Nabadoon Cabdullaahi Warsame Cabdiraxman Araxay: Farooloow Xiligii Digteytarka waa uu Dhamaday (Dhageyso)
Goldogob (RBC Radio) Ismariwagaaga siyaasadeed ee Puntaland ayaa waxa uu galay meel xasaasi ah kadib markii mudadii ay mucaardka sheegeen oo shalay ku beegneyd 8-da bisha Janaayo 2013 waxay ahayd maalintii u dambeysay ee waqtiga afarta sano ahayd ee sanadkii 2009 madaxweynaha Puntlad loogu doortay C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Maanta oo ah 9-ka bisha Janaayo waxaa bilawday sanad kale oo ah mid shanaad oo aan ku jirin dastuurka Puntland u degsanaa iyo hab dhaqanka soo jireenka ahaa ee ay madaxweynayaashii soo maray Puntland xafiiska joogi jireen kaasoo ahaa afar sano oo qura.
Nabadoon Cabdullaahi Warsame Araxey oo kamid ah nabadoonadii wax ka aasaasay Puntland kana mid ah nabadoonada sida weyn looga yaqaano Puntland ayaa ka hadlay xalada siyaasadeed ee putland ku sugan tahay iyo sida looga bixi karo.
Nabadoonka waxa uu sheegay in Madaxweyne Faroole in uusan aheyn Madaxweynaha Puntland maanta laga bilaabo oo hada loo baahan yahay in madaxweyne cusub la doorto.
“….. waxaan dhihi karaa waa xukun dikteytar. Hadii dikteytar micne leeyahay waad aragtaa xisbigii Mubaarak waxa ku dhacay Bishaar Asad waxa ka taagan waad aragtaan iyo kaloo lamid ah xiligii digteytar ka waa uu dhamaaday…..” ayuu yiri Nadoon Cabdullaahi Araxey.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Ciidamada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland
Nabadoon Cabdullaahi Warsame Araxey ayaa mar uu ka hadlayey ciidamada iyo Xildhibaanada Puntland ayuu sheegay in Madaxweyne Faroole uu waqtigiisii dhamaaday waxa uuna ka digay in ay u hogaansamaan isla marahaantaasna waxa uu ku booriyey in ay dalka ka badbaadiyaan Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.
“Ciidamada Qalabka sita iyo golaha baarlamaanka Puntland waxa ay kitaabka u mareeen in ay reer Puntland ay badbaadiyaan waa in la badbaadiyaa Puntland laakiin shaqsi aysan raacin Faroole waqtigiisii waa u dhamaaday madaxweyne maanta maahan waa in ayahooda ka tashadaan taariikhdiisii sidii ay noqotayna waa ay ii muuqataa”
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Nabadoon Cabdullaahi Warsame Araxey ayaa Madaxweynaha ku eedeeyey in cidii siyaasidiisa ka hortimaada ay dhici karto in la dilo waxa uuna yiri
“Ardadii jaamacadaha dhiganeysay xabsiyada ayey ku qurmeen, aqoonyahanadii xabis bey ku qurmeen, shirqoolaa lagu dilayaa waana arkeysaa nabadoonadii ahaa tiirarkii ay ku taagan tahay Puntland uu xabsiga u taxaabay sababta keeneysaana ninki ka hadla wixii jira xabsigaa yaqaan ama waa la dilayaa….”
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Nabadoonka isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri
“Dadaka shacabka waa in aan lagu dhibaateyn oo ay ka dhasheen maantana canshuurtii xolahooda la qaadayna lagu mushaarsiiyey iyaga dhibaato u geysan oo Faroole amarkiisa tacadiyaal ugu geysan…….”
Deeqaha Caalamiga ah
Dhanka kale Nabadoon Cabdullaahi Warsame Araxey oo ka hadlaya deeqaha ay Puntland ka hesho caalamiga ah ayaa waxa uu ku tilmaamay mid loo adeegsado ku dhibaateenta shacabka waxauuna waxgaradka ugu baaqay in la midoobo o sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Puntland loo wada istaago.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
“Heyadaha caalamiga ah dhamaantood ee ka hawlgala Puntland samafalka ay nasiinayaan ee puntland siinayaan waa samafal lagu dhibaateenayo oo dadkii l;oo dhibaateenayo, waxaan leyahay waxgaradka haka midoobo sidii wadanka nabad loogu soo dabaali lahaa….” ayuu yiri Nabadoonka.
Isimada & Waxgaradka
Mar uu ka hadlayey Nabadoonka doorka isimada iyo waxgaradka Puntland uga aadan xasilinta Puntland waxa u yiri.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
“…… Iney beelaha nabadeeyaan, in dadka walaalaha ah ee isku isirka ah ee reer Puntland oo iinta iyo xurgufta uu kala dhexdhigay faroole iney dadka ka dhaadhiciyaan in uu yahay wax shaqsi kaligiis ah waxa sameenaya arintaas sameeyey, iney ka midoobaan dantoodana ka tashadaan maamul wanagsanna sameystaan noqdaana dad isku mid ah isku hadaf taarhet leh”.
Mucaaradka Madaxweyne Faroole
Nabadoon Cabdullaahi Warsame Araxey waxa uu qeybaha kala duwan bulshada ugu baaqay i si deg deg ah dowlad u sameeyaan.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
… magacey doonaan ha wateen ama siyaasi ah ahaadeen ama aqoonyahan ha ahaadeen ama sisin ha ahaadeen in ay goaan ka qaataan ay ku sameystaan madaxweyne ku dhistaan oo dowlad ku dhistaan gobolada kala firdhayna ay isku soo celiyaan horumarkii iyo cadaaladii ay dalka dib usoo celiyaan ” ayuu yiri Nabadoon Cabdullaahi.
Yaa Dastuurka Ansaxiyey.
“….. oo Farooole sameystay oo isaga ka amarqaata ayaa wax u dhoodhoobay wax ergooyin sax ah oo gobolada laga keenay oo ay ansixiyeen maahan hal xaaran ah nirig xalaal ah ma dhasho ayey soomaalidu ku maahmaahdaa anigu oday dhaqamed baan ahay waxa ka jira puntland waan ogahay igama qarsoomi karaan …….Faroole sida uu wax ku wado ma ahan wax suurto gal ah.
Digniin
“Isaga waxa aan siinayaa digniin caalamka hayada xuquuqda biniaadamka u dooda akhbaartaada waan garsiineynaa amnesty international waanu gaarsineynaa maxkamad caali ah in lagu soo taago …. oo reer Puntland kula xisaabtamaan ayaanu diyaarineynaa” ” Faroole meesha in aad iska leedahay maahan iyada oo dhisan baad timid in aad burburisay oo aad kala qeybisay oo kala goobogoobeysay”
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
isaga oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yiri
“Dadkii shacabka ahaa ee gaalkacyo taangiga aad la dhacday shalay …. oo uu yiri waa argagaxisaan la dagaalamayaa , fiiri waxa uu kula dagaalamayo …… baran iyo hadaaftimo ma argagisaa joogta fiir waxa uu kula dagaalamayo waxaa weeye waa been, marqaati cad waxaa u ah taangigii baan hayaa oo duuban oo la dhacayo xaafad dad shacab ah ay degan yihiin… waxaas wax la qaadn karanyo maahan……”
Taageerayasha Siyaasada Madaxweyne Faroole
Nabadoon Cabdi Warsame Cabdiraxman Araxay ayaa waxa uu u sheegay taageerayaasha siyaasda Madaxweynaha Farooel ay ka haraan oo aysan aheyn sida ay wax u moodeen waxa uuna yiri.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
“Dadka taagersan maulka madaxweyne Faroole oo idaacadaha mararka qaarkood ka maqlahayo wey la noqotay laakiin waxaan ugu baaqayaa in arintu sidaad moodeen maahan ee xaqiiqdeeda ogaada”
Tanaasul ma imaan karaa
Nabadoon Cabdullaahi Araxeey waxa uu ku adkeeyey in madaxweyne faroole uu xukunka isaga dego waxa uuna yiri tanaasulka madaxweynaha ayey dan ugu jirtaa.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
“….. in uu tanaasulo isaga ayeydan ugu jirtaa …..hadii uu sii joogaa wanaag uma ahan waana laga tashanayaa…..”
___________________
G W G
Goldogob Soomaaliya














Rag rag dhalay. Adeer guulayso oo baraaruji dadkii waxay u qabaan in haddii faroole la eryo in ay burburayso puntland.guul guul arexay. Nin dhaley
Adeer faroole waxba kama qaadi karo miskiin reer goldogob ah.
Daanyeer Bamboo adoo kale ah waxaa loo shidaa cajalkii uu Faroole iyo maxaysatadiisa oo dhan ee Gobollada P/land ka soo aqruurshey iyo jaqafyadii ay wateen oo dhan sidii loogu galey Garsoor in 2 hours oo Galkacyoo dhan looga saarey.Af-Qurun adoo kale ah Galdogob maxaad ku gaartaa!!!!!
VIVA ARAXEY!!!!!!
GEESI GEESI DHALAY EE AAN HOOYADII BIYO FOOLAN,NOOLOW OO WELIGAA JIR,WAXAAD TAHAY HALYEEY RUNTA QEEXA EE KUN IYO KOW ISAGU MID AH,
@puntland star ma nin reer goldogoba oo goba ayaad leedahay miskiin. Doqon riyoole ah oo faroole caabuda ayaad tahay.
halyay baad tahay Nabadoon kadig Dictator Faroole. insha allah wuxuu kudanbaynaa meel xun inshallah.
halganka waan wadaynaa ilaa aan dictator Faroole. waana kaxumahay in qof reer Puntland ah uu taageero. waxaa nooharay sidii aan ku fashili lahayn.
galdogob xagee la dhaah ma puntland bey ka tirsantahay
Siyaasi maahee waa argagixiso mucaaradnimo ku dhuumanaya, saaxiib waa lagu ogyahay waxa aa tahay, waxaad diidantahayna waa jiritaanka Puntland
nin i dheh
kan la baxow wxaan kuu sheegayaa waxa afkaada ka soo baxaya xisaabi inta aan lagu xisaabinin. ALLEH waa nacladay ruuxa fidnada kiciya kana fogow fidnada si aadan u aakhiro seegin. dadku waa wada dhashay sinna isuma huraan marka in fidnolagu abuura wa waxa ALLEH looga fogaado.
walaale ALLEH u noqo
Faroole muu iskooga tago haduu xiligiisii laystay mise hooyadiisaa leh
Axadkaan isku magacaabay PUNTLAND STAR garanmayo Rag iyo Dumar mid uu yahay laakiin waxaa iska cad in uu qabo ciil iyo catoow uusan wax kaqaban krarn ama uu yahay wasaq edeb daran, asagoo kalana meelwalba ayuu joogaa.
Puntland star ma’ahid ee waxaa tahay nacas fulay ah. Reer Galdogob ayagaa Puntland laf dhabar u ah , xaqna u leh in ay sheegaan wixii ka qaldan, ee iska aamus TUKAYAHOW.
Nabadoon nimadu waayadatan waxay noqotay sidii ninkii lagu yiri “Iska hadloow Ina Igare”. Kani nabadoon ama qof masuul ah uma eka, waayo xumaan sidaas muusan u huriyeen. Allow Puntland ka qabo wax magaratada.
Aad ayay u fiicnaan lahayd inuu Faroole meesha isaga tago, si wanaagsana xilka u wareejiyo. 4 sanno ayaa la doortey waana dhamaatey, waa hadaltiro 5 ayaa la doortey. Hadduu diido oo meesha isku dhejiyo, cid walba oo talo u keentana caayo maxaa la gudboon reer Puntland? hadduuse dhiibo maanta diyaar ma loo yahay in lagala wareego si nabad ah, mise markiiba waa la isku qabsanayaa? Xisbiyada dhowrka asbuuc lagu dhisay, oo xitaa magacoodu lugaha ku taagnayn iska dhaaf nimaam ay wadaane, ma la waaregi karaan maaulka? Waa xaalad kala guur ah, oo dad badan u hanqaltaagayaan Federalka, alshabaab oo laga soo masaafuriyey wadanka intii kale gobolka ku wareegayaa. Marka waxaa moodaa in 20 jeer la fakaro intaan talo farah ka bixin, Faroole tagidiisa iyo joogidiisa waxaa ka muhiimsan Puntland badbaadeeda.
mahadsanidin. C/rashid UK
puntland star@ sxb faroole iyo reer galdogob waa is yaqanan balse anigu waxba faani mayo oo dumarka aya faaanka ku haboon balse waxan ku leeyahay nabadoonka afkaaga ka leexi teda kale qabaliyad iyo kani waa reer hebel iyo kani wa jifo hebel baa na mucaaradaysa shaqayn mayso ee meesha ka kexeeya laxdaan aad dadka dhex-keenteen
puntland-star@ reer galdogob ku mucarada wili madaan arag e iska aamus hadii kale walle inay sidi waagi idinka yeeri doontaa reer galmudug baa na soo weeraray waxan kuu soo jeedin laha indho kaasii jeeda ha isku soo jeedin anagu meeshan waxan u aragna dad aan isdhaamin inay isku haystaan waxa meesha ka socdana ay yihiin drama marka adigu digada ha isku kaakicin sxb
cagtii joogsan weydaa mar bay ceeb la kulantaaye.
nabadooonka halaga xishoodo teda kale reer garowe ninka hadlaba hadaad ka daba hadashaan oo aad istiraahdaan difaaca adeerkiin faroole de taasu shaqayn mayso
Walaalayaal meesha yaan horta nabadoonka la’aflagaadayn , midda kale Faroole joogitaankisa cidina marabto ee asxaabta Comments ka bixinaysa fadlan hala is ixtiraamo caydu waa ceeb ! .
hadalka uu nabadoon Araxey jeediyey waa hadal nabadoonada oo dhan laqabaan meelay joogaanba lkn waqtigu waa xilli kala guur meel la’aado lagaran mayo haddii faroole lacayrsho , bur-bur diyaar uma nihin horle , haddii is beddel dhacayo luguma soo boodi karo . talo waxaa iga ah intii labur buri lahaa farole sanadkaas uu xoogay haloo daayo kolley somalibaan nahay oo nin iska celi baa nugu wada qufulane , waana midda aan dunida uga harnay …
raga caytamaya anigu waxan hadal uugu soo gaabin laha reer galdogob waa dad geela dhaqda halka reer faroole ay ariga dhaqdaan marka ari jire waligood wax ka cay badan marka iska caytama kolay micne kale mahaysaan e
nabadone adiga abdulahi warsame adiga kalay wixi ay sameyen shxbka msar ama shcbka syria isku day in ad samysid
Nabadoonkan waxa cad ino oo isticmalayo qaabill.waxa usheegena puntland dimoqradiat bii o gudubtay
Hadu faroole wax ku qeystay maha ina been ku soo qortid webka.reer puntland gaar ahan reer galdagob ogaada qokfa waa biniadam khalad wuu gali karaa laakin maxa fiican ina la iscafiyo oo horay loo socdo
Wabillahi toqfiq
kulaaha gobolada maqan ha la so ceeliyo adeer gobolada maqan waqtigi laso ceelin laaha way dhamatay maamul ayay sameysteen iyaga dantooda u aadegaya maamulkaso khaatumo state layiraahdo gobolada leedahay hala so ceeliyo puntland kalsoonidi way kala noqden iyaga ayahooda ka tashatay shalayna iyaga taladooda ku darsaday puntland mantana ka tashaty markay arkeen inay puntland noqotay maamul beleed ay leyihiin 3 reerood beelihi wax ka dhistayna ay ka noqden marti marki gobolka sool lagula heshiyay cadow so jireen ah marki maalin cad garoowe uu faroole ka sheegay inaysan ismada khaatumo kaso deegi karin garoonka galkacyo marku ku sheegay hogaanki ssc inu yahay argagaxiso marku idaacadaha kaga faanay snm iyo puntland way heshiyeen iyago u heshiyay shacabka khaatumo state iyo snm oo u qabatay puntland magalada tukaraq haddaba shacabka iyo beelaha khaatumo state mahan gabdh duuday oo laso maslaxayo waa shacab masiir iyo maamul leeh xata puntland haddi ay hagaagto faroole meesha ka tago puntland 2 gobol iyo bar uunbay ahaan waadna arki doontan waxa haysan doonta beesha iminka haysata ee boqortooyada ka dhigatay maamulki la wada dhistay dadki wax ka dhisayna marti ka dhigtay any way anagu xasiid kuma nihin waxan u rajaynayna nabad iyo barwaaqo cadowgooda ha u nooladen dersinimadana ilaaliya
Nin walbaa ha iska hadlo anigu maba garan waxa uu ka hadley ninkan odeyga ah laakiin raxanreebey iskudirka umada iska daaya oo Allah kabaqa
Asc all. Horta anigu siyaasi ma ahi’ cidii Puntland madaxwayne ka noqota ama ka ahaatana shaqayday ma ahan. Laakiin waxa la yiraahdo ”Nabadoon” ma sharbuu ka taliyaa mise Nabad? Siyaasiyiinta Puntland ha ka hadlaan dhibka siyaasade ka taagan Puntland’. In other words ” qalalaasaha siyaasadeed e ka jira Puntland hawl Nabadoon’ Ugaas iyo malaaq u taala ma ahan’ ee waa hawl siyaasadeed’ waxaana ku haboon siyaasiyiinta Puntland.
mida Faroole’ waxaan ognahay oo noo cad in Faroole yahay khaa’in khiyaamay umadii hogaanka u dh
waan idin slaamay salaan ka dib horta faroore sanadkiisii waa ku darsaday mideeda kale qoladiina reer goldogob awalba meesha dadka isku haysa ku ma jirtaane maxaa idin wada nimanka meesha isku hayista waa niman isku reera marka relax meeshan nimaan kaan wax isku ma hayistaane waa booda qaawis arintu
Umadii hogaanka u dhiibatay’….dhibkuna wuxuu ka yimid’ Baarlamaanka oo ansixiyay’ qorshe ayna raaali ka ahayn umadii ay matalayeen. Waxaana faroole u sahlay inuu khiyaamadaas hirgasho waa system ka ay dawlad gobaleedku ku dhisan tahay’ oo ah ‘ kali talis’…” one man’s power” oo waxaa khaldan qaab dhisitaankii hore ee Puntland. Waxaana jirin power balance’….oo xukunkoo dhami wuxuuu hoos yimaadaa hal nin’ baarlamaanku asaguu hoos yimaadaa’ oo maxkamadu asagay hoos timaadaa’… Qaabkaas marna cadaalad ma noqdo. Ee base ka system ka hala saxo’ sanad baarlamaanuku ansixiyay oo la isku khiyaamay yaan waxba la daba ordine’….. Dalkana qalalaasaha halaga daayo’.. Nabadbaa naas la nuuga leh’…. Umadu waxay u baahantahay Nabad iyo nolol.
araxay wuu iska hadlay asaga madaxwayne ma rabo nin ay isku cid yihiina marabo suu manaqonyee maxuu ka rabaa nimankaa ayagaa isku boolo xooftaynayee kii yimaada waa iskugu mid mida kale maxuu isugu soo fanayaa ayaagaa wada dhashay boos ugama banaano baa isku hayista markay ayaga soo dhaafto ha lagaaro iska suga
waxan filayaa abdullahi warsame waa aqoon yahan dadka iyo dalkuba u bahan yahay waxan ka sugaynaa ba waa imaansha ha wadanka waana uu hogaamin donaa insha allah
waxan u sheegayaa dadka goldogob caynaya galdogob waa meel nabad iyo barwaaqo taal faroole na mahan mid meesha sii hayn doona marka la socda markaan imado in aan dhalada idinka fuuli doono markaan faroole cayriyo
Nabaddoonku waa Shaqsi reer Puntland ah oo fikirkiisana XOR u ah.
Reer iyo qabiilna Kama uusan hadal.
Waxaanse idiin sheegayaa waxaan ahay nin deegaan ahaan Reer GOLDOGOB ah oo reer Puntland ah
Oo si Wayn oo Wayn u taageersan C/raxman Maxamed Faroole oo aan anigu u aqaan (wiil Reerka D’da kore u soo baxay) . Daciif baa meel hoose ku raftee. Lol
Dhawaaqa ka yeeraya Somaliland iyo Xamar oo uu kaga cabaadiyey bal soo dhagaysta oo ninkiinna kartida leh taageerada siiya waa waxaad Siyaad barre iyo sayid Maxamed idinka waayee.
to dhmaantiin ,,,,, dadka halkaaan wax ku qoraya oo aflagaadada wada adeeerayaaal reer goldogob waa horseeed waxayna ka mid yihiin xisbiga faroole, anigu nin nabadoon ah hadalkiisa waxba kama soo qaadayo waxaa puntland ka jira system cidii ku xadgudubtaa waala fara xumaynayaa meeshaan ama dhaha riyooole ama dhaha faroole riyihii nugaaleed maaanta waaba k9 CIIDAMA sida gaar ah utaba baran , ina gumeeed ninkii rabo in uu noqdo qabiil sheego ninkii laandheera rabana well come horseeed, walaahi baanan loo joojinayn.
Nabadoonku isagaa wax ka dhisay puntland sidaas darteed hadii isamadii dhisay isku yimaadiin oo maxadweyne cusub iyo barlamaank cusub sameeyaan dhibka faroole halkaas ayuu ku dhamaan lahaa laakiin waxaad moodaa isimadu in hadal uu ka soo horay oo aan ficil la socon sidaasna maaha mid faroole ka joojineyso inuu kursiga ku soo dhaganaado marka isimada iyo siyaasiyiinta puntland ayaa looga fadhiyaa in meel isu tagaan dhisaana maamul bedela mid faroole ee fashilka iyo barcad badeednimada ah.
reer goldogob maxay laqaylinayaan ma waxaad sugayseen inaad madaxweyne kanoqotaan puntland war adeerayaa simra meeshaan waa meel MS yaaladaalin idinka kii qabtaa uun iska taageeraa waxbo yaalaysxiiqin
Adeer aad iyo aad baad mahadsan tahay ( araxeey) waana kugu taageeraanahey aqoontaada iyo waayo aragnimadaada waxaanad ka hadashey wax jira
ADEER HA U JOOJIN
CANASIR BY Abdirisak Ali-ad
S/C
Waxaan soo akhriyay dhamaan comments kii .waxaa ii soo baxday dad ku in aysan u bislayn ama aysan garanayn dood wanaaga iyo in laysdhaafsado aaraada, waxaan layaabanahay dad kaan caytamaya xagee beladu kahaysataa?
dad kaanu caruurna maahan.maxaayeelay caruurtu waxay rabaan waxay ku cabiraan.boohin ama oohin,marka waa mucjiso qof wayn oo aan cabirikarin waxa uu rabo in uu caytamo maahee,
war illahay kacabsada oo iska daaya fitnada,
waxaan idiin sheegayaa maahi reer galdogob.laakiin waxaan ogahay in ay yihiin dad reer puntland ah oo waliba sharafleh,last week waxaan kahadlay in aan laysku caayin layskuna dhaleecayn ARIGA ama RIYAHA maxaa yeelay waxaa raacijiray nabigeenii suubanaa(PUH)
Akhyaarta ,dooda inoo hagaajiya qofkastana waxuu ku hadlayo illahay kama qarsoona,
Regards,
Adoon illahay/
Wali Meeshaan ka hadlay CID garatay idinkuma jirto.
Kursigu Hal qof buu qaadaa Sidaa daraadeed qof ku fariistay in labaddalo wax
Qiima ah maleh. Ee waxaa qiimuhu yahay RAGGA aad wax laqaybsanayso ee shisheeye
Qof kaaga sidee u arkaan ?????????
Waxaa Dhab ah Maxamed FAROOLE in ay aad u jecel yihiin inuu tago oo ay necayb Wayn u qabaan. Iska dhaafa Daciifnimada oo Ina adeerkiin waa HALYEY ( Da’da kore ) ku faantee kadaaya durista iyo qaniinyada.
Viva Le Faroole
Ps: haddaad GOLDOGOB danbe magaciis ku hadashaana magacayga ayaan sheegayaa kadibna wiilashii AAR-gudaya aan u bixiyey ayaan hoggaanka u qabanayaa oo aan Mr. Faroole garab istaajinayaa.
Viva le faroole
War anaga iyo Faroole maxaa isugu keen haray, soo tii aan fagaaraha isku helnay, ee markii uu nafta uyaabay uu ku waashay war Ugaaskii hala ii raadasho, maxaa dhacay hilmaan dhawaa faroole mise jadiidin buu rabaa. Faroolow meel fariiso anagu doonimayno waxa aad ku haysid garoowe.
Dawlad micnaheedana waxba kama taqaanid, waxaad u qabtaa in la diriro oo dagaal iyo burbur la sameeyo, adigoo dagaalamikarin markii la iska horyimaado oo aan wax iska celin karin. Wiilkii dhaantada tuntay waxuu yiri “MARKAAN KU RIDNAY RUCLEEYEENOO RUNAY RUUSHINKAY NAMOODEENEEY”.
Farooloow araxdaa laga jabin ninkii maaga Galdogob iyo Garsoor iyo Gambayax xususnow taas. ilaahay Ha xafido Ugaas Ali Ugaas Maxamed ayaa joojiyay oo hor istaagay halyeeyadii. Ilaahay ha xafido Isimada Galdogob waxay muujiyeen Muslinnimo, Ehelnimo, Somalinimo, ee ma’istahilin in Faroole wax labad baasho.
Dhubuq, dhubuq hore dhabaq dhabaq dame bay leedahay nabadoon waan ku salaamay ilaahay shaftaada ha dhowr waa xukun jacayl Iyo abtiyaashay waa u fadhinay bal aan aragno cida wanaaga u haysata shar
Nabadoon waa ku salaamay salaan tii ugu shaf badneyd ogow faroole loma baahna haduu mooday in uu joogo caasumad adiguba waxaad joogtaa caasumad haddii sheekadu gasho xumaato Iyo in yiraado anaa taliyaa waan nin keed dhiba ogow nabadoon sharaftaada ka wayn in aad la hadashid faroole kirishboyada hala hadlaane u daaya
Waxaan idin way diin lahaa Magaaladaan GALDOGOB waligay ma’arag waxaan u malayay in ay tahay Dagmo , waxa mooda gobol sida Somalidu uga hadasho ama u taqaan, maxaa ay sidaas u tahay arintu , kolay macdan iyo beero malaha oo waxaan maqlay Mudug bay ka tirsan tahay