Sanadguuradii 1aad Ee Maamulka Khaatumo oo Laga Xusay Magaalada Nairobi Laguna Taageeray Midnimada Soomaaliya (Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Munaasabad aad u ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin iyo dadweyne oo lagu maamuusayey xuska sanadguurada 1aad ee aas aaska maamulka Khaatumo ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Munaasabadan oo ahayd mid ballaaranisla markaana ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi ayaa waxaa si aad ah loogaga hadlay dareenka farxadda leh ee ay dadkii ka soo qeybgalay ka muujiyeen socdaalkii madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay wadanka Mareykanka taasoo horseeday guul taariikhi ah ka dib markii mudo 22 sanadood ah dawlada Mareykanka ku dhawaqday inay si buuxda u aqoonsatay dawlada Soomaaliyeed.

Sidoo kale ka soo qeybgalayaasha iyo dadkii hadalada ka jeediyey ayaa carrabka ku dhajieyey in maamulka Khaatumo uu astaan u yahay ilaalinta iyo xoojinta MIDNIMADA ummadda Soomaaliyeed, isla markaana dadweynaha ku nool gobollada Khaatumo laga dhisay ay wax kasta u hureen jiritaanka midnimada iyo magaca Soomaaliya.

Waxay sheegeen in madaxda dawlada federaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay mudan yihiin hambalyo iyo taageero culus sida ay ugu istaageen soo celinta sharafta iyo ummadanimada Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo la xusay tallaabooyinka dhowrka ee dhanka horumarka bulshada ee ay qaaday xukuumadda tobanka wasiir mudada afarta bilood ee ay xilka heysay.

Dhinaca kale waxay marti sharaftii isugu jirtay ganacsato, bulshada rayidka, iyo arday ee hadalada la siiyey ay lafa gureen arrimo badan oo ku saabsan xaalada deegaanada masiirka iyo horumarka ay u baahan yihiin dadweynaha reer Khaatumo inl laga geysto deeganada khaatumo State ee aan helin wax horumar dhinacyada arrimaha bulshada ah.
Xaflada oo socotay in ka badan labo saacadood ayaa waxaa masuuliyiin isugu jirtay siyaasiyiin iyo wakiilo ka socday maamulka Khaatumo ay sheegeen inay shacabka Khaatumo State ee Ku Dhaqan Magaalada Nairobi ku amaanayaan inay si wayn u muujiyeen dareenkooda farxadeed ee maanta, iyadoona halkaasi lagu soo bandhigay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka, Buraan Buro, Gabayo iyo wacdaro kale oo qayb ka ahaa dabaal Degga.
_____________________________________________
RBC Radio, Xafiiska Wararka Nairobi.
Sawirqaade: Cadnaan Saalax Maxamed

Use Facebook to Comment on this Post

Share

7 Responses for “Sanadguuradii 1aad Ee Maamulka Khaatumo oo Laga Xusay Magaalada Nairobi Laguna Taageeray Midnimada Soomaaliya (Sawirro)”

  1. galdogob-valley says:

    reer khaatumo aad bay ugu mahadsanyihiin sida ay qaranka isu geestaageen wana waajib saran dadka oo dhan in laga wada shaqeeyo midnimada iyo nabada ummada somaliyeed oo dhan wana u hanbalyayanaya reer khaatumo

  2. maamulgobeleedyada khhatuma ugu xaflad badadanha midoobaaniyagu oo somalilandiyo puntland
    hakabaxanmeel ha istagaan layaqaan oo calooshood ushaqaystayaasha ha iska saaraan
    waadad wanaagsan oo siyasadu kaxumaatay waiirada somaliyana kahelaan xaqoodawaa ,waa laduudsiyay.oo puntland iyo somaliland baa uheshiyay.qaybi oo xukunlaga dhigayyaa maalijiray
    warreer duloobay oday dooraala lagu dawgalwaa kuwa kalaraacay labad maamul
    cali khalifna waa halyay tolwayaydhulbahantaa siyayaasiyiintooduqaar baa noqdaykuwo
    danta guud ka hormariyamushahaarkooda yar berbere boosasao. fiirsada

  3. gaasira says:

    dadka reer khaatumo waxaa dhib wayn ku haysay siyaasadii duel trak policy oo ay s/land iyo p/land ku badhaadheen iyadoo labadaa maamul degaanada khaatumo u heshiiyeen kuna tilmaameen meelo khatar ah oo argagixiso joogto si ay qaybta mucaawinada ee degaanadaa afka u dhigtaan iyadoo labadaa nidaam isticmaleen danaystayaal degaanka ka soo jeeda lkn maanta reer khaatumo ka baxe afkii libaax oo waa ka tashadeen aayahooda

  4. laasqoray boy says:

    war gabdhaha reer khaatumo quruxbadanaa ma janadii baay ka soo xagaa baxeen!!!

  5. Dadaalaa wuu garaa, rer khaatumo in badan waad hurudeen dantiina hadaad garateen illaheey ha idinla garab galo shacab soomaaliyeed oo xalaal ah ayatihiin.

  6. Khaatumawi says:

    Hambalyo iyo sanadguuro wacan ayaan leeyahay dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo ka Khaatumo State of Somalia.
    Runtii fursad fiican baanu haysanaa hadaan Somalia nahay waana waajib kuligeen Ina saaran in la xoojiyo midnimada iyo wado jirka wadanka Soomaaliya sida dowlada Mareykankuba cadeysay

    Viva Somalia
    Viva Jubbaland
    Viva Khaatumo State

  7. CALI DHUUX ADAM says:

    waad mahdsantagii Bahda raxanreeb iyo shaqaalaheeda, sidoo kale umada somaliyeed ee wanaaga jecel ilaahay haynala garab qabto wadankeenii, calankeenii, iyo caasimadeenii, ciidankeenii, culumadeenii, wax gardkeenii oo wada socda gacmaha ishaysta in ilaahay mar labaad ina tuso amiin aamiin,,,, guulbaanu idiin rajaynaynaa khaatumo waa halbolaha umada somaliyeed lakiin waa inta ilaahay garansiiyey……..

Leave a Reply