Prof Cali Khaliif Galeydh: Soomaaliland waxa ay lamid tahay Ximan & Xeeb iyo Puntland [Dhageyso]
Minneapolis (RBC News) Mar kale kulan si aad u qiimo weyn uu usoo agaasimay u dhaqdhaqaaqaha arimaha bulshada ee jaaliyada Soomaalida ee Minnesota Mudane Sadik Warfa ayaa waxey jaaliyada Soomaalida suaalo ku weydiiyeen Prof Cali Khaliif Galeydh iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar. [Sawirada Kulanka Halkaan ka Daawo]
Sida u dhaqdhaqaaqaha arimaha bulshada ee jaaliyada Soomaalida ee Minnesota Mudane Sadik Warfa uu ka sheegay furitaanka kulankan in ujeedada isu imaatinka ay tahay in umada Soomaaliyeed ay kawada hadlaan danahooda taasina ay kamid tahay sidii ay u adkeyn lahaayeen midnimadooda kana wada shaqeyn lahaayeen waxa kawada dhaxeeya.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

u dhaqdhaqaaqaha arimaha bulshada ee jaaliyada Soomaalida ee Minnesota Mudane Sadik Warfa ayaa kulanka soo qabanqaabiyey
Mudane Sadik Warfaa ayaa kusoo koobay mowduuca qodobada looga wada hadlayo kulankaan 3 qodob oo kala ahaa
1- Midnimo
2-Dowlad-Dhis
3-Hogaan
Xiligii suaalaha iyo jawaabaha lasoo gaaray ayaa waxaa labada borofeysar lawada weydiiyey Suaal aheyd.
Waxaad sheegteen dowlada in ay masuul tahay xiriirka caalamiga ah ….laakiin suaashaan waxa ay la xiriirtaa marka aad tiri [Prof Axmad I Samatar] Somaliland maxaa loogu xusi waayey heshiiska caalamiga ah markuu madaxweynuhu yimid Washington arintaas maka horjeedin kartaa Baarlamaanka hortiisa markii dowladu heshiis galayso in la xuso maamulada Gobolada anoo u khaasyeelaya Soomaaliland?
Prof Cali Khaliif Galeydh oo ka jawabaya suaashaan ayuu waxa u uga jawaabay.
“… Aniga iyo Samatar waanu ku kala duwan nahay…..Anigu ma qabo in Somaliland iyo maamulka hada jooga door ku leeyihay arimaha dibada dowlada Soomaaliyeed ma qabo malaha”
Prof Galeydh isaga aad loogu sacabtumayo oo hadalkiisii sii wata ayuu yiri
“kama duwana maamuladaa kale sida Ximan iyo Xeeb, Puntland……arimaha dibada dowladaa leh”
Prof Cali Khaliif Galeydh oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu ka hadlay sida uu u arko joojinta siyaasadii dowlada mareykanka ee ay kula macaamiili jirtay dalka soomaaliya ee lagu magacaabi jirey Dual Track Policy ayaa waxa uu kulanka ka sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Dual Track ka ay dowlada mareykanka ka tanaasushay waxa uuna yiri.
“……I am Glad [waan ku faraxsan nahay] in ay ka baxeen “
“Arintaan Soomaaliland ilaa ay Soomaaliland madaxdeeda iyo waxgaradkeedu qadiyadeedu siweyn ay isku badasho wax alaale aan isku sheegi karnaa ma ay jidho waxaan isku nahay ma ay jidho anagu kama aan samrin haduu isbedel ku dhaco insha alaan anaga adareeskeenu waa la yaqaanaa iyo meesha nalaga soo raadiyo”.
ayuu yiri Prof Cali Khaliif Galeydh
Kulankaan ayaa qeybtiisi 1aad la qabtay bishii diseembay ee sanadkii tagay ee 2012ka.
HALKAAN KA DHAGEYSO PROF GALEYDH

















Cali Khaliif waa runtiis oo arimaha dibada waxaa leh dowlada dhexe ee somaliya laakiin cali khaliif laftigiisa ayaa wax ka dhisay maamulka somaliland marka cali khaliif nin la’aamini karo maaha sababto jira awgeed.1 cali khaliif wuxuu hanti ka dhacay dowladii milatariga( dabcan lacagtaas waxaa lahaa umada somaliyeed welina cid la xisaabtantay ma jirto) 2: Cali khaliif wuxuu wax aas aasay gooni isku taagii somaliland ku dhawaaqday oo iyada laftigeeda ah qaran dumis (cid ilaa hada kala xisaabtantay ma jirto) 3:cali khaliif wuxuu abuuray khatumo (hadana 3 madaxweyne ayuu u sameeyey oo aan awood is dhaamin oo micnahedu yahay is dhax yaac cid tiri waxaan horumar lagu gai mayo ee aan ka joogno ma jirto) 4 Cali khaliif wuxuu idaacadaha la soo joogsaday dadka Jubooyinka aayahooda madaxweynuhu ha u dayo( hadane cali khaliif oo khaatumo ku dhisay beesheyda dagto wuxuu iloobay in beesha Madaxweyne Xasna shiikh dagto jubooyinka xaqna uu u leeyahay inuu cadaalad dadka wada dago jubooyinka wax ugu qeybiyo) marka cali khaliif waa siyaasi isagoo da’ah ku fashilmay tilaabo kasto uu qaaday anugu waxaan oran lahaa cali khaliifoow ogoow waxaad khatumo ku dhistay oo beesha ah in somali oo dhan kula wadaagto uuna dhamaday waqtigii caqli caqliga lana marayo ruuxa intuusan hadlin in lasii ogaado wuxuu ku hadli doono.
sadaqo iyo sxb waxaasi waa diin eesiyaasad maahan, ninknai siyaasad buu ka hadlayay waxuuna ku doodayaa in dadkiisii aysoomaliland tangi jiirsiiyeen, marka dhinac gaar ah maahan arinka in aad ka eegtaa
Asc
sax sidaaas ayaa loo hadlaa ama waa la iska aamusaaaaa somaliland waxeey la mid tahay ximin iyo xeeb
kkkkkkkkkkkkkkk SNM warka waa ku xunyahey beentii xasan ayaa u rumeeyey marka ama raaca Muqdishow ama qori qaata sida jabhadii aad aheedeen SNM
Pro Ali Khaliif thanks sida aad midnimadda u jeceshahay laakin Reer Tolkaana ku dar midaynta oo ayagana midee ayaan ku leeyahay…. (cajiib Puntland sida aad ugu dhawaaqday xitaa madaxda ka talisa sidaas ma ugu dhawaaqaan oo waxay dhahaan pudland …..waad ku mahadsantahay sida aad ugu dhawaqday,,,loooooool.
Ximin iyo xeeb waa dad Somaliyeed oo walaalaha dhabta ah ee Somaliland waana u sharaf dadka reer Somaliland in lagu masaalo reer ximin iyo xeeb. Balse aan idiin sheego waxa ay labadu ku kala duwan yihiin: Somaliland waxay la soo noqotay xornimadeedii ay ku darsatay Somalia, Ximin iyo xeebna waxay ka tirsan tahay Somalia waligeedna ka tirsanaan jirtay.
To somali sxb magaca iska so dhig haddi ad midnimo aminsantahay cali khalif waa tageri lahayd magacad wasakhaysay mida kale cali khalif wa adiga leeh waxbu dhacay ka waran adeeerka faroole iyo 3 beelood ee puntland dhaqaaleheeda ku naaxay waan ognahay cida tahay waan ognahay cuqdada ku haysa magaca somaliya wad wasakhaysay so qaado ssdf cali khalif wuxu qaba inadeerta marka dee ka xishood waa seedigaaye
Kkkkkkk cali khaliif markaan kabo waa weyn ayuu gashtay lkn wali laguma danbaabi karo insha allah Soomaliya oo idil allaha isku keena
ASC, dhamaantiin,
@Barwaaqo, walaal, waa runtaa farqiga aad sheegtay oo dadka Ximan & Xeeb waligood Somaliya ayeey ka mid ahaayeen, kana mid ahaan doonaan. Somaliland na waa runtaa oo gumeeystahii na kala gumeeystay ayaa xoriyada gooni u siiyay Afar maalin ka hor Italian Somaliland, waana runtaa oo waan midownay labada Somalia adinkoo sharafteeda lahaa in aad garataan in eey midnimada wax aad u fiican tahay, oo noo wada dan ah. Marka, walaalayaal, hadana saas u fahma, wax midnimo iyo walaaltinimo Somalinimo lagu gaari waayay, tafaraaruq iyo is bar bar yaac laguma gaarayo.
Laakiin, Professor Cali Khalif waxuu asagana ku saxan yahay “in uu taageersan yahay in dual track” waxa la yiraahod la joojiyo iyo in Dowlada dhexe ee Somalia eey tahay in ayada lagu ixtiraamo siyaasada dibabada, diffaca, lacagta, kheyraadka qeeybintiisa iyo waxyaabahii kale ee la’isku af fahmi kara. Ma ahan in maamul beeleedyada oo hadii aan Ilaaheey ka baqeeyna eey xaqiiqda tahay in eey Somaliland u hooyo iyo aabo tahay maamul beleedyada ilaa hada sameeysay maadaama eey ayada bilowday in la furo sanduuqa amaba “pandora box” oo ilaa hada eey kasoo baxeen balaayo iyo maamul qabiileedyo tiro badan. Armeey fiican tahay in aan u wada istaagno in aan santuuqaas xun aan si dag dag ah ku xiro, inta aanaan kuwada halaagsamin.
Waxaan kaloo rabaa in aanan ka tagin, dagaalada ka socda Xudun, Kashlaale, Laas Caanood, iyo Buuhoodle waa wax aan indhaha laga qarsan karin. Waana arrin maamulka Somaliland, amaba beesha Isaaq oo kaashanaeeysa dhowr reer oo kale eey ku heeyso beesha dhulbahante, oo ayada hada sameeysatay maamulka Khaatumo. Marka Point waxa waaye in la joojiyaa colaadaas foosha xun, oo eey joojiyaan reer Hargeeysa maadaamba ayaga eey yihiin dadka weerarka iyo hujuunka wado. Wax ayaga, iyo dadka walaalahood/walaalaheen ee dariska la ah u dan ah maahan. Wax sii socon kara, amaba sii socoshadeeda lasii fiirsan karana maahan. Dadka reer amaba beel ma qasbi karto beel kale, Dowladna iskagama dhigi karto. Dadka Somaliyeed oo dhan oo eey ku jirto Dowlada dhexana waa u ceeb iyo guuld daro in waxaas la sii fiirsado.
Thank you all.
Noloow Cali Khaliif Galeydh
Cali khalif waa ninkii somaliland wax kä saxeexayhaduu xamar Iyo hargaysaba wax kä waayay wax laga dhagaysanayaMa jiro
kkkkkk oo cali khaliif yuu matalaa anigu waxaan ka codsan lahaa adeer iskaga bax siyaasada oo jaamacadda aad america ka dhigtid iska dhig anagu waxaad jaamacadaha dadka ku bartid ma naqaan nin kaagan sidaa u hadlaya mida kale khaatumo durbaankeedii aad tumaysay xagee ku danbeeyey?
noolow galaydh
labadan oday waa kuwa asaasaqay
labadan oday waa kuwa asaasaqay.
Dr ali hadalkii uu asiga samatr ay siidaayeen
Ummada somaliyeed waxbadan ayey ka fahamtey
Oo ah cadyahaw ku calfaday ama ku ciideeyey
Amaba la dhihi karo inuu rabey madaxdeena
Is dirira. Uusan marnaba arkin danta shacabka
Laakiin waa kaligii taliye xukun jecel
Hadii uu ku heli karo inuu khaatumo madax
Intuu u noqdo Ethopia hoosgeeyo filo hab
Dhaqankiisa
S/C
Akhyaarta .waxaan saxayaa ninka labaxay ASAD oo difaacaya PROFESSOR ALI KHALIF walaal Asad. somalidu waxay tirahdaa wallee habata odaga lasaar,
Ninka labaxay SOMALI oo ALI khalif waxka sheegay maahan nin reer puntland faroole somali bay isugu yimaadaan ,sifiicana qoraalka u Akhri oo yaysan kaa xoogbadan xumada ku haysa,
waxaan kuu sheegayaa XIDIDKA IYO RIXIMKA labadaba waan qadarinaa, waxaadse hilmaamtay in aan isu nahay wax kawayn xiditinimo .Pr.Ali khalif and i ‘ll tell you (HARTI) Gabaygii Ali dhuux waxaa ku jiray ( harti nimaan aqoon ba ku oran hadalka qaarkiise)
Walaal. khaatumo.puntland somali oo dhan waa dad wada dhashay.Adigana bahashii qabyaalad la orajiray baa kugu fogaaatay,
Brother you have a high fefer and you have to take medicatiosns before you get a seizure,
May allah give you a good health,
Regards
Lamayaqaan luqunmadow
somali
ma u malaynaysaa hadii cali khaiif wax ka saxeexay kala goynta dalka in maanta heshiiskaasi qarsoonaan lahaa nidaamka hargaysa beri hore ayuu UN ta geyn lahaa bil caks waxaa la hayaa heshiiskii uu siilaanyo saxeexay ee snm iyo usc ay ku galeen powerka siday u qaybsan lahaayeen
aniga aabahay wuxuu ku jiray dadkii wafdiga reer khaatumo ku jiray ee burco tegay 1991 xeshiiska meeshaas lagu gaadhayna wuxuu ahaa in reeraha waqooyi degaa nabad ku wada noolaadaan markii wafdigii uu garaad c/qani uu hogaaminay uu ka soo tegay shirkaasna isla maalintii ayaa jabhadoo snm on a gun point ay gudabiirsaygii shirka joogay ku khasabtay inay kula dhawaaqaan goaankii goosashada dhacdadaasi iyadoo clip ah bay you tube ku jirtaa
tan aad cali khaliif xatooyo xoolo dadwaynuu sameeyey aad ku dacwoonayso bal adigu ii soo tiri inta sarkaal ee dawladii soomaaliya xatooyo xoolo dad wayne aan ka samayn marka dadkii wadanka dhacay ilaa iyo2012 kan dhawaa lala xisaabtamo ayaa cali khaliif lala xisaabtamayaa
tan aad tidhi isagaa asaasay khaatumo oo wlaalo khaatumo ma crime baa in la asaasay saw ma aha rabitaanka shacabka ssc inay iyagu isu tashadaan ma taas ayaad ka soo horjeedaa sadexda madaxwayne eed maagtayse mid baan kaa idhi swiserland oo ah dawlad dhexdhexaad ah waxay leedahay sadex madaxwayne iyaadaana khaatumo stylkaa ka qaadatay waa maamul meerto ah oo si cadaalad leh u dhaqma taad leedahay khaatumo maxay samaysay khaatumo waa ta u dagaalamaysa soo celinta degaanada khaatumo ee p/land uga tanaasushay dano gaar ah awgood
@cadaado
qof hadalkiisa soomalinimo iyo cadaalad ay ka muuqataad u egtahay waadna ku mahadsan tahay inaad ka hadashay dagaalada gardaraga ah iyo duulaanka uu nidaamka somaliland ku hayo degaanada khaatumo taas oo aan qof soomali ihi aqbali karin
kkkk @ lama yaqaan luqunmadow kkkkkk xumad ku heysaa lee iga dheh kkk walal adiga waxaaba tahay shacir ama gabyaa
marka dadkaan dhulbahante dhuuni qaad ayaa haayo lkin fil akhiiraan dhulkey wada galayan reer dhuuni qaad,
NOOLOW CALI KHALEY RUNTII BAAD KA HADASHEY, RUNTANA DACARTA WEYKA QARAR TAHAY, LAKIIN WHO CARE BOOKTA BUKTA IYO RUUXEY DANQINEYSO. ANIGU WAXAAN LEYAHAY BOOKA BUGTOY MUUTU CUDURKADA IYO CARADAADA. CALI KHALIFNA NOOLOW, NOOLOW, WADA UDHALATEY GARAANKA DHEER IYO ARAGTIDA FOG. NACABKA HAJABO ADIGOO KALE SOMALI KAMA MARANTE. REMBER ANIGA WALI KUGU REER MA’AHI LAKIIN AAD BAAN KU JECLAHEY INAAN DHAGEYSTO HADALKAAGA OO SOMETIMES MAAHMAHYADA QOSOLKA LEH OO SHEEGTID. THAT WHAT I LIKE CALI KHALIF. IAM BIG FUN OF YOU. NOOLOW.
cali khaliif wuxuu ku tilmaaman yahay waa layaqaan,waana ammaano xumi ujeeda xumi qabyaalad, waxuu soo noqday Ra,iisul wazaare soomaaliyeed wuxuuna kufashilmay waxkasta talada uu siinayo DR . Saacid iyo pfr, Xasan sh.maxamuud muxuu waqtigiisi u isticmaali waayay,mahagaranayay mase ka dib ayaa caqli u kordhay waxaaan ku tilaami karnaa un (hunguriland).
wuxuu TVga somalichanel kasheegay inuu Maxwayne Xasan shiikh maxamuud yiri hiiraan maamul hadhisato kismaayo anaa u dhisayee waana been an sal iyo raadlahayn ,inuu assagoo dawladda ka ah xildhibaan sheegtana inuu waxbartay jago sarana sooqabtay warsuu-qeed la shir yimaado maxaytahay sharafdarada ka badani. dufkubax iimaanlaawe.
Nin meel uu siyaasada uu ka soo fuulo oo musuqmaasuq iyo isku dirka iyo beentuu ilaahay xaaraantimeeyay ku caan baxay ayuu noqday cali khaliif.
waxa aad is waydiisaa waxa uu u rabo in uu xaq qariyo laakiin uu had iyo jeer ka hadlo wax been ah oo muran galinkara runta iyo xalaasha.
Ma rabo in somali nabad ay noqoto oo ay dal sharci noqoto waayo wuu ogyahay in uu yahay ragii boobka iyo dhaca dadka somaliyeed uu ka sameeyay.
Arki maysid ninkaa oo wax wanaaga ka sheegaya Puntland,Somaliland,Iyo dawlada Muqdisho markasta waa aniga ayaa saxa qofkastaa waa khaldanyahay baa afkiisa ka soo baxda.
Dadka somaliyeed waxa ay garan kari la yihiin in dadka dadda cali khaliif oo kala ahi ay halis u yihiin cudurada dadda oo sii waynaataa ay keento ay ka midahay assaasaqu jirada madaxa,iyo magac doonku
markaa kuwii caruurta somalida halkaa dhigay in ay wali docda ka yeedhaan loo sacabo tuma maaha.
cali khaliif iyo cilmigiisa taagan 40 sano ka hor macno wayn kuma fadhiyo waayo waxaan ku jirnaa qarnigii
21 aad.
Ali khaliif Wax dhac ayuun buu khatumo seeg u sameystay dawlad aanu dhacin. May jerto. Waa mid cuna laga soo baxay waana ku qoslaa markad waanisan qudhunka afka xun waadna arki doontaan isagoo. Hargaysa jooga
@ barwaaqo
Inaabti aamus way ku qaboobeysaye!!!!
THE POINT IS SOMALIA IS ONE COUNTRY, ONE RELIGION EXCEPT OR NOT KOR IYO HOOS SOMALILAND WAX AY DOOWLAD NOQONEYSO MAJIRTO WAA HAL QABIIL QABIILNA QARAN MANOQON KARO. REERKAN JIRANOW CARADIINA UD DHINTA.
prof,galayr nina kama hamrado c/qasaaro ama c/qaasin yaa wax kagaranaaya maah,maahihi badnaa uukuyiri ee ay kamid ahay dameer dabadiis nin kadagay dan,buu,mooday libaax libaax dhalay weeye ilaahow fahan sii tolkay nin,kooda fiican baa lagu saliday bal doqon wax haku tarto
@ Galmudug
Adigu mooriyaan Ayaad tahay isbaaradii way dhamaatay Iyo Adeerka Caydid !!
Prof Galeydh waa halyey aan runta ka leex leexan sidey tahayna u sheega.
Ximan iyo Xeeb raali haka ahaadaan in dad Soomaalidiid ah lagu misaalay laakiin Prof Galeydh xumaan kama wadin ee wuxuu lahaa dalka Somalia waa MID
SNM mashruucii land landta ee ay wadeen 2013 ayuu ka fashilmay markii mareykanku aqoonsaday dowlad Soomaaliyeed markii ugu horeysay 21 sano kadib.
Somalia Hanoolaato
Darwiish
Inabti, xageena aflagaadada dumarku waa ceeb lakiin siyaasadu way furantahay ilaa saban coodhcoodhkii (sabankaana inaga un baa isla naqaan) bay inaga dhaxaysay.
prof galaydh 2014 baanu iswaraysanaynaa sababtoo ah waa marka durbaanka khaatumo uu soo idlaan doono oo dhamaan doono markaasaan arkayaa waxa uu sameeyo waa nin xaqiiqda ka fog oo reerkiisa god siyaasadeed ku riday
Ani galeyr waligay ma aaminen wax la aaminana maahan lkn arinka soomaliland waa sax
maxay ku kala duwanyihiin hargeisa iyo muqdisho, why aan laysku barbar dhigi karin ximan iyo xeeb iyo somaliland.waa su aalo u baahan in la discuss gareeyo, oo laga hadlo, laakiinse simply waxaad eegtaa kolkii ay burburtay dawladii kacaanku sida ay muqdisho ahayd (horumar, qurux,dhismayayaal dhaadheer iyo waxbarasho , aqoon) iyo sida ay maanta tahay, iyo sida hargeisa ahayn xiligaasi (burbur, barakac, rafaad, )iyo xaalada maanta ka jirt, sida nabadgalyo, barwaqo, horumar , waxbarasho, meel ay noloshu caadi kusoo noqotay.caqliga ay reerkoonfureedku muqdisho ku burburiyeen iyo kan ay somaliland ku dhisantay maaha mid lays barbardhigi karo.maamulka aan dhaafsiisnayn tuualda yr ee cadaado,in halka gaajada ugu soo badbaadan kolka ad shiidaan waa qalad in lays barbardhigo.
laasqoray
adiga reerkaagii mee ma dhuxul gubid bay weli ku fooraraan
Xafidulaah Cali Khaliif Galaydh waa sax . SSDF iyo SNM wuu ka nax saday