Maxamed Siciid Dabeyl: Ururkayaga UGUB Liiska Ururadda Puntland waxaa ka saartay Dawladda.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Guddoomiyaha Kumeelgaarga ah ee Ururka UGUB Maxamed Siciid Dabeyl

Boosaaso[RBC Radio] Waxaa durba soo baxaysa dhaleeceyn ka imaaneysa Ururka UGUB oo kamid ahaa Ururadda looga dhawaaqay Puntland kaas oo doonayey inuu Isbadel u keeno Shacabka sida ay sheegeen Madaxda UGUB.

Guddoomiyaha Kumeelgaarga ah ee Ururka UGUB Maxamed Siciid Dabeyl oo maanta la hadlay Saxaafadda gudaha ayaa sheegay in Ururkooda UGUB looga saaray Hannaanka Dimuqraadiyadda arrimo Qabiil,taasina ay tahay wax laga Xumaado.

Waxa uu sheegay in Mu’aamarada lagu sameeyey Ururkooda UGUB ay ka danbeysay Xukuumadda Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Faroole,waxa uu intaas ku daray in habka Qabaliga ee la rabey in laga gudbo aysan macquul noqon karin inta Mu’aamadahan ay jiraan.

…”"”Mu’aamaradaasi waxay ku dhisantahay oo ay tahay arinta aanu dooneynay inaanu ka saarno oo ahaa arrimaha Qabaliga,waxaa loo badelay si aan looga bixin ayaa waxaa la Mu’aamaradeeyey Ururka,waxaana Mu’aamaradeysay Xukuumada…”“ayuu yiri Maxamed Siciid Dabeyl.

Maxamed Siciid Dabeyl ayaa ka dhawaajiyey in jiritaanka Ururkooda UGUB uu baaqi kusii ahaan doono Puntland weligiisna uusan dhacayn ayna ka shaqeynayaan daha Ummada reer Puntland.

Mar la weydiiyey in arrintan looga soo saaray Ururada Puntland iney kala hadleen Guddiga Kumeelgaarga ah ee Doorashooyinka Puntland ayuu sheegay in ay la socodsiiyeen balse faah- faahin aysan bixin.

Guddiga Kumeelgaarga ah ee Doorashooyinka Puntland oo Shir Saxaafadeed ku qabtay shalay magaaladda Garoowe ayaa shaaca ka qaaday in Wajigii 1-aad ee Isdiiwaan-gelinta uu soo Gabagaboobay isla markaana ay soo baxeen 6-Urur Siyaasadeed,kuwaas oo kala ah.

01. Ururka HORSEED
02. Ururka MIDNIMO.
03. Ururka WADAJIR.
04. Ururka Dadka Puntland[UDAD]
05. Ururka Dimuqraadiyada Puntland [PDP].
06. Ururka Hormarin iyo Cadaalad
[HORCAD].

Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Barre ayaa sheegay in Ururadan ay soo buuxiyeen Shuruudihii looga baahnaa kuwaas oo si rasmi ah uga mid noqonaya kuwa u tartamaya Golayaasha deegaanada.

______________________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

10 Responses for “Maxamed Siciid Dabeyl: Ururkayaga UGUB Liiska Ururadda Puntland waxaa ka saartay Dawladda.”

  1. abdinuur said says:

    soomali iyo xukun jacayl kee hari doona ?

  2. laasqoray boy says:

    waxaan shaki inaba ku jirin in xukuumadda madaxweyne faroole ee qabyaaladu madaxa ka jiidhay aay xsibiga ugub ka reebtay xisbiyada kale waxaana soo baxay xisbiyada bari iyo nugaal laga leeyahay waa nasiib darro waxaa la leeyahay qabiilkii baa laga gudbay laakiin wax qabiil laga gudbay ma jirto qabiil uun baa loo gudbayaa mida kale madaxweynahana waxaa noqandoona hal sano ka dib xataa hadaanu faroole soo bixin nin aay isku xaafad yihiin ama nin gaalkacyo u dhshay ama qardho waa sidaay ahaan jirtay markaa qabiil baa laga gudbay waa been iyo huuhaa waxaa loo gudbay laguna jirayaa qabiil inta madaxtinimada puntland aay hal qoys meel ugu xidhantahay

  3. xuquuqda iyo badbaada shacabka somaliyeed says:

    hadii xisbiga UGUB uu buuxin waayey sharuudihii laga rabay xisbiyada muxuu sheegayaa! Waxaan ku oran lahaa ku biirkuwa buuxiyey sharuudah maxamed saciidow waa bilaahi tawfiiq

  4. qoslaye says:

    Dabay jamacadee ka soo baxay adeer plnd reer. Ayaaleh aduguna baalashlahiidii ayey kuu arkan marka badhan tadii isaga noqo kuwani iyagaanba wax isku. Ugolayne ma maalan tahay

  5. Analysist says:

    Ujeeddada ka danbaysa in la reebo UGUB waa faroole oo raba in codadka gobalada hayland iyo sanaag in u helo raba aamisana haddii UGUB soobaxo codadka baa UGUB heliyaa. That is the main issue. I don’t think that this association didn’t meet the required criteria.

  6. Hamda says:

    Mid soo baxa iyo Midaan soo bxinba xagay ka shaqayn doonaan
    ma xasbahalle iyo qarxis buu gayn doonaa ninka afka daanyeer leh

  7. run nin arkaya istaaga kuma daaleee waxaan dhihin meesha puntland ladhoho ma mamul baa mise xero qabqable u xeeran hadii tasi jirto aduunka maanta isku danaysi waa ladhafay cidna cid ma maamusho nin walbana deegaan iyo dhul buu leeyahay hadii aan wax isku darsano iyo gacmo wadajir bay wax kugooyaan wax laga lisi wayey dee ninwalbow dantaa gaarka ah u dadaal gurigaagana dayro taas wax kuudhaama majiraaan mudane dabayl … warsangali sharaftii cidna daah kama saarna waa dad maamuus mudan nolosha qiimaheedra iyo nabada qadariya ,, taasina wax laysku liido maahane waa caqli wanaag iyo xaqiiqda banii aadan nimo asalkeeda, aduunkuna uu ku badhaadhay . maanta hadii warsangali laga saaro puntland cidna ciil kuma qabto ee ha ogaato puntland maslaxadeedu in ay tahay wadajirka umada reer puntland iyo walaaltinimadeeda , miskiin jaahila , caqli yare ah , cimrigii maamul arag oo maanta kuqamaamay cidna kala geynmaayo puntland dadkeedu waa walaalo inku diin ah isku dad ah isku dal ah noloshuna marka lasoo dhaweeyo ee cilmi lagu hago yay hagaata WALAALKIIN MOHAMED AHMED ALI NUGAAL

  8. Khaatumaawi says:

    Kkkkkk rer maakhir waar ka tashada maamulka pintland horaan idinkugu nidhi, nin aan quusan naftiisa quusisa,qudhaanjooy ku quuso.

  9. laasqoray boy says:

    qabiilqalaaye waan kugu raacsanahay warsangeli ilaahay aqoon iyo xooloba waa siiyey maaha caydh cidla taagan oo firdhiye baryaaysa anigu waxaan ahaa dadka u ololaayya in warsangeli uu maamul u gaara samaaysta inta uu sanaag ka dego iyo galbeedka gobolka bari maamulkaaas oo u gaara kana madaxbanaan buqland iyo qashinland oo dhan oo si toosa u hoostaga siyaasad ahaan xafiiska raysalwasaare saacid dastuurka somaliya baa ina siinaya xaqaas haddi maamulkii aaynu la dhisnay walaalehen aay ina ixtiraami waayeen oo maamulkii aay iyagu isa siiyeen waa inaaynu maamul inoo gaara samaysanaa maaha sida khaatumo iyo awdal satate oo kale oo aan ku tilmaami karo dream state waa inuu keni ahaada maamul ka shaqayya nabada,dhismaha wadooyinka,waxbarashada iyo caafimaadka mana ahaan doono maamul goboleed ee waa maamul degmooyin kana duwan maamul goboleedada

  10. Gamaadeed says:

    @KAAHTUMO SEEG adeer bulaacad iska daacday ayaad tahay RR makhir halkee u wadaa adigu? yaadse u waddaa yaadse ka waddaa???
    ilma caqli_ waalli adeer rr maakhir sidaada oo kale ma dawarsadaan hadbana meel iskama dhiibaan.
    ordoo dhulkaagii xumaa maalinba jaan DULLAAL illaan qaddiyad iyo sharaftoona ma lihide.
    ogoowna reer maakhir MADI maahan sidiinna oo kale.

Leave a Reply