R/wasaare Saacid: Annagu Waxaan Taageeraynaa In Shacabku Ay Soo Doortaan Maamuladooda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Muqdisho(RBC Radio) Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose wuxuuna sheegay in markii uu kulamada la qaatay bulshada shabeelaha hoose ay weydiiyeen su’aalo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen ma u madax bannaanahay samaysashada maamuladeena iyo dhab ma idinka yahay nidaamka Federaalka ee ay ku dhisantahay dowlada Soomaaliya,R/wasaaraha ayaa tilmaamay iney si cad ugu sheegeen shacabka magaalada Marka in dowlada Soomaaliya aysan ka hor imaan doonin rabitaankooda.

R/wasaaraha ayaa sheegay inuu u cadeeyey dadka ku dhaqan Sh/Hoose in dowlada Soomaaliya ay u madaxbaneynayso iney soo dhistaan maamulkooda iyo iney sugtaan amnigooda “waan idinku taageeraynaa rabitaankiina dowladune idinkuma jujuubi doonto masuuliyiin aydaan dooneen ayuu yiri R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon oo maanta la hadlayey shacabka ku dhaqan magaalada Marka.

R/wasaaraha ayaa intaa ku daray inuu kusoo arkay magaalada Marka Burbur,dib u dhac ,baqdin iyo dhibaatooyin kale oo haysta bulshada ku nool shabeelaha Hoose isagoona dhanka kale ku sifeeyey shacabka Gobolkaas iney yihiin dad jecel dowladnimada iyo nabada kuwaas oo waftigiisa kusoo dhaweeyey sacab iyo mashxarad sida uu hadalka u dhigay.

Warar hoose oo  aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in shacabka magaalada Marka ay cabasho ka dhan ah gudoomiyaha gobolka Sh/Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii  u gudbiyeen R/wasaare Saacid  waxaana R/wasaaraha dhankiisa uu u ballan qaaday in dowladu ay taageeri doonto rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ayna tixgalin doonto go’aan ka gaarida aaya ka talintooda.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

13 Responses for “R/wasaare Saacid: Annagu Waxaan Taageeraynaa In Shacabku Ay Soo Doortaan Maamuladooda”

  1. waad mahadsantahay R/wasaare waana kaa filaynay dadku waa in ay soo doortaan maamuldooda
    dawladunu waa in ay dadka ku garab gashaa sidii ay maamulada usoo dhisan lahaayeen
    balse maamuladaas waa i aysan noqon maamulo laga koontaroolo dawlada dariska sida maamulada qaar ay hada yihiin waa in ay dawlada somaliyeed ay ku dhexmilmaan oo go.aankeeda ku shaqeeyaan

  2. oska says:

    mareexaan wuxuu iska jecel yahay daacadnimo iyo dowladnimo waa dad masaakiin ah oo il madoow ah war yey idin habaarin bal iska ilaaliya

  3. oska says:

    wuxuu iska jecel yahay daacadnimo iyo dowladnimo waa masaakiin oo il madoow ah war y habaarin bal iska ilaaliya marka saas ula socda

  4. Max,ed xaashi says:

    Masha allah wa guul ay kunaloon karto xukumada somaliya warkasuna wa warcad dadkuna ayaka umadax banan mamulkoda marka waxa lagaray marki somalidu ayahoda katashan lahayeen kana gudbilahayen macnadarada iyo mucaradka an waxba sokordhineyn marka dadku haka fa ideystan fursadan qaliga ah

  5. B Jameeco says:

    Hurdadii muu riyo ku darsaday, war gobolka aad ka soo jeedo kala hadal arimahaad ka hadlayso. Gurigiinii nadiifso horta waxaadan aaminsanay ha noo sheegin

  6. Ali soomali says:

    Rasiulwasaare runtaa waaye shicibka waa inay soo doortaan maamuladooda laakiin Shebeelada hoose waxaa wax ka maamula dad ka yimid gobolada dhexe oo ay soo dirtay dowladdii hore, mana aha cadaalad waa si deg deg loo qaada.

  7. Diirshe says:

    PM Saacid iyo Madaxweynaha waa kala mabd’a. Laakiin waan soo dhoweynayaa hadalkiisan, haddii ay ka dhab tahayna Shabelada Hoose Magoolyinkeeda oo idil waxa haysta reer Galgaduud sida Afgooye kuna habsaday ilaa iyo Ceelasha Biyaha, welibana ay isku haystaan Taliyaha Bolliska, Mayorka iyo adeegyadii kale ee Bulshada taas maaha wax loo dulqaadan karo. Cid walba waa inay gurigoodii ay ku noqdaan.

  8. Indheer Garad says:

    Waa arrin wanaagsan oo weliba cad oo aan mugdi ku jirin. Arrimahaasi waxay fududeynaysaa hor u socodka iyo dawlad wanaagga. Haddii shacabka la siiyo kalsoonida iyo lahaanshaha aayahooda waxay soo dedijinaysaa horumar iyo wada shaqayn buuxda. Maamulada ma keeni karaan baan qabaa xujooyin balse in adeegayaashii bulshadu ay u hawlagaan si dhakhso ah shacabkuna ka soo kabtaan dhibaatadii aafaysay mudadaas dheer, waxay kale ay abuuraysaa in ay si cad ula dagaalamaan Alshabaab iyaga oo aan rabin in deegaankoodu hoos u dhaco. Waa tartan ay tartami doonaan maamuladu kuna tartami doona horumar iyo wax qabsi. Waxaa kula talin in Dawladdu ay fududeyso arrimaha maamul sameynta lana gacan qabto, isla markaasna ay waardiyayso in xaquuq tir iyo sed bursi lagula kaco mujtamacyada qaarkood oo ka mid ah beelaha Soomaliyeed oo looga baahan yahay dawladdu inay il gaara ku fiiriso haddii la duudsinayo.
    Haddii arrimahaasi ay dhaqan galaan waa la hubaa in muddo yar Dalka Soomaliya uu noqon doono dalalka u qanisan qaaradda Afrika ama dunidaba.

  9. Puntland man says:

    Warkaas. Waa. War fiican oo lagu farxo laakiin. Xasan gurgurte iyo odayasha USC. Madaxooda Yaa gelin doona oo ka dhaadhiciyay siin doona ilayn caqli goodu Waa Waxba masamaysan karno, Somalida kalana yaysan Waxba samaysan, xasan oo ku hadaaqaya soomaliya dawlad dhexe ayay lahayd, hadana Aan iswaydiinayn in lagu jiray 22sano Fawdo ah , soomali kala tagtay oo Aan israbina layskugu Keenay. Deegaankiina maamuladu idinka u samaysanaya, Hadii xasan taa diidana isagana Waa ladiidin.

  10. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    Thank you, Mr. Prime Minister, waa war fiican warkaas, waana war loo baahan yahay inta shakiga iyo buuqa ka qabta xukuumadaada in Dowlada Jamhuuriyada Somaliyeed eey rabto in gobol kasta oo 18 gobol ee Somaliya uu qof kasoo jeeda halkaas gudoomiya u noqda, golaha deegaanka gobol kastana eey ku wada jiraan qabiilada kala duwan. Oofka gudoomiyaha ka noqonaayana uu ahaado qof Dowlada dhexe iyo midinimada iyo qaranimada Somaliyeed aaminsan, balse aan aheeyn nin qabyaaladiista ah, sababtoo ah, qabiil amaba qof qabiil gooni ah waxba iskiis uma sameeyn karo, sidaas owgeed waa in Dowlada dhexe eey aarbitaro ka ahaataa maamul u dhisida gobolada dalka. Dad badan ayaan rabin in Somalia cagaheeda ku istaagto mar kale; waliba waxaa ka mid ah oo ugu horeeya maamul beeleedyada Garowwe iyo Hargeeysa.

    Jaale Ra’iisal Wasaare, koleey waan ogahay in adiga iyo team kaaga iyo waliba madaxweeynaha, iyo gudoomiyaha baarlamaanka aad tihiin dad “vision” iyo aragti dheer leh, oo doonaya in aad Somalia bog cusub u furtaan. Waxaanse idinkaga digayaa in aadaan dhag jalaq u siin kuwa idin lug gooynaya, kuwa raba in eey Dowlada Somaliyeed qasaan, oo uu ugu horeeya qasawade Faroole, iyo inta yartaa ee ku hareereeysan. Yaanan loo dabcin, yaanan jil jileec loo muujin munaafaqaas oo kale. Yaanan qaswadinimadiisa indhaha laga qabsan. Waa in aanan laga xishoon qaran duminta iyo qabiilka uu wado in uu umada Somaliyeed ku celiyo. Waad mahadsantihiin. Viva Somalia.

  11. Mahdi says:

    Mudana Ra’iisal wasaare waad mahadsan tahay Laakiin cadawga Soomaalida hor’umarkeeda neceb oo reer Pintland kow ka yihiin ka digtoonow, ha u tagin waxba ha dhagaysan hadaladooda beerlaxawsiga iyo calaacalka iyo awrkacsiga miiran ah. Mudane Ra’iisal wasaare dadkaasi waxay aad u neceb yihiin koonfurta Soomaaliya inay hagaagto!

  12. Indheer Garad says:

    @Puntland.

    Maanta way ka tagtay in mudane Culusow iyo USC la geliyo dhegahooda, waayo waad ogtahay incaalamku ka dheregsan yahay inay yihiin aan shaqo ku lahayn horumar waana sababta keentay in 22 sano ay ku dagaalamayeen Koonfurta Soomaliya. Waxaa loo diyaariyay nidaam aysan ka talaabsan karin waana midka ah dastuurka Federaalka. Qofkii buuqaya isaga ayay u taal, ka leexasho macnaheedu waa dib u noqosho. Dadkaan jahligu hareeyay oo uu ka mid yahay CADAADO ma fahmi karaan sida wax u socdaan wax awoodoodu ku egtahay inta yar oo qabiilka ah oo aan aragti kale ku jirin. Waad ogtahay waxaa lagu xaydaamay Garoowe1,Garoowe2, Gaalkacayo iyo Kampala Accord meelna uma bixi karaan intay warmaha wateen baa hawsha geedisocodka la soo afjaray waana mid afka meel loo saaray. Haddii Xasan Culusow iyo xulufadiisu isku dayaan inyar oo hagardaamo ah inay u geystaan Dastuurka waa lakala dhaqaajin wax haatan awood badan oo gacanta ugu jirtaana ma jirto aan ka ahayn FADHI KU DIRIR.

  13. ladan says:

    waan layaabanahay puntland kan ku hadlayo majirtaa cid aad wax u quurtiin quuri waagu wa kii aad kudishen alaha uraxmadee cabdirashiid cali sharmaake,oktober 13keedii 1969.maxamed siyaad kudili rabteen 1978dii alana ka badbaadiyay cabdulaahi yuusufna uu idinka soo cararay xasan shiiqna ku caayeysaan silaanyana ku afxumeyneysaan wa iga suaale idinku maxaa rabtiin oo aan qaribaad ahayn nin war cey ka yaqaan socd laafyo kayaqaan hunguri eryid kayaqaan xoolo riyo kayaqaan dagaalna carar kayaqaan dhaqana qiyaano kayaqaan warkiisa waan kasoo daalay
    soomaliyeey umadaa dhib kama xageeyo

Leave a Reply