Muqdisho: Wariye, Haweeney Barakacayaasha Ka Mid ah, Seygeeda Iyo Walaasheed oo Maalintii Afraad Ku Xiran CID-da
Muqdisho (RBC) Waxaa maalintii afraad xarunta dembi baarista magaalada Muqdisho ee CID-da ku xiran wariye C/casiis C/wahaab Koronto oo la shaqeynayey idaacadda Ergo iyo idaacadda maxalliga ah ee Radio Dalsan ka dib markii Khamiistii 10/01/2013 ay xireen ciidamo ka amarqaata taliska CID-da.
Waxaa wariyaha lala xiray isla maalintaasi haweeney ka mid ah dadka barakacayaasha ee ku nool xero ku taalla Tarabuunka taasoo kufsi ay horey ugu geysteen ciidamada dawlada Soomaaliya balse lagu eedeeyay inay idaacadaha uga warantay tacadiga loo geystay. Haweeneydaasi dhibanaha ah ayaa lala xiray seygeeda iyo gabar ay iyada walaalo yihiin oo iyaduna lagu eedeeyay inay isku xirtay haweeneyda la kufsaday iyo saxaafadda.
Illaa hadda wax maxkamad ah looma ogolaanin muwaadiniintan sida sharci darrada ah ay xabsiga ugu hayaan taliyaha CID-da Jen. C/laahi Xasan Bariise iyo taliyaha booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo amar ka helaya wasiirka arrimaha gudaha.
Maxaa loo heystaa muwaadiniintan?
Wariye C/casiis Koronto waxaa loo heystaa inuu wareysi la yeeshay haweeney kamid ah dadka barakacayaasha oo ay kufsadeen toddoba nin oo ka mid ah ciidamada dawlada 29-kii bishii Disembar, waxaana wareigaasi sida lagu eedeeyay wariyaha uu ku soo baxay bogga telefishanka Al Jazeera qeybtiisa English-ka, laakiin wariye C/casiis waa uu diidey inuu gebi ahaan wareysi siiyey Al Jazeera wuxuuna sheegay inuusan weligiis la shaqeynin Al Jazeera.
Sidoo kale Raxanreeb ayaa ogaatay in warqad rasmi ah oo ka soo baxday maamulka TV-ga Al Jazeera ayaa lagu cadeeyay in Al Jazeera uusan u shaqeynin wariye C/casiis Koronto, isla markaana aanu shaqo ku lahayn wareysiga ku daabacan bogga Al Jazeera kaasoo ay qortay gabar wariye Soomaliyeed ah oo degan Nairobi oo lagu magacaabo Leyla Cali.
Inkastoo ay sidaas waxa u jiraan haddana nasiib darrom hogaanka CID-da iyo booliska waxay si bareer ah u diideen in kiiska maxkamad la geeyo si sharciga loogu bandhigo iyo in qareen loo qabto wariyaha arrintaasoo muujineysa in Jen C/laahi XasanBariise iyo Jen Shariif Sheekhuna Maye ay wax gaar ah meesha ku qarinayaan oo aysan rabin in la ogaado.
Gabadha barakacayaasha ka midka ah ee Khamiista laga soo xiray gurigeeda ku yaalla xerada Tarabuunka ayaa iyaduna loo heystaa inay u warantay saxaafadda oo ay ka hadashay dhibaatada iyada gaartay maadaama kufsi loo geystay, waxaana yaab leh in gabadhaan lala xiray seygeeda iyo walaasheed ka dib markii ay diiday inay ka laabato kiiska kufsiga ee loo geystay ayna beeniso dhammaan eedeymaha kufsiga ee ay saxaafadda qaarkeed u sheegtay.
Waxaa xusid mudan in Jen Bariise laftiisa uu warbaahinta ka sheegay in illaa 11 kiis oo kufsi ah ay dhowaan ka dheceen Muqdisho ayuna baarayaan, halka uu hadda haweeney miskiin ah ku cadaadinayo inay dafirto dhibaato ku dhacday si isaga aan shaqada looga ceyrin ama booliska lacagta gunnada ah looga goyn. [HALKAN KA AKHRI hadalkii Jen Bariise]
Saraakiisha booliska, CID-da iyo wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka baqaya in haddii dumarka la kufsaday ay saxaafadda ka hadlaan in markaasi xilalka laga qaado iyaga ama laga jarto lacagta deeqda ee booliska uga timaada hay’adda UNDP maadaama xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ay galeen ciidamada sidaasi darteed ayaana illaa hadda muwaadiniintan xansiga loogu hayaa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi














waa yaab iyo qaadanwaa, bal fiiriya dulmiga lagula kacayo dad dhibanayaal ah. halkii uu ciidanku u hiilin lahaa ciidankiibaaba dhibaateeynaya. Rabiyoow umadani rafaadaye ka qabo mooryaanta iyoi kuwa dulmiga isugu hiilinaya.
waan ujeed naa oo waa dulmi cad laakiin ilaah hadhaafiyo kuwa ku ka caya dulmigaan waxaas waaye dowladii lasoo doortay oo lagu han waynaa waana wax dhibaato ukeen tay shacabkii awal dhibaataysnaa ilaah ha ugar gaaro shacabka mida cadaado walaal waxaad iga fahantay qalad sababtoo ah ani ma nibci dalkayga iyo dad kayga waxaana jeclahay in aan kasaaro dhibka hadaan heli karo laakiin d\ kusheega xasan waxaan u mucaaradaa maaha qabiil maaha shaqsi ahaan ay naga dhaxayso colaad hore laakiin waxaan u mucaaradaa waa waxaan oo kale tan ku hortaal oo kale iyo kuwo kale oo badan sida tusaale _ ciidankeenii xooga gaajo ayay udhinteen iyo rafaad ciidan ajaanib ahna doolar bay nagu dulqaadan waxaan ku han waynaa in uu xasan kasaarin ciidankaa shi sheeye waaba soo badiyay 2_kuf siga askarta oo aan wax laga qaban xataa uusan oran waan ka xumahay iska daa wax qabad 3_ dibu heshiisiin beeleed iyo hanti kalacelin ayaan kasu gaynay iskadaa in uu heshiisiiyee waaba isku sii diray sida rer kismaayood sida cadaado iyo galmudug sida s\land teeda xoriyada 4_ dadka muqdisho mala kulmay oo ma isugu jeeray mana baarujiyay ilaa intii ladoortay 6 _ ma ku dhaqmay waxii lagu heshiiyay sida dastuurkii iyo fadaraalkii 7 _masoo dhisay maamuladii dalka mana sugay amnigii dalka _ intaa waa kuwii ugu sahlanaa ee aan xasan ka ka arko waxaana u mucaaradin maaha qabiil ee waxaan u hiilin xaqa umada somaaliyeed xaq baana uleeyahay waxa ay madaxda dalku ku qaldan yihiin in aan farta ku fiiqo waa midaas waxaad aragtay saxiib ee ha igu dhaarin ilaah taas kaama balan qaadi karo ha ufahmin in aan ku nac sanahay qabiil kkkkkkkkkk
MASAAKIINTA tarabuunka laga soo qabtey waa gartey ayaga ee ilaahey ha u sahlo, laakiin KORONTO BEEL DHIIG LEH KAMA DHALAN MIYAAA?? isna ma (point5)ka LA ISKA XIR XIRTO maalin walbaa?? ilaahow asagana u sahal miskiinka. maxey tahey sheekhuna iyo mayow baa iska xidhay??