Raysal Wasaare Saacid Iyo Wasiiro Booqday Isbitalka Madiina Ee Magaalada Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta booqasho ku tagay isbitalka Madiina magaalada Muqdisho.
Raysal wasaaraha ayaa la socday wasiiro ka tirsan xukuumada kuwaasi oo kala ahaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Taliyaha ciidamada nabadsugida Qaranka iyo saraakiil kale ayaa saaka booqday cisbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Eaysal wasaaraha Soomaaliya ayaa soo qiimaynayay xaalada dadka bukaanada ah eek u jira Isbitalka Madiina, wuxuuna sidoo kale dadka qaar uu xaaladooda u weydiiyay mis mis.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa warbixina ku saabsan xaalada cisbitalka ka dhageystay agaasimaha cisbitalkaasi, wuxuuna Raysal wasaare Saacid tilmaamay in xukuumadu ay wax ka qabandoonto duruurfaha ka jira cisbitalka.
Isbitalka Madiina ayaa waxaa horay u booqday qaar ka mid ah xuibnaha golaha wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya, laakiin waa markii ugu horaysay oo uu Raysal wasaaruhu tago isbitalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














God Job saacid
shaqo wanaagsan mudane saacid waxaan kuu rajeynayaa guul iyo in alle kaa badbaadiyo cadowga wejiga dfuubta ee daraad isku dayey in ku khaarajiyaan aamiin aamiin