Sarkaal Yugaandheys ah oo Dalbaday: Waqtiga Joogitaanka AMISOM Waa In La Kordhiyaa
Kampala (RBC) Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada lugta ee wadanka Yugaandha Jen Katumba Wamala ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in la kordhiyo waqtiga joogitaanka ciidamada AMISOM ee gudaha Soomaaliya kaasoo ku eg bisha Maarso ee soo socota.
“Si ay Soomaaliya uga soo kabato colaadaha ragaadiyey mudadada labaatanka sano ka badan waa in joogitaanka AMISOM loo kordhiyaa” ayuu yiri sarkaalkan oo Muqdisho ku soo booqday askarta Yugandha ee AMISOM ee halkaasi joogta.
Mudo hadda ay ka dhiman tahay labo bilood oo kaliya ayaa u harsan sharci ahaan waqtiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay u ogol yihiin inay AMISOM joogaan gudaha Soomaaliya.
“Soomaaliya waa ilmo yar oo kale”
Jen Katumba ayaa sheegay in Soomaaliya weli ay tahay wadan yar oo ka soo baxaya dhibaatooyin amni xumo isla markaana ay tahay inaan looga tegin xaalada hadda ay ku jirto.
“Soomaaliya waa sida ilmo yar oo socod barad, waxayna caawimaad uga baahan tahay caalamka oo dhan.” ayuu yiri Katumba Wamala.
Taliyaha ciidamada lugta ee Yugaandha wuxuu sheegay in rabitaankii adduunka ee ahaa in la arko Soomaaliya oo keligeed taagan aan weli la gaarin, isla markaana weli ay jirto baahida loo qabo in xoogaga AMISOM oo Yugandha ciidamada ugu badan kaga joogaan ay ku sii sugnaadaan gudaha Soomaaliya.
Wuxuuse dhinaca kale sheegay in rajo ay ku soo laabaneyso caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo hadda dad badan ay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan.
“Garoonka diyaaradaha Muqdisho wuxuu maalin kasta qaabilaa illaa 40 duulimaad oo badankood dadkii dibadaha ku maqnaa dib ugu soo celinaya, halka dekeda Muqdishana ay soo istaagaan maalin kasta 15 markab oo badeecooyin kala duwan sida.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Bishii Nofembar ee sanadkii tagay ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay afar bilood oo kaliya ugu kordhiyeen waqtiga hawsha AMISOM ee gudaha Soomaaliya. Waxaana golihu dhegaha ka fureystay dalabyo ka imaanayey madax ka tirsan gobolka Geeska Afrika oo codsaday in waqti dheer la siiyo AMISOM.
Golaha Amaanka waxaa kaloo uu diiday dalab ka yimid saraakiisha AMISOM oo ahaa in loo ogolaado inay ku dagaalami karaan maraakiib iyo doonyo dhanka badda si ay u weeraraan goobo ay ku sugan yihiin Al Shabaab taasoo Goluhu uu diiday, walow ciidamada Kenya oo qeyb ka ah AMISOM ay dagaalkii Kismaayo u itsticmaaleen maraakiib iyo doonyo.
Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumud oo wareysi siiyey Raxanreeb ayaa qiray inay weli jirto baahidii maraakiibta iyo diyaaradaha ee ay AMISOM dalbatay taasoo Qaramada Midoobayna ay ku soo diidey. [WAREYSIGA AFHAYEENKA AMISOM]
Hadda oo ay ka harsan tahay labo bilood oo kaliya waqtiga AMISOM ayaa dad badan waxay isweydiinayaan waqti intee la eg ayey Qaramada Midoobay siin doontaa AMISOM?
Aragtida dawlada Soomaaliya
Dawlada federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inay dooneyso in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid ay hogaankiisa leedahay dawlada Soomaaliya ciidamada AMISOM [ee ka socda Yuganda, Burundi, Kenya iyo Jabuuti] ay ku koobnaadaan caawiyayaal.
Qorshahan ayaa sida wasiirka arrimaha guduhu uu sheegay la horgeyn doonaa Midowga Afrika kulan uu bisha soo socota ku yeelan doono magaalada Addis Abababa ee xarunta wadanka Wthiopia.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi















waa sax waa in amisom noqdaan kuwo ka amarqaata dawlada soomaaliya halkii awal ay ahaayeen kuwo iyaga looga danbeeyo hawlaha amaanka ,taasina aysan hada soomaali u cuntamin mardanbana amisom waa inaysan noqon xarig lamasitaan!
AMISOM ma waxey doonayaan sidey LEEGO CAARUURTA IYO WAAYEELKA ugu laayeen iney meel walba dadka ku laayaan oo $500 MUSHAHAR AH ASKARI KASTAA QAATO, war na dhaafa qurunyahow.