Puntland Oo Sheegtay Inay Diyaarisay Ciidamo La Dagaalama Al-Shabaab
Garowe (RBC Radio) Maamulka Puntland ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo ka hortaga ururka Al-Shabaab ee ku sugan deeganada maamulka Puntland.
Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa sheegay in puntland ay haatan diyaar u tahay Al-Shabaab isla markaana ay diyaar yihiin dhamaanba ciidamada.
Wasiirka ayaa sheegay in la sameeyay qorshe gaar ah oo lagula dagaalamayo ciidamada Al-Shabaab si loo adkeeyo amaanka dhamaanba deegaanada Puntland.
Maxamuud Ceydiid Dirir wasaiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Al-Shabaab ay laayaan dadka waxgaradka ah iyo sidoo kale kuwa Bulshada waxgalka ah aysan dhaafin.
Ciidamada ayuu sheegay in la dhigay xuduudaha maamulka Puntland si loo koontaroolo dadka galaya deeganadaasi iyo waliba dadka ka baxaya waxa ay yihiin iyo halka ay u socdaan.
Al-Shabaab ayaa ku sugan buuraha gal-gala halkaasi oo ay kala dagaalamaan maamulka Puntland xilli deeganadaasi ay ka taagan tahay xasarad dhanka siyaasada.
RBC Radio
Xafiiska wararka Garowe













waar ka Qayilaada ka soo kacay miyaa afhayeen u ah Faroole???
Ileyn haddaan Caydiisa ka joogi weynay Raadiyeyaasha Puntland nin soo Barjeeyey oo laba yaryar iyo laba w/weyn biyo kulul ku soo liqay ayuu ahaa.
waxaan leeenahay ARI HUS QAAD QAMAXYOHOW, Ummad danteed ma wadadide caqaartaada faroole ka dhacso.