Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Oo Maanta Xukun Ku Riday Askar Dhac Iyo Kufsi U Geystay Shacabka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Maxkamada ciidanka qalabka Sida ee xukuumada Soomaaliya  ayaa maanta xukun milateri ku riday shaqsiyaad lagu soo eedeeyey iney galeen danbiyo waxaana ku dhawaaqay xukunka ay riday maxkamada ciidanka qalabka sida Gudoomiyaha maxkamadaas Liibaan Cali  Yarow wuxuuna sheegay in kadib markii baaritaan dheer ay samaysay maxkamada ciidanka qalabka sida maxkamadane la horkeenay cadeymo ku aadan falalka ay shaqsiyaadkani geysteen.

Liibaan ayaa shaaca ka qaaday in dadka kala ah Dable Bool Muxudiin Cumar,Dable C/qaadir Max’uud Xasan, Dable Daa’uud Xasan Xuseen, Dable C/casiis Muxudiin Hiraabe, iyo Maano Maxamed Xuseen lagu helay danbiyadii lagu soo oogay oo ahaa dhac ay gaysteen ayaa waxa ay maxkamadu ku riday min 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamada ayaa sidoo kale Xukun Ku riday  C/risaaq Max’ed Xirsi iyo Saleebaan Xaaji Abuukar Axmadeey oo lagu soo oogay iney galeen fal danbiyeed ahaa isku day iney kufsi u geystaan Shamso  Xasan Ibraahim gudoomiyaha ayaa sheegay in labadan ruux kadib markii ay maxkamadu aragtay cadeymihii la horkeenay ay ku xukuntay min 15  Sano oo xarig ah,

Xukunada ay riday maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa  la filayaa iney hoos u dhigto dhibaatada ay geystaan ciidamada dowlada Soomaaliya oo qaar kamid ah ay bulshadii loo igmaday iney difaacaan  kula dhaqaaqaan falal iskugu jiray dhac iyo kufsi waxaana muuqata in go’aanka ay maanta riday maxkamada ciidanku ay  fariin culus u direyso ciidamada ku caanbaxay waxyeeleynta shacabka Soomaaliyeed.

 

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

4 Responses for “Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Oo Maanta Xukun Ku Riday Askar Dhac Iyo Kufsi U Geystay Shacabka”

  1. saciid says:

    maxkamad mesha ma jogto raggii kufsiga gaystay waxaa sheekadii loo badalay isku day kufsi kkkkkkkkkkkk dambigii baa loo qafiifiyey…. xataa shansano oo xarig ah nin dhamaysanaya ma jiro hadaa la sii daynayaa, maalin walba waxaa lugu hayaa xukun maxkamadu riday waxayna noqotay caadi in la faraxumeeyo gabdhaha yar yar—————– ilaa dhagta dhiiga loo daro ninkii gabar faraxumeeya howshaan ma istaagayso… waa aniga fikarkayga

  2. prof piccolo says:

    kkkkkkkkkkkkkkk barti xabsiga ayaa laga siidayey ayaa maqleysan mooryanta tuugada ah ee indhacde oo xoolaha xaaranta ah ku bahaloobey

  3. bashka says:

    waa iska sheeko xariir siyaasta somaliya waa sida ciyaalka oo kale …meesha ciidan dawlada majooge waa ciidamadii worldlordka oo shaar dawlad loo galiyay … waxna maqoraan mana aqriyaan diin haba sheegin war keed. marka ilaah ayaa u maqan somalia

  4. Caaqil Bari says:

    walaal waxbaa ka khaldan
    Dr A/raxman waa madaxweyne xaq ah oo soomaaliyeed

Leave a Reply