Puntland ma ka badbaadi kartaa duufanka siyaasadeed ee kacsan? W/Q Said Adam


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Puntland ma ka badbaadi kartaa duufanka siyaasadeed ee kacsan?
Said Adam
Said.adams@gmail.com
Janaayo 04 2012

Said Adam

Waxaan aamisanahay in bulsha weynta Puntland in ay aqoontii iyo kartideedii leeyihin in ay badbaadiyaan wadajirkooda.Ma aha markii igu horeysey ee khilaaf siyaadeed oo noocan ahi uu ka dhex aloosmo Madaxweynaha iyo xubnaha la loolamaya, waxaanse rajeynayaa inuu noqdo kii ugu danbeyeey, haddii la helo dad ka mideysan aragti siyaasadeed oo xambaarsan siyaasad qoto dheer, si wax looga barto khaladaadkii hore.Waxaan wada og nahay inuu jiro Dastuur maamulka Puntland oo sameysan, kaas oo aad moodo in dadka badankoodu aanay ka dheregsaneyn. Sababta oo ah , haddii la isla fahmsan yahay dastuurka , khilaafku ma gaareen meesha uu gaaray. Waxaa inta badan garab ordi jirey dastuurka xeer beegti hoose oo muddoyino kale duwan lagu soo badbaadey oo ay hogaaminayeen madax dhaqameedka degaankaas, kuwaas oo gaaray guulo la taaban karo . Waxa taas soo raaci lahaa , oo aad muhiim u ah , haday ay jirto Maxkamad sare. Taaso oo kale saari laheyd khilaafka kooxaha ku muransan siyaasada.

Kaaliintii madax dhaqameedka , waxaad moodaa in awoodoodii la wiiqay si kaste ha ahaatee, lakkin waxaan la fududeysan karin , doorka ay ka ciyaari karaan marka marxaladaha noocaan oo kale ay aloosan yihiin. Su`aasha meesha talaa waxay tahay, kalsoonidii shacabka iyo garabyada siyaasadeed ee hardamaya sidee u mideyn karaan maxaanse la gudboon.

Waxaan lama huraan ah, in aan meesha laga saarin in beelaha deegaanada degaa, aanay iska hor imaad dhexdooda ahi dhicin, si loo ilaaliyee in mumaalka dadka ku dhex noolaa uusan meesha uga bixin. Sidee xubnaha mucraadka ku arkayaan hayadaha dowliga ah sideeda janaayo ka dib.Waxaa sidoo kale muhuum ah, in la mideeyo garabyada siyaasadeed ee degaanka ka jiro,haddii ay suurgal tahay, si ay u fududaato hardanka loolan ee meesha jiraa.

Maamulka hada jira ee hogaamiye u yahay Madaxweyne Abdiraxmaan Faroole , diyaar ma u yihiin , in ay wada xaajood siyaasadeed galaan.Si loo soo dhaweeyo in wadahadal maamulka iyo mucaardka ah inuu bilowdo. Waxaad moodaa fursadaasi in aanay muuqaan, waa maxay waxa hortaagan, ma waxa jira qorshe qarsoon oo aan la goyn.

Madaxweyne Cadbirahman Faroole, wuxuu dagaal la galay Madaxweynayaashii isaga ka horeeyey, isagoo diidan wakhti lagu darsadaa ay xaaran tahay, maxaa hadda xalaalayeey.

Waxaan qabaa in uu meesha ka baxay iskaashigii madax dhaqameedka iyo bulshada rayidka ah, mudadii ugu danbeesey, sababta oo ah codkoodu waxaad moodaa inuu xabeeb ku xirtay oo aan meel fog laga maqli karin sidii caadadu hayed. Badbaadada deegaanku waxaad moodaa in ay iyaga gacantooda soo gashay, waa fursad qaali ah oo loo baahan yahay in ay masuuliyadoodii qaadaan.

Haddii dib ubaabulka hadda jira ee qeybo ka mid ah madax dhaqameedku ay ku guuleystaan, in ay kulan deg deg yeeshaan , maamulka jiraana u debecsanado kulanka ururada bulshadu rayidka, waxaa soo dhawaan kara xalku. Waana suuragal taasi, inkastoo aragti kala duwan laga yeelan karo. Waxaase fura u noqon kara in aan shuruuduhu madasha wadahadalka ka baxaan. Haddii la rabo in helo xal waara.Loona gudbo nidaamkii khilaafka noocan ah lagu soo afjari lahaa, taas oo furuheedu yahay, in la dhiso Maxkamad sare oo dhexdhexaad ah , u adeegta garooska cadaalad huwan. Xaalada Puntland ayaa u eg, hashii sadkeedu go`day ee looga cabsady in ay fool baxsato, haddii aan gaar adag laga qaban.

Waxaa bulshada Somaliyeed ee Puntland ka mid tahay in inteeda kale haboon in la barto labo erey oo muhiim in la hirgeliyo hadii la rabo in maamul ama maamulo loo furo wadahadal , kuwaas oo ah waxa afkaqalaad lagu yiraahdo Compromise and sacrifice.

====================================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH GABAY, MAANSO MAQAAL, SHEEKOOYIN GAA-GAABAN AMA WAXKALEBA U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

11 Responses for “Puntland ma ka badbaadi kartaa duufanka siyaasadeed ee kacsan? W/Q Said Adam”

  1. Eyl, puntland, Somalia says:

    Raxanreeb : saxitaan puntland Kama jirtoh khalkhal siyaasadeed AMA duufaan siyaasadeed. Waxaa ka jirah, hada puntland iyadoo doorasho Hal sano ka dhibantahay ayaa , waxaa qalqalinayah sadix nin oo lah doorasha ha laqabto. Marka Hadii uu qof wax khaldan soo qoroh, ma aha in aad soo gelisaan webka, oo aad tiraahdaan maxay idinlatahay! Raxanreeb dadka wax ku qorah AMA joogah maamulka, waxay mucaad ba-an ku yihiin maamulka puntland hada talada hayah. Laakiin kaligiin ma-aha mucaaradku, waa badanyihiin. Dhamaantiin waxaad ku guuldaraysateen in aad dawlada puntland wax ka qaadan. Waana arkidoontaan in aad ku hungaydaan mucaarnimadiina sidii awalba dhicijirtay.

  2. Hanad says:

    Puntland cidna amaankeeda kama baryeyso, kii qori u qaata, hadde qori baa loo qaadanayaa dhimashadu waa xaq, runta hadeynu ka hadalno, gaagaab iyo samatar qadiyadooda cid u nafbaxeysa majidho, kii u dhintana waa caaq,,,,…

  3. khusuusi says:

    Waxaad soo qorteyba waxaa isku fuuqsatey Compromise And Sacrifice. kkkkkkkkkkkkk tolow dadkan maxaa afkoodkii ku direy, erey bixin miyaad u waydey labadaas erey sxb. Isku-waantoobid iyo Wax-hurid. malaha labadaas erey ee soomaaliga ah ayaa soo kaa kaafin lahaa inaad soo amaahato erayo qalaad.

  4. cali says:

    waxaan la yaabanahay dadkaan reer puntland udhashay oo hadanah maalin kasta ku hayah puntland dhib maka badbaadi kartaa ama way bur bureysaa kaasi waan u maleynayaa in uu yahay rayi qof maskaxdiisu aysan dhameystirneeyn ama si daciifah wax u garato sababtoo ah afkiina waxaa ka dhamaan la a puntland way burbureysaa way baabaeeysaa iyo waxyaalo la mid ah qofkii burburinkaroow puntland hadaba qurbaha haka qaylinineee wadankii is keeeen ka bacdinah kaalay ku hindhis ama burburi

    taasi waa mid mida ah faroole madaxdii ka horeysay kuma darsanee maxaa asaga looga yeelay ma ahan hadaa hubto cade muuse intuu ahaa xiligiisii waxaan ma soo qorteen cade muse xiligii puntland wuxuu ahaa xilku sadex sano
    sadex sano hal sano ayuu ku darsaday markaasuu damcay in uu hal sano oo hadanah ddheeraad ah oo kii shanaad ku darsado markaas baa la yiri cadoow maya ceebnah ma ahan boqorku waaa tanaasulay sidii caadadu aheeyd waana ku mahadsan yahay marka ninkaagaan qoraalka orayoow wax hubi intaadan hawshaaan dhex dabaalan

  5. Buraashadley says:

    Faroole ha ka dego kursiga

  6. Cadde says:

    Kalsoonidii baa dhuntay dadkooda ha raadsadaan kuwa ay ku kalsoonaankaraan oo muraad xil iyo mid kursi aan lahayn

  7. Muwaadin says:

    Waxaan jeclaan lahaa in aan la hadlo kuwa comments-ka ka qoray maqaalkan ee isaga kaaya dhigaya in ay wax walba la socdaan, waxa soo socdana og-yihiin. Horta Allaha ka badbaadsho Puntland wixii dhibaato ah.. Aamiin. kelmad ka fiican oo aan oran lahaa ma jirto. Midse aan idiin sheego ma aha in aad af-qabataan cid walba oo wax soo qorta. Jaahilnimada iska daaya. qofkan ra’yigiisa ayuu cabiray ceebna ma aha in qofku ra’yigiisa cabiro hadduusan wax isku direyn ama dab hurineyn. Sida ay wax ugu muuqdaan ayuu sheegay. Waa in aad kala barataan ra’yiga iyo runta. Anigan idinla hadlaya ra’yigiisa ma qabo, maxaanse jawaabaa, kuwo dagaal ka soo horreeyo ayaa wax walba isku fuuqsaday. U jawaaba si ka maran jaahilnimo iyo istaag-taag oo maqaal loogu jawaabayo soo qora ama comments wax badali kara soo qora ama iska aamusa intaa wax ka dhaxeeya ma leh.
    Maqaalka waan akhriyay, cidina idinma oran Puntland wey burbureysaa ama dhibaato ayaa ku dhaceysa ee waxaan u gartay sidee looga sii gaashaantaa in arrintu tahay. Taana ma xuma oo waa la is-weydiin karaa. Waxa idin waalay ee aqoon-darada idinku wacan ayaan garan waayay. Ma sidaasaad Dowlad rabtaan in aad ku difaacdaan?? Ummadda ayaad ku sii direysaan ma ahane wax difaacid ma aha…

  8. M D nuur says:

    Waxaan u mahadcelinayaa bahda Raxanreeb iyo dadka fikerkooda dhiibta. Hadaan somali nahay waxaa caado noo ah, haddii qof uu qof qoraal soo gudbinayo, maa aha macnaheedu inuu qof ama qolo ama gaar u yahay. Waxaa maanta Puntland ka jira ma ah wax qarsoon, haddii laga hadlana ceeb ma aha. Maangaabka waa laga yabaa inuu dadka qabqabsado.Waxaan ahay akhristayaasha shabakada Raxanreeb waana taageersanahay sida hufan ee wararka iyo feikradaaha aniga iyo akhristayaasha nooga dhergiyaan. waa jiraan warar i dhibaya , hadana waa la kala aragti duwaanan karaa boowe, dulqaad aa loo baahan yahay.

  9. DHeere power says:

    Bismilaah,

    Puntland waxay burburtay beri hore markii xuduudaheeda la siiyey cadow
    markii lagu tuntay xeerkii dastuurkii

  10. Hassan says:

    WAR GO`AANAHEYN BAL LABADA EREY EE KALA AH COMPROMISE AND SACRIFICE AF SOOMAALI QUMMAN KU SHEEG.

  11. DHeere power says:

    Xeel-dheerayasha aduunka Intellectuals waxay isku raaceen
    Qofka aan afkiisa hodan ku ahayn inuu afafka kale !
    taa bedelkeeda soomaali badan ayaa u haysta
    Hadii uu ku hadloama qoro 2 eray oo ah afqalaad inuu cilmiga dhameeyey lol
    Af qalaad aqoontu miyaa maya waa intuu qofka eebe geshaa Abwaan Cali sugulle Duncarbeed.

Leave a Reply