Meelaha cudurada lagu qaybiyo. W/Q Faarax Siciid Barre (Dr Xiji)
Meelaha cudurada lagu qaybiyo
Faarax Siciid Barre(dr. xiji)
fgureey_06@hotmail.com
Jan 16 2013
Markaan ka hadlayno wax qaybin waxa maanka kusoo dhacaysa wax aad u baahantahay in la qaybiyo ama mashruuc la qaybsanayo.
Hadaba waxa dhici karta wax aadan u baahnayn in aad ka qayb qaadato ama aad adigu qaybiso.
Meelaha cudurada lagu qaybiyo maaha meel loo tartamo oo loo aado in cudur laga soo qaado laakiin waxa laga yaabaa inaad u doonaato inaa cudur isaga reebto ama howl kale u aado.
Cusbitaaalada markaan ka hadlayno waa goobta loo aado in la isaga reebo cudur laakin haday noqoto meel laga soo qaado cudur ka waran dhibta xagee loo doonanayaa dawadii ?!!
Markaan eegno cusbitaalada wadanka iyo nadaafada oo ku cabirno heerka caafimaad ee qofka u bahanyahay waxan arkaynaa in farqi weyn u dhexeeyo waxa arkaysa qof bukaan ah oo dhiniciisa waxa yaal qashin ama biyo wasakh ah taas oo ah xarunta ay ku Tarmaan cayayaanka gudbiya cudurada ay ugu horeeyso kaneecada iyo duqsiga oo soomalida ka dhigato wehel guriga iska jooga laakin ah isha 1aad ee cudurada taas waxa dheer bukaanka oo la siiyo daawo ka badan awoodiisa taas oo keenta inuu ku sumoobo waayo dawada wadanka la soo geliyo oo an ahayn mid kantaroolan.
Meelaha cudurada lagu qaybiyo waxa ka mid ah maqaaxiyaha.
Cunada aan cunayno waa inay tahay mid an ka helno difaac gaajo iyo cudurada laakiin kawarama haday noqoto hoyga cudurada?!!
Runtii markaan eegno heerka nadaafadeed ee maqaaxida waa mid aad ka naxayso waayo waxa waajib ah in qofka cunada karinaya uu yahay mid nadiif ah biyaha weelka lagu dhaqona ay yihiin kuwa nadiif ah laguna daro saabun mar walba laga dhaqo isticmaalkii hore laakiin waxan u jeednaa saxan subaxdii biyo lagu shubo oo lagu dhaqo weelka marka cabitaan laguu kenayo aad u malaynayso in welka laguugu kenay uu dhaqanyahay kana banaanyahay cudur laakiin waxa laga soo saaray keydkii cudurada waa saxankii biyaha lagu keydinayay ee lagu dhaqayay iyadoo qofka kuu keenaya uu yahay nadaafad ahaan mid aad u liita taasoo ay raga qaar u dheertahay sigaar uu afka ku sito.
Waxan dhahnaa maxaa cusbitaalada ama cudurada dadka ku badiyayay waa dad ka qayb qaata qaybinta iyana qaarkooda qaata
Talo soo jeedin
Hadaba sidaan la soconno nadaafa waa ka hortaga cudurka sida ay diinteenna inoo shegtay
• Waa in aan ilaalinaa nadaafada goobaha caamka sida cusbitaalada maqaaxiyaha iyo goobaha ganacsiga
• Si uu cusbitaalka u noqodo goob caafimaad waa In aan ka ilaalinaa qashin qofka jiran mesha uu jiifona ay ahaataa meel laga dhowray qoyan ama qashin
• Waa in silingaha la isticmaalo iyo qalabka mar isticmaalka ah lagu rido meel loogu talagalay
• Maqaaxida weelkeeda wa in la dhaqaa si looga hortago faafida cudurada ku gudba cunnada(food borne disease)
• Biyaha aan wax ku dhaqayno waa inay yihiin kuwo nadiif ah si aan u hubinno caafimaadka macaamiisha kuna dhaqno saabuun
• Caafimadka waxa masuul ka ah qof walba waayo ma aha wax saaran dhaqtarka sida soomalida u taqaan laakiin waa masuuliyada dhamaan
• Waa in maqaaxiyaha laga ilaaliyaa qashinka loona sameeyaa goobo gar ah oo lagu ururiyo si aanay wax u gaarsiin cunada
• Si aan u hubino cafimaadka hooyooyineen iyo ilmaheena ku dadaal mar walba inaa wax nadiif ah dadka ka iibiso ama siiso
• Burseelka iyo tiifowga(Brucellosis & typhoid fever)waa cuduro aad ugu badan wadanka soomliya lagana qado nadaafad xumada iyo cunada aan nadiifka ahayn sida hilibka an la bislayn iyo weelka wasakhda ah oo wax lagu cuno hadaba ilaali welka iyo cunnada aad karinayso
Wadajir aan ula dagaalanno cudurada
(better health best live)
Maqaalkan waa hordhac aan ugu talo galnay qoraalo socda oo aan kaga hadli doono dhibaatada nadaafad xumada ka timaada.
Waxaa qoray :Faarax Siciid Barre(dr. xiji)
Email: fgureey_06@hotmail.com
Khartoum-sudan
================================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH GABAY, MAANSO MAQAAL, SHEEKOOYIN GAA-GAABAN AMA WAXKALEBA U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM















dr.xiji walaal waad kumahadsantahay qormadan, waxaan filayaa in aynu kudadaali doono dhanka nadaafadda si ay u yaraadan cudurada,
aad ayaad umaadsantahay dr xijji waaa maqaal isoojiitay dadkeenuna waa inaan qaadano talooyinka drnasiiyay si aan caafimaadkeena uxoojino maqaalada noocaan oo kale ah waa ubaahanahay waayo siyaasddii ayaa nawareerisay arimaheena oo dhan siyaasadf ayaanb jusookoobnay marka kaalimaha kale oo uu caafimaadku uguhoreeyo waa noo muhiiin shukran dr faarax saciid bare fiqi
Goobo muhiim ayu ilabey oo nadaafad u baahan taqtarka wuxu jecel yahey maqaayadaha iyo cusbitaal oo shaqadiis thanks anyway.