Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Askar Loo Soo Qabtay Dil Iyo Waliba Kufsi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ee ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay ilaa iyo labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya.

Askarta la dilaya ayaa waxaa maxkamadu ay sheegtay in loo soo qabtay danbiyo la xariira kufsi iyo waliba dil, isla markaana baaritaan lagu sameeyay ka dib uu ku cadaaday.

Labadaan Askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya iyo waliba ciidamada Xooga dalka ayaa waxaa lagu toogtay barxada iskool Bulusiyo ee magaalada Muqdisho.

Halka uu ka dhacay xukunkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan cdowlada iyo waliba masuuliyiinta maxkamada ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya.

Xukunkaan ayaa noqonaya kii ugu horaysay oo maxkamadu ay ku filiyo askar loo soo qabtay falal la xariira in ay kufsi u geesteen Haweeb Soomaaliyeed.

Madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya ayaa horay waxay amar ugu bixiyeen askarigii kufsi kula kacaa haweenay Soomaaliyeed in xukunkiisu uu noqdo dil, isla markaana dowlada aysan wax naxariis ah u samayn doonin.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

10 Responses for “Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Askar Loo Soo Qabtay Dil Iyo Waliba Kufsi”

  1. maxamuud says:

    Waa tilaabo horumar ah, haduu garan lahaa berigii caydiid 1991 in uu tilaabadan qaado, dadka iyo hantidoodaba waa badbaadi lahaayeen, qurunkii ciidamada u ahaa, imisa gabdhood oo qurux badan baa ilaa iyo hadda laweysanyahay, rag badanna laweysanyahay isgadaa kuwii kufsiga iyo dhaawaca ay gaarsiiyeen, aad baan uga xumahay meel uu meles zanaawi ka gartey waaguu ka tuurey mingeste in shacabka naftooda iyo maalkooda la dhooro ciidankiisana edeb u yeeley, aat baan uga xumahay caydiid oo muslimino sheeganayey inuu taa garanwaayey, waxaan rajeynayaa tilaabadan saxda ah iney hore usii qaadeen reer muqdisho,,,tan kuxigtana ka dhigaan dadka bal wixii hanti u hartey iney soo ceshaan, ilama ahan in mardanbe la aamini doonaan, federaalka inoo wada inta laga soo kabanayo,,,,,……

  2. Oday Somali says:

    Maantay Dawlad Lamoodaa v rajadiina Sidii Dhaantaa
    Marhadii Ciidamadii Barakacayaasha Kufsanjirey Latoogtey
    Maanta Waa Cadaalad

  3. laasqoray boy says:

    waa wax lagu farxo in dil lagu fuliyo kuwa caadaaystay dilka,boobka iyo kufsiga gabdhaha

  4. Libaax-libaax DHalay says:

    Raxanreeb, walaal nimanka magacaooda maxaa loo qariyay, kuwa wax xukumaya iyo adinkaba far baa idinku mudan, waxaan la layniyo waa dad masaakiin ah oo Xamar u tagay inay guryihii laga dhacay soo gadgataan oo reer Puntland ah ama Benaadiri ama reer Bay & Bakool ah oo dariiqyada laga soo qabqabsaday laguna bedelay danbiilayaashii runta ahaa, waan ognahay danbiilayaasha runta ah ee Al-shabaab ama Mooryaanta tuutaha gashtay ee uu Xasan-qoslaaye u yaqaan “Xoogga Dalka” in lacagaa laga qaataa laguna bedelo dadkaas aan soo sheegnay ee musaafarka ah.

    Xasan-Qoslaaye iinuu tuugada wax ka ogyahay wuxuu ku leeyahay nimanka Isbaarada dhigta waa inaan wax siinaa oo shaqooyin u abuurnaa marka Isbaarada laga kiciyo si aysan ugu soo noqon, ma xuma inay eexda quranka ah ee kugu jirto intaas aad ku garatay laakiin kuwo aan Isbaarada dhiganay ee xishoonaya ee Ilaahay yaqaan oo wax maal geliya oo wax bara aan haysan, tuugada aad leedahay waa in shaqo loo abuuraana ay maalin kasta dhacayeen, ma meeshooda ha joogaan baa, oo markay dhibaatoodaan tuugada aad maal gelisay isbaaradii ay ka tageen iyaga ha soo fariistaan baa? isbaaraduse sidaas ma ku dhamaanaysaana?!

    Ilko-Xanaf, Ammiin Caamir oo aan aqaan baa ku arkay oo ku gartay, anigu adigu waan ku aqaan inaad nooca uu sheegay aad tahayna waxaan ku garanayaa sidaad isugu xirnaydeen tuugii kale ee Max’ed Xasan Cawaale, la taliyihii Caaydiid iyo Caato, iyo waliba markaad tiri tuugadii (Burcad badeedii) Puntland lagu wareejiyay annaga ha laynagu soo wareejiyo, Gar-yaqaan baad sheeganaysaayee xeerkee baa qoraya inaad Puntland sidaas ula hadasho, mise Puntland baadan u aqoonsanayn inay Soomaaliya ka mid tahay? mise waxaad maqashay wiilal aad adeer u tahay iyo dad aad qaraabo tihiin baa ku jira? mise lacag doon baad ahayd oo waxaad doonaysay inaad gadgadato? mise waxaad is lahayd waxa qashinka ee idin masruufa ee Beesha Caalamka loogu yeero inaad masaariif kale oo siyaada ah kaga raadsataan? iimaan laawe, mindhaa KHayr yaridaa.

    Ilko Xanaf, kolayba lacag baad qaadanaysaayee, Macaane, Iikar iyo Jeestoole iyo dadka idinku soo sirmay ee dowladda idin mooday, ee guryahooda inay gataan u yimid ka qaado lacagta oo iyaga sii daa intaad labo danbi geli lahayd oo laaluush aad tuugada ka qaadan lahayd dhiiga dadkaas masaakiinta ahna aad geli lahayd labo danbi, kolayba tuugo dayn maysidee.

  5. Ali soomali says:

    sow lagama yaabo inay askartan ahaayeen “looma ooyaanka’ oo qabiil iyo odaydhaqameed dabataagan uusan jirin sidaas darteed ay ku muteysteen dil, in badan loogama baran maxkamadaha soomalia oo dhan meel kasta ha ahaato, inay sharciga mariyaan dadka ku sifoobay dembiyada, xabsiyada dowladana waxay ahaayeen Albaabo wareega (revoving door) qofkii maanta la xukumo berri uu suuqa joogo.

  6. qoslaaye says:

    waa talaabo aad u fiican oo dhiirigalin leh meeshaas ka si wada ilaa askar asluub leh laga helayo hanbalyo mr liiban

  7. C/LAAHI-DHEERE says:

    Anigu ma hubo dadkaas la toogtay in ahaayeen sida ay warbaahintu qorayso. Haddii ahaayeen ku dilay Dad Muslimiin ah sabab la’aan oo laxaqiijiyey, aad baan ugu faraxsanahay xukunka lagu fuliyey waayo QUR’AANKEENNA KARIIMKA ah ayaa saas ina amraya.

    Laakiin waxaan ku eedaynaya Dawladda Soomaaliya in dil lagu xukumo dad wax kufsaday iyaga oo aan ahay MUXSINIIN- OO HORAY USOO GUURSAN maxaa yeelay taasi waxay ka soo horjeeddaa DIINTEENNA SHARAFTA BADAN EE ISLAAMKA sidaas awgeed waxaan ku waaninayaa Dawladda in aysan Jebin Sharciga ISLAAMKA isla markaana aysan ku xad gudbin Dadka MUSLIMIINTA AH.

  8. wadaad yare says:

    Dadka qaar mucaaranimadii ayaa ku noqotey nooc waalli oo kalaa. Wax kastana way dhalliilayaan. Haddaadan aqoon wax fiican ood sheegto iska aammus cidina kuguma qasbeyso hadale.

    Ali Somali wuxuu yiri” Soo lagama yaabo iney yihiin looma ooyaan”! Orod adiguba u ooy haddaad saas uga naxeyso?

    Cabdullaahi Dheerena wuxuu leeyahey “shareecadey meel ka dhac ku tahey”!

    Shareecada ma taqaannaa horta aad ku dooddide? Haddaad taqaanno sidaas uma deg degi laheyne waad yare sabri laheyd.

  9. Ali Soomali says:

    Wadaad yare
    waxaad ka dhawaajisey macaaradnimo, su’aashu waxaa weeye yaa la mucaaradayaa? haddii qofka sidaad adigu ub aragta ma ahee si kale u uu arko ma mucaaradnimaa? anigu waxaan dhaliilayaa nidaamka garsoorka ciidanka iyo habdhaqanka ciidankaba adigu sidaad doonto u qaado adey ku jirtaa.
    laakiin su’aal baan ku weydiiyey maxaa ciidnkanka qaabka sida ay marwalba ansha xumo iyo dhac ay ugu geystaan dhulalka D&M sida Afgooye, Marka, wanleweyn, leego maxay falkaas oo kale ay uga dhici waayeen Balcad, jowhar,mahadaay,aden yabaale, ceelmacaan, iyo warshiikh?jawaab kasoo bixi.

  10. nin yaabe says:

    lixaab libaax dhalay maahid aamus guri xaguu kuu yaal tuug qabiil ku duugan baa tahay

Leave a Reply