Nabadoon Cabdullaahi Warsame Araxey: Khaatumo State waxaa keentay Maamul Xumada Madaxweyne Faroole (Dhageyso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nabadoon Cabdullaahi Warsame Araxey

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Goldogob (RBC Radio) Waxaa dunida daafaheeda ka dhacaya Sanadguuradii 1aad ee kasoo wareegtay aasaaskii maamul goboleedka Khaatumo State.

Qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaalida ee deegaanada Khaatumo ayaa siweyn u xusay aasaaskii Maamulka Khaatumo ee looga dhawaaqay degmada Taleex Sanadkii tagey ee 2012kii.

Nabadoon Cabdullaahi Warsame Araxey oo kamid ah nabadoonada sida weyn looga yaqaano deegaanada Puntland kana mid ahaa ergadii wax ka aasaastay Maamulka Puntland ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan SH Maxamad Faroole uu ku fashilmay isku keenista shacabkii wada dhistay dolad Goboleedka Puntland.

Nabadoonka waxa ku eedeeyey ku eedeeyey maamul xumi waxa uuna yiri.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan SH Maxamed Faroole

“Khaatumo state waa State Maamul bey sameysteen maamulkana waxa ay ka sameysteen in maamul xumada madaxweyne Faroole…..”

Nabadoon Cabdullaahi Warsame Araxey oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri

“…Sababta keeneysa in maamul ka sameystaan ama ay go’aan ama ay goboladooda aayahoda ka tashadaan waxaa keentay maamul xumada madaxweyne Faroole iyo cadaadiska iyo caburinta uu ku hayo deegaanka”.

Nabadoon Cabdullaahi Warsame Araxey waxa uu ka deyriyey ismariwaaga siyaasadeed ee ka taagan Puntland waxa uu ku baaqay in dadka Puntland in ay tashadaan>

“….Waxaan leeyahay dadka reer Puntland  gaar ahaan iyo guud ahaan ha u tashadeen aayahooda iyo mustaqbalkooda jiritaankooda iyo dariswanaaga beelaha isla dariska ah nayadsamidiina hasoo celiyaan”. ayuu yiri Nabadoon Cabdullaahi Warsame Araxey.

Ama Halkaan ka dhageyso Nabadoonka

___________________

G W G
Goldogob Soomaaliya

Goldogob (RBC Radio)

Use Facebook to Comment on this Post

Share

24 Responses for “Nabadoon Cabdullaahi Warsame Araxey: Khaatumo State waxaa keentay Maamul Xumada Madaxweyne Faroole (Dhageyso)”

  1. Sool-Man says:

    Sanadguuro wacan khaatumo kheyr state of somaliya… Khatumo waa duushay ee ku daalin … Guul khatumo ,Guul somalia.

  2. xuquuqda iyo badbaada shacabka somaliyeed says:

    kkkkkkkkk maxaa oday wareeray khaatumo state ninka dhistay waa la yaqaan waa galaydh oo islahaa villa soomaalia wax aad kaga heshid kuna fashilmay markii dambe kkk marka nabaddoon c/lahi hadii maamul xumada faroole u dhisatay khaatumo adoo isleh ku xumee farole marka wuu tagin faroole ee seeyeelin maxaad sameyn dadkii aad u nacday hal shaqsi miyaad ku soo noqon? Ee reer puntland. Mida kale dadka shacabka ah ee ku abtirsada (ssc) ee sawaariiqda lala dhacayo maxaad wax uga qaban wayday? Inta aad faroole in dhaha ku taagaysid marka hadalkaaga hadii la micneeyo wax uu noqonkaraa labo micne mida kowaad waxa uu noqonkaraa cuqdad kaa haysah dhanka nina sheekh faroole mida labaad waa isku dirka ummada soomaaliyeed iyo fashilka siyaasadeed ee kaabe qabiila haystah gaar ahaan kuwa aan akhriska lahayn.

  3. asad says:

    waxan aad u tageeraya fikirka nabadoonka waana salamaya waxa wacan inaan la iska indha tirin dhibaatada ka tagan mandiqadda puntland waxaa dhacaday khaatumo state inay ka baxdo maamulka puntland waa dhibaatoyin badan oo is biirsaday beel walbana waxay xaq u leedahay inay ayaheeda ka tashato madama ay puntland beelo ka kobaan tahay khaatumo way tagtay balse kuwa kale ee puntland wali ku jira hala dhagaysto afkaartooda maamulkana hala baalaariyo beelaha kale wax ha laga siiyo waayo waxa dhici doonta inay iyagana ay ka baxan meeshu mahan boqortooyo waa maamul waxan u hanbalyeeynayaa khaatumo state sanad guuro wacan

  4. Samawade says:

    Adeer guulayso geesi ayaad tahay waliba rag rag dhaley. Wastpuntland ku soo biir waxaad noqon hogaamiye wayn.

  5. TAKAR says:

    KHAATUMO STATE RUNTII WAA MAAMUL JIRA OO SOOMAALIYA OO DHAN LAGA YAQAANO REER FAROOLE WAXBA KAMA QAADI KARAAN.

  6. laasqoray boy says:

    boowe anigu midna la diidani ama west puntland la bax ama khaatumo waxaad jeceshahay laakiin suaal baan waydiinayaa khaatumo state dadka taageera walaalayaal bal iiga soo jawaaba waxaad sheegateen sool sanaag iyo cayn xagee baad goboladaa ka degtaan inksatoo sool aad degtaan idiinma diidani cayn gobol maaha oo 18 gobol ee somalia kama mid aha laakiin aan niraahno waaba gobol laakiin sanaag xagaad ka degtaan ? suaashaayda kale xagee baad ka dhaafaaysaan qodobka dastuuriga ah oo oranaya sidatan: maamul goboleed waxaa noqan kara laba gobo iyo wixii ka badan suaashaydu waxa weeyaan beesha khaatumo laba gobol ma haysataa ma degtaa ?please iiga soo jawaaba

  7. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    @Laas qoray boy, walaal, maxaa diidaya in qodobka dastuurka ee dhahaya maamul goboleed/qabiileed waxaa noqon kara laba gobol iyo ka badan in inta dood la galiya, lagu badalo “maamul goboleed/qabiileed waxaa noqon kara hal gobol iyo waxii ka badan, amaba maamul qabiileed waxaa noqon kara 5, amaba 6 gobol”. Yacni, aniga waxaan ahay dadka aaminsan in waxaan lasoo dhoo dhoobay, waa dastuurkee, loona baahnaa markii hore in la pass gareeyo marxalada markaas taagneed darteed, in hada lagu noqdo, lana darbeeyaa oo qashinka lagu daraa waxaan quraafaadka ah ee dabinka dadka Somaliyeed loo dhigayo ee loogu yeero Federal. Oo badalkiisa Somaliya eey ahaato dowlad Central ah, balse 18 gobol ee dalka uu gobol kasta governor amaba barasaab uu asaga soo doorto oo dad local ah ka yimaado, gobol kastana uu iskaga filan wax walbo oo shacabkiisa u baahan yihiin, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, amniga iyo waxii la mid ah.

    Ogaada, u maleeyn maayo dadkii bilaabay maamulada beelaha marnaba kama eeysan fakirin waxa eey u bilaabayaan dalka iyo dadka Somaliyeed oo jidkooda raaci doona waxa ka imaan doona, taasoo dhashay waxa aan hada la lagdameeyno. Balse, aan hubo in xal loo heli doona. Bas, waxaa la rabaa dadka Somaliyeed in eey si nabad, kalsooni ah u wada hadlaan, deegaan iyo gobol kasta, Dowlada Somaliyeed kaashadaan waxii eey wax kala qaban karto oo wanaag iyo isku keenida dadka Somaliyeed ah.

  8. CALI DHUUX ADAM says:

    inan gumeed baa tahay @lasqoray boy,, xanuun baa ku hayee khaatumo waaku ceerigaabo s/land ku karbaasha miyaadn ogayn inaadan ka hadli karin ceerigaabo meesha reer khaatumo ay qorigooda iyo awoodooda ku joogaan,,,,

  9. Wiil harti says:

    @ Cali Dhuux Adiga waxaan ku leeyahay lasqoray boy waxba ha xagxagan sanaag warsangali baa dega Somaliland an meel buu iska saaray oo waxaa cadaynaysa inaysan wax doorasho Somaliland ka dhicin sanadkaan Ina gumeedka aad tilmaantayna waa Adiga oo magaalooyinkaagii isaaq haysto naagahagii qurxoonaana ay ku raaxaystaan kula yaabi maayo oo qandhicilay baad ayeeyo ku ahayd oo firkaaga baa xun maskaxdiinuna reerka aad tahay am shaqayso oo waxaa ka dhashay xagla toosiye xaabsade iyo kuwa badan oo isaaq bariiska u doonta khaatumo waxa Lagu sheegana Cali khaliifkii asasayba wax u qabanwaa oo qurbo buu tuugsanayaa.
    Ugu danbayn qoriga iyo awooda aad shegtay kusoo xoree laasocanood oo boqol will oo habarjeclo ka haysto.

  10. Wiil harti says:

    @ Cali Dhuux Adiga waxaan ku leeyahay lasqoray boy waxba ha xagxagan sanaag warsangali baa dega Somaliland an meel buu iska saaray oo waxaa cadaynaysa inaysan wax doorasho Somaliland ka dhicin sanadkaan Ina gumeedka aad tilmaantayna waa Adiga oo magaalooyinkaagii isaaq haysto naagahagii qurxoonaana ay ku raaxaystaan kula yaabi maayo oo qandhicilay baad ayeeyo ku ahayd oo firkaaga baa xun maskaxdiinuna reerka aad tahay am shaqayso oo waxaa ka dhashay xagla toosiye xaabsade iyo kuwa badan oo isaaq bariiska u doonta khaatumo waxa Lagu sheegana Cali khaliifkii asasayba ka carar oo waa kaas dawarsanaya qurbaha.
    Maan gaan baharsame hadalkiis baad ku hadashay.

  11. Wiil harti says:

    @ cadaado waxba laga waydiin maayo dastuur iyo federal waxii laguu soo qoray meel mari hadji wax qashinka lagu darayo puntland iyo faroole baa wax laga waydiin. Teeda kale inaad hadasho waa xaaran waayo gurigaagii baa adoon haystaa xoolo aadan lahayna muqdisho baad ku haysataa waana ka xumahay inaad meesha kuqadeen gobol la,aan idin hayso kkkkk iska ciya awalba qawsaar ariga ii raaca baad ahayde.

  12. asad says:

    adeer hanbalya la idinka sugaya joojiya xaasidnimada iyo nacnacdaa haku akhiro seegina khaatumo state wa mamul buuxda 3 gobol ayayna dagaan cayn wa toogdheer waxayna ka degaan buhoodle widh widh horufadhi iyo deegmooyin kale sool boqolkiba boqol khaatumo degtaa sanaag ayaa ku so xiga waxan ka degnaa ceerigabo oo degmo ah fiqfuliye oo degmo ah awrboogays jidaali iyo degmooyin kale oo badan marka sidas ayay khaatumo maamul buuxda ku tahay waxa inta u dheer snm iyo ssdf khaatumo ka awood iyo dhulbadan waxa so raaca aqoonsi way haysata dowlad federlka waxa u fadhiya xildhiibano magaca khaatumo ku jooga waxa kalo leenahay taarikh magac awood dhul iyo shacab baa waxan waydinaya warsangali maxay leyihin bal no sheega maxa idin tuusay walaalki sicid harti iinkasto harti calankiisi gubtay madama lagu qarabato harti war waxba ma wadagno ilma reer xasiid darood nagama sookeysan xiin iyo xasarad ayaa halka idin dhigay kan harti wata adeer magac sheego ssdf la baxa waan ognahay waxa tahay cudur khaatuma ku haya asaagana ka reebaya xasidnimo u dhimo

  13. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    @Wiil harti, sida uu Asad kuu sheegay, magacaan beenta ah ee aad ku qaraabaneeysid iska dhig, dad aadan matali karin, oo aad qiyaantay ha’isku dayin in aad u hadasho. Mida kale, fulay yahayow, qaswade Faroole iyo waxii la mid ah oo waxmagarato aanan fahamsaneeyn maslaxada umada Somaliyeed waxba laga weeydiin maaryo nidaamka dowlad ee Somaliya lagu dhaqayo. Mida, kale, magac wiilna waa wadatee, waana faanee, ragana shaqadooda maahan in eey faanaan? Aniga hadii aan ari raacdo, keeygaan raacdaa, laakiin adigu iyo awoowayaasha shaqo ka duwan shaqadaas oo ka liidato ayaa la’idinku yaqaan taas oo ah, in aadaan shaqeeysan karin, oo wax aadaan shaqeeysan cuntaan, iyo in aad gumeeysiga dulaal iyo ruufiyaano u aheeydeen.

  14. CALI DHUUX ADAM says:

    tanks cadaado Boy@again wiil hanfi there is no more harti Bussiness,anigu waxaan idin sheegayaa Dadkan SSdf ku shaqaysato ee buuraha ku dhex jira saacadn Khaatumo waxba waydiin mayso, snm waxay ku soo duushay Buhoodle iyadoo ilaa ciise wadata,waxii ka dhacayna waad ogtahiin,maalin cad bay ka carartay,laascaanood waxaa jooga waa wiilal dhulbahnta ah oo jin s/land ku dhacay iyagana howshoodii dhamaatay next couble months waa lagu kala baxayaa,SSDF
    WAA SIMANTIHIINE WAXBA HARTI HAKU GABAN DO SOMETHING YOUR SELF…..

  15. KULMIS 1 says:

    Waxaan Aad iyo aad u taageerayaa Fekerka Nabadoonka,wuxuuna ka hadlay xaqiiqda dhabta ,waxaana Haboon in lagu tusaale qaato Nabadoonka .wuxuuna abaaray jirkii aan ku niqiin Nabadoon cadaaliya ee aan Ahaayn ku Kabaqaadka u ah,Hogaamiye kooxeedka Abdiraxmaan Faroole,qof walabana Taariikha ayaa qori wuxuu qabatay iyo wuxuu ku hadlaay,Faroole waa ninka Asaasay Burcad badeeda,waa ninkii Isagoo wasira Weeraray Baarlamaanka,Waa ninkii bixiyey Beenland,Waa ninkii Caasimadda Ummadda ka sheegtay,waa ninka u Futaxaayta qofkii hadalaba, Isagoo Mas’uula Helinakara qofka xigsada,Faroole Aabihiis isagoo rati dhaana wata Ayuu damcaay inuu la soo baxo Taqsiinstii ugu Danbaay-saay oo ugu xira Go dacalkiis,markuu furaay daqsiintii Ayaa ratigii hogaankuu dhuftay isagoo gees eegaya,halkaas Ayaay Odaaygii Taqsiintii ugu danbaaysay kaga daadatay,wuxuu la soo baxay tooray wuxuuna qaawracay ratigii hayinka ahaa ee biyaha u siday,Tubaakaduu ka daad-shay Awgeed,Wuxuu ka qaatay dhoowr kiilo oo Hiliba Reerkii oo ooman ayuu u tegay una sheegay waxa ku dhacaay”Faroole Habeenkaas ayuu ku calool galay Ratigaas Hilibkiisa,oo Odaygaas ayaa dhalay marka yaan lala yaabin”waxaana inoo balana inaan kala dagaalano dhinaca Siyaasadda Debedda .

  16. laasqoray boy says:

    kkkkkkkkkkkkkk ilaahoow dhuloos u sahal drr waxba islama hayaan sheekadii khaatumo xagee ku danbaysay ? cali khaliif ma saaasaa u danbaysay inuu tvyda ka caaytamo kkkkkkkkkk daraawiishtii aad beenta ka sheegi jirteen adeer darwiish ma jiree meesha iskaga carara awalba askartii ina cabdulle xasan baad ahaaydeene warsangeli ilaahay wadan buu siiyay wadankiisana waa u xor somaliland iyo puntland toona dhibaato kuma haayso labadaba nabad baanu kula noolahay hadana deked baa noo soo socota markaa dee odayga cali khaliif dekeda hadhoow haka soo dego visahana hore haawsoo goosto ileen waaa debed meere kkkkkkkkkkkkk

  17. cali dhuux aadam ninka isku sheegayaa adeer hadal kuuma bannaana ee iska aamus haddaad nin ragga ah tahay hadal kuuma furna wlhi haddan runta kuu sheegana WERSENGALI ma gaartid adeer ilaahaybaa ballarshay boqortoooyo ka dhigay , dhul barwaaqaa dajiyay , nasab ka dhigay, qaddiyad iyo sharaf siiyay oo waa taas dhulkoodii waa nabad cidna ma haysato sida kaagii oo ikalena maalinba tuulo NIIC jaad ah ma siisan adeer@ ina gumeedka runtaa oo caada qaatahaa waa adiga oo dhuuni qaate dullaal dhulkiisa ka ah daba dhilifna ah @ daraawiishtaad ku faanaysana adeer tuugo dadka xoolaha ka dhacda ayay ahayd iska aamus adeer U R MORTAL FOOL wlhi.

  18. 2 cadaado adiga adeer adoo qaawan baan ku haysan jiray oo aan dharka xataa aqoon maalintiina cawda ayaad noo soo gfuri jirtay habaynkina waad niikin jirtay adeer maaxaad ka hadli………..

  19. Khaatumawi says:

    @laasqoray boy
    Adigu horta jawaab ma mudnid oo waxaad tahay cidii Siyaad Barre yidhi waa 31da bisha kowdaas hadii ay bishu 30 ku dhamaato iyo hadii ay 31 ku dhamaato farqi majiro kkk

    @harti boy
    Boowe Khaatumo dhaqaaqday waana qaran jiree haku karaamo seegin. Laascaanood iyo arrimaha gobolada SSC pintiland waa hore talo wey ugu furneyd weyna ku fashilantay markii iminka maamul baa loo sameeyay xaliya dhamaan wixii pintiland ka kharibtay goboladan mudadii yareyd ee ay ka mid ahaayeen ex Puntland.
    Iminka taadaaba ku cusleysaye bal horta taada soo hagaajiso magacan hartina wax jira oo iminka shaqeeya maaha idinkaana ku xaaraye iska dhigoo qabiilkaaga aamin oo wiil dhabayaco soo qaado boowe pintiland iyo bariid caano leh laga reysay

    Viva Khaatumo State of Somalia

  20. Wiil harti says:

    Walle waa yaab @ Cali dhuux harti illahay baa iga dhaliyey sidaada cuqdad Kama qabo nin awoowgiis ka caraya baa tahay oo Duli ah tan labaad cuqdada aad sheegtay adiga baa qaba oo waxa kugu wacan niyada baad faqri iyo gaajo ka qabtaan CID aduunka idinla heshiin kartaa am jirto waayo hunguri waxaan ahayn ma fahantaan oo dhulbahate waa tuke tukena meeshii hilib Lagu sheego buu taaganyahay waxaa cadayn u ah puntland 50% baa Lagaa siiyay madaxwayne ku xigeen shan wasaaradood iyo shantoodii wasiiR 17 xildhibaan iyo wax walba oo agab ah, sidee la idin yeelaa intaasba haddii aysan idinku filayn oo waxba idin deeqayn? Adeer warsangali oo intaas aad heshay xaq u lahaa way ku samreen anakuna waxaan niri tolow yaysan oran nimankii isku bahda ahaa kaligood baa isku tashaday ee aan wax walba la garab istaagno warsangali kaa taya badan kaa dhulweyn kaa hanti badan oo bad iyo Beriba xoola ku haysta baan waxaan ku niri tolow adinku waad ladantahiine oo dhulbarwaaqo ah baad degantahiine dhulbahantahaan gaajadda ah inaga daaya. Hasayeshe abaalkiinu maxuu noqday cay aflagaado cuqdad waayaabe maxaa la idinka dheefayaa xitaa canshuur ma bixin kartaa oo dhul hawd ah baad ku nooshihiin . Dana qalooc baa tahiin inaad wax qaniinaysaan oo sun la wareegaysaan ma ahane wax kale ma haysaan.

  21. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin
    @Gamadeed Mudug, the real fool here is you, douce bag, cause you are claiming what your traitor ancestors told you that they were noble men, and kings. Waxaasi waa quraafaad aad guryihiina ku sheekeeysataan, ee yaan lagaa maqlin wax been ah oo aan cadeeyn laheeyn. Cawda hadii aan guranana, hade waa shaqo iyo wax soo saar, aan anagana sameeysano amaba waxii naga gadanaa aan u geeyno. Mida niikada ah, waxaan u maleeynayaa in aad ka wado in aan naagahiina idinkugu niikin jirnay maadaama aadnaan adinka u tagi karin, oo aad ragiina waxba isku heeyn, kkkk :)

  22. laasqoray boy says:

    wiil harti dhulbahante ka samir puntland waa in dib loo asaasaa hadaay ka baxeena majeerteen,warsangeli ,dishiishe ,carab saalax, aawrtable iyo qaarkaloo badan baa dhisanaya markaa sxb ninkan hadalkiisa ka bax khaatumona waa meel afar nin oo afmiishaariini aay jago ku radsadaan hadaay bari hargaysa jago ka helaan waxaa khaatumo waa laga gudbayaa sidii looga gudbay wixii loogu yeedhi jiray ssc miyaad maqashay kkkkk? keyse cabdi yuusuf waa wasiir somaliland ah kkk meyey xaartoosiye ama xaglatoosiye? markaa boowe wiil hartiyoow haysku daalin dhuloos

  23. gaasira says:

    laasqorayboy
    oo boowe adigu p/land maxaad ku haysataa sanaag bari snm baa say doonto ka yeesha shimbiraale ayaa saldhig ciidan u ah snm p/land sideedii waata ka soo carartay markay snm tidhi doorashaan ka samaysanayaa sanaag bari war adiga hadal kuuma furna dhuxushaad kubto ku foorar uun

    @wiil harti iyo gamadiid mudug idinku cadaado lamaba hadli kartaan waayo dee hobyo iyo xarar dheere oo adeerkiin oo mahrab iyo budhcad badeed ahi ku dhuuman jiray ayaa laydinka nadiifiyey oo cadaado tolkii ilaa baraxlay oo gaalkacyo ah buu ku riixay markaa indhaha hoos u dhig oo foorarso xilo sakhiran waaxid hadii kale reerka cadaado ka soo jeedaa maalin bay gaalkacyo idinkala wareegayaan reer faan iyo cantarabaqash baad tihiin viva reer cadaado iyo inta soomaaliya jecel

  24. Waxaan la yabaay caruurtan yaryar ee qoyaaliga ku nool bal ila fiiriya midkan yar ee wiil harti. Adeer hawiye daarood ka dhul wayn kana badan ee qaabka qaloocan eed wax ku doonayso ee aad wakiilka uga tahay amxaaradda iyo firkaaagii hore ee ku salaysan kala qoqobka somalia iyo inaysan dawlad xoog leh noqqon ayaaa la didanyahay ee cidi kama dhul iyo tala xuma yara.hadii sida aaad wax u rabto loo dhigo soo ma yeeli karno. Hiiran galgaduud iyo mudug maamul loo sameeyo. 2shabeele iyo banaadir mid loo sameyo, jubada hose iyo tan dhaxena marka la fiiriyo deeganka baraan iyo dadka anaa ugu badane soo ugu yraan 50% ma helayo.bal ordoo awoowayaashiin la sheekeessta adinku dhul ma kala taqaanane kadibna soo noqda. Soo bakoool barigiia anigu ma dago. Waxaas anigoo arka ayaanan ogolayn in ku yeelo sida aad rabto. Waxyabaha aan ku qoslo waxaa kamid ah markiii siyasada somalia banaanka laga dhigay ee wax talo ah lagaaga diiday in xitaa caruurtiinii seexan waysantahay. Bal ila fiiririya waxa faroole sameeyay ee ah in isagoo boosaaso jooga yiri xasan shiiq dastuurka yuusan wax ka badalin. Wax waa laga badalayaa barlamanka ayaana xaq u leh ee cidii dhib ku qabta hada lobby haka bilaabato barlamanka dhexdiisa.

Leave a Reply