Rabshado Loogala Hortagay Xafiis Ururka Midnimo Doonayey Inuu ka Furto Magaalada Gaalkacyo.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Midnimo Party

Gaalkacyo[RBC Radio] Wararka aan ka helayno magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dhalinyaro caraysan ku Qamaameen Xafiis Ururka Midnimo doonayey inuu ka fartu magaalada.

Urur Siyaasadeedka Midnimo oo maalmahanba kulamo ka wadey gudaha magaalada Gaalkacyo waxaa laga Jajabiyey Boor magacaga Ururku ugu qornaa,waxaana la Carqaldeeyey Xafladii furitaanka Xafiiska oo sida la sheegay Siyaasiyiin iyo dhalinyaro arbusheen.

Qaar kamid ah dadka joogay Xaflada furitaan oo Raxanreeb la hadlay ayaa sheegay in Jawiga Xafladu mar qura ay Isbadeshay markii ay soo galeen Siyaasiyiinta Cabdirixmaan Maxamed Gablax iyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ka dibna waxaa bilaabatay fawdo iyo in dhalooyinka Cabitaanka la isla dhaco.

Xaajadu,waxay si Xumaatay oo fawdadu bilaabatay markii uu hoolka Xafladu ka socotay uu soo galay Guddoomiyaha Ururka Midnimo Dr Saadiq Eenow,waxaana isbadel ku yimid Jawigii Xaflada oo noqday meel buuq iyo Sawaxan ka bilowday.

Daqiiqdado fawdo ah ka dib,waxaa joogsaday Hannaankii loogu talagalay in Xaflada furitaanka Xafiiska Ururka Midnimo ee magaalada Gaalkacyo  u socoto,waxaana dhalinyaro carysan ay dhulka dhigeen boor uu ku Xardhanaa magaca Ururka,waxaase xusid mudan wax Ciidan ka tirsan maamulka uusan goob joog ahayn xiliga fawdadu socotay.

Mid kamid ah Xubnaha ugu firfircoon Ururka Midnimo kana gaabsaday magaciisa ayaa u sheegay Raxanreeb in Ishortaaga lagu sameeyey Xafiiskooda uu ka danbeeyo Siyaasi Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab isla markaana uu Isagu yahay kan dhalinyarada kusoo kiciyey.

Ganacasade Siciid Cabdi Finin oo kamid ah dadka deegaanka oo Warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in aysan diidaneyn Ururka Midnimo balse ay diidanyihiin in   magaalada aan laga furan karin Xafiis uu leeyahay Urur sharci daro ku dhisan isla markaana aan matelin Shacabka.

…”’ Kaliya dadka waxaan u sheegnay inaan Xisbi meesha laga furi karin,anagu Midnimo ma aanan diidin,waxaanu diidnay Axsaab Sharci daro ah in laga furo gobolka Mudug cid khaas ah oo anagu aan u Jeednaa majirto….”"”ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in Urur ama Xisbi ka socda Xukuumada Wakhtigeedu dhamaaday ee Madaxweyne Faroole uusan ahayn mid Sharci ku dhisan,Shacabna aysan dooran kan ay diidayaana uu kaas yahay,waa sida hadal uu u dhigay.

…”"” Anagu waxaan diidnay Xisbi aan sharci ahayn,oo aan sharci ku dhisneyn oo aan Shicib lagu dhisin oo dawlad sharci ah aysan dhisin in la furaa diidnay ee Shakhsi iyo Xisbi gaara midna ma aanan diidin anagu….”"”ayuu yiri.

Ururka Midnimo oo Xafiiskii ugu horeeyey bishan 22.1.2013 ka furtay magaalada Boosaaso ayaa maantana qorshahoodu ahaa iney Xafiis ka furtaan gudaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaana Xaafada Siinaay kasoo horjeedka Hotel Seed,lamana Oga sida Xaaladu noqon doonto.

_____________________________

RBC Radio
Xafiiska Gaalacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

12 Responses for “Rabshado Loogala Hortagay Xafiis Ururka Midnimo Doonayey Inuu ka Furto Magaalada Gaalkacyo.”

  1. Cismaan Seylaan says:

    Walaalyaal Sheekadan maanta Gaalkacyo ka dhacdey waxaa ka danbeeya Faroole, isagaa soo adeegsadey ragan waayo wuxuu ogaadey in Bulshada Reer Gaalkacyo ey taageereen Ururka Midnimo, maanta Gaalkacyo waxaa ka furtey xafsiiyo labo Urur oo kale lama qasin oo looma diidin, sababta Midnimo loogu diidayo waa Ururka Kaliya ee challenge gareyn kara Ururka Horseed. Hadaba anoo ku hadlaya magaca Aqoonyahanada Gobolka Mudug, waxaan taageer sanahay Ururka Midnimo, kuwa wax magaradka ah ee maleegay arintan waxaan lee nahay ka waantooba. Horseed Iyo kuwa taageersan waxaan lee nahay, Your days are numbered. VIVA MIDNIMO.

    Cismaan Saylaan
    Gaalkacyo Puntland

  2. xasan says:

    waa waxlalayaabo shaqsiyaad fiashilmay inay isku dayaan codka dadwaynaha inay hor istagaan ciidamada qalabka sida ee boolisku waa inay soo qabtaan qabqab le kasta ama oday hasheegto ama hasheegto magaalo xala soo xidho danbilayaasha midnimo waa xisbi mucaarida oo hanle qorshe wanaagsana le midnimo waxan leeyahay dhalin yarada lahadla qanciya una sharaxa bar namij yadiina

  3. Caadilka says:

    Asc Dhamaan.
    waxaan is waydiinaynaa sababta ay Dowladda Puntland u soo qaban la’dahay Dambiileyaasha ay ka mid yihiin Gaagaab iyo Gablax oo qaska ugu badan ka wada Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland.
    lkn waxaa hubaal ah in maalin uun aanu horkeeni doono Cadaaladda qabqableyaashaas Insha Allaah.

  4. huseenmalaay says:

    Gaagaab waxaaan ku leeyahay waxaad heesataa dhalashada Danishka waana ku nooleed Danmark. Waa ku sidee dimuqraadiyada iyo ilbaxnimadii Danmark aad aragtay wax miyaadan ka faaidin waa adiga dadka aqoonta leh xisbigooda ku mudaharaadayo adiga iyo caruurtaada. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk adeeroow isku xishoow. reer mudug iyo sharciga yaa kala garnaqaayo

  5. asc
    @cisman saylaan
    sxbow horta inkastoo aanan jeclayn inaan shaqsi rr puntland ah la murmo ama aan faraha aan isku taagno haddana waxaad meeshan ku soo qortay is not the reality on the Ground” waxaan kuu caddaynayaa macqulna ila ahayn in faroole m/weynaha sharafta leh ee puntland arrintan aad ku eedaysay uusan shuqul kun lahayn kana warqabin.
    dadka waxan ka danbeeyaa waa layaqaanaa waa nimankaas adeeradaa ah GABALAX, GAAGAAB iyo kaa kale ee nabadoonka sheegaynaaya intuba waa IGNORANT and luck of nationalism adeer
    iyagaana abuuray this BRUTALITY VIOLENCE & OPPRESSINN- kanba waana lala xisaabtamaayaa tuugtaas jirri da ah…..

  6. Cabdiraxmaan Garoowe says:

    NIMANKA ku fashilmay siyaasada Puntland ee kala ah Cabdiraxmaan Gablax iyo Cabdisamad ma waxay bilaabeen inay fowdo ka abuuraan Puntland? Aaway ciidankii amniga? Aaway maamulkii Tigey?
    Labada nin waxay aheyd in xabsiga la dhigo.

    KU: CUSMAAN SAYLAAN: WAX walba madaxweyne Faroole miyaad u saartay. DOQON ay ku fogaatay naceybka Faroole. Waa raggan wax qasaya sow ma aha raggii shalay Faroole dagaalka kula jiray. Soo ma aha waxay qasayaan inay tahay maamul dimuqraadiyad inuu dhismo?

  7. ururka waa sheeko horle iyo qas dhibaato
    halajoojiyo mahaboona hurid dagaal
    faroole halkasano ku darso iskana daah qaska iyo xukun jacaylka halkii dhib ah oo aad huriso
    waxuu kaladilayaah walaalo israba oo caysh oo milixa nabada ilaalsada nabada ilaalsada

  8. Puntland boy says:

    Dhib ma jiro waa ilaahay mahadiis , Dadku waa diyaar aaqirkana waxay dooran doonaan xisbigii aay u arkaan inuu kaqanciyo waxuu maagan yahay hagaan fiicana leh iyagoon u eegeyn isir iwm, Rabshado maahan dadna lama dilin qofna ma dhaaawac min si civil ah ayaay dadku u diidi karaan waxay diidan yhiin, Dadka qaybtiis ee reer Puntland ah ogaada wadanku waxuu galayaa siyaasad kulul afkaana laiska weerari doonaa marka faroole & xukuumadiisa waa la dhaliilayaa ilaa ragbaa siyaasadi idinka ka dhaxeysaa sidoo kale raga xisbiyada wata iyo xisbiyadoodana waala weerarayaa yaan dhiig la’isku karin iskana daaya nin jeclaysiga , 1sano doodiisii waa dhamaatay , Puntland waxay gashay marxalad fiican ee Dadkaas sharafta leh ee Reer Puntland halooga faa”iideeyo Horumarkaan Electionka ah oo aan aheyn selectionka ,Viva Puntland & Jubaland

  9. ciid yare says:

    walaala yaal isku xishooda dadka puntland waa dad is jecel far iyo fool ah waa in aan tiigsanaa meesha aan usocono nin qas wadaana loo jooji maayo ee waxaa ka wayn dan teena iyo dalkeena waana dhamaan siday u dhamaatay halkii sano sidaa darteed aan eegno xaga wanaaga iyo dabinada nagu xeeran ee banaanka yaana nala ka faaiiday san dalool iyo nin caada qaataa oo xoogaa lasoo siiyay ee ha shaqeeyeen in dha heena iyo caq ligeena ayaanan ku dhicin godka naloo qoday dig toonow shacabow dig toonow waad digtoon tahee dig toonow guul puntland guul somaliya kkkkkkkkkkk

  10. Galow Fiin says:

    Waa yaabe Gaalkacayo hadday tiraahdo xisbiyadu sharci ma aha ,
    sidee baa wax looga soo dooranayaa ?.

  11. mohammed ali says:

    ASC
    Waxaa u malaynayaa inuu maamulka gaalkacyo arintaan lug ku leeyahay, khaasatan ku amaanka suga.Sidee ku dhici kartaa in lacarqaladeeyo urur ama xisbi meel ku shiraya. Dadku waxay xaq uleeyihiin inay ku mudaharaadaan oo kaliya. Mise waxay doonayaan xisbi jifo hoose, Waxaan oranlahaa reer gaalkacyo ha’ogaadeen in laga gudbay nidaamkii qabaliga ahaa sidaa ula socda, hadii kale baraxlay kudarsada.

  12. Xasbahale iyo Giglaale says:

    War niman yahow ma anagii baa isu humbaalaynayna, shalay waa tii nimankii reer garsoor ay wax naga tabanayeen ee ay lahaayeen Faroolaad nooga hiiliseen, hadda anagii markii aan isugu soo harnay magaaladii miyaan Puntlandnimadii. War hooy Puntland rabshada halaga daayo. VIVA VIVA PUNTLAND.

Leave a Reply