R/wasaaraha Soomaaliya Oo Safar Gaaban Ku Tagay Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha Hoose


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Raysal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa maanta safar gaaban ku gaaray gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaa degmada Afgooye iyo deegaanada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye Raysal wasaaraha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayey masuuliyiin dhowr ah oo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo uu kamid ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.

Raysal wasaaraha ayaa markii uu gaaray degmada Afgooye kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmadaas waxaana saxaafada uga warbixiyey waxyaabihii uu ku saabsan safarka uu Raysal wasaaruhu ku tagay magaalada Afgooye gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Max,ednuur Siidii waxa uuna sheegay in socdaalka R/wasaaruhu uu ahaa mid gaaban oo Raysal wasaaruhu  ugu kuurgalayey xaaladaha dadka ku nool degmada Afgooye iyo deegaanadii kale ee uu  gaaray R/wasaare Saacid.

Dadkii kulanka la qaatay R/wasaaraha ayaa cabashooyin ku aadan dhibaatooyin ay ku hayaan ciidamadadowlada waxa ay u gudbiyeen R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya  C/qaadir Siidii ayaa tilmaamay in R/wasaaraha si diiran loogu soo dhaweeyey deegaanadii uu safarka ku tagay.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixinaysay sugida amaanka Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye iyo duleedyadeeda halkaas oo ay dhibaatooyin ka geystaan qaar kamid ah Milateriga Dowlada Soomaaliya oo dhibaato kula dhaqaaqa shacabka taagta daran, waxaana safarka R/wasaaruhu uu qeyb ka yahay in dowlada Soomaaliya ay ka go’antahay ilaalinta shacabka Soomaaliyeed oo mudo dheer dhibaatooyin kusoo jiray.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

10 Responses for “R/wasaaraha Soomaaliya Oo Safar Gaaban Ku Tagay Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha Hoose”

  1. Qoono; says:

    Waxaa hubaal ah inuu yahay nin degen
    Nabadoon somaliyeed ah,og xilka culeyskisa
    Iyo baahida dadkiisa waxaa jira kuwa ibliisku
    Uu wax u sheego oo balaaya sheeg ah intaas
    Ka shaqeeya sidii ay madaxdeena isaga hor-
    Keeni lahaayeen.khilaaf waxa uu wax u tari lahaay
    Ali mahdi & aydiid ,abdi qasin & ali kh galeyr
    Abdulahi yusuf &geedi sh sharif & gaas !
    Adigoo intaas og daruufta dadkaada og xaalada
    Dalkaada ogowna aakhiradaada oon ruuxna
    Ku saacidi doonin camalkaada mooyee ‘

  2. wanka mudug says:

    qoono adeer waa gartaa oo adeerkaa culusaw baa isku qaatay shaqadii madaxwaynaha iyo raisalwasaraha ee hadii saacid uu shaqadiisa qabsan lahaa sikale ayaa u hadli lahayd oo ah hadalkii mooryaanta 22sano ayaa sidas ka dhigteen bililiqo kufsi,isbaaro maantana markii culusaw ismahdiyay ayaad wada shiikh iyo mooryaan noqoteen laakiin 4sano kabacdi qoono adigoo mucarad ah yaan lagu arkin.

  3. jugsodhacay says:

    kkkkkkkkkkkkk raisalwasaraha mawaxaa soo kiciyay saacadii uu usoo dhiibay aamiin caamir laakiin aamiin caamir waxay ahayd inuu 5saacadood u dhiibo saacid oo hal saacad kuma filna oo afgoye ayay gaarsiisay malaha 5saacadood ilaa kismayo.galkacyo iyo garowe ayay gaarsiin lahayeen.

  4. Mahad says:

    Ninkan Xamar iyo Afgooye dhexdooda inuu dhaafo looma ogola miyaa,miyuu xidhan yahay?,yaab.

  5. soomajeeste says:

    ACWW:
    TO:JAALLE RAISAL WASAARE
    Waxaan aad ugu faraxsannahay in aad safar ku tagtay Afgooye iyo qaybo ka mid ah Muqdisho.Waxaa hubaal ah inta uu suxay Mr QOONO waxaa laga yabaa in uu ahaa reer wabi qoono wabiyadaa laga helaa.
    Ku soco qunyarnimadaada ha dhagaysan kuwa jecel xumaan,ha u istaagin kuwa jecel isqabqabsiga iyo xishood darada sababtoo ah waxaa ay taa keenidoontaa ankee in aad ka carooto guryaha Muqdisho ee dadka somaliyeed dhisanayaan amaba aan caasimadda u quuri weydo samaafalayaasha iyo layrarka solar ka ku shaqeeya kuwaasi waa kuwa maalin iyo habeen internet yada kugu haysta illaa reerkaaga ay caayaan.
    Jaale xoogaa codka yara weynee sidii Gen kii addeerkaa ahaa dad badan ayaa u baahan codkaa qaarna waaba lagu sexxiyaa qaarna waxaabay qaateen in ay qalad ahaayeen in ay la dagaalamaan
    Shaqo wacan safarkana badi oo meelo badan aan kugu aragno Jaale ha u istaagin kuwa qaylada isqabqabsiga beenta nolosha ka dhigtay,somali waxaa ay u baahan tahay isutanaasul is-ixtiraam degenaan iyo dawalad wax un u qabsoomaan marka yaanay dhicin kuwa geesaha kugu dhegan ee malintii lagu magacaabay xafiiska ganbada cad saartay ha u istaagin intooda qabiilku dilay.

  6. wadaad yare says:

    KKkk

    Ra,iisal wasaaruhu wuu ogyahey kuwa ku wardinaya howshiisi ayaa nin kale qaatey ujeedkooda oo isagaa yiri “kuwaasi waa dad is leh khilaafka madaxda dan gaar ah ayaad ka heleysaan”!

    Somaliya systemkeedu waa kan france oo kale ee France madaxweyne miyaa dowladda ugu sarreeya mise labo madaxweyne ayaa ka jira?

    Dadkaan leh ra,iisal wasaaruhu wuu hurdaa waa dad raadinaya dal labo madaxweyne leh.

  7. Jubaland says:

    Dastuurka. Soomaliya waxaa shaqada iyo awooda leh raisalwasaraha , madaxwaynaha awoodiisa Waa koobay tahay oo Waxuu lamid Yahay madaxwaynaha ithobiya, saacid Hadii. Uusan shaqadiisii qabsan Danba Waa laysku arkin. Wiilashaan. Saas ku faraxsanaw. Adeer kin culusaw u sheega shaqada wasiirada iyo raisalwasaraha faraha hakala baxo Americana ma jecla diktaatoor, waxan xasuustaa dawladii c/laahi iyo geedi. Wakhtigii baydhabo Ayaa xaruntii baarlamaanka oo shir kasocday Ayaa kuraastii loogu tala galay c/laahi iyo geedi , waxaa kala fariistay c/laahi iyo xaaskiisa, , c/laahi waxuu arkay geedi oo tagaan oo xishonaya, c/laahi Si caro ku jirto ayuu xaaskiisa ula hadlay kuna dhahay meelahaa fariiso oo ninka booskiisa uga kac, hadaba maalin. Kursiga saacid laga kiciyo. Gurgurte baa imaan. CID kale iska dhaaf. Jufada uu ka dhashay Ayaa kasoo horjeesan oo bahdilaad iyo sasabaad mooryaanimo lasocoto lama rabo Hadii soomalinimo iyo daacadnimo larabo dadkoo dhan halaga arko maxaa Sade kaliya Wadani iyo soomali kadhigay.

  8. leeg says:

    wadaad yare @ oo kalay dalka dastuurka u degsan matqaanid miyaa waxa uu ku dhisan yahay mise indhaha ayad ka qabsanaysa in madaxwaynuhu qaatay howlo aan dastuurku siin xita hadii ay asaga iyo saacid ku heshiiyeen oo isku afgarteen wax dadka somaliyeed u cuntama maha wayo wa sharci daro madaxwaynuhuna waa inuu sharciga raaca teda kale adigu waxan hubaa haduu saacid saas mayn laha oo shaqada madaxwaynaha faraha la gali laha ama boobi laha inaad maanta qayli af labadi yeeri lahayd balse inaad xassan ku taageerto khaladkiisa adoo reer nimo eegaya mahan wadaniyad ee wa qabyaladayste-nimo bal meeshay somali qabyalad gayso aan aragno waxan is waraysan doona 4 sano kadib

  9. wadaad yare says:

    Leeg

    In ra,iisal wasaaraha shaqadiisa madaxweynuhu qaatey ma adigaa lagu weydiinayaa mise dalka dowlad leh baarlamaan,maxkamad sare ayaa ka jirta?

    Ra,iisal wasaarihii miyaa kuu soo cowdey? Ma baarlamaankii ayaa ka hor yimid? Ma maxkaddii dastuuriga aheyd?

    Mayee dad fadhi ku dirir ah ayaa ra,iisal wasaaraha ka rabi lahaa iney ku shaahaan madaxweynahii, ra,iisal wasaarihii iyo guddoomiyihii ayaa is khilaafsan!

    Waan ka xumahey iney boring kugu dileen ood la,dahey wax aad ku faakiheysato!

  10. soomajeeste says:

    @WADAAD YAR dadkan qaylinaaya Raisal wasaaraha la reer ma ahan hadduu Abduwali ahaan lahaa waan naqaan sida ay u hadli lahaayeen,ba’aa ma professerka waa yaqaan shaqadiisa ankee wuxuu ka qayliyay layrarkii solarka ku shaqaynayay kkkkkk siyaasad ayaa la mooday isqabqabsi isjiidjiid saacid iyadoo la isku dhagan yahay ma dhalan haddii uu madaxweynuhu khaldan yahana hab loogu sheego ayaa jirta ee arrintu waa origa oohinta ka weyntii la sheegi jiray waxaa siyaasad iyo caqli iyo ilbaxnimo la mooday in meelaha dhafi ku dirirkalaga qayl qayliyo oo siyaasadda laga sinaysto wadankan waa qabri qabrina qori kutuur mooyee qori ka qaad ma leh maxaa la isku qabsadaa oo meeshan yaal?dal baabay oo masiibadiisu cadahay ayaa la leeyahay malin kastaa maa la isku qabqabsado maan ku waano qaadano inti na soo martay ee wax u socon waayeen isqabqabsi awgii maxaase laga helyaa isqabqabsi?war hala xishoodo oo illahay halaga baqo

Leave a Reply