Rag Ku Labisan Direeska Ciidanka Dowlada Oo Maanta Dhac Iyo Kufsi Ka Geystay Duleedka Degmada Afgooye
Muqdisho(RBC Radio) Darawalka gaari ay maanta dhac iyo Kufsi u geysteen Rakaabkii saarnaa rag ku labisan direeska Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa saxaafada uga waramay tacadigii ay maanta kula dhaqaaqeen dableydaas hubaysan, wuxuuna sheegay in gaarigu uu kasoo ambabaxay magaalada Marka kuna soo jeeday magaalada Muqdisho Darawalka ayaa tilmaamay in xili ay marayeen afaafka degmada Afgooye ay kusoo bexeen rag ku labisan direeska ciidanka dowlada oo ku amray gaariga inuu dib u laabto, wuxuuna sheegay in markii ay tageen deegaanka lagu magacaabo Labada dhagax ay raggaasi baarasho ugu dhaqaaqeen rakaabkii gaariga saarnaa.
Wuxuuna intaa ku daray in markii ay qaateen dhaman taleefanadii gacanta iyo lacagihii ay wateen rakaabka gaariga saaran ay fal waxashnimaa kula dhaqaaqeen labo gabdhood oo gaariga saarnaa oo uu sheegay iney u geysteen fal foolxun oo kufsi ah Ninkan ayaa sheegay iney wargaliyeen ciidamada Nabadsugida dowlada Soomaaliya isagoona sheegay in ragaas ay markii danbe ku baxsadeen dhanka beeraha kuyaal wadada Awdhiigle.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo ka hadlay dhacdadan maanta ka dhacday duleedka degmada afgooye ayaa sheegay iney arintani tahay mid anxdin leh oo laga xumaado wuxuuna ballan qaaday in maamulkiisu uu kulan deg deg ah ka yeelanayo arintan maanta dhacday, C/qaadir Sidii ayaa sheegay in falalka nuucan ah ay kusoo noqnoqdeen gobolka Shabeelaha Hoose wuxuuna ugu baaqay hay’adaha iyo wasaaradaha ay quseyso waxkaqabashada arintan iney si deg deg ah arintan usoo fara galiyaan isagoona si gaar ah codsi arintan ku aadan u diray Wasiirada Gaashaandhiga, Arimaha gudaha iyo amniga qaran iyo wasiirka Cadaalada.
RBC Radio













falalka noocaan oo kale waxa fuliya ma aha dad degaanka u dhashay ee waa dadka u soo haajiray gobolkan ee kala yimid gobolada dhexe iyo wixii xamar waqooyi ka xiga, dadkaas haddii aan lagu celin meeshii ay ka yimaadeen weligeed nabadgelyo lagu taamo ma kadhalan doonto shabeelada hoose.
waan kaxumahay wataas dowlada laleeyahay wax bay qabataa waas ayaa lagaa leeyahay waa dowlad rasmi ah waa mooryaantii isbaarada oo dowlad loogu yeeraaya waxaaba kaaga siidaran kii madaxda ka ahaa dalka waa lax dhukan abaar moog alow dowlad qayr qabta iyo madax daacad ah aamin kkk
Ilaahey nabad ha inoo soo rogo! Waa arin naxdin leh!
Rag ku lebisan dareeska ciidanka dowladda???
Ereygaan ma ceeb astur bay idinka tahay maad xaqiiqda sheegtaan oo dhahdaan “askar ka tirsan ciidanka dowladda”. Yaa wax laga qarinayaa soo soomaali ma wada nihin?