RAADRAAC: Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Waxyaabihii Ay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Faroole Iyo Danjiraha Mareykanka oo Khamiistii Booqday Boosaaso


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Waxaa maalinimadii Khamiista ee 10/01/2013 magaalada Boosaaso booqday wafdi Mareykan ah oo ka socday Safaarada Mareykanka ee Nairobi isla markaana uu hogaaminayey Wakiilka dawlada Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan, waxayna kulan la yeesheen Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Booqashada wafdiga Mareykanka oo qaatay hal maalin ayaa waxyaabihii looga hadlay waxaa hadda ka soo baxaya faahfaahino dheeraad ah sida ay ogaatay Shabakada Raxanreeb.

Danjire James Swan ayaa markii uu tagay garoonka diyaaradaha Boosaaso waxaa soo dhoweeyay xubno wasiiro ka ah maamulka Madaxweyne Faroole kuwaasoo garoonka ku sii sugayey iyadoo ay sidoo kale amaanka wafdiga ay la wareegeen ciidamo ka tirsan waaxda argagixiso la dagaalanka ee Puntland ee loo yaqaano PIA (PIS).

Waqtiga booqashada wafdiga Mareykanka

Wafdiga Mareykanka ee uu hogaaminayey ninka ugu sarreeya xafiiska siyaasadda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ku soo beegmay xilli ay deegaanada Puntland ka jirraan labo arrimood oo xasaasi ah oo dawladaha caalamka ee waaweyn ay ka walaacsan yihiin.

Xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay muddo kororsiga madaxweyne Faroole ee sababay mucaaradada xoogan iyo in cunaqabateyn la saaro warbaahinta iyo siyaasiyiinta, iyo weerarada sii xoogeysanaya ee kooxda Al Shabaab ka bilawday deegaano ku dhow magaalada Boosaaso ayaa ah labo waxyaabood oo aad u xasaasi ah waqtigan oo ka jira Puntland.

Qodobada kulanka looga hadlay

Sida ilo wareedyo kulankaasi ka qeybgalay ay u sheegeen Raxanreeb, waxaa kulanka wafdiga Mareykanka iyo saraakiisha Puntland dhexmaray oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Boosaaso looga hadlay illaa saddex qodob oo waaweyn kuwaasoo kala ahaa;

1- Amaanka gudaha gaar ahaan la dagaalanka argagixisada oo wafdiga Mareykanka ay soo jeediyeen in la adkeeyo ciidamada PIA ee taageerada ay siiso dawlada Mareykanka.  Waxaana

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa wafdiga Mareykanka u sharaxay ciidamada ay tababreen SARACEN ee Booliska Badda.

2-Arimaha burcad badeeda oo qeyb ka ahayd kulanka ayaa dhanka Puntland waxay faahfaahin ka bixyeen hawlgalo ay sheegeen inay ku soo furteen shaqaale ajaaniib ah oo mudo dheer u afduubnaa burcad badeeda.

3- Xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Puntland oo sidoo kale laga hadlay ayaa danjire Swan wuxuu sheegay in bulshada caalamka oo Mareykanka ku jiro ay aad uga walaacsan yihiin caburinta siyaasadeed iyo mida saxaafadda lagu hayo ee ka jirta gobolka Puntland, Wuxuuna u soo jeediyey Madaxweyne Faroole inuu ogolaado in saxaafada iyo siyaasiyiinta isaga mucaaradsan ay helaan xorriyatul qawl.

Madaxweyne Faroole ayaa faahfaahin ka bixiyey aragtidiisa ku aadan dib u dhaca xilliga doorashada, nidaamka axsaabta badan ee shakiga weyn la huwiyey iyo isjiidjiidadka ka taagan gobolka kuwaasoo uu sheegay inay ka dambeeyaan dad uu ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxo argagixiso ah kuwaasoo uu ku tilmaamay inay rabaan inay dalka qabsadaan ka dibna ay caalamka ku duulaan.

Wafdiga Mareykanka waxay arrintaasi kaga ekaadeen inay eegi doonaan hadba isbedelada ka socda deegaanka ayna si dhow isha ugu heyn doonaan, sida ay Raxanreeb ilo ku dhow safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Markii kulankan uu dhamaaday wafdiga Mareykanka oo ay ilaalinayeen ciidamada PIA ayaa toos uga dhoofay garoonka diyaaradaha Boosaaso iyagoo aan wax shir saxaafadeed ah la gelin madaxweyne Faroole iyo wasiiradiisa, taasi bedelkeedana waxaa war saxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada Garowe oo loo qeybiyey warbaahinta lagu sheegay in kulanka uu ahaa mid la isku afgartay.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

7 Responses for “RAADRAAC: Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Waxyaabihii Ay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Faroole Iyo Danjiraha Mareykanka oo Khamiistii Booqday Boosaaso”

  1. wadaad yare says:

    Diblumaasiyadda R/Galbeedku waxey ku dhisantahey ishaa falateysi ee kuma saleysna mabaadi, qoran oon dhinacna loo dhaafi karin.

    Sidaas darteed way eegayaan sida xaalku noqdo si dhow ayeyna ula soconayaan. Ninkii soo baxana ama xoog haku soo baxo ama sharciye way la shaqeysanayaan hadduu isagu diyaar u yahey.

  2. Suldaan says:

    @wadaadyare

    Dhinac kale ka eeg arrinta- reer galbeedku waxa ay maalgashtaan inuu sii jiro way jecel yihiin; hadii wax lama filaan ah meeshu yimaado, waa inuu ku shaqeeyo wax ay doonayaan, ee iyaga lama shaqeeyaabn. waana haddaynan u fekerayn sidii loo fekeri jiray sagaashanaadkii.Adeegayaal baanu nahay

  3. ali jebiye says:

    faroole qofkii lahadlaa oo kasoohorjeesta fekerkiisa ama qaba feker kaduwan kan isaga iyo wiilashiisa waxaa uu reergalbeedka iyo igadba uguqayla dhaamiyaa AMA KUSHAABADEEYAA waa alqaciida waxaana sheekadaas layaqaan oo hore ugu fashilmay aabaha dhalay alshabaab oo u diray koonfur somaliya nin kaas oo ah horjoogha SNM EE siilyaanyo oo sita dhawr shaad oo midba midab dhiigle leeyahay faroole waxaan oran lahaa AAKHIRKA MEESHA AAD KUSOCOTAA WAA WIILASHAADA OO AAD KUSOO EEDAYSO WAASHABAAB IYO QACIIDA TAASNA WAA WAALI EE BEENTA IYO RIWAAYADAAS WAA DHAMAATAY EE OGOOW OO reerihii meesha dhistey ee kuudhiibtey baa kulahadlaya oo kudiidan ee wax kabedel huu haada iyo qar iskaxoorka ah

  4. garaad yusuf says:

    asc faroole markuu sheekaynayo beenbuu ku sheekeeyaa amaanadii dadka reer puntaland ay udhiibteena waaqayaanay axdigiina waa uu ka baxay taasi waa sifaadka lagu yaqaan munaafaqiin ta ee dad waynoow nin kaan munaafaqa ah ee dad kiisa dacwaynayo oo dalkii xooga ku haysto asagaaba meel xun ku dan bayn doonee iska daaya calaacalka ee waqtiga uu sheegtay haloo daayo ale kumaba nageeyee mucjisaa kasoo daahiridoontee suga oo ale ubarya in uu idin dhaafiyo

  5. wadaad yare says:

    Suldaan

    Waan kugu raacsanahey oo waxey ku shaqeeyaan “tuug aad taqaanno wuxuu dhaamaa mid aadan aqoon”!

    hase ahaatee R/Galbeedku way ka flexible yihiin Ruushka oo kalena ma ahan oo taageeradoodu waxey ku egtahey inta aad xoogga leedahey oo aad heysato fursad aad isku samato bixin karto. Markey ku arkaan inaan lagu badbaadi karin si dhaqsaa ayey dhanka kale kaaga wareegayaan!

  6. soomajeeste says:

    Reer galbeedka iyagaa loo shaqeeyaa dadka u shaqeeyana waa EEYO AY LEEYIHIIN kuwii ku doodi jiray PIA waa somali maxay inoo sheegi doonaan miyaysan markaa target ahayn?
    Maraykan iyo reer galbeed wey garanayaan wuxuushata wadamada islaamka siyaasiyiinta ka ah marka lagu kaco oo dadkisa ay diidaan dadkan waa argagixiso iyo argagixiso ayay xiriir la leeyihiin inta lagu qoslo ayaana laga tagaa wax badan ma soo kordhin wiilkan maqarka cad

  7. Ali Soomali says:

    Reer galbeedku danta dalkooda iyo dakooda ayey ka shaqeeyaan kuna mashquulsan yihiin habeen iyo maalin taasna way ku saxsan yihiin kumana qaldana inay maslaxadooda fiirayaan ee anaga maxaa inoo diiday inaan ka shaqeyno danta dalkeena iyo ummadeena, af soomali waxaan ka baranay sida wax loo dhaleeceyo iyo sida loo eedeyo umado kale laakiin inaga hoos isuma eegno, qarankeenii iyo dowladeenii ayaan gacanteena ku burburinay, aduunka oo dhan waxaan ka noqonay wax sanka laga qabsado markaas ayaan har iyo habeen faan aan meelna jirin iskugu fadhinaa, maxaad ku faantaa kuwa sanka kaa haysta makala yaqaaniin waxaan kala nahay waxay yaqaaniin dhamaanteen inaan soomali nahay dadka aduunka ugu liita, inaan xumaan oo dhanna anaga nagu soo aroortay. faan aan naloo ogeyn faalo noo noqon maayo ee reer faantamow futuda dedo.

Leave a Reply