Mulkiilaha Hotelkii Ex-Degel Xaaji Yuusuf Cambe Cambe oo Dacwad Ku Saabsan Dhul Iyo Guryo uu Lahaa Ka Furay Muqdisho
Muqdisho (RBC) Ganacsade Xaaji Yusuf Jaamac Degel (Cambe Cambe) ayaa markii ugu horeysay mudo ka badan labaatan sano soo gaarey magaalada Muqdisho isagoo maxkamadaha ka bilaabay dacwadku aadan gurigii iyo dhulkii uu lahaa ee ku yaalay hotelkii Ex-Degel oo ku yaalla Isgoska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Ganacsade Xaaji Yusuf Jaamac Degel ayaa ilo ku dhow waxay Raxanreeb u sheegeen inuu bilaabay dacwad ka dhan ah dadka heysta guri iyo dhul uu isagu leeyahay oo hadda uu ku yaalo hotelka Bakiin kaasoo dad gaar ah ay heystaan.
Weli ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha garsoorka inkastoo arrinta dacwada Xaaji Yusuf Jaamac Degel ay hadda hortaallo maxkamadda sare iyo maxkamadda gobolka Banaadir.
Ganacsade Xaaji Yusuf Jaamac Degel ayaa ku dacwoonaya in mudo 20 sano ah ay dhulkiisa iyo gurigiisa hotelka ahaan jiray ay ku shaqeysanayeen dad gaar ah, isla markaana uu hadda ka rabo inay siiyaan kharash u dhigma kirada mudada laga heystay guriga isla markaana hadda dib loogu soo celiyo hantidiisa.
Sidoo kale Raxanreeb ayaa ogaatay in mulkiilaha hadda ee hotelka Bakiin oo lagu magacaabo Daahir Bakiin uu isaguna ku doodayo inuu iib kula heshiiyey ganacsade Xaaji Yuusuf Degel, lacag hormaris ahna uu siiyey, balse heshiiska uu ka baxay ka dib markii uu ogaaday in qiimaha dhulka iyo guryaha Muqdisho uu sare u kacay.
Dhanka kale waxaa dacwadan sii adkeynaya dhul bannaan oo horey u ahaan jirey goob baabuurta la dhigto oo ku yaalla afaafka hore ee hotelka Ex-Degel oo hadda uu milkiyey Daahir Bakiin ka dib markii uu dhulkaasi bixiyey taliyihii hore ee booliska Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid (oo hadda ah madaxweynaha maamulka Galmudug).
Xaaji Yusuf Jaamac Degel (Cambe Cambe) ayaa qaba in bixinta dhulkaasi dawladeed ee ahaa goob baabuurta la dhigto ay tahay mid aan sharci ku fadhin, halka qolada hadda heysata hotelka Ex-Degel ay ku doodayaan in waddo sharci ah loo maray bixinta dhulkaasi oo hadda guryo ka dhisan yihiin.
Xaaji Yusuf Jaamac Degel ayaa dhowaan magaalada Garowe shir jaraa’id oo uu ku qabtay ayaa wuxuu uu baaq u direy maamulka gobolka, wasaarada arimaha gudaha, iyo hogaanka sare ee dowlada uu ka dalbaday in hantidiisa uu sheegay in si xoog ah loga haysto dib loogu soo celiyo.
Ma cadda sida ay ku dhammaan doonto dacwadan oo u muuqata mid aad u kulul, waxaana ay qeyb ka noqoneysaa dacwado boqollaal gaaraya oo beryahan ka socda maxkamadda sare ee dalka kuwaasoo dad isugu jira qurbojoog iyo dad horey Muqdisho uga qaxay ay ku doodayaan dhul iyo guryo dhisan oo dad kale ay degeen.
Warar Raxanreeb ka heshay ilo wareed maxkamadda sare ku dhow ayaa sheegaya in badi dawacadihii dhulka iyo guryaha ee ka socda Muqdisho lagu guuleystay ka dib markii qaar ka mid ah dacwadihii qabay iyo kuwii guryaha xooga ku heystay ay isfahmeen oo mulkiilayaasha qaar ay iska cafiyeen mudada guryahooda xooga lagu deganaa.
RBC Radio
















ascwrb ,,waa in guryaha islaameed laga baxaa oo dadka xaqooda loo celiyaa nin nin kale dhaxalkiisa ama xoogisa wuxu ku dhistay cid kale kama heysan karto somaliya dadkeeda waa qabiil marka cidna cidna kama xoog weyno wala ogaday dagaladii sokeeye e mudada 20 sano socday waxaay na dhaxalsiyeen marka umada guryaha islameed ku jirto haku sexdaan hana kusoo tosaan in guryaha ay degan yihiin e xooga ku qabsadeen in dadkii lahaa usoo socdo iyagoo cid walba leh dowlada fedaraalka e dalka waxaan kula talinayaa in dadka guryahooda iyo berahoodii loo celiyo wxii hanti ma gurto ah
Somalia waa guulaysatay mar hadii maxkamada laysla tagayo intii qori ak47 la isku madhin lahaa…waa arin wanaagsan in caqligu iyo maxkamadu shaqayso oo qori iyo caqli xomada laga baxo…mogdishu waa guulaysatay Masha Allah.
s/c..
walaahi case-kaan waxa ay u baahan tahay in si taxadar leh loo daba galo.
waayo waxa jira nin degen maraykanka oo ku soo fool leh xamar oo la yiraahdo INA SHANDILE oo sheeganaayo in uu aabahii uga dhintay dhulka hada uu sheeganaayo camba cambe iyo daahir bakiin iyo qeybta shineemada iyo dhulka banaan oo hada laga dhisay deeyr cusub.
INA SHANDILE waxa uu uga digay in la iibiyo dhulkaas isagoo sheegtay in uu heeysto waraaqo cadeeynaya.
very very complicate case.
WS/Wr/Wb…
+warku waa inuu cadaado oo beenta iyo riyada laga baxo waa laays yaqaan eh nin walba gurigiisa haloo celiyo nin gurigiisa ka hadhaya ma jiro xataa kii geeriyooday waxaa guriga doonanaya walaalkii, wiilkiisa ama xaaskiisa marka dadka xaaraanta ku naaxay ha ogaadeen in laayskaga imanayo mindhaa xaaraanta dadkani kama dhergaan 22 sano baay tuubo xaaraana nuugayaan waa yaabe goormaay ka waantoobayaan xaaraanta iyo boobka dhul,beero iyo guryo aanay lahaaayn
ASC,
Waa guul in maantay dadka Somaliyeed eey maxkamad iyo sharci dacwo ku kala baxayaan, waana horumar in dadka Somaliyeed ee sida runta ah wax uga maqan yihiin eey banaanka inta usoo baxaan, xaqooda raadsadaan. Tani waxeey kala saarreysaa kuwa beenta ka sheegayay xoolo eeysan laheeyn in eey ka maqan yihiin, iyo kuwa sida dhabta ah wax uga maqan yihiin. Waxaan rabaa in aan hoosta ka xariiqo in eey tahay wax aan la aqbali karin in guri qof islaameed si xoog ah la’isaga jiro, amaba dhul iyo hanti dowladeed deegaan laga dhigto. Waxaa la joogaa waqtigii wax sixida oo la saxaa waxii qalad ah ee dhacayay intii lagu jiray suuxdinta dagaalka ahliga ahaa. Thanks
kkkkkkkkkkkkkkk waxaan waydiin habar dugaag yaa ugar niqi doona hadana yaa cadaalad wax usiin taas oo aan ula jeedo canbe canbe iyo bakiin waa dad wax kala gadan kara hadana isku qabsan kara amaba xoog ku kala qabsan kara taas waa la iswaydii yaa waana dhacdaa laakiin waxaa iswaydiin mudan yaa waaye dowlada xaqa ukala qaybinaysa m\ ku sheegaan safarka iyo xaq dara ugu adeega umadaa ma r\ wasaarahaan hurdada iyo max buuskaa ah baa ma g\ barlamaanka dooqsan baa oo waxii loo sheego fulinaaya ma askarta wariyaasha xir xiraaya qaar na lay naaya gabdhihiina kuf sanaaya hadana duugaaya kiis koodaa yaa weeye cida gar naqaysaa yaase weeye waxa fulinaayaa xaq na malagu kal xukumiyaa ? intaa oo su ,aaladood ayaa horyaal dacwadaan hadaan usoo laabto ra jadeeda waxaan leeyahay canbe canbe hantidaada adaaleh laakiin cid kuu xukumaysaa majirtee ha isku ceebayn ee lasug markay timaado d\ daacad ah midaan shaarka u adeegta wax kuu xukumi maysee taasna ku qaado tusaale c\qaydiid oo taliyaa ayaa dhul bixiyay hadii dowlad wax bixinayso mid na wax kala xukumayso yaa laa,aminin bixinta dulka sheeka duna waa qowda maqashii waxna ha uqan kkkkkkkk
Anigoo ka faa,iideysanaya fursaddaan waxaan u sheegayaa Raxanreeb iyo inta aqrisata comments ka boggaan sharafta leh in aan dhammaanteen yeelanno dareen caddaaladeed oo sax ah. Waa inaannan caddaaladda qabyaaladeyn oo nin kasta oo xaq leh ka mabda, ahaan aan aamminno inuu xaqiisa helo. Taasi waa tan mabda,a guud oo nalaka rabo inaan qaadanno.
Midda kale waa waddada loo marayo in caddaaladda la xaqiijiyo oo ah maxkamadaha iyo systemka caddaaladda. Haddaan arrintaas qabyaaladeyno wax aan fashil aheyn kama heleyno.
Ninka Daahir Bakiin ah shakhsiyan ayaan u aqaannaa, waxaanan ku ogaa nin akhyaar ah oo akhlaaq leh. Laakiin igama suurto gasho inaan anigoon dacwadaas qaalli ka aheyn, marqaatina ka aheyn aan iraahdo isagaa xaq leh. Dulmiguna halkaas ayuu ka billaabanayaa markaan aqoon iyo qaraabannimo ugu hiilliyo.
Arrinta waxaa lagu gelayaa qaab dhaqan oo dadku si qaab qabiil ah ay isku hor fariistaan. Haddey ku heshiin waayaanna markaas maxkamad loo gudbiyo oo ay kala xakunto.
Waa dhammaatey waqtigii qof hantidiisa ka maqan oo aan imaan karin.
sida aay aniga ilatahay ama muqta dadka Hantidoda la haysto waa layaqan dadka haystana waa layaqan,marka waxaa lo bahan yahay in Ummadda Dulman Hantidoda Loceliyo isla markasna Xukumadu arintas si dhab ah oo masuliyaded ugu Hawl gasho,si Cadalad ah.
Dhibku ma yara, si walboo wax loo dhiibana cid baa xaqeeda in lagu dhacay sheegi doonta. Meel walba waxaad moodaa in tobaneeyo mar la gaday, ama heshiis inta la galay la isaga baxay.
Ina shadile. Shekada kumaba jiro oo isagoo xamar kasoo jeeda guri Lagama hay steen bakiin oo kaso jeeda USC. Waxuu Dhulka u ogol Yahay canbe canbe Inkastoo bakiin ku do dayo Inuu qayb ka iibsady canbe canbe, halka canbe canbe arintaas uu iska diiday dhulalkaan iyo guryahaan xamar lagu haysto Waa arin u Bahan in loo saaro gudihiisa culimo ah oo xaqa kala Saara. Laysma lahayn c/laahi Yusuf oo isagoo madaxwayne ah xamarna joogay. In dhul uu ku lahaa xamar xoog lagu haystay Inkastoo hada dhulkaas lagu warejiyay ehelkii. A.u.n. cabdila hi Yusuf.
sharciga oo lagu kalabaxo waa guul u so’hoyatay dhamaan dadka somaliyeed
waa cajiib in wali la isku dhajiyo guryihii dad waynaha magaaladda muqdisho 80% guryaheeda waa lahaystaa
NIMANKA boobay hantida dadka Soomaaliyeed waxaa u fiican inay u soo celiyaan dadka hantiooda. Ninka fadhiya Xamar ee sheegta inuu yahay madaxweyne, weli afkiisa lagama hayo isagoo leh xoolaha ha loo celiyo dadkii iska lahaa. Sidee Soomaali ku heshiineysaa hadaba?
Xamar nuskeed waxaa leh Alle ha u naxariistee Xaaji Uunlaay u dhashay Puntland, waxay rabaan inay qaataan maal ayesan lahey. Waxay hada bilaabeen inay dhahaan ha la iska iloobo wixii dhacay. Taasi dhici meyso
RAXAN REEB CADAALAD MA AHA OO XAGLIS QABYAALAD AYAA KU JIRA…DADBAA WAXAA MOODAA IN AY IYAGA LEEYIHIIN GURYAHA XAMAR KU YAAL OO DHAN…WAR WIXII DOWLADA LAGA DHACAY AYAA INTA BADAN KU DHISATEEN MARKA HA SOO CADEEYO NINKII GURI XALAAL AH UU XOOGIISA KU DHISAY LAGA HAYSTO…LAAKIIN GURYIHII HANTIDA DOWLADA AYAA KU SOO QAMAAMEYSAAN IDINKA OO QAX IYO QAXOOTI INOOGU YIMID..MID AAN WELIGII ARKIN XAMAR AYAA KU LEH GURI BAA IGA MAQAN BEEN BADANE ALLA KU QABAY MUXUU QABYAALAD IYO QURUN KA BUUXAA…
Lama huraan waa cowska jiilaal Muqdisho muran badan baa ka jira.Shimbirkii duulo irsaaqadiisa waa dhulka.Baraf la tag ama buuro la dul deg Xamar waa lama huraan.
guryaha iyo beeraha waa in dadkii lahaa looceliyaa si wadanku u dago oo soomaali u heshiiso laakiin iyadoo hanti maguurtaa xoog loo haysto ma suuroobayso heshiis iyo wlaaltinimo
Ninkaan cabe cabe reero shido ayuu u egyahay bal markuu garoowe ka cabaadayay maxuu xamar u tagi waayay waa kaas hada xamar dacwadiisi ka furtayaa ani waxaanba qabaa aflagaadadii xamar uu u geestay halagula xisaabtamo bal garoowe maxay u qaban kartaa waa qabyaaladiste inkirad wado xaqa iyo dulmiga iskuma eka allaha iga cafiyo haduu yahay nin culumaa lkn koley warkisi hore ee garoowe waxan ka dhan dhansanayay qabyaalad inuu u hadlayay
hotelada dukamada.bakharada.geerashyada.hantida dawladagadiidka.dawlada.beeraha.warshadaha
muqdishao.xooga laguhaysto.markii dadkii lahaa looceliyo.baadawlad.somaliya ugu horaysa.
intakahoraysa.dibadahamadaxduhawereegaan.dhaqaala raadis ayagoo aha.dawladiui kacaankii.dhaqalaha
wadanka laga soo saari jiray.si dalka loo hormariyo.waxaa lawaayayhogaamiye wadankiisa aamina mida
kale.beelaha muqdishohadaan danu ugu jirain dalada shaqsi beelkala ahwa.wado way ka horyimadaan ayagaaisticmalayamagacyo horlehwaan ogayn.maxaakiimtiisiday ukeceen.sabab.inakastoo.jabuuti
lagumaslacxay.madaxweynana lagadhigay.inkastoo.uu daacad ahaa.madaxweyne shariiflaakiinkan.
waa.qabyaladiiste.waxaad kagaran.asiirada.layareeyaysida.waiirka.caafimaadka.iyowaiira kaleba
asagu matalayo.si dhaqaalaha turki ama.caalamku bixinayoasaga.kaligii.u ogaado beelahamagaca kulahaa.somaliya.sida nabadgalyada.aqoonta waxbatashada.horumarka.lagaqadiyay.golaha wasiirada.sida.reer galdogob.laascaano.boorama.cerigaabo.garowe.ceelbuur.marka.isticmaalyana.sida
dawlad jabuuti.madaxweynaha.awooda leeyahayciduu doono badala.xuquuda jubalana.diidanwali matagin.puntland.galgadudb/wayn/jawhar.maamul malahahalka.jubaland.uu barasharaka saaray
waxaase usheegayaareerjubbaland.waa inxildhibanada.loogudara.65xildhibaan,waayo.beeshadarood waxaa lasiiyay.60kaliya.reerwaqooyi.iyo.beelahahawiyekalaqaaten.kiiba60/60/120.isuguna foodaan.m
marwalabawaana tii lagudoortaykan madaxweynaha ahada.kibir dartii.iyo islawayni.xataa bahdilay.aqoonyahanad.daroodmagacabidii.raysal wasaaraha2bilood,suga.si ay ucajisaan.oo
ukalatagantaaa.uu yidhi waan helay raysalwasuirihii(waan helay)madaroodbaa raysal wasare lagawayay
mise.indhsarcaad.bu kuyimaid.120/xildhibaan.darood waxan odhanlahatoosa waad hurudaan
madaxweynahamaamulobeledkajubbalantageeraa.axmed madoobe
Abuhamuudi,Ra’yigaaga xaq baad u leedahay.laakiin waxa aad qortay waa been aan geedna loogo soo gaban.shaki kuma jiro in aad tahay jiri ,dayday,mooraayan,weliba ka mid ahaa,falaagooyinkii qabiilka wax ku layn jiray.
Xaajigu haduu qaaday tilaabadii loo baahnaa kol haduu tagay magaalada muqdisho dacwadna ka furay waana qad inuu helaa hantidiisa dhuleed ee sida xooga ah mudada dheer lagu heystay wana aaminsanahay inuu helayo laakiin xaajigu yuusan iska soo gedin sababtoo ah muqdisho waa magaaladiisii cid ka xigtana malaha ee yuusan uga soo guurin kuwii mak´rkii horaba gurigiisa xooga uga qabsaday.
war ilaah halaga baqo oo qof walbaa ha ogaado in handida xaaraan lagu kasbo cadaab ka danbeeyo tan xalaasha lagu kasbana xisaabi ka danbayso.min eeyna kasabta wa eyna anfaqta.
hanti dadaw qofkii haystaa ha u celiyo ciddii lahayd hana ka cafi dalbo intii uu ku noolaa.
Waxaan idinku waaniyey inaad joojisaan danaanada qabiilka oo keyskaan iyo keysaska kale oo la midkaa loo daayo iney caddaaladdu qaadato marinkeeda.
Haddaad qof wax sheeganaya maqasho qasab ma ahan inuu isagu gar leeyahey oo inuu guriga hore iskaga iibiyey haddeerna soo labo kacleeyey ayaa dhici karta. Midey taheyba maxkamad iyo dacwo iyo is hor fariisi aan noo oollin dadkeenna meeshaan ku dooda ayaa arrintaas xallin kara.
Laakiin waad siyaasadeyneysaan oo arrintii ujeeddo aan caddaalad aheyn ee propagando iyo colaad hurin ah ayaad u isticmaaleysaan qaarkiin kiis aadnan waxba badan kala socon!
Dadka Muqdisho deggan ood har iyo habeen mooryaanta ku sheegeysaan waa dad dhibku bisleeyey oo waayeel noqdey. Waa dad balaayo wejigey leedaheyba soo tijaabiyey oo nabad u bisil. Xag xagasho iyo buuq aan dhammaad laheynna wax loogama qaadayo ee ninkii xaq leh system u qaadaya oon laga hor istaagneyn baa jiree aayara danaanada. Danaano haddey wax tareyso waan soo tijaabinnaye!
Asc Somalida waa iney fahmaan waxa dowlad loo diidey hanti shacab leeyahey oo ay wali ku tukanyaan haddba xaajiga waxaan leeyahey kuwa dhaca iyo boobka iyo kufsiga ku haya shacbka marka dowlad kama jirto mar haddii hanti shacba uu nin xoog ku heysto oo uu wali uu yahey madaxa NSS sida khaliif Erag oo xoog ku heysta hanti uu leeyahey ibraahim uunlaye xaaji diiriye xirsi,haddab haddba dadka xaaranta ku naaxey ee uu dhiiga indhahooda ka buuxo waa iney baneeyaan guryaha ay dhaceen
Tan kale keys shakhsi ah oo mediyaha laga sheegey oodan ka war qabin in dad badan ay hawada kala qabsadaan ee la saftaan hal dhinac inuu ku reer yahey darteed waa fadeexo muujineysa sida dadkaasi aysan ixtiraam ugu heyn caddaaladda iyo hufnaanta ee kaliya wax ku qiimeynayaan kee kugu qabiil ah!
Dhaqanka noocaas ah waa dhaqanka na dhigey meesha aan hadda naallo waana in aad looga taxaddaro in dabinkiisa lagu dhaco.
Dadka doodaya in hanti laga heysto waa macquul lkn ayagana ha keenaan hantidii loo raray adis ababa iyo garawe markii amxaradu baxeysay 2008 iyo tii ay burburiyeen iyo dadkii aylaayeen rer garawe iyo adis ababa
INSHA-ALLAH WALALHEEN ALLE XAQA WUU TUSI SOON SOON SOON,BABABTO AH WALAHI DIIN WEY YAQANIIN LAKIIN SHEYDAAN BAA KAQALIB NOQDEY, ILAHEY XAQA HATUSO IYO CADAALADA DAAD BADAN OO WANAAGSAN BEY LEYIIN, INSHA-ALLAH ODEYGAAN IYO DHAMAAN DULMANAYASAH ALLAH HA UGARGARO.
Wadaad yare waxan ku leeyahay walaal is deji oo yeysan ku xabeebin dadka qaar garashadoodda ayaa intaa ah. Laakiin mid baan leeyahay dadka halkan maalin walba ku soo qora guryo ayaa lagu haystaa Mogdisho oo mooryaan ayaa haysata, maanta ka dib ha soo qorina comentskaa oo kale hadaad xusuus leedihiin, waayo waxan maanta maqalnaa in arintu maxkamad taagan tahay oo cadaaladda lagu kala baxayo, isla markaana cadaalad lagu kala bixi karo ka jirto Muqdisho. Waxaa kale oo aan in badan ka ogahay dadki guryaha ku lahaa Xamar intooda badan in ay iska iibiyeen hantidooda ka dib marki ay ka quusteen in soomaaliyi dib isugu soo noqoto. Dadka Muqdisho degana waa dad dhibane u noqday in la helo dowlad somaliyed waayo weligood kuma fakarin in ay maamul gaar u ah samaystaan, kumana qancin wax somalinimo ka sokeeya. Halka dadka qaar ay samaysteen maamul qabiil ku salaysan oo ay danahoodda ku difaacdaan, iyagoo ilaabay in ay ka shaqeeyaan in qaranki iyo somaliyi isku soo noqoto. Muqdisho waa caasimaddii umadda somaliyed ciddi hantideeda lagala wareegay si sharci daro ah, sharciga ayaa u soo celinaya, cidda hantidaa sharci daradda ku haysatana ma ahan qof matala dadka magaaladda degan. Waxan ku arkay Hargeysa hanti dad somaliyed oo xoog lagu haystay, dacwad ka dibna dib loogu soo celiyay hantidii qofkii lahaa, tana waxba kama duwana, waayo haddi systemkii dadka isku hayay uu meesha ka baxo, waxa imaanaya waa cadaalad daro, cadaalad daridaana waxa looga bixi karaa oo keliya in Nidaamkii dowliga ahaa dib loo soo celiyo, waana taa tan aan maanta hayno ee amaanta mudan.
ayaanle@ waxaa somaalidu dhahdaa waxaaga aan qaato waxay gana aan ku darsado waa waali oo aan ulajeedo waxaad leedahay qaran hala raad sho hadan waxaad leedahay yaan web setkaan wax lagu soo qorin hadaba see qaran kuraadin hadaadan dawayn waxii kusoo laab laabanaaya dhaga haaga mar walba oo aad dhib satid maqal kooda sida aad hada udhibdatay dadka gusoo qoraaya raiyooda halkaan hadaba waa in aad dawaysaa boog taa dhaawacan hadiise boog dhaawacan aad milix ku shubtid qofkaa aamusi maayee waa kasii darin hadaa ifahan maysid na halkaa iga fahan mida maamulada aad sheegtay in ay samaysteen dad hadana ku difaac daan dana hooda taas waad ku qal dan tahay waayo puntland waa dhisatay maamul hadana waxay u istaag tay say somaali uga sari lahayd dhibka oo ay usoocelin lahayd qarankii waana soo celisay oo waatan shaqayn dhabihiiba halaga leex shee tan gal mudug ayadana waa dadaleen oo maamul bay dhisteen hadana somaali bay wax ka dhiseen tan somaali land wax bay dhisteen hadana somaali kama mid nihi ayay dheheen laakiin talo iyo aqoonba way ku taa geereen aqoonta iyo wax qabadka somaaliland waxa daliil u ah waa w\ fawsiyo kkkkkkkk laakiin adinka reer muqdishaa maxaa keen teen ? maamul masoo dhisteen waa maya qaran masoo celiseen waa maya dadkii xoolo hoodii ma u celiseen waa maya caasumadii dhex dhex aad maka dhigteen waa maya isbaaradii ma kataa su sheen waa maya alshabaab ma iska dayseen waa maya waa maxay rayigiina iyo mustaqbalka aad ku faanaysaan? adeer dadka ha eedaynina idinkoon waxba la imaan intaadan filana kafiirso kkkkk
@Ciid yare
Waa runtaa Somaliland wax bay dhisatay,talo iyo aqoonna way ku taageereen Dowlada Somalia lakiin ma aanu odhan Somaali ma nihin, Somali ayaanu nahay sinji ahaan ee waxaanu nidhi dalakyagii ayaanu la soo noqonay aanu idinku darsanay oo idinba is dooni maysaan oo toban maamul goboleed baad samaysateen ee maxaad naga rabtaan anaga oo lixdankii shalay ahaa idiin nimid?
barwaaqo
abaayo qabiilka doonaya goosashadu wuxuu koonfur ku leeyahay walaalo la qabiil ah markaa hayska dhigin in 1960 aad koonfur baratay ingiriiskii oo sababtuu waqooyi u yimi ay ahayd inuu hililb u helo ciidamadiisii khaliijka cadan joogay ma aha in xuduuduu sameeyay aan weli ku fakarno soomaaliya iyadoo hal dawlad ah bay UN.AU.aqoonsatay taasna wax badali karaa majiraan hadaad weligiin wax qortaan waxaadse bedeli kartaan siyaasadiina si aad soomaali wax ula qaybsataan masa ogtahay in degaanada khaatumo ayan wax saxeex ah la gelin ingriiska oo ayanba aqoonsanayn xuduuduu sameeyey gumaysigii maatana jinni iyo insiba soomaaliya ayay yaqaanaan oo ka hadlayaan
anigu mudisho ayaan ku dhashay oo ku kacaamay hantidayadiina waanu soo ceshanay dad badanina waa soo ceshadeen hantidoodii xataa waxaan aqaan dad dhaxal ay leeyihiin oo guryo ah inta la degay ay dakii degenaa raadiyeen milkiilayaashii oo u cesheen markaa yaan arintan wadar laga dhigin oo la odhan aqaladii xamar dadkii waa laga wada haystaa ta kale anigu waxaan u arkaa arintan arin sidii la rabo loo isticmaalo mar waa la siyaasadeeyaa mar caadifada dadkaa lagu soo jiitaa taasoo lbabda docoodba sameeyaan waxaan ka yaabay waxa mar hore gudiyo loogu samayn waayeye si loo xaliyo arintan any way wadanku waa dawlad maxkamado ayaa lagu kala baxayaa ciddi hantiyi ka maqan tahay sabraloogadiisa asliga ahyd hasoo diyaarsado khasab waa helayaa hantidiisa e lkn yaan mawduucaas lagu qadhaaban
barwaaqo @ walaashay sidaad u fahantay uma wadin kalmada oo jabuutiba waa somaali hadana waa dowlad gaara laakiin waxaan cadaynaayay in aad dhadeen waan ka go,nay somaaliya ee mush kiladiina hana lasoo galinina haa waa taas walaal mush kiladaasna maaha soo maali oo dhan waxa wada laakiin waa dad aan aqoon iyo caqli midna lahayn ee iska nool oo waxay kunool yihiin aysan aqoon hadana raba xaarka ay walaaqa yaan in ay kusoo ridaan maamulo nab doon sida puntland somaliland iyo gal mudug dadkaa aan soo sheegay waa dadkii ka dan beeyay bur burkii dalka caasimada iyo mid nafeed laakiin somaali waa isbaratoo dibaan la isku sirin inta dowlad daacad ah laga helaayana nin wel baa weel kiis ugooni waaye suu rabuuna uwalaaqa nooyaa qaasatan puntland iyo somaliland kkkkkkk