MUQDISHO: Agaasimihii Wasaaradda Waxbarashada, Wiilkiisa & Madixii Imtixaanaadka oo Xabsiga La Dhigay, Maxay Tahay Sababta?
Muqdisho (RBC) Wasaaradda Adeegga Bulshada Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in xabsiga la dhigay agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta dawlada federaalka Soomaaliya Muuse Faarax Xeyd, wiil uu dhalay iyo madixii xafiiska imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarashada.
Wasiirka Wasaaradda Adeegga Bulshada Maryan Aweys Qaasim oo wasaaradeeda ay hoos timaado wasaaradda waxbarashada ayaa galabta saxaafadda gudaha u sheegtay in agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada xilka laga qaaday uuna hadda ku xiran yahay xarunta dembibaarista ee CID-da Muqdisho halkaasna su’aalo lagu weydiinayo.
Muuse Faarax Xeyd waxaa soo dacweeyay dadweyne la sheegay inuu lacago fara badan uga qaatay xafiiskiisa intii ay socdeen deeqihii waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed loogu diray wadanka Turkiga taasoo dadka looga iibsan jiray lacago aad u fara badan.
Muuse Faarax Xeyd waxaa la xiran wiilkiisa iyo madaxii xafiiska imtixaanaadka oo labaduba loo heysto inay musuqmaasuq ku sameeyeen deeqihii waxbarashada ee loogu talagalay ardayda Soomaaliyeed in si siman loogu qeybiyo.
“Wasaaradeyda cid u xiran ma jirto cid aan anaga xirnay ma jirto, waxaan rabaa inaan dadweynaha u cadeeyo in dadweyne ay soo dacweeyeen agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada, wiil uu dhalay iyo madaxii xafiiska imtixaanaadka waxayna hadda u xiran yihiin caddaaladda oo su’aalo weydiineysa.” ayey tiri Maryan Qaasim oo galabta hadashay.
Maryan Qaasim waxay sheegtay in dadka xiran ay yihiin afar ruux, isla markaana nin shanaad uu dalka ka baxsaday siday sheegtay, dhammaantoodna loo heysto isla dacwada musuqmaasuqa waxbarashada.
Saddexda ruux ee kale ee la xiran Muuse Faarax iyo ninka baxsaday magacyadooda lama shaacin illaa hadda.
Wasiir Maryan Qaasim ayaa ku celcelisay inaysan iyada dacweynin dadkaan la xiray isla markaana aysan waxba kala socinin.
“Dadweyne ayaa soo dacweystay dadkaan waana la baarayaa, haddii wax lagu waayana waa la siideynayaa.” ayey sii raacisay.
Waa markii ugu horeysay oo masuuliyiin heer agaasime oo ka tirsan dawlada loo xiro musuqmaasuq ka dhacay xafiisyada dawlada oo sida weyn u shaac baxday.
Dad badan ayaa iyaguna weli ku dacwoonaya kiisas midkaan la mid ah isla markaana sugaya wado ay u maraan caddaaladda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho















ASC, dhamaantiin,
Wasirad Maryan waad ku mahadsantahay dadaalka iyo howsha wanaagsan ee aad umada Somaliyeed u heeyso.Thank you.
Waa arrin aad u wanaagsan in musuq maasuqa iyo tuugnimada lala dagaalaamaa; dalka iyo dadka in wax loo qabtaa ayaa la rabaa; ee maahan in loo soo shaqo tago xoolaha iyo hantidada nooc walba eey leedahay ee dadka Somaliyeed leeyihiin amaba loogu deeqo.
Ragaan tuugta ah, kadib markii lagu cadeeyo dambigooda, xoolahooda iyo hantidoodana halaga qaado, xabsi dheerna haloo jaro. Mida kale, qof kasta oo shaqaala dowlad ah, marka la magacaabayo hala weeydiiyo in uu “disclose” gareeyo amaba cadeeyaa waxii hanti uu leeyahay; si dhowr sano ka bacdi markii uu shaqada ka tagayo, amaba la badalayo loo fiiriyo farqiga hanti koror ee uu sameeyay. Waa in musuq maasuqa si adaga loola dagaalamaa.
WAA TALAABO HORE LOO QAADAY TUUG WAA IN LA XIRAA
AALAHU, AKBAR, GURYAHANA HALOO GASAARO MOORYANTA HANTIGA SHACABKI SOMALIYEED HEYSTA.
ASC
Waa talaabo wanaagsan hadii reer muqdisho ay doonayaan inay dib soo laabtaan. Waxaana fiican kuwa labaxsaday hantidii qaranka inay kadaba tagaan, haday awoodi karaan.
Tani waxay ku tusin waxqabad la’aantii dowladdii hore ee dhinaca xisaabtanka. Waxaan Ilaahey dowladda iyo kuwa daacadda ah uga baryayaa inuu garab galo, gacantoodana adkeeyo.
Mar walba oo gacanta lagu dhigo musuqmaasuq wade waxaa kor u kici kalsoonida shacabku u qabaan dowladda.
Waa wax lagu farxo in 22 kadib dadku ay heleen wax cadaalada ku dhaqa iyadaana dadka wada deeqda. allow xaqa na waafaji
waxaa muuqda horumar ilaahay ha noo siyaadiyo. walaahi aad baan ugu farxay inay maanta in madax sare oo dawlada ka tirsan sharcigu ka sareeeyo. waxaana rajaynayaa in kuwo badan oo dadka xafiiska ku dulmiya(musuqmaasuqa) iyaguna sharciga la horkeenidoono. dadkuna ay ku farxidoona.
Muuse Xayd iyo wiilkiisa oo ka soo jeeda gobolada Sool ayaa la xiray waana looma ooyaan, balse Ali
Ameerica iyo wiilkiisa oo lagu qabtay 2 Million oo Doolar airoport Canada goormaa toloow la xiri doonaa?
Mise waa nin tun weyn oo Harti abgaal ah ,ileen la xir Harti Daaroode.
Waa tallaabo loo qaaday dhanka caddaaladda!
CADAALADDU HA WAARTO!
WAXAY ILA TAHAY WAA SAX IN LALADIRIRO MUSUQMAASUQA BAAHSAN EE KAJIRA DALKEENII
good aad ayaa loogu baahnaa in lala diriro musuqmaasuqa meel ay tahayba waana waajib qofowna taas haka nixin hana ugaraabin waxaanba ka xumaaday maamada wasiirada adeega bulshada ah ee ku celcelinaysa anugu maxirin haday wasaaradii joogto dadkaan dhac iyo qarandumisnimo lagu haysto may warkeeda cadaysato yaa baasoo daaqada guriga utaagan oo dafaaya haday tiraahdo dadkaasi way eedaysanyihiin soose daliil uma ahan inay wax dhecaan hadii mid ka mid ah fadkay
Abdirahman: Marka koowaad, Canada ma Soomaaliyaa ? Marka labaad, dowladda Soomaaliya ma Canada ayay ka talisaa ? Midda saddexaad, haddaad caddeyn u heyso in dowladdu iska indha tirtay dambi masuul uu galay soo dhig caddaantaa, haddii kale iska aamus.
Some people just want to make statements without proof.
asc wr brkaatu waa talaabo fcn oo horay looqaaday abdrihmaan waxaan dhihi lahaa agaasimu marka koowaad gobolada sool kama soo jeedo, wasiirka waxbarashada mr.ibraahin caydiid ayaa kasoo deeda balse agaasimuhu gobolka Sool kama soo deedo waa mida 1aad, mida 2aad qofku meel kasta ha kasoo jeedo wuxuu dooonana ha ahaado hadii uu dambi galo, sharciga ayaa lahorgeenayaa,
inshllh waxan filaaya raga 180 million lagu soo eedeeyana in sidaasoo kale maxkamad loo hor geen doono inshllh.
Waxaan aminsanahay in inta la soo xiro ina xayd haddii danbi musuq- maasuq lagu helo in la dilo isaga iyo inti ku taageertay xatooyada. Shaqsiyan waxaan ka soo jeeda khaatumo oo mana gargaarayo nin shacbkiisa dhacay. Waa dil danbi yadan ay ka mid yihin: kufsi, musuq-maasuq, dhaca iyo dilka aano qabiil ku salysan. Hanbalyo ayaan leeyahay wasiirda oo yasan baqin qabiil wuxu sheegayo ma jiro, hadalkaagana hala gaban investigation balaaran samee oo tuugada inta laqabto hala dilo. Wa bilaahi tawfiiq.
masha allaah wasiirada marwo maryan wey mahadsantahay shacabku waxa eey ka soo dacwoodeen waa in sidaas loo soo qabto cadaaladuna waa muhiim qof kasta ayeey waqtigiisa anfici cadaaladu waana wax hor mar lagu gaari karo hadii saas lisku dabo galana musuqmaasuqa ayaa yaraan
Soomaliyey haddii wax walba la qabyaaledeeyo goormaan horay u soconeynaa, tuug qabiil maleh, ninka u bareeray ummadaas dhinac kasta ka baaba’san inuu xoolahooda ama xaqooda ku takri falo ma mudna in axsaan loo sameeyo.
@ abdirahmaan, aniga waxaan aaminsanhay in Ali Ameerico inuu yahay shaqsiga ugu daacadsan safiiradeena dibadda oo har iyo habeen usoo jeeda waxtarka soomalida ku baaba’san kenya, haddii cadeyn u haysid wax masuqmaasuq ah ama ku takarfal hani qaran uu ku kacay anagoo dhan ayaa xaq kugu leh inaad noo cadeysid si aan udaba dhigano, haddii aadan cadeyn karin ogow inaad muwaadin xaqdarro ku dulmisay ilaahay ayaa kala xisaabtmaya