Safiirka Soomaaliya U Fadhiya Dalka Yaman Oo Ka Dayriyey Xaalada Maraakiib Soomaaliyeed Oo Qarka U Saaran Iney Quusaan
Muqdisho(RBC Radio) Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Yaman Cismaaciil Qaasim Naaji oo wareysi siinayey Laanta AfSoomaaliga VOA_da ayaa shaaca ka qaaday iney xaalad qatar ah ku suganyihiin 4 markab oo ay lahayd dowladii Soomaaliya kuwaas oo xiligan ku sugan wadanka Yaman Safiirka ayaa sheegay in hadii aan labo Isbuuc gudahood dayactir loogu sameyn iney suurta galtahay iney gabi ahaanba quusaan.
Safiirka oo kormeer uu ugu kuur galayo xaalada Maraakiibtan iyo Shaqaalaha saaraan ayaa gaaray goobta ay yaalaan Maraakiibtaas oo ay haysato dhibaato baaxad leh wuxuuna sheegay in maraakiibtan ay u baahanyihiin gurmad deg deg ah si loo badbaadiyo, isagoona sheegay iney hortaagantahay waxkaqabashada dhibaatada Maraakiibta dacwad uu sheegay inuu u haysto ganacsade u dhashay wadankaasi Yaman oo sheegaya inuu Maraakiibta ku leeyahay lacag ka badan 1 Milyan oo doolar.
Safiirka Soomaaliya ee wadanka Yaman ayaa dowlada Soomaaliya ka codsaday iney wax ka qabato dhibaatada haysata hantida qaran ee umada Soomaaliyeed maadaama uu wadanku kabaxay kumeelgaarnimadii , wuxuuna sidoo kale baaq u jeediyey shaqaalaha Maraakiibtaas oo Soomaali ah iney ku marqaati furaan ninka reer Yaman ee dacwada beenta ah kusoo oogay hantida Soomaaliyeed iney waxba kama jiraan tahay Sheegashadiisu isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey in Soomaalidu ay ku guuleysato dacwadaas.
Shaqaalaha Maraakiibtaas oo ay ka midyihiin Badmaaxayaal iyo Injineero ka hawlgalayey Maraakiibtaas ilaa xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa ka codsaday dowlada Soomaaliyeed iney badbaadiso hantidaa qaran oo ay sheegeen in hadii ay badda ku dhacaan lagu soo saari doono lacag ka badan mida hada lagu sheeganayo, waxayna sheegeen iney naftooda u hureen badbaadinta hantidaa Soomaaliyeed iyagoo u sheegay madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya iney maareeyaan Hantidaas umada ka dhexeysa oo xiligan baylahda ah.
RBC Radio













A,W,
inay quusaan mise inay degaan, fadlan af-soomaaliga ha la ilaaliyo, gaar ahaan saxaafaddu xil ha iska saareen waxay qorayaan, mahadsanidin.