R.W. Shirdoon oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Q.midoobay Amb. Mahiga [Warsaxaafadeed]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Warsaxaafadeed R.W. oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Q.midoobay Amb. Mahiga

Axad, January 22, 2013—-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb. Augustine Mahiga.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay Horumarada Xukuumada, aqoonsiga Dowladda Mareykanka iyo sidoo kale Difaaca Xuquuda Aadanaha iyo Dib u dejinta Barakacayaasha Gudaha.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid iyo Amb. Mahiga ayay ku faah faahiyeen ujeedada kulankan iyo natiijada.

“Wakiilka Q/midoobay Amb. Mahiga waxaanu ka wada hadalnay waxyaabo badan oo ay ku jirto dadaalada Caalamku wado ee ku aadan Horumarka iyo taageerada Xukuumadda, wuxuuna inoo muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid oo xusay in Amb. Uu ugu hambalyeeyey Dowladda Mareykanku aqoonsigii ay u muujisay dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay inay ka wada hadleen dhowrista Xuquuda aadanaha, gaar ahaana ka hortagga falalka ka dhanka ah Saxafiyiinta iyo dumarka.

“Dowladdu waxay illaalineysaa isla markaana xushmad gaar ah u heystaa bahda warfaafinta oo iyagu u dhabar adeygay sidii ay bulshadooda iyo bulshada Caalamka ugu bandhigi lahaayeen xaaladdaha dhabta ah ee ka jira dalkeena” ayuu mar kale yiri R.wasaaruhu isagoo si gaar ah u xusay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan kooxo uu ku tilmaamay Iimaan laawayaal ku xadgudba sharafka Gabdhaha Soomaaliyeed.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/midoobay Amb. Mahiga oo isna hadlay ayaa u sheegay warbaahinta inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta la kulmo isaga oo ka wakiil ah Q/midoobay Ra’iisal Wasaare Saacid oo uu tilmaamay inuu yahay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumad Rasmi ah, Sharci ah isla markaana ku timid si Dumuqraadi ah.

“Waxaan rabaa inaan hortiina ka caddeeyo in Q/midoobay ay aad u taageersantahay Dowladda Soomaaliyeed oo ah Dowlad matileysa Shacabkeeda” ayuu yiri Amb. Mahiga oo xusay in Q/midoobay ay balanqaadeyso inay gacan ka geysaneyso Dib u dhiska dalka iyo Hay’addihii Dowladda.

Sidoo kale Amb. Mahiga ayaa tilmaamay in ay Dowladda ka taageerayaan Dib u dejinta Barakacayaasha Gudaha dalka ee tiradoodu gaareyso 1 Million, Nus Million ka mid ahna ay ku noolyihiin magaalada Muqdisho.

Amb. Mahiga ayaa uga mahadceliyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed sida ay u muujiyeen siyaasada cad ee ay Dowladdu fulineyso wuxuuna hoosta ka xariiqay inay aad ula dhacsan yihiin Wadajirka iyo Nufnaanta ay muuiyeen.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha ayaa si gaar ah ula kulmay bahda Warbaahinta gudaha iyo Dibadda, isaga oo si dhow u weydiiyay tabashadooda iyo caqabadaha jira, waxayna warbixin dheer ka siiyeen aragtidooda ku aadan sida ay ula dhacsan yihiin Dowladda Soomaaliyeed iyo Horumarka ay sameyneyso, waxayna ka hadleen falalka liddiga ku ah Saxafiyiinta oo ay codsadeen in laga hortago falalkaasi. Isagoo R.wasaaruhu ka dalbaday inay iska soo dhex xulaan Guddi u hadla bahda Warbaahinta.

—-DHAMAAD—

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

10 Responses for “R.W. Shirdoon oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Q.midoobay Amb. Mahiga [Warsaxaafadeed]”

  1. runsheeg says:

    KKKKKKKKKKK R/WAASARAHA AYAA U SHEEGEY INUU XABSI KU JIRO OO AY HEYSTAAN KOOX DAM-JADIID UUSAN DHAAFI KARIN AF-GOOYE MARKA MAHIGA OO YIRI DABARKA WAAN KAA FURAYA HADDII AAD IS-QABTAAN XASAN EE KA HOR IMAADA SIDA FARAMAAJO

  2. Xaashi says:

    Asc dhaman umada somaliyeed hadan rayigeeyga kadhiibto san u arko dowlada cusub waxaan shaki kujirin in aay 100%100 ay kawanagsan tahay dawladihii nasoo maray ee kudhisna isbarbaryaca iyo karti xumada bal eeg wali ma arag madaxweeynaha iyo raysalwasaaraha oo is haysto wasiirada oo lakala hayo barlamanka oo isqilaafsan intii yareed aydhisneedna waxbadan bay qabteen midnimada iyo iskuduubnidu waxbadan baysahasha marka alle waxan ooga baryaya in aay umada somaliyeed garato waxa aytahay midnimada iyo kala dambeeynta waxana filaaya mardhaw in illaah nooso cesho aqligeenii fasaxa nooga maqna iyo sharafteeni umadeenuna hakashaqeeyso isku uruurinta somalida kala irdhawday lana garab istaago wanaaga

  3. Galgala says:

    Maskiin, marka uu xasan culusoow tago oo kaliya ayaa loo fasaxaa in uu bannaanka u soo boxo oo xafiiskiisa loogu yimaado, waan ka xumahay raiisalwasaare sidaan ah waigay ma arag, waxaan kula talin lahayn mudane shaqadaada cidna ha uga haybaysan ee qaranka u shaqee waana in aad ogaato waxaad meesha ku joogta 4.5 ee ma tihin neef suuqa laga soo iibsaday oo kolba xariggii la rabo agu xiranayo goortii la rabana laga furayo, waxaan kuu rajaynaynaa in aad a midnoqoto raiisalwasaarayaashii kaa jorreeyey ee kartida badnaa

  4. soomajeeste says:

    @KKKKK RUNSHEEG malaha degaanka aad ka timid ayay raggu isqabaan balaayo kugu dhacaday mise gacantaa kagaa dhacaday mise afsomalia cayaalka bartay ayaad tahay.
    Galgaala kkkkk shaqadaada cidna ha uga haybaysan shaqadiisa fadhi ku dirir ka waa in ay u sheegaan PM kuna dhahaan idaacadaha ka hadal karti iyo mucaaradow xaal qaado.

  5. @ Rungeeg and Galgala calaacal ayaa idin dilay iyo cataw R/wasaare saacid inaad ciyeeysaan iyo in aad aamusan tihiin idinma kala oga balse waxaa cajiib ah adinka qoyihiinaan mj iyo waxa idinku ra.yiga ah
    markaad adinku wax noqotaan oo xil ianaga dhexeeya aad qabataan reerka Saacid kasoo jeedo ma calaacalan mana qayliyaan kaalintooda ayeey sugaan gobanimada ayaana ku jirta !!!!!
    waxaa iga su.aal ah kuwiina markay r/wasaarayaalka ama madaxwaynayaasha ahaayeen yeey matali jireen oo ay wax u qaban jireen waa reerkooda daliil waxaa kuugu filan camalkoodii iyo sida ay u hadli jireen hadaba ama saacid wax ka sheega ama farmaajo puntland ayuu burburinayay dhaha ragaas dadka ay kasoo jeedaan ayeey wax ku yihiin danahoodana ilaalinayaan ee inta iska aamustaan aashuunka isaga adima saas ayaa idiin dhaanta inta aad gun nimadiina iyo calaacal kiina dadka maqashiin lahaydeene

  6. walalayaal ogaada qofwalba waxuu hadlaa waxa uu aamin sanyahay mana aha in la is dhibsado
    MADAXDA QARANKA SADAXDA HAY ADOOOD OO USARAYSA WAX KHILAAFA MALAHA
    HAY ADWALBA WAXA AY HAYSATAAH SHAQADEEDA TAASINA WAA SAX 22 OO DHIB AH AYAAN SOO MARNAY MA WAX NAGASAARA AYAA LAGOOBAYAY MISE HURIYA WALALAYAAL
    QABIIL WAXBA LAGU QABANWAA QOOS QOOS LAGUWADA DAGIWAA WALOW ISKU AAD HAYBTIHIIIN QABIIL QANAC NOQONWAA HURINTA HADA QABIILKA NIN AAN XAKAMAYNKARIN
    WEEYE NINKA HURINAYAH WALALAY AAL QABIIL KU DIRIRKII WAXAA LAGA DHAXLAY ALSHABAAB KANHADAANA TIKTEE IYO ORAMO

  7. Cadaado says:

    @ Xaashi iyo Somajeesta, aad baad ugu mahadsantihiin caqliga wanaagsan ee idinku jira ee Ilaaheey idinku maneeystay.
    @ Galgala, waxaad kula talisay Ra’iisal Wasaaraha in uu karti muujiya, misana waxaad tusaalaha kartidaas u soo qaadatay Ra’iisal wasaarayaashii asaga ka horeeyay. Noo qeex waxa aad karti u taqaanid, maadaama eey dhamaan ra’iisal wasaarayaashii hore Farmaajo iyo Nuur Cade maahanee intooda kale lagu yaqaanay karti xumo, iyo is qabqabsi ayaga iyo Madaxweeynaasha sida Geeedi, Nuur Cade, iyo Cumar Abdirashiid iyo Abdi wali gaas oo labadaan danbe ee ka doorteen qaranimda qabiilkooda.

    @Runsheeg, adiga afka kala bax Ra’iisal Wasaaraha, hadii la’isku geeyo reerkiina oo dhan inta Garoowe iyo Boosaaso dagan, walaahi in aan la’idnka heleeyn astaamaha uu leeyahay Ra’iisal Wasaraha oo eey ka mid yihiin, Wadaninimo, Somalinimo, Vission amaba fiiro dheeri, aqoon, karti iyo waxyaabo badan oo laga waayay sadexdii Ra’iisal wasaare oo la’idinku fiiriyay, waa Xasan Abshir, Omar Abdirashid, iyo Cabdiwali Gaas. Kuwaasoo ahaa qaladaad aanan loo baahneeyn in mar dambe lagu celiyo. Believe me, dantiina iyo danta umada Somaliyeed ayaa ku jirta in aan Xilalka saas u culus la’idinku aaminin mar dambe. Aniga horaan uga tala bixiyay, laakiin waxaa Ilaaheey qadaray in waqti lagu qasaariyo in xilalkaas inta la’idinku tijaabiyo lagu qasaaro. Never ever again.

  8. Mahdi says:

    Calaacal.com

  9. c/ samad says:

    @ cadaado cawanka la baxay
    adiga taadaa ka haday maxaa kaa galay dad isku isir ah o hal meel kasoo wada jeeda
    Dr c/wali iyo farmaajo iyo sacid hal meel ayeey ka dhasheen taas la soco
    hadey hadalo is dhaafsadan dadkani walaaalaha ah iyaga ayeey quseeysa , lakin adiga boos kaagama banaana midkaasi la soco, u kala fiirso mesha aad ka hadleyso iyo mesha kale oo kugu haboon in aad ka dhiibato fikirkaga , adifa ina qeyb diid ayaaba xaran kugu heystee maxasa ka hadashaa

    waryaa wax makuu sheegaa dadkan walaalaha ah isaga bax wa iska kala danbeyan iyagaa is caaya iyagaa dadka iska jecel adiga waxa ku soo galiyay ayaanba la yabanay shit

  10. Mahdi says:

    @C/Samad qabiil umuu hadlin Cadaado, waa Wadani maaha qabiileyste. Cadaado boy noolow

Leave a Reply