKI XUKUMO AMA OGAADEEN LEEYAHAY BEELAHADEGO GOBOLADA JUBOOYINKA WAXAA OOGU YAR WAA OGAADEEN MARKII RUN LARABO WAAN OG NAHAY CIIDAMADA U DAGAALAMAYO IN LAGA KEENAY SOMALI GALBEED
waa runtii gaandi waxa uu kahadlayo hadii dagmo wax lagu qeybsado iyo dadba beelo badan ayaa qadayo ama wax aysan filaneyn helayo so waan arkeynaa siday waxnoqdaan waxaana muhiim ah in maamul lasameeyo loodhanyahay cadaaladana kusaleysan
sida laga wada warqabo dhulka jubaland waa dhul somaliyed oo lagu wada nolyahay,hase ahate lokala badan yahay,Qaynunka Hader Somaliya kasocda waxuu dhigaya Qolo kaste mesha aay ubadan tahay in iyaga masuul loga dhigo ,dadka laga tirada badanyhayna waxii Xuquuq ah oo aay leyiin wax laga siyo,oo aan laxqirin sidas ayaa lobahan yahay,waxa kale oo lahuba Dr.Maxamed Cabdi Gandhi in uu waxween kaqbtay Fakarkiisa iyo Qabashadda Magaladda Kismanyo iyo dhismaha Cidamadda Xoogoda waa maskaxdii kadanbeysay,markii u’ah Wasiirka Gashandhiga ayuu Dawladda Kenya Heshiis lagalay sidii Ciidan udhashay dhulka jubaland oo tiradoda lagu shegay2500,oo askari lotababaro oo dhulkan udhashay,hase yeshe Maxdaweynihi Somaliya oo markas kaga horyimid oo yiri 2500 waa in aad kena muqdisho alshabab hakasare keen,hase yeshe Dr.yiri waxay Jubaland ayey Qabanayan,halkasna Khilafkii kenay Dr gandhi Xilkii loga xayubiyo,mida kale Dadka Daroodka ah oo mesha ubadan waa dad Xun oo Qurun ah,maxa yelay iyadoo aay jirto dhibatadii 22sano somartay dadkoda iyo waxii folxumo logeysay oo wali lagu wado in aay heshin wayan waa wax ayan daro ah.
ASC dhamaan inta nabada iyo horumarka soomaalida ku faraxsan.
Waxaa u malaynayaa in prof; gaandi dadaal badan sameeyay siduu isbadal ugu dhici lahaa goboladaas jubooyinka oo dib u dhac iyo dayac badan ku sameeyeen beelaha daarood degaankaas dega sida uu sheegay. Prof inkastoo uu lasoo daahay waraysigaan, hadana waxaa muhiim ah in nin walba oo Soomaali ah degaankiisu soo dhiso marka hore marka xigtana magaalada muqdisho oo xooga lugu haysto hantidii qaranka iyo midii shacabka wax looga qaban lahaa iyadoo loo hurayo naf iyo maal si ay soomaaliya did lugaheeda ugu istaagto, hadii kale xeryaha qaxootiga isaga jira gabdhihiinana iyo caruurtiina yaman, sacuud arabia iyo waqooyiga africa kilyahooda iyo xubnaha jirkooda kale ha loo iibgeeyo suuqyada yurub iyo maraykanka iyo badaha lugu dhamaanyo iwm.
wbtfq
KKKK Somalida cadaalada waxaa au u taqaan wax beesheedu rabto waxaa cajiib ah in WADAAD-YARE CADAADO IYO BANAADIR BOY ay ku mashquulaan degeen kale oo aanay u arag caasiamdii dalka in baadil uu ka jiro.Tusaale ahaan waxaa muqdisho ka qaxay 300 kun/350 kun oo daarood ah dadkaasi xoog ayaa lagu qaxiyay degaankoodiina looga kiciyay Pro Gaandi wax buuba isku dayay in uu ka hadlo oo 38 qabiil ayuu sheegay suudaan ayaa ku jirta dadka uu sheegay iskaba daa somaliye walaalaha aan xusay ma qabaan in Muqdisho uu dulmi karo lana gaaray waqtigii laga hadli lahaa sidoo kale Baydhabo ay sidaa tahay,tusaale ahaan qofkii deganaa muqdisho 4/5 generations halkeebuu lee yahay hantidiisiina lagu haysto
Gaandi filimkiisa waa la fahmay wuxuu yihin magaalooyinka qaar hal beel ayaa degan qaarna waa la wada degan yahay ma xuma laakiin sidaa ma raacay?MAYA MAYA B/XAAWO oo 80/100 kun ku nooshayahay 2 MP ayaa AZANIA laga siiyay AFMADOW OO 400 KUN KU NOOSHAHAYNA 4 AYAA LA SIIYAY somalidu cadaaladeedu waa noocaa kkkkkkk
axmed nuur adeer cid gumaysi jecel maleh hana u gafin gaandhi iswaydii xamar oo casimadii ahayd waxaa waardiyeeya igad ama amisom ama ugandhees xataa fila soomaliya hadaba dadka xamar ma gumaysi jaceyl bay katahay mise wakhtiga iyo dantaa kaliftay?????????????????
Hadda ayuu leeyahay beelaha somaliya waa wada degaan goboladaas maxaad shalay u oran weyday sidaa markii Axmed madoobe ku laaday baa afka labadii taageysaa. Shirarkase aad Kenya ku qabateen ee Igad iyo beesha caalamka hoosta kala gasheen somalina kala carateen maxaa beelaha somaliyeed ee aad hadda sheegeysid looga qeybgelin waayey.
SCW WALAALAYAL DHIBAATO INTAAN SOOMARNAY HANOOGU EKAATO ILLAAHNA HALAGA BAQO WALAAHI ADUUNKA WALAGA TAGAAYAA QOFWALBANA CAMALKIISAA KAHOREEYA MIDA KALE MARKII ILLAHEY SUBXANAHU WATACAALAA LOOLAABTO XISAABTA BILAABATO OGAADA SOMALIYEY NIN NIN DIFAACIKARO MAJIRO OO MIDWALBA WAXA UU HORMARSADAA KA HOREEYA
WABILAAHI TOWFIIQ
Horta waxaa waaye Soomaali iyadaa wax isu haysata ee umadda kale waxba u mahaystaan. Premitive in aan nahay baa dunida ka dhaadhacsan waanna nahay. Sidaas baa dawladda Soomaaliya sadexdii wasaaradood ee ugu mihiim sanaa looga qaaday oo UN-tu ula wareegtay. Cafimaad-ka, Tacliinta iyo maaliyadaba agencies baa loo samayn. Tacliinta waxaa ka massuul ahaan doonta UNICEF oo waxaa la yiri civilisation-ka ha la soo gaarsiiyo dadkan oo waxa labarayo gacantooda yaan loo gelin. Soomaalaay siyaasadda isaga dhex baxa oo is ka xamaasha.
Cidii is maamuli ha is maamulaan.
Weligay NIN ka caqli xun odaygaan ma arkin muxuu yiri beledxaawo Iyo garbaharey la Reer baa dega Marka xubnohooda waa yaraanayaa waa NIN cuqdad ka buuxdo, haddii degmo wax loo qaybsanayo degmo takale ka hooseynaysa AMA sareynaysa ma jirto sidaa la soco JAALLE
Laysma caasiye Mohamed abdi Mohamed (Gandhi) waa khaabiir anthropologue ah. Magaca Asania wuxu ka yimid (Zinj) oo ka dhigan madow. Zanzibar meesha ladho waxay ahayd seylad lagu kala iibsado dadka madowga ah. Zinj waa magaca loo yaqaan nubia, Somalia, tanzania rift valley…etc dadku yasan ka dhigin prof. Gandhi nin qabiil ee waa nin raba danta guud ee jubaland. Anagu carab ma nihin aamina horta inaan madow nahay, dawladda waxaan oran lahaa halaga baxo arab ligue. Carabtu ayaga dhibaatada horseed u ah soomaaliya. Waayo al-shabab waxaa masruufa waa carab.waxaan helay document u sacuudigu ku maleegay burburinta soomaaliya, waayo waxay ogyihin in ay soomaaliya ku jirto saliid ama petrol ka badan kooda. Lacagta xajka ka soo xaroota ayaa al-shabab la siiya si soomalia u buburiyaan ee xajka yaan la aadin ee baytul- qudus ha la aado.
@Wadad yare, Banaadir boy iyo cadaado kan la baxay, Somalidu waxay tiraahdaa maroodiga takarta aaga saaran isma arko kan kale tan saaran un buu arkaa, war ciddaan maba xishoodaan, war caasimaddii Somalia aad boobteen, ood biliqaysateen ood baabi’iseen baa idinku maqan oo u baahan in laidinka xoreeyo, markaasaad ummadda somaliyeed oo aydin wax arxan aydin u galin iyo muslinimo toona baad intaad soo horjoogsataan la hadlaysaan dadkaad guryahoodii aad xoogga ku hayataan oo aad cadaawad tii ugu xumayd idiin haya, dawlad madaxweyne iyo waxaad ku qalaadaysaan meeshaan ma taalo. Teeda kale taangiga Ethiopianka markuu idin dul marayey wax somali ah oo runtii ka xun ma aragteen, haa aa, waa beentood, somali oo dhan wey ku faraxsanayd anaana ugu horeeyey ilaahay waxaana ka baryey mar labaad inuu idiinku celiyo.
Nin doqon ah ayaa waxaa laga hayaa in qof walba oo hadla in uu ka dabadhaho:-
WALLAHI WAA RUNTIIS, kii kalana sidoo kale -WALLAAHI WAA RUNTIIS………
Haddaba kee la raacaa.
Waxaay ila tahay in Soomaalida hadda joogta aay wada noocaas u badanyihiin.
War wax iskula hara oo midnimada Soomaaliyeed wada raadsha , meelna iska dhiga
qabiilka lagu kala hardamayo.
Shisheeye waxuu rabaa in Soomaalidu sidaas isku qabqabsato oo loo kala qeebsamo deegaan deegaan, si aan u wada noqono kuwo mar kasta dhaha WALLAAHI WAA RUNTIIS.
SHISHEEYE hanoo taliyo, markaas kaddibna aan dhahno,:-WALLAHI WAA RUNTOOD!!!!!!!!!!!
Sanad wanaagsan 2013.
Haduuba runta u dhowaadey oo qirey in 38 beelood meesha wada degaan. Afarta kooxood uu tilmaameyna waxay kala metelayeen afar beelood marka 34 qabiil iney meesha majority ku tahay bay cadeyneysaa oo ay ka soo horjeesteen maamulkaan.
21 sano qori caaradii meel lagu degay wax soconaya ma ahan walaa Bardhere ka soconeyey walaa Xamarweyne.
Runta way qaraar tahay balse iyadaa xalka ku jira. Let’s face it. Dadbaa dhulkaas ku dulman iyadoo warkood RR ama websiteyada ama radiyayaasha “SHARUURKA” bartey ka hadlaya ma aragteen, jawaabtu waa MAYA. Gaandi wuxuu ogaadey xaqiiqda dhabta ah, derbiga ayuuna soo taabtey, yaanan IGAD iyo dowlada lagu marmarsoon. Guri xaaraan ah IGAD iyo Dowladan midna ma xalaaleyn karto.
Gaandi iyo kooxdiisa khiyaano ayay ku kaceen, wuxuu isagoo wasiir ah una dhaartey inuu u adeegayo danaha qaranka ayuu qabiil dabada la galey. 2500 ciidanka u badnaa waxay ahaayeen GARE, waxaan ka shaqeeyey in lakala diro Yusuf Xaji iyo Gandi. Waxayna ahaayeen ciidankii Ceelwaaq ka xoreyey AL-Shabab. Ciidankii dhaqaalihiisa waa laga jartey baaburta waa laga ceshtey waxaa lagu soo reebey wax aan 200 gaareynin. Taasi hadii cadaalad daro ahayn, waxa uu Gaani la cataabo uma jeedi.
Hadii tiro iyo degaan wax lagu qeybsanayo, wax shaqeynaya ma ahan in kuwo rejimkii hore magac beel meel ku dajiyey in lala simo dadkii dhulka asal ahaan u lahaa.
Waxaan filayaa nin dangaar ah leh inuu
Yahay,waa nin somaaliyeed shaqadii la
Ga rebey inuu qabto ayuu dad ku eed
Eeynayaa !
Maxaa diidaayaa anaga oo reer qurac ah
Ileen kismaayo waa dagnaahe waana
Dhul somaliyeedi inaan intaan la soo heshino
Schine aan dhahno ciidan noo qabta noo
Keena dakada iyo aera poorkana wixii. Ka
Soo xarooda qaybtiina qaata ayagaaba dh
Aama kuukuuyada e waxna kuu shisaayee
Marka sheekada kismaayo aragaanee!
Soomajeeste
Walaal Kismaayo waxaan uga hadleynaa iney tahey magaalo soomaaliyeed. Muqdishana waa sidaas oo kale. 38 qabiilo oo la sheegey iney degaan wax u qeybintoodu waa howl qarane ma ahan howl ay ka bixi karaan qaar ka mid ah qabaa,ilkaasi. Waxaa kaloo iyaduna meesha ku jirta howl kale oo ay la wadaagaan gobolladaas kuwa kale oo dhan oo ah federaalka iyo sharciyadiisa iyo qaabka loo meel marinayo. Waa howl dowladda dhexe iyo baarlamaankeeda u taalla oo kaddibna afti dad weyne oo guud lagu ansixinayo.
Waxa hadda Kismaayo looga qeylyayo kama jiraan Muqdisho.Haddii Muqdisho dhib ka jiro waa awood qeybsiga qabaa,ilka ee ma ahan arrin federaal Igad ama hal qabiil wadato oo inta kale lagu qasbayo iyagoon rabin.
Kismaayo maxaa ka jira oon Muqdisho ka jirin oo lala qeylyayaa?
1. Faro gelin ka imaaneysa Igad oo maamul u sameynta ah
2. Federaal hal qabiil wato.
3. Dowladdii oo laga xigsanayo howl iyada ma ahane aan cid kale sameyn karin.
4. Dhaqaalaha dekedda iyo airportiga kasoo xarooda Muqdisho dowladdaa toos u wada maamusha meesha Kismaayo la doonayo in gooni loo qaato.
Intaasoo arrimood ma kuu muuqan la,yihiin ineysan xaaladda Kismaayo la mid aheyn xaaladda Muqdisho iyo gobollada kale toona ee ay tahey xaalad gooni ah?
@ jugsodhay
sxb aad aaa iiga qosol siisay , kkkkkkkkkkkkkk dadkaani xamar xaraanta ku heysa .maba hadli karaan gumeysi culus ay ku jiraan, waxa ka aamusiyay waa nabsi ey ka galeen dad masaakiin ah dadkii cad dadaay reer xamarka ahaay aaway xaqoodii waa lagu tuntay waxa ey ku sheegeen( mukulaal madow) ayaa raaftay , iyagaana is cunay markii danbe ileen wuxuu wax xun ku heshiiya wey isku dhacaan akhirkii , tahluka ayeey ku jiraan badii yamen iyo bada liibiya ey ku dhamaadenn xaraanta , umada allaha qabto
@ soomajeeste, saaxiib, walaahi in aanan baadil waligeey taageerin, taageerina doonin inta aan noolahay. Magaaalada Mogadisho habacsanaan, musuqmaasuq iyo lazy nimo shaqaalaha iyo madaxda degmooyinka waa ka jiri karaa, hadii aad taas baadil u taqaanid. Laakiin, waa war xaqiiqda ka fog hadii aad damacdo maantay in aad noogu sheekeeyso in Mogadisho dad ku dhashay amaba ku noolaa oo ka qaxay eeysan kusoo noqon, amaba kusoo noqon karin. Mogadisho waa magaalo Somali oo dhan ka dhaxeeysa inta wanaaga iyo kuwada noolaanshaha nabad rabta.
Saaxiib, hurdada ka kac, oo tigidh gooso, hadii aadan goosan karin, anaga ayaa kaa bixin, lol, oo bal Mogadisho tag. Ma’ahan Mogadisho maantay meel eey cid gooni sheegato, amaba cid gooni ah lagu xiro, lagu dhaco, amaba lagu xadgudbo. Waa caasimad, eey ku nool yihiin Somali oo dhan, waa caasimad eey ciidanka iyo taliyayaashooda eey ka buuxaan dad Somali qabiil walba ah. Meesha uu daanyeerkaan Gaandhi ciidan qabiilkiisa oo soocan oo eey Dowlada Somaliyeed tababartay ka dhigay ciidan hal beel, kana amar qaadan maamul dhexe iyo Dowlada. Marka odaygaan Gaandhi waa wareersanyahay koleey aniga ugu yeeri maayo Professor, ee kuwa caanooleeyda iyo baadiyaha jooga ha’ugu sheekeeyo Professor ayaan ahay.
Markale, waxaan idin xasuusin Somaliyeey in aad iska dhaaftaan dhismaha maamul beeleed aan shaqeeyn doonin, kabacdi markii la’ogaada in uusan shaqeeyneeyn 5 sano, 10 sano kabacdi aad hadana dhahdaan xisbi ayaan u gudbeeynaa, Taasi waa daanyeernimo, iyo xisaab xumo aad waqtiga rabtiin in aad uga dhumisaan jiilasha soo socdo. Waxeey Somaliya u baahan tahay maamul dhexe, iyo gudoomiyayaal goboleed karti u leh in gobol walba waxa eey u baahan yihiin ku hela isla meeshooda. Laakiin, waxaan la yaacaya dhamaan maamul beeleedyada waa rag raba in eey ka shaqeeystaan ee maahan kuwa raba in eey beel amaba gobol iyo maamul u shaqeeyaan.
Viva Somalia.
Ku Wiil gedo
Dhig magaca beenloowyahow, orod Garoowe soo qaado. Mise waad ka xishootay degaankaaga? Waan ku waday sidaas!
Odeygaan Qandi hadal wadkiis galay buu hayaa. Wuxuu ku leeyahay degmooyinka qabiilladu way ku kala badanyihiine qaarna tirada ha la badiyo qaarna ha la yareeyo. Wuxu caqli xumaa ma kadabshiirbaa? kkkk
Waxaa u rooneyd Inuu iska aamuso ileen waa laga fiicanyahay in uu ruuxu wax uusan waxba ka qabankarin ku calaacalee. Isagoon is ogeyn buu muujiyay calool xumadiisa iyo quuri waagiisa ku aadan Dadka iyo Deegaanada reer Jubaland. Malaha waa caalwaa oo wuxuu ka xunyahay Azaniya iyo qurunkuu watay ee afka ciida loo galiyay. Dulli!
Waxaad moodaa dad nool 5 qarni ka hor! Beel hebel iyo beel heblaayo…waa wax cajiib ah in ummad dhan ka hartey caalamkii ay ku noolayd oo maanta hal tuulo noqday, waa dad aan cibra qaadanayn waa dad aduunka waxa ka socdo iyo horumarka wadamada iyo shucuubta shanta qaaradood sida ay u nool yihiin iyo horumarka ay gaarayaan iska indho tiraya, waa dad noloshii iyo qiimahii ay la haydba ku soo koobey reerkayga iyo beel hebel iyo beel hebel, waa dad ku socda dariiqii ay dadka ugu hareen oo ay ku halaagsameen 50 sanoo ugu danbeeyey.
Wallaahi Soomaaliyeey waxaa nahay dad cajiib ah waxaase rajo xuma ah in aqoon yahan isku sheegii sida ninkaan meesha ka hadley oo wax ku soo bartey kuna soo baray Jaamacadaha aduunka ugu weyn ay isku fikir iyo isku hadal yihiin midka geel jiraha ah oo aan weligiis dhaafin tuulada u xigta baadiyaha uu ku nool yahay dadna ka yaqaan jilibka uu ka dhashay weligiisna aan wax akhrin qorina! Alloow noo naxariiso.
@soomajeeste iyo dhamaan inta aaminsan fakirka daciifkaa ee Gaandi hadii aan isku dayo inaan Jawab fool xun idin siiyo oo lkn istaahilkiinaa waxad jeceshihin in qab qablayaashan fashilmay ee dagaal cusub oogaa afkaartoda iska hor keenida hawiye iyo Daarod aad ku taagertan marka dagaalkas koley intaan isku dayi karno inaan baajino waan isku dayeenaa lkn hadii lacala uu dhaco dadku waa dadkii dhulka waa dhulkii oo waliba sida aat sheegatan adinkoo kismaayo iska leh ayaa nala idinka bursaday ama xamar adinkoo daga ayaa nala idinka xoogay guryihina iyo hantidini waaba sidaa sheegatane marka hada maxaad fileesan oo aan intii hore ka dhaqaalo iyo awood badanahay walee runtaad ka war heeninee magaca Dowladan ayaana ku xishooneenaye hadii dagaal cusub dhaco waa la is weydin doonaa Goobale oo dakada boosaso maamulaya iyo muuse suudiye oo garoowe canshur ka qaadayo
@CADAADO KKKKK Xataa anigaa,marka aan ku leeyahay muqdisho dad ayaa ka qaxay ama aan ku soo noqon aniga qoysakayaga kuma jiro ogow,waxaan ka hadlayaa in somalida kale ee majority ga ah
daarood oo dhan isaaq IWM.Cadaaow ma waxaad i leedahay nin daarood ah oo aan qaraabo ku tiirsanayn ayaa muqdisho si caadi ah ku joogi kara?
Tusaake ahaan priminsterkii hore ayaa waxaa ay isqabteen madaxweynihii hore simply waxaa logu jawaabay isaga tag.Ta kale dadkii ku noolaa muqdisho ee daaroodka ahaa ankee 4%kuma soo noqonin imisa ayaad aragtay iyagoo gurayhooda dhisanaya lagu dilay dadkii dilayna ay nool yihiin anigu ma maal meel daarood dego oo qof islaam ah walaal ah somali ah inta lagu dilo haddana kii dilay uu awoodo isagoon cabsi ku jirin in uu kaga sheekeeyo maqaayadaha muqdisho my capital ayay ka dhacaysaa sow ma fiicno marka hore dawladda in ay waqti ku bixiso law and order kii in uu kusoonoqdo muqdisho.Waxaa guryo dad lee yahay haysta madaxda dawlada simply immigration depertment ninka haysta guryo dad ayuu haystaa waa somali islaam ah masuula ah sidee yelaysaa?
Wax yaalo badan waan idinla qabaa sida in dawalada ay mamaulka goob jog ka ahaato xaqna ma ahan dawaladdii somaliya banaanka haka joogto dalkeeda kenyana ama igad na ha maamusho waa qalad,laakiin dalkeena inagaa burburinay qabiil ku burburinay haddana dhisan kara naga badan qabiilada uu ka hadlay Gaandi muqdisho imisa qabiil ayaa degan?just 120 may be mana ka hadli karaan taasi waa farqida u dhaxeeya kismaayo iyo muqdisho
Iska hadlow ina garre. Gaandi uma dhalan Jubbaland weligiisa cag ma dhigin. Waa nin Mustashriq ah oo diinta ka fog. Waa nin aanan aqoonin Somalida, diinteed, dhaqankeeda iyo sida ay ukala degto. Waxay French Jew Orientalist u istacmaaleen marin habaabinta taarikkhda Somalia. Case point, buuggii uu damcay inuu ku daro akadeemiyadda iyo dhaqanka Somalia oo rag aan ku jiro ka hortagnay kaddib markii ay noo caddaatay inuu ka hor imanayo diinta iyo Taariikhda Somalia.
Wuxuu ka yimid Galgaduud wuxuuna xambaarsan yahay war ka fog xaqiiqda. Jubbaland waxaa u badan beesha Absame iyo adeerkeeda. Minority yar oo la dega ayaa jira. Marka 38 Qabiil baa dega waa beentiisii shalay uu ku yidhi waxaa dega Jubbaland 54 beelood.
Haddii Caddaalad Somali u jeedo waa inay Caasimadda noqotaa mid ka dhaxaysa Somali oo dhan. Sidaa oo kale Hargeysa iyo Baydhaba oo beelo badan degaan.
Kaygana anigaa leh kaadana kula lihi caqli shaqaynayo ma aha.
Somali wayn beel beel bay u degaan in Somali map. Jubaland kama duwan habkaasi. Waxaana u badan beesha uu Axmed Madoobe ka tirsan yahay.
marka inta warjeefka la iska dhaafo Somali hala isu keeno ama si fiican ha u kala tagto sida imminkaba socotaba.
Jubbaland waxaan u malaynayaa haddii loo garwaaqsan cidda u badan in meel dheer laga dooni doono.
Nin kuu digay kuma dilin.
@cadaado
ximin iyo xeeb ayaad sheegataye oo hal qabiile mawa’xaad ilaawi laadahay isbaradii,tuugnimadii?
Kagudub pro: waa mahadsan yahay hadaladiisana waa hadalo misaaman.
Ama dhinta ama sun caba oo silic kudhinta ama isbaarooyinkii xasuusta
JUBBALAND-STATE OF SOMALIA DHAWAAN FISHA AMA SON!
AQOONSI KAMA RABNO XASSAN DHUXUL AQOONSI KAMA RABNO MAMULKA XAMAR LAGU ILAALIYO.
HADAL IYO DHAMAANTII HANAGU MASHQUULINE TALO SOMALINIMO QAATO UMADA KU DAYDOO MAMUL DHISTA IDIIN GARA.
SU’AAL MA SOMALIBAA?
JUBBALAND ANIGAA ISKALE
Horta Siyaasiyinta maalmahan ku hadla magaca daarod daacad kama ahee waxay doonayan in dad wax magarataa isku dagaalan labadas magac iyo buun buuniska Siyasiyin ku sheega fashilmay ee aan beelahoda ankee wax u tari karin Bal gaandi markuu maanta u gurban tumanayo ma maanta ayuu General noqday shalay asagoo janal sheegta ayuu qaxooti danta door biday hadana waxuu rabaa in dagaal dhaco oo uu shisheeye lacag uga qaato ka dibna dalka iskaaga cararo oo uu mar sadaxad dadkiisoo xeryaha kenya buuxo lacag ku dul cuno tuug wacal ah baa tahay dheh mida kale canuga wasaqa ah @G. Goodir taangi Ethopian xamar cabdullahi yusuf aa been uga soo sheekeeyay sidas bee ku tagen markay xaqiiqda soo arkeena way iska soo baxen ee hadaat nin tahay dunida meeshad ka joogto ii sheeg adress kaaga oo buuxo ii soo qor hadii aadan Under 18 ama qof xanun san aheen waxii ku daaro wa la is weydin lahaa
Kkkk alla ciyaalkan waalan sxbkay oo ila joogo isku meel ku noolnahay ayee madaxa ii galin rabaan caawa markuu arkay jawabta kulul ee aan idin siiyay waxuu dhahay sxbow ciyalkan waa ciyal puntland magac Daarod ma matalane yeesan dad kale madaxa isku kiin galin anigana awalba waan ogaa in ay MJ puntland yihin lkn intaad daarod iyo hawiye oo iinan kala matali karin oo dad dagan iyo kuwa waalanba ka buuxan minad dagaal natiijadisa rabtan Majerten iyo habargidir isku gashan oo galkacyo ka bilowdan si loo arko
ninkan sheema aha ee Gaandi la yiraahdo ha aado kilinka shanad ee yuusan isku wareerinin gobaladaas wax uma yaaliin riyadiisa waa baaba,daye
@ Soomajeeste, let’s go, aniga ayaa tigidhkaada bixinaya si bal aad usoo aragto Mogadisho, the somali capital, in aan malaayiinka qof ee ku nool aanan lagu kala soocin qabiil, midabkooda, gobolka eey ka yimaadeen iyo wax la mid ah.
@Abdisalaan, adiga waad jiran tahay oo cudurka la raba dadka in laga daweeyo ee qabiil ayaa ku haaya, sababtaas waaye sababta aad odaygaan aalkuliistaha ah ee jaahilka ah ee Gaandi aad ku taageereeyso.
@Kismaayo33, waad ku mahadsantahay hadii aad hada ka hor lug gooyada odaygaan baaba’a ah ee Gaandi aad umada ka qabatay, koleey Ilaah ayaa ajir kaa siinaya wanaaga aad sameeysay.
@banaadir boy, walaal, dadkaan qaar waa dadka la raba waxa Somali la dhaho in la baro, iyo wadaniyada. Waa dadkii hada ka hor loo qaaday heestii “si kastoo loogu baaqo barwaaqo, dadbaa meel bugtaa, dadbaa meel bugtaa” Sodon sano ka hor dadkii heestaas loo qaaday, wali waa bukaan, waanka kuwaan qaarkood meelahan ka hadlayaan caruurtoodii iyo sinjigoodii lagu yaqaanay qiyaanada qaranka Somaliyeed.
somali wali diyaar uma aha qaran iyo horumar
hadalkayga qor
somali waligeed wadan ma noqonayso inta hawiye cudur iyo cuqdo ku jirto aduunka ku noolyahay
waa all sick pastard
gaandi been law weeye cuqdad ay hayso bal wuxuu ku hadlayo eega kuye baladxawo iyo garbahaaray iyo baardhere hal reer ayaa taga oo lala simi maayo dagmooyinka kale adeer beesha dagan dagmooyinka aad sheegaysid ayaa jubaland dadka dagan ugu badan saas daraadeed ayuu qorshahiisa beenta ah u dajiyay in beeshaas ay dad ay ka tiro badan yihiin oo ay beeshiisu kamid tahay lala simo yaa ka yeelaya yaase hawshaas udirsaday
NIN kaan waa nin maskaxda looga jiro oo xataa diintiisa ayaa shaki lagaliyaa waagii dawladii Siyaad Bare waxaa igu maqaala ah in laga mamnuucay in uu wadanka soo galo kadib markii looga shakiyay in dhaqamo shisheeye uu fidinayay
@ G Goodir, adiga dabaalaa tahay marba hadaad dhaheeysid taangiga Ethopianka waan ku farahsanaa markii uu idin dul marayay. Waxaan laakiin ku xasuusin, sow taangigaas aad sheegeeysid shafka rag inta u garaaceen, dharaar cad kama saarin Xamar, ilaa iyo Hiiraan, iyo Galgaduud, iyo Bay iyo Bakool Ethopiankii ayagoo seeyntooda labada lugood dhexdooda ka laa laadinaya. Kadibna sow Ethopianka meeysan garan dadka runtii Somalida dhabta ah in eey yihiin kuwii la dagaalamay, oo diiday dulinimo iyo waxa foosha xun ee adiga iyo abkaagaba eey raali ku noqon lahaayeen hadii taasoo kale idin qabsan laheeyd. Nacas fulay ah baad tahay, ee waxaad ku noolaataa raganimadeeyda iyo raganimo rag Somali ka mid ah oo ilaa iyo waagii Sayid Mohamed Cabdulle Xassan (AUN) eey u dhimanayeen in aan Somali la duleeysan. You are such a traitor, and Ethopian lap dog bitch! Waligiinba waa la’idinku yiqiin daba dhilifnimada.
Adeer nin waliba dagmo amma tuulada uu dago ayuu madax ka noqonayaa, gaandi afmadow gudoomiye degmo ayaan kugu og nahay, garbaharey iyo baled xaawo reer ka dega kismayo madax u noqon mayaan, cowra maleh shanta gaaljecel ayaa dhulka kismaayo is ka leh, shiikhaal ayaana ugu dhow oo soo raacda, dowlada somaaliya way ka go an tahay nin tuulo kale ka yimid in uu meel uu san lahen dad kale ku maa mumulo dhici meyso
@Banaadir boy kkkkkk Banaadir boy qof marka uu koob biyo ah kusiiyo waa loo abaal gudaa waxaad ku faantay dagaalkii 1991 kii kkkk adigoo hubkii wadanka gacanta kuugu jiro,adigoo beelo hawiye iyo daarood la mid ah kula socdaan sida Raxanweyn Dir iyo Isaaq ayaad maalin kastaa magaalo gees inta aad ka soo gasho sidii tuuggii haddana lagaa saari jiray.Waa kugu raacsanahay in wiilashiinu aanu qiimo idiinkugu fadhiyin oo ay yaanyo yihiin tixraac hadalkii Indhacade ee ahaa wiilashii haddii ay dhintaan waa la dhalaa hadana.Ta kale waligaa Kimsaayo ama dhulka kale kaligaa ma qabsatay?maanta somali wey ku baratay wax aad tahay cid danbe oo aad isbahaysi been ah u sheegi doonto ma leh,ta kale oo inta aad dhaqaalaha iyo xoogga yeelanaysay inta maxay qabanayeen?kkkk GOOBAALE,MUUSE MUUDI war odayaasha maxaa ka rabtaa walaahi in aanay soo gaari karin ba balacad maanta AMISON hadday baxdo adigaa dad ugu liita xoogga amison ha ku faanin ta kale ceeb ma ahan qolo in dgaan loga bato ama loga awood roonaado waa wax jirijiray waligeed laakiin ma filayo balaayadii aad wadatay 1991 kii in maanta aad heli doonto kuna yeeli doonaan kaligaana meel ma gaari kartid.
Nacas weeye gaandi gane Dheere
Hadal badan looma baahna waa in la gu dhawaaqaa State Jubaland , Qaar badan oo soomaaaliya kamida ayaa ku wa reersan macnaha dowladnimada Ku waa sina maahan in lagu wareero waa ogaanay xaalkooda waa horay haloo socdo gadaal yaan la fiirin iyagaa dadka soo raaacaya ,Waxaan ku soo aragnay Dowladii Gaas iyo Wasiirkiisii tastuurka Xoosh &Fuluntii tastuurka.kabixitaankii kumeel gaarka,Waxaan kaloo ku soo Aragnay in Xamar & Villa soomalia lagali waa yay iyadana C/laahi AUN waa ogeyn inuu furay Qadadkii yaalay xamarna qaaday Dadkaas baa maantana Qaylinaya oo aan la ogeyn waxay la qaylinayaan,Jubaland Waa Soomaalia Soomaali baana leh maya kenya .Ethopia.uganda iwm, Waa soo argnay wadan halmagaalo ah dhibkeediina ilaa hadaan ka soo waaqsan la nahay Waa in la helaa Satate yo ku tartama Horumar nolol ,nabad ,waxbarasho,shaqo, Dadkuna waxay aadayaan meeshii u fiican who care tripe , Viva Puntland & Jupaland
Kismanyo mj aa leh!!!!!!! 5,300 guri ayaa mj kuleeyihiin bal tiriya inta qof oo guriyahaas kudhalatay
@soomajeeste sxb odayaashina qabyaalada idinku beeray markaad weydiisen hawiye sidee nooga xoog badshay miyee ku dhahen kaligod maahen waa la isa soo baheestay adeer hadii la isa soo baheestay waxaaba fiicned inaad is weydisan maxaa nala iskugu keen soo baheestay jawabta waa cadahay cidna wax uma ogaladin hadaat tihiin majerten markaad tabar weysana daarod aad ku qaraabatan mida kale in aad xaasid tihin oo daarod nimo daacad idinka aheen maxaad kismaayo ugu ordeesan inuu ka bilaamo dagaal hawiye iyo daarod dabcan dhulka aan iska soo galno waa la yaqaan waa gobolada dhaxe oo aan xudud ku leenahee majerten vs hawiye Gaalkacyo haka bilaamato hadaat xiiso qabtaan waayo kismaayo oo aadan joogin ayaad kusoo ganbanesa cade rer kismaayo waa walalahen waana dad fiyow ee faroole iyo dabka uu la ordayo GAalkacyo ka bilow dheh jini miirkisa wuu qabaa hal jufo oo sacad la dhaho oo waliba hal jilib hoose ah ayaa idin hor taagan hw about habargidir waxay noqonesa kenya iyo america oo is dagaalay waligaa hawiye oo dhan haku riyoon waayo waxay la macno noqonesa marekan iyo ingiriska oo kenya iskugu soo bahoobay
@Banaadir boy, Add baan u aqaan Hawiye fakhfakhdooda iyo dhuusadooda iyo fulaynimadooda haddaad rag tahay emailkayga waa abaarey14@hotmail.com isoo sii emailkaaga goortaasaan kayga addresskayga kusiin haddaad run sheegayso isu kaaya keen, faan iyo cayna looma baahna, teeda kale fardo isu jooga laisuma faaniyo Hawiye, Isaaq Raxanweyn iyo waxay soo wadan karaan baad 1990gii Gaalkacayo qabsateen si gaadmo ah wixii idinka raacayna waa la ogaa haddaad soo noqotaana tii un baad ka qaadaysaan, Maxamed Faarax Caydiid baa har cad isaga cararay Magaaladiisii Goobaanle, Muuse Suudi maxay sheegayaan umalayn mayo inay Balcad soo dhaafayaan. Waxaan kaloo kuu sheegayaa faanka waa la idinku yaqaan iyo beenta ee Hawiye 20sano ayuu dhammanayey, intii u damaysay alshaab baa u dhammaysay maxaaba ka haray oo aad iigu bootaysaa. Walaalayaal Hawiye wuxuu uga qaransan yahay Kismaayo baan idiin sheegin haddii Kismaayo gacanta Daarood kusoo noqoto way ogyihiin in Hawiye dadka masaakiinta Muqdisho inaan isbaaro dame loo dhigan doonin nabadna tuugta haysata ku seexan doonin, Anagu haddaan nahay Majeerteen run baad idiin sheegayaa sanada ugaadeen waxaan rabno dhexdeena aan isu qabno laakiin waan u tanaasulnay waanuna ku taagersanahay waana in gacanta Daarood kusoo noqota waana khasab wayna kusoo noqotay ninkii ooyi lahaa iyo kii qaracmi lahaa sida Hawiyaha ama kii badda isku tuuri lahaa.
asc hdamaan, prof ku waa nin macquul ah oo taab tay boogtii balse sheegin sida loo kala badan yahay,
marka laga hadlayo degaan waa in la tilmaamaa degaanka qolada u badan oo ah qabiilka daarood ku abtirsada, prof waa uu ka leexday xaqiiqdii balse waa nin wax badan og . wabilaahi towfiq
@cadaado crzy.
Adeer su’aal gaaban wxn ku waydinayaa reerka aad kadhalatay ee gala bakaaraha iyo qabiilka OGADENKA
keeba lagu xantaa khamrada iyo qudhun oodhan?
Wnka xumahay inaan lasheekaysto ilma isbaaro sorry!!!
Dhallin yaro iyo odayaal waan idin salaamey.
Qoraalka yaan laga dhigin sidii paltalk oo kale ee halloo hadlo si deggan oo ku saleysan dood cilmi ah.
Hadda dagaalkii waa laga soo gudbey oo waqti nabad iyo dowladnimaa loo gudbey. Maxaa sharci ah maxaa macquul ah? ayaa la doonayaa in laga hadlo.
Soomaalidu waa 5 beelood. Hal beel oo dhexdeeda is khilaafsan mooyee inta kale isku mowqif ayey ka taagan yihiin arrinta Kismaayo. Taasoo ah in dowladda looga danbeeyo maamul u sameynta magaaladaas iyo degaannadaas oo dhan. Maadaama wax la wada leeyahey ay ka jiraan dowladda iyo baarlamaankeeda.
Halkaas beel oo is khilaafsan dhexdeeda ma jiro sharci siinaya vito right oo ay afarta kale ugu qasbi karto waxey dooneyso.
Dekedda Muqdisho iyo airportiga Muqdisho dhaqaalaha kasoo xarooda waa miisaaniyadda dowladda 75%. Qabiilna ma qaatee waxaa maamula dowladda naga dhaxeysa. Sidaasoo kale ayaa looga fadhiyaa dekedaha iyo airportiyada kale ee dalka iney dowladdu u maamusho.
Qoladii is waasha oo isku deyda iney aqlabiyadda ka badan ku amar ku taagleyso simply uma soconeyso.
waan soo dhawayn dhamaantii rayigiina qiimaha leh iyo kaan qiimaha lahayn waxaan kaloo leeyahay gaan di waxuu tilmaamay xaqiiqda iyo dhabta waxuuna sheegay waxa kajira kismaayo waana hayay somaaliyeed qaasatan halyay daarood waxaana kuleeyahay noolw mida ciyaalkaan sida cadaado banaadir yio wadaadyare adeer somaali waa istaqaan waxaana sooxasuustay sheeko dhexmartay labo nin nin qaawan ayaa uyimid nin qaawan markaa ayuu yiri i astur in uu ilaah ku astura markaa ayaa kii kale yiri anaa qaawan ee maxaa ku asrturaa horta dowlada aad leedahay taageera ayadaa qaawan ee muqdisho hasoo asturto mida muqdisho kuso laabashadeeda cid looga aaba yeelanaayo majirto ciddii doonin waa kusoolaaban laakiin cid usoo laabanay saan bajirin waayo hargaysa iyo kismaayo iyo bosaaso iyo garoowe aya gaaba u aqoon una joojinayn ee muqdisho aya daaba ubaa han kuwaas aan soo sheegay mida maamulada waxaad ku fashilmateen hadaa tihiin reer muqdisho in aad wax soo disataan amama aad ismaamushaan sababtoo ah waxaa madax idiin ah dadka aan ujeedo sida xaad iyo xasan marka maamulada shaqeeyay sanado iyo inka badan ayaa wadanka kajira sida s\land iyo puntland tan banaadir boy adeer hadaa wax qaadi kartid horaa wax uqaadi lahayd waa gii ban diiralay soona xauusa casharkii laguu dhigay abe soo barbaar kkkkkkkkkkkkkkkkk
wadaad yare kismaayo cida leh waad ogtahay oo xudunteeda ku duugan tahay iyo cida kasoo tilaabtay xuduudaha ayagoo kuqa raabanaaya isbahaysi iyo mxakamado iyo qab qable intaa oo magac markaa lasoo baxdeen oo qaraabashadoodii ay idiin socon wayday ayaa hada gabaad kadhigateen inaad doonaysaan qaran qabiilna aad tir tiraysaan tusaale ayaan kusiin midii cabdulaahi waa diideen waxaa dhahdeen waa amxaaro mida xasan waa taageer teen oo waxaa dhehdeen waa daacad hadaba shalay waxaa joogtay etoobiyaankii iyo igad maantana waa joogaan maxay ku kala duwan yihiin shalay waxaa lahayd wadanka gumaysi buu kujiraa oo amxaaro ayaa dadkii xasuuqday anagoo u eegin somaali nimo maanta oo ay xasuuqin waad taageerin oo waxaa leedihiin waa walaalaheen oo balad waynay alshabaab kasaartay shalay maahayn midii lada gaalamaysay alshaaab miyaa kkkkkkk waxaan kusoo xasuutay xuseen caydiid baa waa guu ahaa wasiirka dibada ee d\ cabdilaahi yuusuf{ anx} baasaboorka elec lasoo raaray ayaa dad waxay sameeyeen dacaayad raqiisa oo ay leeyihiin itoobiya iyo somaaliyaa la isku daray markaa ayaa bbcda waxay waydiisay xuseen caydiid su aal ah waa maxay {e} ma somaaliyaa lagudaray itoobiya ? xuseen ayaa kujawaabay maya waa dal daris ah oo oo wada shaqayn wanaagsan naga dhaxayseo { E }dana waa elec ee maaha etoobiya isbuuc kadib ayaa waxaa laga qaaday xilkii x\c\ wadiirka dibada markaa ayuu ku biiray casmara markaa ayuu yiri wadan kii gumaysi buu kujiraa itoobiyaana qabsatay kkkkkkk waxaa loo shiday hadalkii ahaa waa walaalaheen waxaana naga dhaxaysa wada shaqayn kkkk marka hada adiga iyo banaadir iyo cadaado waxaa soo gashateen shaar qaranimo hadana idinkii ayaa is fashalinaaya 1 _ waxaa meeha kusoo qorteena dhamaantiin waxaa ku weeraraysaan reer puntland oo fahma haba shaar qaada shadiina tusaale waxaa soo qaadateen shaar maxkamedeed waxaa idin ogaaday puntland waxaa soo qaadateen qabqable sidoo kale waa la idinku fashiliyay waxaa soo qaadateen carta sidoo kale waala idin kufashiliyay hadan waa damjiid hadaan usoo laabto fikirkiina idinkaa is qilaafsan waxa aad soo qoraysaan tusaale cadaado waxa uu diidan yahay federalka iyo samaysa shada maamul hadana cadaado ayuu kasamnaystay maamul xumin iyo xeeb lagu maga caabay hadana muusan soo bur burin horta hadaa wax ka hor tagaysid waa in aad kabilowdaa gurigaaga cadaadana soo bur buri maamulkaaga kadib hor istaag kismaayo maamulkeeda waxaaba kaaga sii daran banaadir oo lahaa walaalayaal qabaa ilka hala suuriyo hala taageero dowlada iyo ciyaalka cuqdada iyo qabaailka ee reer puntland ee asagu isku tilmaamaayay xalay dhalay bal ila fiiriya waxa uu halkaan kusoo qoray oo uu leeyahay gaalkacyo ayaan idinka qabsan iyo m\ habargir bay noo tahay aaan idin xasuusiyo adeer kiin shariif wadanku gumaysi buu kujiraa hadana walaalaheen itoobiya kkkkkkkkkkkkk waxas oo kala hadal iyo siyaasad xumo ah ayaa ladinka hayaa hadana hal maamul waa soo dhisan waydeen oo aad isku raac santihii marka habatii gurigeeda dhistaa ayaa guri kale u talisa ordoo siyaasada iyo tacliinta soo barta markaa u imaada raga lanaxaajooda sorryyy waan ka xunahay in aan idiin jawabno kkkkkkkkk
Gaandi ma ninka yiri dad deegaankood ilaahay u badiyay in uu yiraahdo dadka kale wax hasiiyaan caqligaas waa caqligii cagdheerta. Gaandi hadaanu mareexaan nahay waxaan ku leenahay yaahuu! Orod oo Jigjiga iyo Gaarisa maamul u samee, Gedo iyo Kismaayo anaa iska leh
GAANDI SIDUU FARANSIISKA ULA JOOGAY DIIN LA’AAN AYUU LA YIMID XISBI LA YIRAAHDO
NASIIB LAAWE MUXUU DAMEER XUN YAHAY WAR DHULKA SOOMAALI WAA WADA DEEQAA…LAAKIIN DADKA ASAL U DEGAY WAA LAAKIIN IYO WAA KOOYTO…WAA HADDII AAD RUN RABTAAN..SOOMAALIYEEY.