Raysal Wasaare Ku Xigeen Ahna wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Oo La kulantay Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Wadanka UK
Muqdisho (RBC Radio) Raysal wasaare ku xigeenka Ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan ayaa la kulantay Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Ingiriiska.
Kulanka Raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada ay la yeelatay Jaaliyada Soomaaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa looga hadlay waxyaabo badan
Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadan Uk ayaa kaga warbixiyay wasiirka xaaladooda iyo waliba sida ay ugu faraxsnyihiin in ay la kulanto wasiirka arimaha dibada Soomaaliya.
Sidoo kale qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay iska uruurinayaan dhaqaale, iyagoo xusay in ay kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonaan dib u dhiska dalka.
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo xaflada ka hadashay ayaa sharaxday waxqabadka dowladda, iyadoo tilmaantay in xukuumaddu ay qabsatay Boqol Maalmood oo ay wax muuqda kaga qabaneyso xaalada dalka.
Raysal wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda oo socdaal shaqo ku joogta dalka Ingiriiska ayaa London kula kulantay dhiggeeda dalka Ingiriiska waxaana lagu wadaa in ay u sii gudubto wadanka Talyaaniga.
RBC Radio
xafiiska Wararka Muqdisho













kkkkkkkkkk naagtan oo calanka somaliya gubtey oo hadda ay dabda ka soo riixayaan mooryanta fiiqatey somaliya marka waxba yeen been idiin sheegin waa naag dan gaar ah wadata oo somali aan la maqshiin karin
wasiirada waxaan ka codsanaynaa midnima dadka iyo dalka in ay ka shaqayso
islaanta aabaheed sidan maqlay wuxuu ahaa nin jecel soomaalinimada
Lakin iyaga ujeedadeeda waxa ay ka aaminsan tahay midnimada
walaalaha soomaaliyed 1960 weli ma qeexna !
Fowzia warka shaaca ka cadee waxad u dhaaratay
Calanka iyo jamhuuriyada Somaliya oo mid ah qabiilna qaran ma noqdo.