Qaar Kamid Ah Darawalada Gadiidka Booliska Soomaaliyeed Oo Maanta Tababar Looga Furay Muqdisho
Muqdisho(RBC Radio)-Tababar kor loogu qaadayo aqoonta wadayaasha gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Muqdisho looga furay askar ka tirsan darawaliinta gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed waxaana munaasabada xariga looga jarayey Tababarkan oo ka dhacday xerada gaadiidka booliska ee degmada C/casiis goob joog ka ahaa Wasiir dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka wasiir kuxigeenka wasaaradaas iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Shariif Sheekhuna Maye oo la dardaarmayey askartii tababarka maanta loo furay ayaa ugu baaqay iney ka faa’iideystaan tababarka ay fursada u heleen, wuxuuna ballan qaaday iney jiri doonaan tababaro kale oo boolisku ay heli doonaan sanadkan isagoona tilmaamay in dhawaan tababar kale oo ku saabsan baaritaanka danbiyada askar ka tirsan booliska looga furi doono dugsiga tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Jen. Kaahiye,
Taliyaaha ayaa sidoo kale sheegay in sanadkani uu yahay sanadkii booliska maadaama boolisku ay heleen tababaro badan oo kor loogu qaaadayo heerkooda aqooneed ,Aqoon Kororsigan ayaa waxaa maalgalinaya xafiiska qaramada midoobe u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS
Mahdi Maxamuud Cali oo ah wasiir dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo furay aqoon kororsiga ayaa ku booriyey darawaliinta iney si buuxda uga faa’iideytaan casharada la siin doono si ay uga faa’iideeyaan saaxiibadooda kale, isagoo intaa ku daray in si uu askarigu u guto hawshiisa uu u baahanyahay aqoon iyo qalab labadane ay u diyaariyeen darawaliinta maanta tababarka loo furay.
Dowlada Soomaaliya ayaa ku hawlan sidii ay dib ugu dhisi lahayd ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed ee Soomaaliyeed oo ay hooyo u yihiin ciidanka booliska Soomaaliyeed kuwaas oo ku burburay daqaaladii sokeeye.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho













Ha loo sheego reer muqdisho baaburtu in ay yihiin hanti qaran balse aysan aheyn bililiqo ,
Darwiish toban shaadhle, maxaad heysataa oo lagaa bililiqaystay.
Cuqdadloow, ku dhimo cuqdaddaada oday.
kkkkkkkkkkkkk gawaridaan oo loo kala qaatey kooxo iyo qabiil oo qaar waxaa lageystey jowhar,balcad oo beesha dagan ayaa islheysiisey oo hanti qaran meesha maba talo ee guryahii shacbka somaliyeed ayey xoog ku heystaan maxaa laga sugayaa mooryanta afka kala heysa oo bartey waxey fuulan iyo waxey dafaan iyo waxey dilaan waa iljeex tuugo ah oo ka timid galgaduud,cadaado,dhuso-mareeb