Qarax Khasaaro Geestay Oo Ka Dhacay Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow isgoyska KM4, waxaana qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada.

Qaraxaan ayaa wuxuu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso sida ay ku waramayaan dadka goob joogayaasha ah ee kunsugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa iyo Sadax askari oo ka mid ah askarta dowlada ee qaraxa lala beegsaday halkaasi ku dhaawacmeen, sidoo kalana waxaa burburay gaarigii qaraxa miino lala beegsaday.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya kuwaasi oo isgadaamay halkai, ka dibna sameeyay baaritaano.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowlada Soomaaliya oo ku aadan qaraxaan sidoo kalana ma jirto cid sheegatay in ay ka danbaysay qaraxaan.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Qarax Khasaaro Geestay Oo Ka Dhacay Muqdisho”

  1. axmed says:

    war dadyahow nbad wax ka wanaagsan ma jirtee,lacnadda ilaahay ha idin ku dhacdee dambiga iyo xasarada da ka ka daaya.shayaadiinyahay ale idin gub oo aakhirana idiin diid.

Leave a Reply